SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - ERITREA
ItoApril 5, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (95), Muqdisho (99), Beledweyne (102), Baydhabo (110),  Galkacyo (131),
Sarbeebtii Diinaari

Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Eng. Xuseen Maxamed Farax Caydiid oo ku biiray xildhibaannada mucaaradka ku ah Dowladda FKMG ee joogo Eritrea?

Khamiis, April 5, 2007

Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamed Caydiid oo indhawaalaba ka maqnaa Magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa la sheegay inuu gaaray Magaalada Asmara ee dalka Eritrea.

Xuseen Maxamed Caydiid ayaa la sheegay inuu saakay halkaas gaaray, iyadoo aan la garanayn sababta dhabta ah ee uu halkaas u tagay, waxaana Xuseen Caydiid oo ku mowqif ahaa madaxda sarsare ee Dowladda la sheegay inuu soo dhex galay khilaaf weyn oo sababay inuu gaaro Magaalada Asmara ee dalka Eritrea oo ay ku sugan yihiin xubno ka tirsan baarlamanka oo mucaarad ku ah Dowladda Federaalka KMG.

Wasiirka Howlaha guud iyo guriyeynta Xuseen Caydiid oo xilliyadii ugu dambeeyay ku sugnaa Magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa ka tagay Muqdisho kaddib markii Ra’iisul wasaaraha DFKG Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi uu ka qaaday jagadii Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Soomaaliya.

aidid
DHEGEYSO: CAYDIID OO SHEEGAY MIDAYNTA SOMALIA & ETHIOPIA IYO BAABI'INTA XADKA SOOMAALIYA
Abdullaahi Yusuf Ahmed
C/laahi Yuusuf: oo sheegay in Xuseen Caydiid uusan caadi ahayn
Halkan Ka Dhegeyso ama  Halkan Dhegeyso

Xuseen ayaan la garanayn inuu xiriir hoose dhex maray isaga iyo guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka oo ku sugan Eritrea isla markaana hoggaaminaya xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka oo mucaarad ku ah dowladda.

Ma jiraan warar caddeynaya in Xuseen Caydiid oo ka ah wasiir dowladda Prof. Geeddi uu isku badalay mucaarad iyo in kale, waxaase warar hoose ay sheegayaan inuu isku rogay mucaarad si weyn uga soo horjeeda dowladda FKMG Soomaaliya, uuna ku biiray Xildhibaannada ku sugan Dalka Eritrea ee dowladda ka soo horjeeda.

Muuse Maxamuud Jiisow
somali39@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
025215576666
002521653623


DFKMG in ay sida ugu degdegta badan ay si sharaf leh isu casisho oo fursad siiso Umadda Soomaliyeed.. Akhri

AKhri: Cabdishukri Cali Xirsi oo Cambeereeyey madaafiicda ay ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya  ku Garaacayaan Shacabka reer Muqdisho

Apr 5, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com