SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

10 April 2007.

.Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya
.Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha.
.JWXO oo bayaan ka soo saartay arrimaha Soomaaliya
.Jabhadda OLF oo gumaysiga khasaare u gaysatay.
.Ciidanka gumatsiga Itoobiya oo la wareegay hanti shacab
.Shir  balaadhan oo lagag hadlayay xaaladaha somaliya oo  ka dhacay  wadanka ingiriska 
.Barnaamijkii  Aragtida Halgamaaga(Sina Umaroone Silic ayuu u dhintaa)  
====================== 

 Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga Itoobiya  Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama Xarunta Dhexe ee JWXO ayaa noo soo sheegay dagaallo dhawr ah oo dhex maray ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, dagaalladaasoo si ba¢an loogu jabiyay ciidammada saama la-luudka ah ee gumaysiga Itoobiya.

02/04/07 waxay ciidammada xoreynta Ogaadeenya weerar mir ah ku qaadeen ciidammada gumaysiga ee fadhigoodu yahay magaalada Dannood, waxayna gaadhsiiyeen khasaare badan oon faahfaahintiisa la haynin.

03/04/07 cutubyo ka tirsan ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa sidoo kale weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya magaalada Dannood, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aad u culus.

04 iyo 06/04/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumsiga ee fadhigoodu yahay magaalada Gunagado, waxaana weerarkaas ciidammada gumsuiga loogu gaystay khasaare aan faahfaahintiisa dib ka soo sheegi doono.

04/04/07 waxaa ciidammada gumaysiga baabuur lagaga gubay meesha lagu magacaabo Duud-ciid, waxaana halkaas kaga dhintay in ka badan 25 askari, tiro badan oo kalana way kaga dhaawacmeen.

06/04/07 dagaal ciidammada xoreynta Ogaadeenya iyo kuwa gumaysiga ku dhex maray Barraajisaale, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 8 askari. Ciidammada gumaysigu sidii caadada u ahayd waxay ku gaydhadeen magaalada Barraajisaale, iyagoo magaalada dab qabadsiiyay maalin ka dib markii dagaalkaasi dhacay.

07/04/07 dagaal ka dhacay Lix-irridoodka Yucub, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 15 askari.
Cilmiga Hindisaha (Engineering) ee Laga Dhaxlay Islaamka.. Daawi Vedio-gan

Halkan ka daawo: Vedio

09/04/07 ciidammada xoreynta Ogaadeenya ayaa weerar gaadmo ah la beegsaday xero uu ciidanka gumaysigu ku leeyahay Qodobaha, oo ku taalla duleedka magaalada Wardheer, waxaana weerarkaas loogu gaystay khasaare lixaad leh. Ciidanka gumaysiga ayaa markii weerarkan lala beegsaday wuxuu ku mashquulsanaa daawashada cajalad muuqaal ah, waxayna ciidammada xoreynta Ogaadeenya ku guulaysteen inay ciidanka gumaysiga ka qabsadaan qaybsadaan qaybo xeradaas ka mid ah oo habaynkaas oo dhan ka talinayen, ka dibna ay iskood uga baxeen markii ay waabirigii ahayd.  

Ciidammada gumaysiga ayaa subaxnimadii denbe ku cadha-baxay dadwaynaha ku dhaqan magaalada Wardheer, iyagoo rasaas oodda kaga qaaday dadwayne aan waxba galabsanin, halkaasna ku dhaawacay gabadh lagu magacaabo Ardo Axmed.  

Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha  

Wariyaha Radio Xoriyo uga soo warrama gobolka Jarar ayaa noo soo sheegay dadwayne rayad ah oo gumaysigu dhibaatooyin kala duwan u gaystay.  

Markii ay taariikhdu ahayd 27/03/07 waxay ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya magaalada Dhagaxbuur ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-    Maxamed C/llaahi (Gilic-Gilic). Ninkan ayaa la sheegayaa inuu ahaa guddoomiye ku xigeenka xafiiska caafimaadka ee degmada Dhagaxbuur.

2-    Fatxi Macalin Khaliif, oo seddex bilood ka hor ay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen aagga Dhagaxbuur, isla markaana uur ku soo baxay.

3-    Aaden Qonof

4-    Cabdi Maxamed Xaaji iyo

5-    Xasan Maxamed Daba-cadde.  

