Dooddii
Abwaannada
Waxaan nasiib u yeeshay in dhageysto dood dhex
martay abwaannada soomaaliyeed ee maanta kuwooda ugu horeeya (Dooda
halkan ka dhegeyso)Abwaannadaas
waxay kala yihiin
- 1.Abwaan Maxamed Ibraahim Hadraawi
- 2.Abwaan Mustafe SHeekh Cilmi
- 3.Abwaan Axmed Faarax Cali Idaajaa
- 4. Abwaan Cabdi Muxumad Ammiin
Dooddaas oo ah mid aad u xiiso badan waxaa gundhig
u ahaa: Muxuu yahay doorka uu ku lahaa
abwaanku burburkii qaranka? muxuuse yahay doorka hadda uu ku yeelan karo dib u
soo celinta qarankeenii aan burburinay?
Doodda waxaa lagu bilaabay taariikh kooban oo ku
saabsan kaalinta ay aabwaannadu ka qadan
jireen hurinta colaada ama daminteedaba waxaana soo jeediyey abwaan Axmed F.C.
Idaajaa.Abwaan Idaajaa wuxuu u qaybiyey
saddex marxaladood, kuwaas oo kala ah:
1. Xilligii Qabiileysiga: Xilligaas ma
jirin wadaniyad Soomaalida midisa abwaankuna wuxuu ku hadli jiray afka
qabiilkiisa, wuxuuna tusaale u soo qaatay Qamaan Bulxan oo tolkii ku dardar
gelinaya inay iska dhacshaan dad uu markaa u arkayey in tolkiis dantooda ka hor
imaanyaan iyo Salaan Carrabey gabaygiisii caanka ahaa ee samataliska ahaa ku
caan baxay: Waar tolow colka jooja.2.
Xilligii ay soo baxday wadaniyadda soomaalidu:
- a) Sayid Maxamed Cabdulle Xasan 1899-1920.
- b) SYL 1943-1960.
Sayidka(Daraawiishta) iyo SYL labaduba waxay
ahaayeen xoogag waxadani ah suugaantana u isticmaalay si ay u kiciyaa dareenka
wadaninimo.3. Xilligii uu jiray
qaranka soomaaliyeed 1960-1991.
Xilligan-waliba dowladdii kacaanka ahayd- waxaa
soo baxay qaar ka mid ah abwaannada oo suugaantoodii u isticmaalay sidii ay u
isticaali jireen kuwii noolaa xilliga 1aad (qaranimada ka hor, waa xilligii
qabiilaysiga). Tusaale fiican wuxuu u sooqaatay Allah ha naxriistee abwaan
khaliif Sheekh Maxamed gabaygiisii uu ku kiciyey qabyaalada gabaygaas oo sida uu
yiri abwaan idaajaa bilow u ahaa masiibada marxaladan madow oo aan ku jirno
maanta. Abwaan idaajaa wuxuu si aan mugdi geli karin noo tusay in abwaanku uu
hurin karo colaad ama baajin karo asagoo adeesgnsaya suugaantiisa.
Abwaan idaajaa doorkiisii doodda taariikhdaa
kooban oo quruxda badan ayuu ku koobnaa.
Intaa ka dib, waxaa bilaabatay dooddii
dhexmartay saddexda abwaan ee kale.
Abwaan Maxamuud Cabdullahi Sangub a yaa bilaabay , waxaana uu ku bilaabay
canaan kulul oo uu dusha uga tuuray abwaannada kuna eedeeyey inay ahaayeen kuwii
burburka dalka ka shaqeeyey markii uu burburayna ay gabeen kaalintoodii.
Abwaan Hadraawi,' dalka abwaan ma burburin ee hub-xabbad-
ayaa burburiyey/burburisay' ayuu ugu jawaabay canaantii kululayd ee abwaan
sangub. Sidoo kale, Abwaan Mustafe Sh. Cilmi iyo Abwan Cabdi MUxumad Ammiin
waxaa la fikir ahaayeen Abwaan Hadraawi, oo way ka soo horjeedeen aragtida ah in
abwaanku uu dalka bi'iisa kaalin ku lahaa. 'hadalka abwaankuna wuxuu haa in mar
walba la tilmaamo wixii qaldan si loo saxo' , ayuu raaciyey Hadraawi.
