APRIL 7, 2007
- Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo
Shariif Xasan oo kusii jeeda Dalka Ingiriiska .
- Midowga Yurub oo sheegay in
Muqdisho ay ka dhaceen dambiyo dagaal
- Soomaalida ku nool Dibadaha oo wada
dacwad ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Itoobiya
- Duugista Maydadka oo Maalintii
saddexaad ka socda Muqdisho…
- Iska hor imaad ka dhacay Degmada
Baardheere
- Soomaalida ku nool dalka Itoobiya
oo uu wal-wal soo wajahay
- Maxaa ka soo baxay kulankii
Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya
Nin
Soomaali ah oo Jimcadii Lagu Diley Maraykanka
Marxuumku waxa uu ka tegey xaas
iyo 8 carruur ah oo jooga Ohio
Phoenix, Arizona
Magaalada Phoenix ee gobolka Arizona ee
dalka Maraykanka ayaa Jimcadii (Apr 6, 2007) waxaa lagu diley nin Soomaali
ah. Waxaa warku sheegay in arrinta dilkani dhacay kaddib markii marxuumku uu
gaarigiisa istaajiyey meel gawaarida la dhigto, ayaa inta ninkale
gaari kale ka soo degey uu toogasho ku diley marxuumka.[Warkan
oo dhan ka akhri halkan.....].
Sheekh Shariif, Xuseen Caydiid iyo Shariif
Xasan oo kusii jeeda Dalka Ingiriiska .
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Asmara ee dalka Ereteriya waxay
sheegayaan in Magaaladaasi ay gaareen xubno ay ka mid yihiin Sheekh Shariif
Sheekh Axmed oo ah Guddoomiyaha Golaha Maxaakiimta Islaamiga, Xuseen Caydiid
oo Ra’isul Wasaare Ku xigeen ka ah Dowladda Federaalka KMG iyo Shariif Xasan
oo ah gudoomiyihii hore ee Golaha Baarlamaanka, waxayna kulan la yeesheen
madaxweynaha wadanka Ereteriya Afawarke oo ay isla soo qaadeen xaaladda
Soomaaliya.
Xubnahan ayaa lagu wadaa in ay maalinta berito ah u ambabaxaan Magaalada
London ee dalka UK kadib markii ay martiqaad ka heleen jaaliyadda
Soomaaliyeed ee wadanka Ingiriiska ku nool, waxaana sidoo kale halkaasi lagu
martiqaaday siyaasiyiin kale oo Soomaliyeed oo ka kala imaan doona dalalka
Carabta, Yurub iyo Mareykanka.
Xubnahan ayaa qaar ka mid ah wadamada Yurub ka bilaabi doona olole ka dhan
ah Dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen in ay qabsatay dalka Soomaaliya.
Midowga Yurub oo sheegay in Muqdisho ay ka
dhaceen dambiyo dagaal
Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub ayaa waxay sheegeen in ay soo gaareen
warar sheegaya xasuuq iyo dambiyo dagaal oo loo gaystay dad rayid ah oo aan
waxba galabsan.
Afhayeen u hadlay Midowga Yurub ayaa waxa uu sheegay in Midowga Yurub uu
Baaritaan ku sameyn doono arintaasi ciddii ay ku caddaatana la horgeyn doono
maxkamadda dambiyada dagaalka ee Caalamka.
Ilaa iyo 600 oo qof ayaa Wakaaladaha caalamku sheegeen in ay ku geeryoodeen
dagaalkii mudada afarta maalmood ka socday Magaalada Muqdisho, sidoo kalana
ay ku dhaawacmeen tiro intaa ka badan, kuwaas oo ay warbaahintu sheegtay
inay ku dandareysan yihiin goobo ku yaala Magaalada Muqdisho.
Midowga Yurub waxa uu sheegay in dambiyada dagaalka ee ka dhacay Muqdisho ay
gaysteen shaqsiyaad aysan carabaabin, balse lagu hayo Baaritaan dhinacyo
badan leh.
Dad Soomaaliyeed oo ku nool dibadaha ayaa qoraalo u kala gudbiyey Hay’adaha
Xaquuqda Aadanah iyo kuwa Dambiyada Dagaalka, waxayna sheegeen in Soomaaliya
ay ka dhaceen damhiyo waaweyn, gaar ahaan Magaalada Muqdisho oo ay sheegeen
in si loo Aabbe dayin loogu xasuuqay dadweyne rayid ah Madaafiic.
Soomaalida ku nool Dibadaha oo wada dacwad
ka dhan ah Masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka iyo Itoobiya
Soomaalida dibadaha ku nool ayaa maalmahan dambe waxay wadeen dacwad ka dhan
ah qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka iyo qaar ka mid ah
Mas’uuliyiinta Dowladda Itoobiya, iyagoo dacwadooda ku sheegay in xubnahaasi
ay gaysteen xasuuq, kaddib markii madaafiic aan loo Aabbe yeelin ay la
dhaceen shacabka ku nool Magaalada Muqdisho, isla markaana ay ugu dareen
barakac aad u baahsan.