28/03/07 waxay sidoo kale ciidammada gumsyigu degmada Dannood ku xidhxidhen dadka kala ah;

1-    Daahir Carrabey Macalin

2-    Baajicaar Ibraahim Alifle

3-    Khadar-indhoole yuusuf Taani iyo

4-    Macruuf Macalin C/raage  

03/04/07 magaalada Qabridaharre waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;

1-    Cabdi-madoobe Yuusuf Jihaad

2-    Sh Cabdi Yuusuf Cali

3-    Shaafici Yuusuf Xiirey

4-    Ina Shariif Macruuf, oo magaciisa hore aanaan haynin.

5-    Afar boolis ku-sheegga magaalada ka tirsanaa, oo magacyadooda aanaan helin

6-    Ugaas Maxamed Ugaas Duullane, oo sidoo kale gurigiisii iyo hantidiisiiba lala wareegay iyo Sh Xasan Xareed, oo isaga markii denbe la sii daayay.  

Waxay sidoo kale ciidanka gumaysigu jidhdil nafta kaga qaadeen Alle ha u naxariistee  Buraale Cumar Gaas markii ay taariikhdu ahayd 03/04/07. 04/04/07 waxay sidoo kale ciidammada hororka ah ee gumaysiga Itoobiya ku xidhxidheen magaalada Dhagaxbuur gabdhaha kala ah;

1-    Foosiya Xaaji Axmed iyo

2-    Caasha mahdi Mursal

JWXO oo bayaan ka soo saartay arrimaha Soomaaliya  Jabhadda waddaniga Xoreynta Ogaadeenya JWXO ayaa bayaan ka soo saartay arrimaha Soomaaliya iyo xasuuqa ay ka wadaan ciidammada gumaysiga Itoobiya dalka Soomaaliya. JWXO waxay beesha caalamka ku baraarujisay in ciidammada gumaysiga ee qabsaday dalka Soomaaliya ay denbiyo dagaal ka galeen dadwaynaha soomaaliyeed. JWXO waxay beesha caalamka u sheegtay in ciidammada gumsyigu ay xarumo millatari ka samaysteen goobaha ay rayadku u badan yihiin, isla markaana ay gaysteen denbiyada ay ka midka yihiin xidhayga, jidhdilka, kufsiga iyo boobka hantida gaarka ah ee dadwyanaha.  

JWXO waxay shaaca ka qaaday in duullaankii ay Itoobiya ku qabsatay dalka Soomaaliya uu colaad ka abuuray gobolka Geeska Afrika oo dhan, waxayna Itoobiya ugu baaqday inay sida ugu dhakhsaha badan oo shuruud la¢aan ah ciidammadeeda ugala baxdo dalka Soomaaliya.  

JWXO waxay sidoo kale dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqday inay khilaafaadkooda iska illoobaan oo si dhab ah ugu guntadaan sidii ay arrimohooda wadaxaajood ugu dhammaysan lahaayeen. JWXO waxay dadwaynaha soomaaliyeed ugu baaqday in dadwyanaha Ogaadeenya uu ku garab taagan yahay dagaalka ay iska difaacayaan gumaystada Itoobiya.  

Jabhadda OLF oo gumaysiga khasaare u gaysatay.

Garabka millatariga ee Jabhadda OLF ayaa sheegay inuu ciidammada gumaysiga Itoobiya ka dilay in ka badan 11 askari, seddex baabuurna ka gubay, ka dib markii uu dagaal kula galay woqooyiga galbeed ee gobolka Oromiya.      

29/03/07 cututubyo ka tirsan ciidammada OLF ayaa weerar ku qaaday ciidammada gumaysiga ee fadhiya meel lagu magacaabo Odolo, oo ka tirsan degmada Horro Guduru, oo ku taalla woqooyiga Oromiya, waxayna weerarkaas ku furteen hub iyo qalab millatari oo kale.

Ciidanka gumatsiga Itoobiya oo la wareegay hanti shacab
 
Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Qabridahare ayaa sheegaya in bishan April 2, 2007 shir ka dhacey Xerada Ciidmada Itoobiya lagu qorsheeyey sidii loola wareegi lahaa hantida dadka shacabka Ogadeniya ee Dibada qaraabadoodu ku nooshahay,iyo hantida qurba joogta u dhalatay Ogadenya gaar ahaan kuwa ku nool wadamada reer Galbeedka.

Kulankan oo dhex maray saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo qaar ka mid ah waxa loogu yeedho Dabaqoodhiga doolka oo ka tagey qurbaha ayaa waxaa goob joog ka ahaa Aaden Yusuf Taani iyo Sulub Cali Cabaase oo dambyo qaran oo ay galeen awgood ku waayey xubinimadii Golaha Dhexe ee JWXO. Labadaas nin oo kadib u duday in ay isu dhiibaan Xukumada Itoobiya.

