SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAABEH

KU WAAJAHAN UMMADDA SOMALIYED
Ka: Omar Malow (Omar O. Rabeh)

isniin 9 avril 2007

SHURUUDAHA SAMATABAXA IYO GUUSHA

I.Nimaan tamcadiisa la aqoon lama legdi karo Sidaas awgeed waa inaan naqaan ujeeddada dhabta ah ee cadowga iyo istratejiyadiisa.; taasoo ah burburinta dowladnimada, qaranimada iyo qabsashada Dalka Soomaaliyeed.

2.Dafacaadda Xarunta qaran ee Xamar (“national Capital”)

Waxa ku xiran samatabaxa iyo guusha ummadda Soomaaliyeed.. Maxaa wacay, Xamar, caasimad ahaan, waa madaxa Qaranka Dalka iyo Dowladnimada. Sidaas daraaddeedbaanu cadowgu awooddiisa oo dhan u duldhigay.

3.Magaalooyinku noqon goobba daggaal

Waa in daggaalada lagala fogaado magaalooyinka intii la karo, cadowgana lagu beegsado dibeddaha iyo duurka: si ummaddu u nabadgasho, noloshuna u sii socoto.

4.Meesha la deggan yahay oon cadowga loo bannayn. Qof iyo qoys waa inaan dhayal lagu barakicin; laguna dhegganaado il nololeedka la haysto( beer, guri, dukaan, aqal iwm)

I I GUUSHA. Shuruudaha muhiimka ah ee ay guushu ku xirantahay waxaa ka mid ah:

1.Midnimada ummada Shacbiga Soomaaliyeed oo midooba, heer qaran, meeelna cadowga uga soo wada jeesta; sidoo kalena ay yeesho ummad kasta oo geeska lagu guumeysto. Deetana ummadahaas dulman oo dhan, ee guumeysiga madow ku hoosjira, isgashaanbuuraystan (“alliance”) oo ay wadajir iyo islamar isaga dhiciyaan cadowgooda midka ah ee Abasiiniya, sidaasna kula soo noqdaan xornimadoodii iyo dowladnimadoodii.

Waxaa gaar ahaan gaashaanbuuraysi dabiici ihi uu ka dhaxayn jirey saddexda ummaddood ee kala ah: Soomaali, Oromo iyo Cafar. Gashaanbuuraysigaasna wuxuu ku salaysna arrimaha soo socda: a)Iyagoo “kuushitik” ah b)Dad iyo dalba ugu badan Geeska (80% dhulka, 90% dadka) c)70% muslimiin yihiin. d)Dulman oo dalkoodii la qabsaday cadow qudhana leh, kaasoo ah Abisiiniya e)Waxaana isbahaysiga ududhexaad iyo lafdhabar u ahaan jirey Ummadda Soomaaliyeed , sida ay ka maragkacayso taariikhdii weyneyd ee Futuux al-Xabasha. Waxa hubaal ah in istratejiyadaas siyaasadeed iyo mileteri ay suurtagelinayso in si dhibyar oo dhaqsa ah loo jebiyo cadowga Abasiiniya. Waxaanay ku qasbi doontaa inuu difaac galo (“defensive”) halka maanta uu weerar (“offensive”) kaga jiro.

2. Daciifnimada iyo goljilicyada cadowga.

Xoogga Abasiiniya wuxuu ku dhisan yahay arrimaha soo socda: a)Nidaamka duwaliga ah (“State apparatus”) oon weligeed ka dumin. b)Gargaarka joogtada ah ee Qarbiga si mar walba loo sugo midnimada Itoobiya (dhul ahaan) iyo jiritaanka Taliska Dhexe (“Central Power”) c)Waxaanu Qarbigu isla marka ku gargaara, dan iyo diin (“Judeo-christianism”) awgeed, dulunka iyo dalbalaarsiga, isago siinaya awood iyo qalab ay ummadaha kale u diidan yihiin. Hiil iyo hoo la garabjooga Addis-Abeba, kuwa kalena daggaal iyo duulimaad diyaar ula ah…. d)Waxaanay Xabashidu ay maal, muruq iyo maskax kala soo baxaan ku-dul-noolaanshaha (“exploitation”) ummaddaha ay guumeystaan ama gacanta loo geliyey , iyagoo xooggooda dib ugu isticmaalaya si ay u dulleystaan oo ay ugu dul noolaadaan.

Hase yeeshee:

1.Qaabkooda dowladeed oo dambeeya (“feudal”), tiradooda oo aad u yar, tayadooda dadnimo iyo dhaqaalahooda oo aad u hoosaysa awgeed waxay xukun iyo amarkutaaglayn ugu suurtagalaysa oo qudha: Gargaarka Qarbiga iyo qabqaybsanaanta ummadaha ay guumeystaan.; kuwaasoo ah laba arrimood oo aanay Abisiiniya is u lahayn, muhiim iyo joogta midnaba ahayn (“fundamental” iyo”permanent”); balse ah sababa soo dabagaabanaya oo duruuf ku xiran…

2.Istratejiyada haboon ee cadowga lagaga hortegi karo.