Soomaalidaan oo la sheegay in ay qabsadeen
Abuukaatayaal heer Caalami ah ayaa waxaa ka mid ah ragga dacwadaha lagu soo
oogayo Madaxweynaha DFKMG C/llaahi Yuusuf Axmed, Ra’isul Wasaare Cali Max’ed
Geedi, Wasiirka Arimaha Gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere),
Ra’isul Wasaara Itoobiya Miles Zenawi iyo Gen. Gabre oo ah Taliyaha
Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya.
Dacwaddaan ayaa la sheegay in ay wadaan
waxgarad iyo Siyaasiyiin ku nool dalka Dibaddiisa, waxayna qaarkood ay
sheegeen in dacwaddaan ay wadi doonaan ilaa iyo Hay’adaha hoos taga Qaramada
Midoobey ee dhinaca Xaquuqda Aadanaha, sidoo kale waxay sheegeen in
dacwaddaan ay u gudbin doonaan Hay’ado si gaar ah loo leeyahay oo qaabilsan
dhinaca Xaquuqda Aadanaha kuwaas oo horey dacwado ugu soo oogay shaqsiyaad
horey dambiyo uga galay dalalkooda.
Isu soo bax ka dhici doona
Minneapolis:
Goorma:
Sabti, Apr 7. 1:30pm
Xagee:
Chicago & Franklin Ave |

Sawirka oo weyn... READ |
Xubnahan sidoo kale waxay wadaan
banaanbaxyo looga soo horjeedo xasuuqa ka dhacay Magaalada Muqdisho, kaddib
markii afar maalmood ay dagaalo ka socdeen.
Qaar ka mid ah Dowladaha Yurub ayaa iyana
waxay soo dhaweeyeen heshiiska xabad joojinta ee ay kala wada galeen
saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye, sidoo kale waxa
ay Dowladaha Yurub ay ka dalbadeen Dowladda Itoobiya in Ciidamadeeda sida
ugu dhaqsiyaha badan ugala baxdo dalka Soomaaliya, kadibna ay shir dib u
heshiisiin ah isugu yimaadaan dhinacyada isku haya dalka.
Duugista Maydadka oo Maalintii
saddexaad ka socda Muqdisho…
Maalintii saddexaad ayaa Guddiga farsamada ee loo xilsaaray duugista
Maydadkii ku dhinteen dagaaladii ka dhacay Magaalada Muqdisho ayaa mar kale
isugu yimid, waxaana guddigaan la socday mutadawiciin ka kala socotay
Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas.
Maydadka oo mudo tobaad ah yaalay dariiqyada iyo Xaafadaha dhexdooda ayaa
marka laga qaado goobaha ay yaalaan waxaa lagu shubaa Nuuriyad, waxaana
maydadka lagu qaadaa Gawaari waaweyn, markaas oo lagu aaso Qabuuraha
Barakaat, halka Ciidamada Itoobiya maydadkooda ay dib ugu celiyaan dalkooda,
iyadoo maalintii shalay ahayd Ciidamada Itoobiya ay soo baxsadeen maydad
horey loo aasay kuwaas oo lagu baceeyey bacooyin waaweyn
Maalintii shaley ahayd ayaa waxaa la aasey Meydad kor u dhaafaya 26 kuwaas
oo laga soo saarey agagaarka Isbitaalka Xayaad waxaana ku jirey dhowr caruur
ah iyo Haween oo qaarkood u ekaa kuwo la soo shiishey.
Maanta ayaa mar kale dib la isugu laabanayaa in laga kala aaso maydadkii
haray, waxaana lagu waramay in xaafadaha qaarkood ay dhex yaalaan maydad u
badan dad rayid ah oo ay Madaafiicdu ugu tagtay Guryahooda.
Iska hor imaad ka dhacay Degmada Baardheere
Wararka naga soo gaaraya Degmada Baardheere waxay sheegayaan in shalay
degmadaasi uu ka dhacay iska hor imaa socday mudo 20-daqiiqo ah, kaas oo u
dhexeeyey labo kooxood oo maleeshiyo ah, waxaana ku geeryooday iska hor
imaadkaasi hal qof, waxaana ku dhaawacmay labo kale.
Ilaa iyo hadda lama oga sababihii uu ku bilowday iska hor imaadkaasi, hase
yeeshee wara ayaa waxay sheegayaan in labada kooxood ay isku qabsadeen
lacago, waxaana markii dambe ku soo baxay Odoyaasha deegaanka, waxayna ku
guuleysteen in ay xabadda joojiyaan, waxayna wararka halkaasi naga soo
gaaraya sheegayaan in dadka ka qaxay Magaalada Muqdisho oo Baardheere gaaray
ay walwal ka muujiyeen iska hor imaadkaasi, waxayna qaarkood ku cataabeen
“Xabaddii aan Xamar uga soo tagnay miyaa meeshaana nooga daba timid”.