'Qaxan hadda jira ma biaalban hadda. waagaan
dhashay waa la qaxayey. awawgeygii 13aad ayaa gabay ka tiriyey asagoo tilmaamaya
nabad reer tolkiis la galeen qolo kale in uusan ku qancsanayn dagaalna ka door
bidayo', ayuu ku bilaabay abwaan M ustafe dooddiisa.
' Abwaanku wuxuu sheegaa marba wixii jira waa sida
joornaal oo kale-maalinle oo kale- markaa wixii marakaa taagan yauu ka hadlaa
abwaanku. Mana qabo in abwaanku u kaalin ku lahaa burburkii dalka', ayuu yiri
abwaan Cabdi Muxumad Ammiin. Doodda
inteeda hartay kale waxay ku wareegaysay intaa aan so sheegnay.
Maxaa Lagala Bixi Karaa Dooddan
Runtii dooddan oo kale waa mid aad muhiim ah.Aad
ayeyn ugu mahadsanyihiin walaallaheena noo suuro geliyey in aan fursad u helno
in aan maqalno fikradaha abwaannadeena ayagoo kala jooga meelo aad u kal
durugnsan. Doodadan waxaa
laga qaadan karaa:
1.Kaalinta ay ku lahaayeen abwaannadu qaranjabka
na gu habsaday, taas oo ay si cad u qireen labada abwaan ee Sangub iyo idaajaa.
Si toos ahan uga dalbaday abwaan Sangub in abwaannadu horta ayagu isa saxaan oo
dib u saxaan qaladaadkii ay galeen kuna bedalaan suugaantii sunta dilaaga ahayd
ee burburka horseeday mid fiyow oo ka daweysa maanta cudurkii ay ayagu ummada
dib u galiyeen waa qabiilkee kaas ay ummada ka daaweeyeen geesiyaashii SYL,
qarannimaddana u taagay tiirar adag. waayo 'balaayo ninkii keena ayaa bixiya'
sida uu sheegay abwaan idaajaa.2. In
abwaannada qaar ay aamminsan yihiin in gefef ka dhaceen balse aysan dooneyn inay
si toos ah eedda u qaataan mas'uuliyadeeda, ee ay doonayaan in ay saaraan dad
kale.
'Aniga markii la saaray siyaad - yacni Allaha u
naxariistee Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre- ayaan gabay yar oo qabiilka la
xiriira ka iri' abwaanku wuxuu sheegay inuu ka xunyahay gabaygaa uu sheagy inuu
tiriyey , markii la weydiiyey ma jirtaa qaar ka mid ah suugaantaada oo aad u
aragto maanta inay qaldanayd. Sidaa si la mid ah waxaa ayana sheegay abwaan
Hadraawi iyo abwaan Cabdi Muxumad ammiin, inay markay dib u jalleecaan qaar ka
mid ah suugaantooda ay jeclkaystaan inay sidaa si ka duwan u dhigi lahaayeen.
3. Abwaannada qaar inay illoobeen kaalintooda
muhiimka ay ku leeyihiin ummada iyo in ummadu ayaga uga fadhido inay ku hagaan
hilinka toosan.
xasuuso bal suugaantii kooxda waaberi:
- 'dadweynahan hanuuninaa,
- hagaajinaa danta u hagnaa
- ma hagranee waan u hawla galnaa'
Intii dooddu socotay abwaan Sangub wuxuu ku
celcelinayey in abwaannadu ay ka kacaan jiifka oo ay wax u sheegaan dadkooda oo
abwaanku sheegay inay yihiin kuwo ugu dhaga nugul abwaannadooda, waxaanan
filayaa taas inuu qirayo abwaankasta oo soomaaliyeed oo garanaya sida ay ummaada
soomaaliyeed u qadariso suugaan yahankooda. Waxaanse aad ula yaabay in aysan ka
muuqan abwaanada kale dhiillada abwaan sangub oo qaar dhufays galeen ' abwaanku
wuxuu la mid yahay dadka kale wax aan dadka kale qaban ma qaban karo abwaanku!' ,
abwaan Hadraawi ayaa ugu jawaabay codsigii Abwaan Sangub.