Qurba joogta Ogadeniya ayey Dabaqoodhiga Doolka ah iyo Sirdoonka Itoobiya ku guuleysan waayeen in ay ka hor keenaan Xoogaga ONLF ee u dagaalamaya xuquuqda shacabka Ogadeniya ee dulman.

Dawlada Itoobiya oo kaashaneysa Dhidid dhowrka iyo Dabaqoodhiga doolka ah ayaa marar badan isku daydey in ay jaha wareer geliso shacabka dibadaha ku nool, kuwaas soo ay ugu dambeysay safarkii caanka ahaa ee Odayada dhaqanku ku soo aadeen wadamada Dibada iyo Safaaradaha Itoobiya ku leedahay wadamada ay shacabka Ogadenya ku badan yahay oo loo soo bedelay qaar ka mid ah Dhidid dhowrka shacabka.
 
Wariyaha RX ee magaalada Q/Daharre oo isagu shirkaas u kuur galay ayaa sheegay in mid kamid ah dabaqoodhiyiinta doolka ah jaajuus caan ahna ka ah gudaha ogadenia oo layidhaahdo Cabdi Khaliif(Dhoombe) uu shirkaas ka sheegay in gudoomiyaha OGADEN COMMUNITY  ee wadanka ingiriiska Sheekh Xuseen Sheekh Ibrahim uu yahay xubin ka tirsan G/ dhexe ee jwxo& g/ fulintaba sida awgeedna loola wareego hantidiisa.
 
Gudoomiyaha  OGADEN  COMMUNITY ee wadanka ingiriiska Sheekh Xuseen Sheekh Ibrahim ayaan isagu haba yarataee wax xil ah u haynin jwxo mid G/dhexe iyo G/fulin toona
 
Gudoomiyaha  OGADEN  COMMUNITY ee wadanka ingiriiska Sheekh Xuseen Sheekh Ibrahim ayaa si cadho leh u beeniyey eedaymahaas kuna tilmaamay  eedaymo dano kale laga leeyahay waxaana hadaladiisii kamid ahaa: 
 
waxaase iswaydiin mudan waxa uu kaga duwan yahay gudoomiyayaasha jaaliyadaha Tigreega,amxaarada,oromada iwm ee dibadaha ku dhaqan ,waxaa hubaal ah cid kasta oo shacbiga reer ogadenia kamida ahi inayna ka bad baadayn xasuuqa lagu hayo umadooda meeshay doonaanba ha joogaane.
 
Ma aha markii ugu horeysay ee ay ciidamada gumaysigu la wareegeen hanti shacab, sanadkan bilawgiisii ayay ahayd markay la wareegeen  hanti& guryo fara badan oo ay shacbiga reer ogadenia lahaayeen  
 
Shir  balaadhan oo lagag hadlayay xaaladaha somaliya oo  ka dhacay  wadanka ingiriska 

Shir  balaadhan oo lagaga hadlayay xaaladaha dalka Somaliya ayaa maalmihii u dambeeyey ka socday magaalada Liecester ee wadanka Ingiriiska shirkan oo socday sadex maalmood ayaa lagu casuumay inay kasoo qayb galaan Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda KMG ah iyo masuuliyiin ka tirsan Maxkamadihii islaamka iyo weliba jaaliyadaha Somaliyeed ee ku nool caalamka.

Shirkaas oo ay soo qaban qaabisay jaaliyadda Somaliyeed ee ku nool magaalada Liecester ee  dalka Britain ayaa waxaa kasoo qayb galay siyaasiyiin, aqoonyahano, salaadiin ,indheer garad,iyo dadweyne kor u dhaafaya ilaa 400 oo qof .
 
ujeedada shirkan ayaa gundhigeesu ahaa in laga tashado xaalada uu ku sugan yahay dalkii soomaaliyeed & sidii looga xorayn lahaa gumaysiga arxan laawaha ah ee umaddii & dalkiiba qabsaday.
 
siyaasiyiintii & indheer garadkii halkaas ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa:
 
1;DR; cali khalif galayr
2;Pro Gaandi
3; Pro ;ibraahim axmed caddaw= hoganki/arimaha dibada maxkamadihii islamiga somlia
4;pro xildhibaan C/raxmaan ibbi
5;Profeser  cabdi siciid samatar
6;xildhibaan max,ed abdi yusuf
 
