SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SSC: Hayb Naaxsadaad Noqotayoo kula heshiinmeyno (Maamulka Puntland) 

cabdiwaaxidC/Waaxid C/hi Khaliif


London, UK

cabdulwaxid@hotmail.com 


Ilaah baa mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato. 

Ma maantaa xitaa dadkii dad noo xigey nala leeyihiin: Puntland innaga keliya (Boosaaso, Garoowe iyo Gaalkacyo) baa sidaan rabno ka yeela! Maxaa gaarsiiyey in dadkaas ehelka ah ay eeddaas dusha nooga tuuraan? 

Nus darsin sanado ah ka badan baan dadkeyga kaga digayey 

  • inaan diinta Ilaahay iyo dadkeega lala dagaalin

  • in qabiillada kale in aan isku soo dhowaanno maahee aan la kala fogeyn

  • in aan cadowga Itoobiya waddanka la soo gelin

  • ineynaan sabab u noqon kala-googo’a Soomaaliya

Maantadaan aan joogno waxaad mooddaa in arrimahaas oo dhan aan lugaha la galnay. Maamulka Puntland ee hadda iyo kii hore ayaa mar kasta ooy arkaan qof Ilaah yaqaan waxay u qaadaan cadaawad iyo iney kor ugu dhawaaqaan iney la dagaalayaan xitaa haddii wiilashu ay yihiin kuwa dad ugu xiga. Waxay isku dayaan iney raadshaan cadowga Soomaaliyeed iyagoo leh: waxaan halkaan jooga dad raba iney soo nooleeyaan sunnadii nabi Muxamed (SCW)! Sidaas darteed waxay gaareen heer ay maamulka Itoobiya iyo kan Bush ku soo hogaamiyaan Soomaaliya. 

Maaddaama Soomaali qabiil qabiil noqotay ayaan waxaan u eexday reer tolkey markey noqoto suugaanta. Inkastoon gabyaaga Soomaaliyeed ee kale wax ka xuso laakiin waxaan xoogga saaraa nin ay aad u fahmayaan oo ka soo qeybqaatay dagaalkii Kulmis iyo Xabashidu Soomaali ku soo qaadeen. Gabyaagaa Allaha u naxariistee inkastoo uu cadow dhinaca ku qabtay haddana wuxuu ahaa nin Ilaahay keliya yaqaan. Mar kasta oo Kacaankii Oktoobar wax ka sheegayo wuxuu ku durijiray iney diinta Ilaahay ka leexdeen. Halka maamulka Puntland mid hore iyo mid dambaba ay qofkey caayayaan dhahaan wuxuu raacay nabi Muxamed (SCW). Khaliif Sheekh Maxamuud oo diin Ilaahay caaya marna ma maqal. Bal isla gabyaagaas oo sheegaya wanaaga diinta aan milicsanno: 

  • Hidaha iyo diintey ummadi,    horay ku gaartaaye

  • Haddii aadan ha’diyo woow aqoon,   hoogtay aakhiro’ e

  • Waxaan horay u baran baa tahoo,   kula heshiinmeyno
     

  • Islaannimadu waa heybaddaan,   hoodo ku laheyne

  • Waa …………………………… ninkaan,   heysan baa ba’aye

  • Haddii aad halloow maqan ka tahay,  kula heshiinmeyno
     

  • Culamadii haddaad haankiyo,   haninyihii goysay

  • Toban iyo hal dheeriya haddaad,   subax hareereysay

  • Hororyahow wadaadada cunaa,   kula heshiinmeyno

Hadda maxaa Xamar ka dhacaya? Yeey farax gelineysaa in wiilal Puntland ka yimid inta Xabashi iska hormariso tiraahdo laaya qabiillo kale? Weligey isma oran degaan intaas le’eg baa inta wiilashooda la soo wato saas loo galayaa! War miyaan meesha waxgarad joogin? In kastoo gabyaagaasi jeclaa inuu hab qabiil wax ku dagaalgasho laakiin wuxuu sawirayaa marka qofku madax noqdo inuusan dadka qabiil iskugu dirin: 

