Malaggii
Walaalkii Nin Jecel Murugo Waw Koowe
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Ilaah baa mahad leh.
Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha
ahaato.
Wasiir ka tirsan
“dowladda” baa inta dhowr boqol oo qof shiriyey yiri:
innaga Abgaal ah waa inaan Habar Gidir iska qabanno!
Wuxuu yiri: keliya innaga (Xabashi iyo xulufadeeda)
ah baa la xaaleyna qoladaase, idinku ma noo
celinkartaan? Waxaynu ogeyn iyadoo la leeyahay bisha
Abriil waxaa loo fariisanayaa shir dib-u-heshiisiineed!
Shirkii ma wuxuu noqday in isla bishaas inta odayaal
la shirayo iyadoo Itoobiya Xamar joogto la yiraahdo
kuwa dad ugu xiga halaga qaxiyo Muqdisho? Sida aan
cajaladda ku helnay, dadkii halkaas fadhiyey
kamaannu maqal qof yiraahda waryaa nagala tag waxey
Tigreega iyo xulufadoodu kusoo dhiibteen laakiin
haddaan dhuganno xagaas iyo Kenya; waxaa isla
wasiirkaas iyo dad uu ku jiro sheekadaas oo kale ula
tageen sheekh Abuukar Caddaan laakiin sheekhu sidii
lagu yaqaanay qof muslim ah oo Soomaali ah buu ku
yiri sida iyaga warkooda laga fahmayo: Habar Gidir
Xamar laga qaxinmaayee waxaa laga qaxinayaa Tigreega.
Wiilkaas sheegta
inuu ku jiro golaha wasiirrada ee Tigreega iyo
xulufadeedu soo dirsadeen wuxuu la mid yahay wiil ay
mar Yuhuuddii Madiina inta lacag siisey waagii
nabigu (SCW) Maddiina joogay ku tiri isku dir Ansaar
dhexdeeda sida Aws iyo Khazraj. Wiilkii inta labadii
qolo dhex tagay buu wuxuu soo faarfaaray raggii ay
iska laayeen dagaalkii dheeraa ee Bucaath iyo
gabayadii la isku caayijiray. Sidaas oo kale baa
wiilkaasu wuxuu si cad usoo qaatay dagaalkii Afarta
bilood ee dhexmaray Abgaal iyo Habar Gidir isagoo
leh yaa dilay Calasoow dheere? Yaa dilay hebel? Yaa
dilay hebel? Hadde, haddii raggaas waxaas lagu
shubayo uu Abuukar Caddaan ku jiri lahaa wuu
aamusinlahaaye yaa la hadlay?
Waxaan wiilkaas
xasuusinayaa gabay uu lahaa Khaliif Sheekh Maxamuud
oo leh:
- malaggii
walaalkii nin jecel, muruggo waw koowe
- ragga lagu
malkhadayaana waa, mahurtadiinniiye
- mar un inaad
is daydaanna way, kaa madowdahaye!
- mataraariyahaa
lagu furaad, keligood mooddeene
- goortii mir
iyo mayrac iyo, malafsi loo laysto
- Inaad adigu
marax kayd ah tahay, wayska moogtahaye.
Haddii Tigree uu
Habar Gidir tirtiro muxuu wiilkaas iyo qabiilkiisu
helayaan? Soow gacantiisii oo go’day maaha? Iska daa
isagooy isku qabiil yihiine, ma jiro qof
Soomaaliyeed oo raba in uu cadow far saaro qof
Soomaali ah. Xitaa anigu ma aamminsani in la tirtiro
qabiilka Tigreega iska daa qabiil Soomaaliyeede.
Tigreegii na soo raadsada waa inaan cashar siinno
laakiin marna ma rabno inaan qabiillo xasuuqno.
Waxaan ku leeyahay
kacdoonka shacabka Xamar ee qolodaas laga urinayo
inta Ilaahay talo saarataan iska cesha cadowga.
Soomaalidu waxay tiraahdaa: waan dad yarahay dagaal
loogama haro. Ma maqal dagaal ka qurux badan kan
shacabka Xamar kula jiro Tigreega iyo xulufadeeda
taariikhda Soomaaliya. Xitaa waagii Axmed-guray
waxaa la isku heystay waa dhulka ay Xabashidu degto
ee marna lama qabsan geyigii Soomaali oo dhan. Sida
Ilaahay sheegay, gaalada iyo xulufaeeda dhibka idin
gaaraya oo kale ayaa gaaraya laakiin idinku waxaad
Ilaahay ka rajeyneysaan dambi dhaaf iyo janno.
