SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
ItoApril 3, 07: Inta beri oo laga joogo markii xabashidu gashay: Kismaayo (93), Muqdisho (97), Beledweyne (100), Baydhabo (108),  Galkacyo (129),
Sarbeebtii Diinaari

WARARKII: APRIL 3, 2007

  • Warbixin koobaan oo ku saabsan dagaalkii Muqdisho
  • Qarax lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalkaa.
  • Dowladda Federaalka oo shalay Gawaarida kala degaysay....
  • Odoyaasha Beelaha Hawiye oo magacaabay Guddi maanta la kulma...
  • Saraakiisha Itoobiya oo ku amray Dowladda in ay kala wareegaan....
  • Affawarke oo u sheegay dhigiisa Musaveni in uu ciidamadiisa kala baxo.
  • Ciidammo ka yimid Puntland oo la sheegay inay Dekedda ka afduubteena.
  • Gacma Dheere iyo Jeele oo sheegay in waxa dagaalka ka wada Muqdisho ay yihiin...

  • Somalia Fighting Has Killed Nearly 400 People in 4 Day

Warbixin koobaan oo ku saabsan dagaalkii Muqdisho

Inkastoo ay jirto xabad joojin ku taagan Ulo Booc ah, ayaa haddana waxaa jira gurmadyo u imaanaya labada dhinac, waxaana Magaalada Muqdisho soo galay ciidamo itoobiyaan oo ka yimid Magaalada Baydhabo, sidoo kale kooxaha kacdoonka ka wada Magaalada Muqdisho kana soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya ayaa iyana waxaa soo gaaray gurmad kaga yimid gobalada Dhexe, waxa uuna Gurmadkaasi u badnaa tikniko kuwaas oo soo maray xeebta.

Waxaan ka mid ahaa dadkii dagaalkii uu saameeyey dagaalka oo uu ku qabsaday dhinaca xaafadda Al-Baraka halkaas oo looga cararay dhinaca iyo Degmada Afgooye, hase yeeshee anigoo ka faa’iideysanaya xabad joojintaan ayaa waxaan markaan soo galay magaalada Muqdisho aan arkayey dad fara badan oo ka qaxayey Magaalada kuwaas oo ku sii jeeday deegaanada ku dhow dhow Magaalada Muqdisho, haddii aad tagtid wadada isku xirta Afgooye iyo Muqdisho waxaad arkeysaa dad fara badan oo ka soo cararay dagaalka, kuwaas oo hoganaya geedo halkaasi ku yaala, waxaana dadkaasi ka muuqata diif iyo darxumo, markii aan la sheekeystayna waxay ii sheegeen in dagaalka ay waxyeelo ka soo gaartay, ha noqoto dhimasho ama dhaawac.

Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhooban dad fara badan oo ku soo dhaawacmay dagaalada, kuwaas oo aan haysan daryeel caafimad, sidoo kale dhakhaatiirta ayey ka muuqataa daal xoog ah, kaddib markii dhowr habeen aysan gelin wax hurdo ah.

Haddii aan u leexano goobaha dagaalka, ciidamada Itoobiya waxay ku sugan yihiin wadada If-iyo-Aakhiro waxayna saaran yihiin guryihii halkaasi ka dhisnaa, sidoo kale Isbitaalka Xayaat ayaa waxay ka galeen dhufeys, sidoo kale waxay ku jiraan xaruntii hore ee Xisbiga iyo Isgooyska Cali Kamiin, waxaana goobaha ku dhow dhow yaala maydad fara badan oo ilaa iyo haatan la kari waayey in la aaso, kuwaas oo isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaa.

Kooxaha kacdoonka wada ee Muqdisho waxay iyana ku jiraan agagaarka Baar Ayaan, wadada Gen. Daa’uud, guryaha ka dambeysa If-iyo-Aakhiro iyo wadada jidka sodonka agagaarka shaneeno Cali Kamiin iyo goobo kale.

Wadada warshadaha oo maalmihii ugu dambeeyey ka xirneyd dhinaca Stadio Muqdisho ayaa furan tahay, sidoo kale dagaalku waxa uu saameeyey Isbitaal Carafaat, Warshadda Kokakola, Isbitaal Ayaan, iyo Miisaanka Dhuxusha oo aan ku arkay ilaa 40 Baabuur oo siday dhuxul kuwaas oo isjiid ahaa dhamaantood halkaasi ku gubtay, waxayna isku bedeleen Nuuriyad.

