SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ
ItoApril 5, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (95), Muqdisho (99), Beledweyne (102), Baydhabo (110),  Galkacyo (131),
Sarbeebtii Diinaari

KU: KOOXDA XIRIIRKA SOOMAALIYA.

KU: JAAMACATUL CARAB

04/04/2007

JAWAAB CELIN IYO BAAQ

Anigoo ku hadlaya magaca Ururka SNCP waxaan jawaab celin aan udirayaa bulshada caalamka gaar ahaan Kooxda Xiriirka Soomaliyeed iyo Jaamacatul Carab war murtiyeedkii ay kasoo saareen magaalada Qaahir. waana sida tan;

(1) In shacabka Soomaaliyeed aan lagu qasbi Karin dawlad aysan raali ka ahayn oo dadkeeda iyo dalkeeda aan daryeelin, sidaa daraadeed waa in bulshada caalamka ay ku qasbaan DFS in ay sida ugu dhasaha badan ay xilka iska casisho, si markaa lagu gudbo qabashada shirweynaha Qaran oo lagu dhisaayo shacabka Soomaaliyeed Dawlad midnimo Qaran ah oo ku timaada rabitaan kooda.

(2) Wuxuu qabsoomi karaa shirweyne qaran marka la helo ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda QM oo dhaxdhaxaad ka ah arimaha siyaasadeed ee Soomaliya oo markaana abuura jawi dhaxdhaxaadnimo ah oo usuurta gelin karta qofkasto muwaadin Soomaaliyeed ah in uu si nabad ah wadankiisa ujoogi karo kana qeybgeli karo shirweynaha qaran oo Umadda Soomaliyeed ay kagatashanayaan aayahooda.

(3) Waxaan bulshada Caalamka ugu baaqeynaa in ay Umadda Soomaaliyeed oo tabaaleysan ay la soo gaaraan gargaar bini aadanimo oo dhinac kastaba ah.

Waxaan si taxadar leh usoo dhaweyneynaa heshiiska ay gaareen Hogaamiyaasha dhaqanka Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiyaanka ah. Waxaan kaloo cadeyneynaa in aan lahaynin wax qoraal ah ama cid si cad uga hadashay xabad joojinta dhinac Itoobiyaanka oo ay ahayd mid afka war la isdhaafsaday oo keli ah. Sidaas dharaadeed waxaan ugu baaqayaa Hogaamiyaasha dhaqanka beelaha Hawiye iyo shacab reer Muqdisho in aysan is dhigan oo ay ka foojignaadaan wixii qiyaana ah, oo ay abaabul kooda sii wataan .

Waxaan kaloo ka digeynaa in aysan nabad ka aslaxeyniin dalka Soomaaliya inta ay Ciidamada Itoobiyaanka ay Joogaan , sababtoo ah shacabka Soomaliyeed waxay dhareemayaan in wadan kooda Itoobiya kusoo duushay kuna gumaadey oo welina ay yihiin Umadd lahaysta yaal ah. Itoobiya waa wadan aan deris nahay waxaana kula talineynaa in ay sida ugu dhaqsaha badan ay ciidamadeeda dalka Soomaaliya kala baxdo, ayna dhowrto deris wanaa iyo amaan kusoo dabaalida Geeska Afrika.

GUUL IYO GOBANIMO

CABDISHUKRI CALI XIRSI

GUDDOOMIYAHA URURKA SNCP

DFKMG in ay sida ugu degdegta badan ay si sharaf leh isu casisho oo fursad siiso Umadda Soomaliyeed.. Akhri

AKhri: Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya  ku Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho

Apr 5, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com