SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • Garowe: Dawlada hoose ee Magaalada Garowe oo bilowday hawlo lagu sifaynayo wadooyinka Magaalada.
  • Garowe: Tababar Maanta ugu soo xirmay kuuliyada tababarka macalimiinta sharciyaqaano

Garowe: Dawlada hoose ee Magaalada Garowe oo bilowday hawlo lagu sifaynayo wadooyinka Magaalada.

Apr 8, 2007: Dawladda Hoose ee Magaalada Garowe ayaa bilowday hawlo lagu banaynayo wadooyinka dhexmara Magaaladda kuwaasi oo in badan oo ka mid ah ay xirmeen kadib xiliga ay dhamaadaan dhismayaashu markaasoo ay dadka wax loo dhisaa ay ka tagaan haraadiga dhismayaasha sida dhagaxa, Ciida, DHoobada.

Duqa degmada Garowe C/qaadir Foodcade ayaa maanta shaaca ka qaaday in dadwaynaha lagu wargaliyay tiro ka dhawrjeer balse aanw ali arintaas wax laga qaban hadase wixii ka danbeeya aan loo dulqaadan karin.

Duqu waxa uu sheegay in ay jiraan baabuur iska rogo ah kuwasi oo meelaha dhagaxa iyo ciidu taal lagu qaadayo kadibna la gaynayo meelaha lawada leeyahahay sida goobaha waxbarashada, caafimaadka iyo wixii la mid ah cidii iyadu is xilqaanta oo gurigooda ka banaysa wadooyinkisana lagu mahadinayo hawsha ay qabteen.

Luul Jaamac oo iyadu ka mid ah urur wadani ah oo wada wacyi galin wax looga qabanayo banaynta wadooyinka magaalada ayaa sheegtay in halkudhiga ay u halqabsadeen ay tahay Haka daalin danta guud.

Duqa dagmada Garowe ayaa sidoo kale sheegay in ay jiraan shirkado kala qaybqaadanaya hawshaan oo uu sheegay in ay socondoonto ilaa inta la sifaynayo wadooyinka oo dhan, shirkadahaas ayuu duqu ka xusay shirkada Isgaadhsiinta Golis, xawaalada Dahabshiil iyo shirkada korontada Gobalka Nugaal ee NEC.

Waxana uu sidoo kale Duqu ugu baaqay shacabka Gobalka Nugaal in ay ka qaybqaataan hawlaha danta Guud wax looga qabanayo.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Garowe: Tababar Maanta ugu soo xirmay kuuliyada tababarka macalimiinta sharciyaqaano

Apr 8, 2007: Tababar ay soo qaban qaabisay Haayaddaha Diakonia iyo UNDP Tababarkaan oo soconayay mudo hal bill ah ayaa maanta lagu soo gabagabeeyay halkii uu ka soconayay ee Gtech.
Ugu horaynba waxaa xafladii xiritaanka tababarkaan ka soo qayb galay madax kakala socota Haayadaha Diakonia iyo UNDP iyo wasiirka cadaalada ee puntland A/rizak Abdulle Geesood.

Madaxa sharciyada Haayada Diakonia Mr: Jaylaan oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Mashruucaani uu bilowday 2000 ayna qaban qaabisay Haayadda Diakona islamakraana ay la kaashatay UNDP sidoo kalena Mr: jaylaan wuxuu sheegay in UNDP ay mashquurcaan oo kale ka fulisay Somaliland puntland ay kawado Isaga oo ugu baaqay in ardayda ka faaiidaysatay mashruucani ay uga faaiideeyaan mushtamaca intiisa kale.
Wasiirka caddaalada DGPL A/rizak Abdulle Geesood oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ugu horaynba mahad u celiyay Haayaddaha Diakonia iyo UNDPL sidoo kalena wasiirku waxa uu mahad balaaran u celiyay macalimada barnaamijkan jully oo iyadu bixinaysay tababarkan.

Wasiirka ayaa ka codsaday Haayadda Diakonia iyo UNDP in ay ku dadaalaan sidii loo samaynlahaa kuuliyad dhinaca sharciyada ah oo waliba laga hirgaliyo Garowe gaar ahaana kuuliyada lagu lamaaniyo ayuu yiri wasiirku kuuliyada tababarka macalimiinta ee Magaalada Garowe.

Wakiilka Haayada Diakonia u fadhiya magaalada Garowe Siciido Xirsi Cigaal oo iyaduna halkaasi ka hadashay ayaa ugu baaqday ka soo qabgalayaasha tababarkaan in aysan dayicin casharadii ay halkaasi ka barteen islamaraana ay iyagu yihiin kuwa bari hagaya mustaqbalka sharciyada puntland.

A/rizak koronto
Garowe puntland

Apr 9, 2007


Gen. Cadde Muuse oo Ammanay Hay'adaha Samafalka...

Madaxweynaha DGPL, Cadde Muuse, ayaa Isniin Feb 19, 2007 magaalada Garoowe kulan kula yeeshay hay'adaha samafalka ee fadhigoodu yahay magaaladaas, waxana uu sheegay in hay'adaha samafalka ee jooga Garoowe inay hawl wanaagsan qabteen. Isagoo arrintaas ka hadlaya Gen. Cadde Muuse waxa uu yiri: "Qolooyinkii United Nation-ka IYAGOO DHAN waa noo yimaadeen kulligood wax fiican bay noo qabteen iyagana si aad iyo aad ah ayaan ugu mahad naqayaa iyo waxyaalahay qabteen." Dhegeyso Hadalkii Gen. Cadde.

Mar sii horeysey ayey ahayd markii Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee DGPL, Maxamed C. Y. Gaagaab uu dhaliil jeediyey hay'adaha Samafalka ee jooga Soomaaliya. Xilligaas oo uu Wasiirku la hadlayey dad Soomaaliyeed oo jooga magaalada Minneapolis waxa hadaladdiisii ka mid ahaa "Ha'adaha dalka Soomaaliya jooga waxay isu haystaan in ay yihiin madaxweynihii dalka." Dhegeyso Hadalkii Gaagaab...

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 9, 2007

ARAGTIDA/MAQAALLADA DADWEYNAHA EE MAANTA
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com