  • Hud-hud iyo af-miishaar uumiyaha,  weysku huriyaaye

  • Halhal bey isagu jeediyaan,    heballadoodiiye

  • Habkii Koofil oo kalaad noqotayoo,   kula heshiinmeyno
     

  • Waayeel had iyo jeer dantuu,   ku hindisoodaaye

  • Hagaag buu dadkiisa u dhaqaa,   hagar la’aaneede

  • Oday heelo……… noqotayoo,   kula heshiinmeyno
     

  • Haah iyo maya dilkuba aduu,   kuu halheysyahaye

  • Qabiilkaad hargaha saartey baad,   haatan kicisaaye

  • Nin hareera daaqaad tahoo,   kula heshiinmeyno
     

  • Hashaan wada laheyn gooni baad,   u habcaneysaaye

  • Hab carruurta kama siisid iyo,   heesihii jiraye

  • Duq hunguri xun baad noqotayoo,  kula heshiinmeyno
     

  • Hanuunshaaga daacadi xaquu,   kugu hogaanshaaye

  • Hantidii yar waa inuu garsoor,   ku hilbo qeybshaaye

  • Hayb naaxsadaad noqotayoo,   kula heshiinmeyno

Wuxuu mar kale gabyaagu leeyahay waa in qofka hogaamiyaha ahi yahay waxgarad laakiin haddii arrintiisu dagaal ku soo ururto waxaa ka imaaneysa halaag iyo cirib-xumo dambe. Wuxuu yiri: 

  • Ra’yigii hagaag loo baxshaa,   lagu hanaadaaye

  • Hujuum la isu doortaa dib buu,   halis u keenaaye

  • Haddii weerar hadafkaagu yahay,   kula heshiinmeyno

Hadda wiilashii “Puntland” markii la yiri kaalaya soo baabi’iya Soomaali Koonfur joogta ayaa waxaa meeshaas fursad ka helay “Somaliland”. Labada maamulba waxey ka dambeeyaan Xabashida. Marka haddaan Xabashida iyo xulufadeedu oran “Somaliland” far ha qaadin ma filayo wax ka hortaagan iney tagaan xariiqihii khiyaaliga  ahaa ee Ingiriisku sameeyey. Wiilasha maqan waxaa ka daran, markii dadku arkeen maamulka Puntland oo leh Xabashi baa imaaneysa Puntland si ay wadaadada iyo wixii kale ee soo weerara uga hortagaan ayaa dad badan oo reer Sool, Sanaag iyo Cayn ahi waxay leeyihiin oo Somaliland iyo Zenawi kee la qaataa?! Inkastoona aamminsaneyn xariiqahaas laakiin Somaliland iyo Zenawi isma siisteen. Marka waa abaalmarin soo degdegtay haddii wiilasheennii oo dadkooda Xamar ku xasuuqaya in Riyaale iyo ciidankiisu tagaan Dhahar iyo meelo kale. Maxaan ku oraneynaa dadkaan qabiilka ku khaldi jirney? Yaa Harti aheey! Mise Harti Xamar baan helnoo ma rabno kan joogo dhulka murunku ka taaganyahay!? Haddadaan aan maqaalka qorayo waxaa la leeyahay dagaalkaa baa ka socda Dhahar laakiin ma hubo halkuu ku dambeyndoono. 

Xaggeen taariikhda ka galeynaa haddii aysan ahayn markii ugu horreysay ee cadowga koowaad ee Soomaaliyeed soo gelinay Soomaaliya? Soo gelin maahee waxaan u sahalnay in Zenawi qabsado Soomaaliya oo dhan. Mise qolloteyn waan ka badannahoo xumaantaan sameyno wax nooma dhimeyso sida aan arkay warqad uu qof reer Puntland ahi mar meel ku qoray? 

Qof kasta waa ogyahay in Soomaaliya ay tahay dad ehel ah. Dagaalkii meel ka jira wuu saameynayaa meesha kale. Marka qof waalan baa u qaba, intaan dad ku leyno Xamar iyo Koonfurta kale inaan dhulka kale ee Soomaaliyeed nabad ku joogeyno ama si dhib yar u dhexmareyno. Waxaa intaas dheer dhaqaalihii dekedda Boosaaso iyo garoomada Puntland ayaa loo isticmaalaa in lagula dagaalo qoddobadaas aan kor ku sheegay. Haddeertaan oo u dambeysa wa taas Geeddi leeyahay: reer Puntland waa iney bixiyaan canshuur! Lacagta ka soo baxda waa midda lagu dilayo dadka diinta u ehelkaa iyo qabiillada kale. Waxaa kaloo la sheegayaa in Tigreegu uu boos ka xiranayo dekedda Boosaaso iyagoon cidna uga heybeysaneyn. 

