Maxaa
ka dhiman Sharcigii Marshal-Law, Maxaase ka Qabsoomay?
W/D:
Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya
13-kii Bishii Janaayo ayey ahayd
markii Golaha Baarlamaanka uu ansixiyey sharcigii Marshal Law oo awood badan
siinayey Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, waxaana sharcigaasi uu ahaa mudo
saddex bilood ah, waxaana ka harsan mudo afar maalmood ah.
Markii lagu dhawaaqay sharcigaasi, waxaa si weyn uga soo horjeestay qaar ka mid
ah Xildhibanaada Soomaaliyeed oo ku tilmaamay mid lagu baneysanayo in lagu laayo
shacabka aan waxba galabsan, in lagu dhaco hanti iyo in la iska xiro dad aan
dambi laheyn.
Sharcigaan mudadii uu socday waxaa dalka ka dhacay dagaalo faraha looga gubtay
oo ay ku dhinteen boqolaal Soomaali ah, waxaana lagu burburiyey hanti aad u fara
badan, waxaan xabsiyada ku sugan ama ku xiran ilaa iyo 400 oo qof oo qaarkood la
sheegay in loo gudbiyey dalka Itoobiya.
Sharcigaan ayaa waxa uu kor u laalay nabadgelyadii ka jirtay Magaalada Muqdisho,
waxaana Magaalada Muqdisho haatan ka muuqata astaamihii dagaalkii socday mudada
afarta maalmood ah, oo tirakoob la sameeyey lagu sheegay in ay ku geeryoodeen
ilaa iyo 400 oo qof ayna ku dhaawacmeen ilaa iyo Kun Qofood, sidoo kalana waxaa
ku barakacay dad gaaraya 200-kun oo qoys.
Mar aan booqday Ceelasha Biyaha iyo Afgooye ayaa dad qaxayey waxaan ku iri (Waad
soo qaxdeene, maxaad ka soo qaxdeen?), waxayna markiiba si fudu iigu jawaabeen (Waan
soo qaxnay oo waxaan ka soo cararnay Marshal Low), waxaan u daba dhigay (Marshal
Low dadka miyuu qixiyaa?), waxayna I yiraahdeen (Waxba ma ogid, Maalintii
Xildhibaanadu ansixiyeen sharcigaas ayaan ogaanay in dadkaan loo danleeyahay).
Mudadii saddex bilood ahayd ee uu jiray sharcigaasi, waxaa lagu dilay dad aan
waxba galabsan, sidoo kalana sharcigaasi, waxa uu keenay in dad Soomaali ah si
arxan daro ah loogu daadiyo badaha u dhexeeya Soomaaliya iyo Yemen iyagoo ka
cararaya Xabadda ka bilaabatay Magaalada Muqdisho, waxaana tirakoobkii ugu
dambeeyey lagu qiyaasay in ay gaarayaan 300 oo Qof oo Soomaali ah lagu daadiyey
xeebahaasi lana arkayey maydkooda oo dul sabeynaya in Badda.
Sharcigaan intii uu jiray waxaa xuduuda u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya gaaray
ilaa iyo 10-kun oo qof oo Soomaali ah kuwaas oo loo diiday inay ka gudbaan.
Nin odey ah ayaa isna wax ka weydiiyey sharcigaan sida uu arko, waxa uuna igu
yiri ”Wuu I saameeyey sharcigaani”, sidee ayuu kuu saameeyey ayaan weydiiyey,
waxa uuna iigu jawaabay, ”wiil yar oo aan dhalay ayaa iiga geeyooday markii uu
ku dhacay cudurka shuban Biyoodka mar aan u qaxnay Afgooye.
Dowlado fara badan ayaa ka soo horjeestay sharciga Xaaladda Deg-dega ah, waxaana
Dowladda Federaalka laga codsaday in ay dib uga laabato sharcigaasi, hase
yeeshee waxay ku adkeysatay in sharcigaani uu yahay mid la doonayo in lagu
xasiliyo dalka, hase yeeshee mudadii saddex bilood ahayd wax ka dhacay dalka qof
waliba indhiisa ayuu ku arkay, waxayna Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha ay sheegeen
in Muqdisho uu ka dhacay xasuuq baahsan oo loo gaystay dad aan waxba galabsan
markii madaafiic guryahooda lagu garaacay.
Sharcigaan xitaa waxa uu saameeyey Dowladda Federaalka, kadib markii Dowlado
badan oo doonayey inay lacago deeq ah siiyaan ay dib u dhigeen lacagahoodii,
waxayna ka codsadeen Dowladda C/llaahi in sharcigaasi ay gebi ahaanba joojiso,
iyadoo sidoo kale sharcigaani ay xilkooda ku waayeen Wasiiro fara badan kadib
markii lagu eedeeyey in ay sameeyeen Musuqmaasuq iyo lunsasho hanti, haddaba
su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay Golaha Baarlamaanka mar kale ma ansixin
Doonaa sharciga Marshal Low, mise dib ayaa looga laaban doonaa, iyadoo qaar ka
mid ah Xildhibaanada ay sheegeen in aan waxba laga faa’iidin sharcigaasi burbur
iyo khasaaro mooyee, waxayna Dowladda u soo jeediyeen in aysan kordhisan
sharciga Marshal Low.
Gebagabadii, ummadda Soomaaliyeed waa ay ka dheregsan tahay waxa uu galo iyo
waxa uu gudo Sharciga Marshal Low, waxayna dadka qaarkiis sheegeenin dad
Soomaliyeed aan lagu maquunin karin xoog, balse ay u baahan yihiin in wax walba
lagu xaliyo wada hadal iyo isafgarad, taas oo ay sheegeen in lagu gaari karo
horumar iyo nabad buuxda, laguna helo karo Dowlad Soomaaliyeed oo dib u soo
celisa qaranimadii lunta.
W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa
leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: April 10, 2007
|