SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 5, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (95), Muqdisho (99), Beledweyne (102), Baydhabo (110),  Galkacyo (131),
Sarbeebtii Diinaari

APRIL 5, 2007

  • Xasuuqii ugu xumaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
  • Gurmad isugu jira ciidan iyo Hub oo ka yimid Gobalada Dhexe..
  • Labada dhinac oo shalay kala aastay Maydadkoodii
  • Dowladda Itoobiya oo Ereteriya ku eedeysay in ay hub soo gaarsiisay
  • Col. Yaasiin Dhuuxya Weyn oo shalay lagu dilay..
  • C/llaahi Sheekh Xasan “Reer Puntland dadkii Diyaaradda waxay u kala sooceen Beel Beel”

  • Tony Blair oo Iiraan fariin u diray: "Iima dooneyno wax dhibaato ah"

Xasuuqii ugu xumaa oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Markaa soo aragto goobihii ay dagaaladu ka dhaceen waxaa ku qabaneysa jiriirico iyo naxdin oo ay gaysteen dagaaladaas, waxaana goobaha qaarkood laga soo saaray maydad fara badan iyo dad dhaawac ah oo ku go’doonsanaa.

Guri ku yalaa agagaarka Garoonka K/cagta Muqdisho ayaa waxaa iridkiisa hor yaalay Hooyo iyo canug ay dhashay oo halkaasi ku bararay, kadibna doorsoomay, sidoo kale guri ku yaala agagaarka Cali kamiin ayaa waxaa laga soo saaray 8 qof oo mayd ahaa oo hal qoys ahaa kadib markii uu madfac ku habsaday, sidoo kale Isbitaalka Xayaat ayaa waxaa laga soo saaray ilaa iyo 15 qof oo mayd iyo dhaawacyo gaaraya ilaa iyo 20 qofood.

Isu soo bax ka dhici doona Minneapolis:
Goorma: Sabti, Apr 7. 1:30pm
Xagee: Chicago & Franklin Ave

Sawirka oo weyn... READ

Xasuuqaan iyo dhibaatadan ka dhacday Magaalada Muqdisho waa mid taariikhda gashay, waayo goobaha ay dagaaladu ka dhaceen ma aheyn kuwo ay horey dagaalo uga dhaceen, waxaana markii dagaaladu bilaabanayeen halkaasi soo galay ciidamo Itoobiyaan ah oo aad u hubeysan kadibna uu halkaasi farasaar uu ka dhacay.

Sidoo kale waxaa goobaha qaar dhoobnaa ciidamo Itoobiyaan ah oo maydkooda oo aad u bararay, kuwaas oo iyana ka mid ahaa dadkii goobaha lagu dagaalamay laga soo qaaday.

Dagaalka xoogiisa waxa uu ka dhacay Jidka Xararyaale, Xamar Bila, Cali Kamiin, Garoonka Muqdisho iyo Towfiiq, waxaaa goobahaasi ka muuqda burbur aad u weyn oo dhinac walba leh.

Miisaanka Dhuxusha ayaa waxaa yaala 40 gaari oo siday dhuxul oo xamuul ahaa oo halkaasi ku basbeelay oo gebi ahaantoodba Nuuriyad isku bedelay.

Gurmad isugu jira ciidan iyo Hub oo ka yimid Gobalada Dhexe....

Dhowr iyo toban Tikniko ah oo ay saaran yihiin ciidamo gaaraya boqolaal ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho kuwaas oo lagu xoojinayo ciidamada kale ee kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho ee ka soo horjeeda joogitaanka ciidamada Itoobiya, waxaana shalay la arkayey ciidamadaasi oo soo gaaray deegaano ka tirsan Magaalada Muqdisho.

Ciidankaan oo soo maray dhulka xeebta ah ayaa waxaa soo dhaweeyey dadweynaha ku nool Magaalada Muqdisho, waxaana ciidankaasi markiiba ku kala biiray goobaha ay isku hor fadhiyaan ciidamada Itoobiya iyo kuwa kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho.

Ciidmaada gurmadka ah ayaa waxaa la sheegay in ay shalay marmarayeen wadooyinka Magaalada Muqdisho, kuwaas oo daawanayeen dadweynaha qaarkoodna ay u sacaba tumayeen.

Waxaa Magaalada Muqdisho haatan ka jira heshiis xabad joojin ah oo u dhexeeya Odoyaasha Beelaha Hawiye iyo Saraakiisha Ciidamada Itoobiya, waxaa la isku raacay labo qodob oo horudhac oo kala ah in marka hore xabadda la joojiyo iyo maydadka la kala aasto dadkana dhaawaca ahna loo kala diro Isbitaalada.

Labada dhinac oo shalay kala aastay Maydadkoodii

Iyadoo maalintii Doraad ahayd heshiis xabad joojin ah oo ay wada gaareen saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye ayaa maalintii shalay ahayd waxa la hirgeliyey mid ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey oo ahaa in la kala aasto maydadka ku go’doomay goobihii uu dagaalku ka dhacay.

Maydad gaaraya ilaa iyo dhowr iyo taban ayaa shalay lagu aasay hal goob, waxaana arintaani ka qaybqaadanayey mutadawiciin ka kala socotay Hay’adaha Bisha Cas iyo Laanqeyrta Cas, sidoo kale waxaa shalay loo ogolaaday in ay warbaahintu wax ka duubaan burburkii iyo khasaarihii halkaasi ka dhacay.