Wixii dhaliyey iska hor imaadkaasi ayaa maanta la filayaa in ay maanta isaga
yimaadaan kooxihii ay dirirtu dhex martay, sidoo kale dadkii ku waxyeeloobay
ayaa la filayaa in Magaalada Muqdisho loo soo qaado si loogu dawaayo.
Soomaalida ku nool dalka Itoobiya oo uu
wal-wal soo wajahay
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Adis-Ababa waxay sheegayaan in markii ay
dhaceen dagaaladii lagu riiqmay ee ka dhacay Magaalada Muqidsho in dadka
Soomaaliyeed ee ku nool dalka Itoobiya gaar ahaan Magaalada Adis-Ababa ay
soo wajahday walwal iyo cabsi.
Dadkaan ayaa waxaa hanjbaadyo ka soo gaareen dad kale oo iyana ku sugan
Magaalada Adis-Ababa kuwaas oo qaarkood lagu yiri “Ciidmaadeena waxaad ku
dileysaan Muqdisho, adigana halkaan ayaad dooneysaan in aad nabadgelyo ku
joogtaan”.
Ciidamada Booliiska Itoobiya ayaa lagu waramay in ay xirxireen dhowr qofood
oo la sheegay in ay u hanjabeen Soomaalida ku nool dalka Itoobiya gaar ahaan
Adis-Ababa.
Dadka Soomaaliyeed ayaa qaarkood waxay sheegeen in ay doonayaan in ay dib
isaga soo laabtaan dalkooda haddii ay helaan wixii tasiilaad ah oo ay u
baahan yihiin.
Dhawaan ayaa labo kooxood oo Soomaali iyo Itoobiyaan ah waxay ku dirireen
Adis-Ababa, waxaana dirirtaasi lala xiriiriyey dagaalka ka socda Magaalada
Muqdisho ee u dhexeeya dadka ka soo horjeeda joogitaanka Itoobiya ee
Soomaaliya iyo ciidamada Itoobiya, waxayna Ciidamada Booliiska Qabteen dhowr
qofood oo lagu eedeeyey inay ahaayeen kuwii ka dambeeyey gacan ka hadalkaasi.
Maxaa
ka soo baxay kulankii Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Itoobiya
Mar kale ayay kulan isugu yimaadeen Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo
SaraakiishaItoobiya ee ku sugan Muqdisho. Kulankaan oo ahaa mid horey loogu
ballansanaa ayaa dib u dhac ku yimid kaddib markii ay fogaatay aasida
Maydadka ku dhintay dagaalkii socday mudafa afarta maalmood ah.
Kulankaan oo socday mudo saddex saacadood ah ayaa afhayeenka guddiga
Farsamada Beelaha Hawiye Xuseen Siyaad Qoorgaab waxa uu sheegay in labada
dhinac ay isku afgarteen in la sii adkeeyo heshiiska xabad joojinta, isla
markaana la sii wado sidii loo aasi lahaa maydadka weli ku jira guryaha
goobihii ay dagaladu ka dhaceen.
Xuseen Siyaad waxa uu sheegay in maalinta berito ah labada duhurnimo lagu
ballamay in la isugu yimaado kulan looga hadli doono sidii loo sii ambaqaadi
lahaa waxa ka dhiman heshiiska xabad joojinta sidoo kalana loo kala qaadi
lahaa ciidamada is hor fadhiya, kaas oo uu tilmaamay in uu kalsooni weyn ku
qabaan shacabka Soomaaliyeed si ay dib ugu soo laabtaan guryahooda.
Waxa uu sheegay Xuseen Siyaad in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay in
ay ku kalsoonaadaan heshiiskaasi oo ay joojiyaan wararka kurikuteenta ah.
Maalintii shalay ahayd ayaa 26 mayd waxaa laga soo saaray goobihii uu
dagaalku ka dhacay, waxaana ku jiray afar carruur ah iyo shan haween ah, oo
ay madaafiicdu guryahooda ugu tagtay, qaarkoodna ay iyaga oo cararaya ay
rasaast u haleeshay, waxaana ka qayb-qaatay mutadawiciin ka kala socotay
Bisha Cas iyo Laaqeyrta Cas, waxaana la filayaa in maanta halkaasi ka sii
socdaan hawlihii mayd aasida.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
Tony Blair
oo Iiraan fariin u diray: "Iima dooneyno wax dhibaato ah"
Apr 7, 2007
Minnesota,
USA:
Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta
beesha....
Akhri...
Jaaliyadda
Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen
dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa
Akhri


|