Waxa loo baahan yahay hab istrtejiyadeed, la dhuuxay oo dhammaystiran, oo ka shidaal qaadanaya aragti sax ah ee jiopbolotikada Geeska, xaaladda iyo ujeeddada cadowga sida kor ku sharxan iyadoo la sii dersayo oo la si kobcinayo.

3. Qaranimo isudifaacid

Qabiilaysi iyo gobolaysi waa guusha cadowga iyo siduu ku qabsaday ummadihii hore. Waa in, meel la joogaba, qaranimo, soomaalinimo iyo islaannimo lagu waajaho; taasoo sida keliya caqli iyo awood lagu jebiyo. Wax kasta oo cadowgu samestay, oo habkaas iyo aragtidaas ka horjeedana waa waxba-kama-jiraan.

4.Ku fara’adayg qof walowba nool iyo mood xoola wuxuu Alla ku siiyey!..

Gaar ahaan: khasnad, lacag cad, dahab, doolaar iyo dheemand wixii la haysto iyo wax kasta oo qiima leh waa in cadowga laga qarsado!...Uusan kuu oolin guriga iyo meel la gaari karo. Ilaa "koronkorta" aan iska kicinayno. a) Waa in la qaato huga ka ugu qiima yar, dumarkuna ay daayaan dahabka iyo wax kasta oo laga furan karo. b) Dhoofka iyo socdaalka: sahay, dhar iyo saabaan inta ugu yar, ee haddii ay kaa lumaan si dhibyar looga kaban karo. c) Wixii duma,waa in degdeg loo dhiso, oon la sugin inta daggaalku joogsanayo ee nabadi soo noqonayso.

5) Waa in dadku la yimaadaan dalka gudihiisa meel ay joogaanba:

iska-warhayn, wadajir, wax-wada-qaybsi (nafaqo iyo nolol) si culayska nolosha, ee cadowgu carqaladaynayo, ugu fududaado qof kasta iyo qoys kasta, cadowgana duruuftu ugu adkaato. Murti: "Nin tuur lihi tab uu u seexdo ma waayo" Si kasta oo duruufta taariikheed ay tahay, ummaduhu waxay helaan hab ay ku ciriqaan (ku "survive"-garoobaan) iyadoon midiidin la noqon meel hoosana lagu soo dhicin...;balse Aakhiro iyo Allaahaaga isha ku hayso...

6. Habka dib-u-xoreynta

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan

Waxa lagama-maarmaan, inta uu socdo halganka dib-u-xoreynta Qaranku, in loo fekero sida dhibaatada ugu yar u gaari lahayd dadweynaha ("minimum damage"), ta ugu ballaaranna cadowga ugu dhici lahayd ("maximum damage").

7. Geesinimo isu-daaficid ilaa heerka ugu dambeeya!...

Madaama cadowgu goostay inuu surka innaga jaro haddaan nahay Qaranka Soomaaliyeed, waa inaan isu daafacno ("legitime defense") sida ugu geesinimo badan, ilaa dhibicda dhiigga ah ee ugu dambeysa, iyadoon la isdhiibin, lana ogolaan, dhegxumadeeda, in dhulka la isdhigo. Iyadoo lagu qanacsan yahay inaan dariiqa xaq ah ku joogno, Allana innala jiro, GUUSHUNA HUBAAL tahay!...

III. "We knew how to fight but not to tell why..."

Wuxuu yiri "M.J.", Danjirehenni garaadka badna ee innoo fadhiyey Landan (U.K.) 1977: "Waan garanay sidii loo daggaalamayey, waxaanse garan weyney sheegashdii gartayada..." Sidaas awgeedna, guushii aan gaarnay, goobada saarnay, baa lanagaga gundhiyey!...

Sidaas daraaddeed, waa inaan garteenna naqaano, waa inaan naqi karno, duruufkasta oon ku jirno, wax kasta oy ku saabsan tahay (arrin guud iyo mid gaar ahaaneed), iyo cid kasta oo ay ku taagan tahay qof iyo Qaran. Habkeedana waa inaan baranno, ubadkeennana ku ababinno. Kaan gartiisa aqoon waa garaad ma leh!...

Omar Malow (Omar O. Rabeh)
World Somali Congress Chairman
www.somalicongress.org

Isbahaysiga Qaran ee Daafacaadda Jamhuuriyadda Soomaaliyeed : Baaq Culus #2
Raabehunugga horseedka u ah abaabulka iyo mideynta xoogagga wadaniyiinta Soomaaliyeed ayaa magaalada Ottawa, Canada waxa uu Akhri...

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com