Xuseen Siyaad Qoorgaab oo afhayeen u ahaa guddiga dhex dhexadinta ee dhinaca farsamada ayaa mar uu la hadlayey saxaafadda waxa uu u sheegay in labada dhinac ay diyaar u yihiin in ay hirgeliyaan heshiiska, waxa uuna sheegay in hal maalin aan lagu dhameystiri Karin maydadka iyo dhaawaca yaala goobihii lagu dagaalamay, waxaana la filayaa in maanta mar kale halkaasi laga sii wado hawshii aasida maydadka iyo soo bixitaanka dadka dhaawaca ah.

Goobihii uu dagaalku ka dhacay ee ku yaala agagaarka Stadio Mogadishu iyo Towfiiq iyo waliba Xamar Bile ayaa waxa ka muuqday burbur aad u xoogan, waxaana dagaalkaan lagu tilmaamay kii ugu xooganaa ee ka dhaca dalka Soomaaliya.

Dowladda Itoobiya oo Ereteriya ku eedeysay in ay hub soo gaarsiisay

Saraakiisha Itoobiya eek u sugan Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku eedeeyeen Dowladda Ereteriya in ay hub soo gaarsiisay kooxaha kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho, waxayna Saraakiishu sheegeenin hubkaasi Ereteriya ka dejisay deegaano ka tirsan Xeebaha Soomaaliya.

“Ereteriya waxay qayb ka tahay xasilooni darada ka taagan dalka Soomaaliya” ayey yiraahdeen saraakiisha Ciidamada Itoobiya oo sheegay in Ereteriya aysan marnaba dooneyn in xasilooni lagu soo dabaalo dalka Soomaaliya.

Saraakiisha waxay sheegeen in Dowladda Ereteriya ay horey u taageeri jirtay midowgii Golahii Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna sheegeen in hub iyo saanadba soo gaarsiiyeen Golaha Maxaakiimta Islaamiga ah.

Ilaa iyo haatan warka ka soo yeeray saraakiisha Itoobiya cid xaqiijin karta ma jirto, iyadoo Dowladda Ereteriya ay horey uga digtay Dowladda Itoobiya inay faraha kala baxdo xaaladda Soomaaliya, arimaha Soomaaliyana loo daayo dadka Soomaaliyeed oo ay tilmaantay inay xal ka gaari karaan.

Col. Yaasiin Dhuuxya Weyn oo shalay lagu dilay..

Col. Yaasiin Dhuuxya Weyn oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidamaada xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shalay koox dabley ahi waxay ku dileen suuqa Bakaaraha, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha loo dilay Korneelka.

Ma ahan dilkii ugu horeeyey ee loo geysto nin ka mid ah saraakiisha Ciidamada xoogga Soomaaliyeed, waxaana maalmahan socday weeraro lagu hayey saraakiishaasi.

Ehelada Kolneel Yaasiin ayaa waxay sheegeen in aysan garaneyn sababta loo dilay kolneelka, iyagoo sheegay in uusan wax siyaasad ah ku lug laheyn waayadan dambe.

Tan iyo markii ay Dowladda Federaalka soo gaartay Magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Magaalada ilaa iyo dhowr iyo toban sarkaal oo ka tirsanaan jiray Ciidamadii hore ee xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaana dilka sarkaalkaan cambaareeyey Hay’adaha Xaquuqda Aadanaha oo ku tilmaamay mid ka baxsan sharciga Islaamka, xeerarka Soo jireenka ah ee dhaqanka Soomaalida, iyo baaqa caalamiga ah ee xaquuqda Aadanaha oo leh qof kasta waxa uu xaq u leeyahay in uu ku noolaado nabad iyo xoriyo.

C/llaahi Sheekh Xasan "Reer Puntland dadkii Diyaaradda waxay u kala sooceen Beel Beel"

Siyaasiga C/llaahi Sheekh Xasan ayaa ka hadlay dhacdo ka dhacday Magaalada Gaalkacyo, kadib markii Diyaarad ay lahayd Shirkadda Jubba Airways oo siday dad tarxiil ah ayaa markii soo gaartay Magaalada Gaalkacyo, ayaa waxa uu maamulka halkaasi la sheegay in uu u kala saaray Beel Beel dadkaasi, iyadoo Diyaaradda ay ka hareen 21 qofood oo Puntland halka kuwii ku haray Diyaaradda oo gaarayey Boqol qofood lagu amray in ay ku laabtaan meeshay doonaan, hase yeeshee Duulihii Diyaaradda ayaa Diyaaraddii waxa uu ka dejiyey Magaalada Hargeysa, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyey maamulka Somaliland oo dadkaasi dejiyey Hoteelo.

C/llaahi Sheikh Xasan waxa uu ku tilmaamay dhacdadan mid sii kala fogeyneysa shacabka Soomaaliyeed, isagoo sheegay in ay awoodaan in C/llaahi iyo waxa la socda ay dib ugu celiyaan gobaladoodii.

“Ma ahan markii ugu horeysay oo Reer Puntland ay dhibato u gaystaan dad ka soo jeeda Koonfurta Soomaliya, sanadihii ugu dambeeyey ayey dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaliya si ulakac ah ugu daadinayeen Xeebaha Yemen, kuwaas oo xitaa loo adeegsan jiray rasaas” ayuu yiri C/llaahi Sheekh Xasan oo u soo jeediyey Reer Puntland in ay ka waantoobaan dibindaabyada ay ku hayaan dadka ka soo jeeda Koonfurta Soomaaliya, hase yeeshee afhayeen u hadlay Maamul Gobaleedka Puntland ayaa ku tilmaamay arkaan mid aan sal iyo raad toona laheyn oo la doonayo in lagu kiciyo Bulshada Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dadkii saarnaa diyaaradda ay ula dhaqmeen si wanaagsan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Apr 5, 2007

mplsMinnesota, USA: Shir ay yeesheen Beesha Hawiye
Wax garadka, culumaaudiinka & mutacalimiinta beesha.... Akhri...
 

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com