 & dadkale oo aad utiro badnaa oo kasoo jeedaa j.somalia
 
Hadaba dhamaan dadkii halkaas kahadlay waxay si adag uga hadleen gumaysiga cusub ee dalku galay & in loo baahan yahay in dhamaan umada somaliyeed uguntato sidii ay dalka uxorayn lahaayeen, sidoo kale dhamaan dadkii goobtaas isugu yimid ayaa qiray in walaalahooda somalida ogadenia ay muddo qarniyo ah cadawgan hortaagnaayeen si ay xornimo ugaadhaan cadowga itoobiyana uusan  ugudbin jamhuuriyada Somaliya, isla markaana ay iyagu maanta inta badan dalkoodii gacanta kuhayaan.
 
Shirkaas ayaa waxaa lagu marti qaaday Madax sarsare oo ka tirsan Jabhada Wadaniga Xoreynta Ogadenya oo ay kamid ahayeen gudoomiyaha HADJ  mudane c/raxmaan Sh mahdi  & Xildhibaanad khaaliso ugaas mahad & iyo qaar kamid ah aqoonyahanada Somalida Ogadenya sida DR. Yuusuf Cadami
 
Gudoomiyaha HADJ mudane C/raxmaan Maadeey oo shirkaas ka hadlay ayaa lagu soo dhaweeyey sacab iyo sawaxan ay ka muuqatay taageerada loo hayo JWXO iyo guud ahaanba shacabka Somalida Ogadenya inay ka xoroobaan gumaysiga madoow.
 
Mahad naq balaaran oo uu dadkii u mahadceliyey  kadib ayaa waxuu gudoomiyaha HADJ mudane c/raxmaan maadday si aad ah ugu nuux nuuxsaday halganka ay mudada badan JWXO&shacbiga ogadenia kula jireen gumaysatada ETHIO iyo sida iyaga oo aan helin taageero sokeeye & mid shisheeye toona ay ugu babac dhigeen cadawgoodii ethio guulo lataaban karana ay uga gaadheen iyadoo dalkii ogadenia intiisii badnayd ay maanta gacanta ugu jirto jwxo
 
Sidoo kale mudane c/raxmaan oo ay wajigiisa ka muuqatay qiiro & sida ayJWXO uga xuntahay duulaanka xaqdarada ah ee ay xukuumda TPLF ku qabsatay jamhuuriyadii soomaaliyeed  ayaa waxuu dadwaynihii halkaas isugu yimid  ee somaliyeed farta ugu fiiqay
sida ay cadawga qabsaday uga guulaysan lahaayeen isagoo tusaalooyin & talooyin fara badan kasiiyay waxa laga rabo umada rabta inay xorowdo isagoo utilmaamay
 
inay layimaadaan Daacadnimo,kaladanbayn,ladagaalanka qabiilka,&wax alaale waxii khalkhal galin kara danaha umadooda raacaanna wadadii ay JWXO qaday
 
ugu danbayntii muddane maadday oo ay dadku aad ujeclaysteen qudbadiisii ayaa waxuu kusoo gabagbeeyay balan qaad ay JWXO ufulinayso inay taageerayso waxa alaale waxii walaalahooda soomaaliyeed danahooda ah  hor seedikarana ,midnimo,cadaalad&sinaan ay helaan shacbiga jam.soomaaliya
 
shirkan oo laga soo saaray go aamo wax ku ool ah oo ay kamid yihiin
in lasameeyo urur gobanimo doon oo dalkii xoreeya 
In maxkamad lakeenno calooshooda ushaqaystayaasha dalka qayaameeyay
Iyo in dawlada maraykanka lawaydiiyo magdhaw inay siiso dadkii rayidka ahaa ee ay diyaaradaha ku duqaysay
 
ayaa waxay ugu danbayntii ergooyinkii shirka oo kakala yimid aduunka dacaladiisa waxay go aamiyeen in isla bilaha fooda inagu soohaya la qabto shir wayne labaad kadib markii qayb kastaayi gaar usoo shirto  go aamadana loo gudbiyo shacbigii soomaaliyeed ee masiibada gumaysigu ku habsatay. Halkaas ayaana lagu hawl qaybsaday laguna kala tagay is afgarad& jawi horumar uhorseedi kara umada soomaliyeed.
 

10 April 2007

Axmed Gaal-Eri

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15260 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com, Ogaden.com  Maalinta Talaadada ah 7:00PM – 8:00  waqtiga Afrikada Bari

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com