Dagaalka oo u muuqda mid ay labada dhinac isku daaleen ayaa haddana Odoyasha Beelaha Hawiye waxay noo sheegeen in xabad joojintu ay tahay mid rasmi ah, hase yeeshee Salaad Cali Jeele ayaa sheegay inaysan jirin wax xabad joojin ah oo ay galeen labada dhinac.

Qarax lala beegsaday Saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalkaa.

Shalay ayaa agagaarka Hotelka Ambassador ee jidka Maka-Al-Mukarama waxaa ka dhacay qarax aad u weyn kaas oo lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo ay saarnaayeen saraakiil ka tirsan Dowladda Federaalka, waxaana Saraakiishaasi la sheegay in ay ka mid ahayeen Taliyaha ciidamada xoogga dalka oo lagu naanayso Inna Libaax San ka Taabte, Taliyaha ciidanka Booliiska Cali Madoobe, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada Dowladda, hase yeeshee ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha dhabta ah ee uu gaystay qaraxaasi, waxaana goobta uu ka kacay qaraxa xiray ciidamo ka tirsan Dowladda.

Gaarigii lala beegsaday Qaraxa ayaa gebi ahaanba burburay iyadoo sidoo kale uu qaraxaasi waxyeelo u gaystay guryihii ka agdhawaa.

Wadada uu qaraxa ka dhacay ayaa ahayd wadada keliya ee ay isticmaali jireen Ciidamada Dowlada Federaalka taas oo tagta xarunta Madaxtooyada, waxayna dadka qaarkiis noo sheegeen in ay arintaasi keeni karto walwal aad u weyn oo la xiriira isku socodka Gaadiidka.

Dowladda Federaalka oo shalay Gawaarida kala degaysay....

Ciidamada Dowladda ee ku sugan Ex-Koontarool iyo Xamar Weyne ayaa la asheegay inay Gawaarida kala degayeen dad halkaasi marayey, waxaana shalay oo keliya Gawaarida lala degay ilaa iyo 12 qofood oo aan la ogeyn halka loola dhaqaay.

Dadka ayaa marka lala degayo waxaa lagu yiraahdaa (Waan idinka shakinay ee Gaarigaan raac), iyadoo ehelada dadkaasi ay ilaa iyo xalay aad uga walwalsanaayeen, sidoo kale qaar ka mid ah shaqaalaha Isbitaalka Xayaat ayaa halkaasi lagala baxay oo aan la ogeyn halka loola kacay, iyadoo isbitaalkiina uu noqday dhufeys ay ku dhuuntaan ciidamad Itoobiya.

Horey ayay ahayd markii Ciidamada Dowladda FKMG ay dad fara badan kala baxeen guryahooda, kuwaas oo qaarkood loo qaaday dalka Itoobiya, qaarkoodna ilaa iyo haddana aan la garaneyn waxa ay ku sugan yihiin.

Odoyaasha Beelaha Hawiye oo magacaabay Guddi maanta la kulma...

Kulan mudo saacado ah qaatay ayaa waxaa shalay isugu yimid Odoyaasha Beelaha Hawiye, waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda Magaalada Muqdisho iyo heshiiska xabad joojinta ah ee u dhexeeya Ciidamada Itoobiya iyo Kooxaha kacdoonka ka wada Magalaada Muqdisho ee diidan joogitaanka Ciidamada Itoobiya.

Dood dheer iyo falanqeyn kaddib waxaa la isku afgartay in la magacaabo guddi isugu jira Siyaasiyiinta, Odoyaal iyo Waxgarad kuwaas oo lagu wado in ay maanta la kulmaan Saraakiisha Ciidamada Itoobiya.

Kulankaan oo shalay lagu waday in uu dhaco ayaa la sheegay in uu u baaqday arrimo farsamo kaddib markii ay Odoyaasha Beelaha Hawiye ay la soo xiriireen dad Soomaali ah oo xiriirinayey Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaasha Beelaha Hawiye.

