SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 7, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (97), Muqdisho (101), Beledweyne (104), Baydhabo (112),  Galkacyo (133),
Sarbeebtii Diinaari

APRIL 7, 2007

Beesha Dhulbahante oo Cambaareysay Xasuuqa Kasocda Muqdisho...


Waxgaradka, Aqon-yahanka Iyo Isimada Beesha Gobolkada SSC Oo Cambaareeyey Dagaalada Iyo Xasuuqa Ay Wadaan Kooxda C/laahi Yuusuf.

Waxgaradka ,aqoon-yahanka iyo isimada kasoo jeeda beesha dhul-bahante ayaa cambaareeyey dagaalada loo adeegsanayo dadka shacabka ah ee loo adeegsanayo  ciidamada xukuumada Ethiopia islamarkaana lagu xasuuqay boqolaal ,kuna bara keceen kumanaan kale ee ka dhacaya magaalada muqdisho . 

Isimada iyo waxgaradkan kasoo jeeda beelaha dega gobolada sool ,sanaag iyo cayn oo maanta kulan ku yeeshay hotel tawakal ee magaalada muqdisho ayaa  ku tilmaamay kooxda ay ku sheegeen "kooxda c/laahi yuusuf" inay yihiin inay "umulo dooxyo yihiin" islamarkaana aysan qaadi Karin masuuliyad waddan dhan taasoo ay ku sheegeen cambaarayntoodan miday ku dhan yihiin aqoon yahanka beeshan iyo waxgaradkoodu meel kasta oo ay joogaan, waa siday sheegeene. 

Waxaan wax loo dulqaato ahayn, ayay yiraahdeen odayaashan iyo waxgaradkani, arrinta laga wado guud ahaan wadanka soomaaliya gaar ahaana magaalada caasimada ah ee muqdisho iyo weliba ayay yiraahdeen dadka maatada ah ee loo adeegsanayo taangiga iyo ciidamada sida aadka u hubaysan ee ka soconaya deegaanada cagaare oo ay wadaan kooxda c/laahi yuusuf, waa siday sheegeene . 

Axmed Dubbad oo kamida waxgaradka baaqan wax kasoo saaray ayaa carabka ku adkeeyey inay beesha ay kasoo jeedaan ay markastaba ama weligoodba diinta iyo wadaniyada taageeri jireen islamarkaana aysan maanta masiirkooda wax yar siisan doonin.

taleex"Beesha degta gobolada sool, sanaag iyo Buuhoodle weligoodba xaqa ayay u hiilin jireen 21-sano ayay diinta siday u difaaci lahaayeen u dagaalamayeen oo weliba ugu dambayn diyaaradaha ingriiska oo aan Afrika duqayn ay noqotay meeshii ugu horaysay ee la duqeeyo magaalada qadiimka ah ee Taleex oo ka tirsan gobolka sool  ,hadaba maanta oo ay aduunyadu nooqotay mid harumarleh islamrkaana diintuna ay ku faaftay meel kasta ma qaadanayno dullinimo iyo gaalo raac iyo weliba wadankayaga inaan ka iibsano axmaar iyo wax lamida" ayuu yiri isagoo ayka muuqato cadho xoogan.

Sidoo kale baaqan cambaaraynta ah ayaa waxaa ugu dambayntii ka jeediyey gabayo qiiro badan oo ka sheekaynaya dhibaatada gumaysiga iyo diin la'aanta iyo weliba halganka diinta loosoo maray Cabdi aw-Jaamac, gabayadan oo qaarkood ay lahaayeen halgamayaashii daraawiishtii sida abaanduulihii daraawiishta alle -how raxmadee Ismaaciil Mire ,oo halkaas laga akhriyey taasoo dadka qaarkiis ay ku qiiroodeen ,sidoo kale waxaa halkaas uu kasoo jeediyey gabaydii qiimaha badnaa ee Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo ka sheekaynayey gumaysiga iyo sida uu dadka iyo dalkaba waxii raaca uu u dulaysto. 

Isku soo wada duuboo, baaqan camabaaraynta ah ayaa waxaa kasoo qayb galay isimo ,waxgarad iyo weliba aqoon yahano qaarkoodna ay kaga qayb galeen khadka telefonka oo ay ku sugnaayeen wadamada dibada ayaa ahaa mid si weyn looga soo hor jeedo sida ay sheegeen xasuuqa ka dhanka ah islaamnimada iyo bani'aadamnimada ee ay wadaan kooxda c/laahi yuusuf , taasoo ay ugu baaqeen inuu si deg deg ah u joojiyo dhibaatada baahsan ee uu wado col,c/laahi yuusuf iyo kooxdiisu waa siday sheegeene, islamarkaana waxay cadeeyeen inaysan inta imaanka iyo diinta leh ee kasoo jeeda Puntland ama gobolada waqooyi aysan kula socon arimahan xasuuqa ah ee uu col. Yuusuf ka wado magaalada muqdisho raalina ka noqon doonin shacabka soomaaliyeedna waxay ugu baaqeen inay diintooda iyo dalkooda difaacdaan kana hor tagaan cadowga ay wadaan kooxda yar ee col. Yuusuf.

Yaasiin faytin | yaasiinfaytin@hotmail.com | Muqdisho, Soomaaliya, APril 7, 2007


TAARIIKH::: Markale dhegeyso Waraysigii Dr. Raabeh

Raabeh

Waraysi: Dr. Cumar Cusmaan Raabeh
Waraysi dheer oo ay SomaliTalk la yeelatay Dr. Raabeh ayuu kaga hadlay arrimo badan oo ay kamid yihiin "Khatarta Culus ee Maanta uu kujiro Qaranka Soomaaliyeed iyo Xallinteeda.." Waraysigii ka dhegeyso halkan



Nin Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio

Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu gaarigiisa istaajiyey meel  gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan oo dhan ka akhri halkan.....].

Apr 7, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com