Waxaan reer SSCH iyo shacabka kalaba ku leeyahay: waa inaan si midnimo leh aan diinteenna, dadkeenna iyo dalkeenna u daafacnaa. Wey fiican tahay in la maqlo dadka caqliga leh ee odorasi kara waxa soo socda marka waa laga baxayaa dhibka oo kheyr iyo barwaaqaa soo socota. Marka isla gabyaagani hana xasuusiyo waxa nala ka rabo: 

  • Shacabyahow hig baa kugu dhacdoo la huyuubanteene

  • Hohob sideynu nahay bahalku waa noo hambanayaaye

  • Hayaay ciidamooy waa hayaan heedi walaalahe
     

  • Halaaguu inoo geystey baan heedadoow nahaye

  • Habqan yaacay waa kaa ka dhigay higilkii weynaaye

  • Hayaay ciidamooy waxaynu nahay hilib la quutaaye
     

  • Waa hanadadeenii wuxuu haadku gigayaaye

  • Dhiiggeenna habacleynayaan la harqanaynaaye

  • Haayaay ciidamoow la ina mood halaba meel taale
     

  • Ha yeeshee hilaac baa ka baxay harawadeeniiye

  • Jabhad halgameysaa fardaha saartay heensaha e

  • Hayaay ciidamooy manta waa la leys hunda ogaane
     

  • Hirar doog leh baa muuqatiyo hila barwaaqaahe

  • Harraadka iyo gaajaduba waa naga haraayaane

  • Hayaay ciidamooy waa inaan horay u guurnaaye
     

  • Dhurwaagii halaaqoon jiroow la isku soo hiraye

  • Malaheyga waa laga hayaa haatan dabadeede

  • Hayaay ciidamooy goor dhow waa lagu hareereyne
     

  • Hiiryaale weynoow hub iyo huluq rasaaseede

  • Hanqar duulaaya baa kuugu iman heelalkii Xamare

  • Ma hubsade ha beydadin wadnuhu yuu ku howkarine

Gabyaagaas markii dambe waxaa dilay Xabashi. Markuu Dharbaaxo Jaan Allaha u naxariistee uu nala haa waxaad calalada u meyrtaan Xabashida ayaa inta gabyaagaas is haynwaayey wuxuu sheegay iney meesha u tageen dagaal ee aysan madiidin u ahayn Xabashida. Marka gabay buu ku yiri: 

  • Rabbi idanka goor dhow sidii xeyle wuu go’ine

Marka ama Xeyle Salaase ha ka wado ama Xeyle Maryam (1977) oo markaas madaxweyne ahaa ha ka wadee waxaad arkeysaan sida gabyaag oo hoos joogay Xabashi uu ugu diganjiray dhibka Xabashida. Sababtaas, diin jaceylkiisa iyo reer Puntland oon rabay ineysan noqon gaadiid loo isticmaalo baabi’inta Soomaaliya ayaan suugaanta ninkaas xoogga u saarijiray. Wey jirtaa meerisyo ku lid ah kuwaas isagoo ku halqabsaday Cali Jaamac Haabiil markuu lahaa: 

  • Muslinnimo ninkaan kugula socon muuminnimo khaas ah

  • Gaal maxasta kuu korinayoo magansataa dhaama

Marka kacdoonka shicibku waa kii Xamar lagu xorreyn lahaa laakiin waxaan dadka Soomaaliyeed uga digayaa in aysan arrintu la mid noqon tii 1991. Inkastoo dowladdii Kacaanku geysatay khalad aad u daran laakiin wixii Xabashida weydiistay caawimo iyo taageero waxay ahaayeen kuwii mucaaradka ahaa. Marka idanka Ilaahay, kacdoonku wuxuu noqon doonaa mid barakeysan. 

C/Waaxid C/hi Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com 

Afeef: Aagtida qoaalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | April 15, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com