Laakiin haddaad u dagaalantaan Habar Gidir ahaan ee
aydaan Ilaahay dartiis iyo maatadiina difaacan
haddee kii hub iyo tab badan baa adkaanaya. Qofku,
qabiil kasta oo yahay xaq buu u leeyahay inuu
difaacdo ehelkiisa laakiin keliya waxaa la rabaa in
niyadda la suubsado. Xitaa haddii ay dagaalka kusoo
haraan Habar Gidir oo keliya oo inta niyadda jihaad
gashadaan iska ceshaan Xabashida, ma jiro sheekh
dhihi kara: waa hal qolo keliya!
Waxaan idin
xasuusinayaa qabiil aan muslim aheyn markaas oo ay
soo weerartay boqortooyadii adduunka markaas ugu
xoog badneyd. Qabiilku wuxuu ahaa Banii Bakarkii
Carabta ee degi jirtay Ciraaq. Boqortooyaduna waxay
ahayd tii Faaris. Faaris waayadaas waxay ka adkaatay
Ruum sida Maraykanku hadda Ruushka uga adkaaday.
Odey-dhaqameedkii qabiilkaas oo la oranjiray
Haaruun Banii Qabiisah As-Sheybaaniyi ayaa markuu
arkey meesha xaaladdu marayso inta qabiilkii ku
shiriyey waadiga Dii Qaar wuxuu yiri:
Reer Banii Bakaroow,
qof dhinta oo loo cududaaro ayaa ka kheyr badan qof
cararay oo badbaada. Digtoonaanta iyo dagaal-gelin
la’aantu, cimriga ma dheereyso oo qaddarta waxba
kama bedesho. Samirkunu waa sababaha lagu guuleysto.
Dhimasho iyo sharaf baan rabnaa ee ma rabno ceeb iyo
dhalleeco. Dhimashada oo la qaabilo ayaa ka fiican
in loo dhabar jeediyo. Iyadooy kaaga dhacdo godka
dhuunta ayaa kaaga fiican iney kaaga dhacdo
dabo-gibinta iyo dhabarka. Reer Banii Bakaroow
dagaalama dhimasho waa lama huraanne.
Haddii odey aan
muslin ahayn oo ay soo weerartay boqortooyadii
adduunka ugu xoog badneyd sidaas yiri maxaad ka
fileysaa qabiilo ama shacab muslim ah ooy Tigree
injir lihi soo weerareen?
Nin kaloo gabyaa
ahaa baa yiri:
ﻳﺍ ﻗﻭﻣ ﻻ
ﺘﺄﻤﻨﻮ ﺇﻦ ﻜﻧﺗﻢ ﻏﻳﺭﺍ ﻋﻠﯼ ﻨﺳﺍﺀﻜﻢ ﻛﺳﺭﯼ ﻮﻤﺍ ﺠﻣﻋﺍ
Dadkeygoow, haku
aammininna Kisraa iyo wuxuu soo aruursaday (Carab la
mid ah Soomaalida hadda Zenawi soo aruursaday)
dumarkiinna haddaad tihiin kuwa qiiro leh. Hadda
shacabka Xamaroow, dumarkiina iyo ciyaalkiinna haku
aammininna Zenawi iyo wuxuu soo urursaday.
Ilaah baan ku
dhaartay, imtixaan kaddib waxaa guusha helaya qofkii
diintiisa, dalkiisa iyo dadkiisa difaacda. Waxaan
aamminsanahay haddii niyadda la wanaajiyo in qoriga
aakaha ahi uu gubidoono taangiyaasha Tigreega Ilaah
idinkiis. Keliya baaqu waa BISMILLAAHI ALLAAHU AKBAR.
Yaa garanaya qalab ka culus? Marka shacabka
Soomaaliyeed oo caadiga ah baa idin la jira marka
iska cesha Tigreega. Marka hadduu Tigreegu guuleysto
iyaga iyo Salaad Cali Jeelle gabdhaha ha kufsadeen,
masaajiddana ha dumiyeen sidoo kalana ha ku xaareen
masaaxifta Qur’aanka ah. Laakiin taasi dhicimeyso
Ilaahay idinkiis. Marka Ilaah baan ka magangalnay
dowlad looga fadhiyey dib-u-heshiisiin oo rabta in
dadkii dad isu xigay ay qoryaha iskugu dhiibto. Bal
bal aan aragno waxa gaalo-raacnimo lagu helo.
Afeef: ma filayo in
qof Abgaal ah oo caqli lihi ku raacayo in Habar
Gidir ama Soomaali kale Xamar laga qaxiyo iyadoo
Tigree Soomaaliya joogo. Marka hadalka Salaad wuxuu
keenayaa in qabiilooyinka Soomaaliyeed isu soo
dhowaadaan oo cadowga iska kaashadaan. Marka qabiil
kasta waa laga helayaa tobonnaan caado-qaatayaal
ah.
Afeef: Aragtida
qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin:
SomaliTalk.com | Apr 10, 2007