4.In Abwaannadu yihiin dad maskax furan kana duwan
kawa isku sheega siyaasiinta laakin ayaga iyo siyaasaddu aysan waxba wadaagin.
Waayo abwaan kasta oo doodda ka qayb qaatay wuxuu qiray inay jiraan qalad ka
dhacay maraxalad ka mid ah taarikhdiisa suugaaneed uuna ka qoomamaynayo. KA
waraN siyaasi is-moodyada nalaku ibtilleeyey ISKA daa INAY qirtaan gef ka dhacay ama
ka qoomameeyaan, waxay ku faanayaan gaboodfalladii ay gaysteen. Una
diiyaaryihiin inay kuwo ka sii foolxun galaan.
5. In abwaannada soomaaliyeed yihiin yihiin
wadaniyiin markasta iyo meelkasta oo ay joogan aysan isla bedelin dabaysha jirta
hadba sidaan uga baranay siyaasi is-moodyada.
Markii la weydiiey abwaan kasta wixii ugu xumaa
oo soo mara intuu noolaa, mid walba wuxuu qiray inaysan waqti uga xun
noloshiisa xilligan uu ku jiro jiro wadanku qaran jabka. ' Ima soo marin mana
filayo inay i soo marayso nolashayda xaalada maanta soomaali ku jirto. weliba
waxa maanta soocnaya oo muqdsho uu itoobiyaan hasyto', abwaan Hadraawi ayaa yiri
mar la weydiiyey xilligii ugu xumaa ee soo mara noloshiisa.
Gebageb:
Sida Runtu tahay abwaanku kaalinta uu uga jiro
ummada la mid ma aha sida qof caadi ah oo kale sid aya sheegeen qaar ka mida
abwaaannada dooddu.Abwaanku waa
hogaamiye aan dhicin. Suugaanta abwaanku waa raadka an dib ugu raacno waayadii
ummaddeena, waa hilinka noo iftiimiya timaadada.Abwaanku ma dhintee waa dhuuntaa
waayo inta u noolyahay qof soomaali ah way la nooshahay suugaanta abwaanku.
Marka ay dhacaan ama wax ku soo kordhaan ummadda
soomaalida farxad , naxdin , iyo wax kasta oo kala soo darsa nolosha , waxay
dadku u cararaan xagga abwaanka kaas oo suugaantiisa iyo aqoontiisa waayaha
ummaddiisa oo uu dheeryahay ugu iftiimiya wixii uga aadan arrintaas kana haqab
tira baahida ya u qabaan taladiisa.
Haddaba abwaanow sida uu sheegay awaan Sangub ka kac jiifka oo qaado kaalintaada.
'Waan ka xumahay' ma qancinayso ummad
jahawareertay oo tabaysa kaalintaada ee meel aaad madaxdeeda tahay majaheeda la
iskama dhigo kaalintaada qaado. Tiri tixaaga kuwaas oo aan hubo marka ay ku
dhacaan dhagaha soomaalida ayagoo kula jiibinaya ay fulinayaan wixii aad u
timaanto. Abwaanow ma illowday
kaalintii ay soo qaateen abwaannaddii gobanimodoonka sida Sayid maxamed Cabdulle
Xasan, Ismaaciil Mire, Cali Xuseen, Cabdullahi Suldaan Tima-cadde iyo kuwo kale
oo faro badan.
abwaanow:
Waari mayside War ha kaa haro
Cabdi Maxamed:
abdimmc@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: April 15, 2007


|