Waxaa la filayaa in ay ka soo baxaan shirkaasi go’aano wax ku ool ah oo wax looga qabto xaaladda murugsan ee ka taagan Magalaada Muqdisho, hase yeeshee ilaa iyo haatan Saraakiisha ama Dowladda Itoobiya kama aysan hadlin heshiiska Xabad joojinta ah ee ay wada galeen Itoobiya iyo Beelaha Hawiye.

Saraakiisha Itoobiya oo ku amray Dowladda in ay kala wareegaan....

Warar hoose oo aanu helnay ayaa waxay sheegayaan in Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ay Dowladda Federaalka ku amreen in ay Ciidamada Dowladda la wareegaan goobaha haatan ay ku sugan yihii sida garoonka Stadio Mogadishu, xaruntii Xisbiga, Cali Kamiin, Isgooyska Folorensa, Wasaaradda Gaashaandhiga, Kulliyaddii Jaale Siyaad, iyo Isbitaalka Dikfeer, hase yeeshee mas’uuliyiinta Dowladda ayaa Saraakiisha Itoobiya u sheegay in aysan haatan awood u laheyn inay la wareegaan goobahaasi, balse waxay ka dalbadeen in ay sii hayaan goobahaasi.

Saraakiisha Ciidamada ayaa lagu waramayaa in ay ka madax adeegeen, waxaana shalay Ciidamada Dowladda la wareegeen kulliyaddii Jaale Siyaad iyo Isbitaalka Dikfeer, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda la wareegaan goobo kale, basle Su’aasha isweydiinta mudani waxay tahay sida ay Ciidamad Dowladda FKMG u hayn karaan goobahaasi.

Affawarke oo u sheegay dhigiisa Musaveni in uu ciidamadiisa kala baxo.

Madaxweynaha wadanka Ereteriya Affawarke ayaa kulan deg deg ah la yeeshay Madaxweynaha Uganda Musaveni waxaana kulankaasi looga hadlay xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan dagaalada ka socda Muqdisho, iyadoo ciidamada Uganda uu saameyn ku yeeshay dagaalkaasi, kaddib markii uu hal askari kaga dhintay dagaalka.

Kulankaan oo socday mudo hal saac ah, ayaa madaxweynaha Ereteriya waxa uu us oo jeediyeey Musaveni in uu deg deg ciidamadiisa kala baxo intay goori goor tahay, isagoo sheegay in Ciidamada Uganda aysan wax sidaas ah ka ogeyn xaaladda dhabta ah ee ka jirta Dalka Soomaaliya, isla markaana ciidmaada Uganda lagu keenay amar ka yimid Dowladda Mareykanka iyo Dowladda Itoobiya.

Warar ayaa waxay sheegayaan in maalintii shalay ahayd ciidamada Uganda ka baxeen goobo ay ka mid yihiin Km4 iyo goobo kale, iyadoo ciidamada Uganda haatanay ku sii uruurayaan garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamadii kale ee la filayey in ay soo gaaraan Muqdisho ayaa haatan waxay u muuqdaan kuwo ka baaqsanaya in ay yimaadaan dalka Soomaaliya, maadaama ay dagaalo xoogani ka socdaan Magaalada Muqdisho.

Ciidammo ka yimid Puntland oo la sheegay inay Dekedda ka afduubteena.

Iyadoo Dekedda weyn ee Magaalada Muqdisho ay aad u amaankeeda u sugayaan ciidamo ka tiran Uganda ayaa haddana waxaa dekeddaasi laga watay Markab u rarnaa ganacsato, waxaana la sheegay in ay afduubteen dhowr iyo toban dhallinyaro ah oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Federaalka, ilaa iyo haddana lama garanayo sababaha ay Markabkaasi afduubteen.

Markabkaan oo mudooyinkaan ku sugnaa Dekedda kadib markii ay dejintiisa saameyn ku yeesheen Dagaalada Ka socda Magaalada Muqdisho, ayaa loo badinayaan in Afduubayaashu ay la aadaan dhinaca deegaanada Puntland.

Waa markii ugu horeysay oo Dekedda weyn laga afduubto markab u rarnaa ganacsato, iyadoo aysan wax war ah ka soo saarin Dowladdu ilaa iyo hadda xaladda markabkaasi.

Markii ay la wareegeen gacan ku haytan Magaalada Muqdisho Maxaakiimtii Islaamiga ayaa waxaa dhamaaday afduubka loo gaysto Maraakiibta, iyadoo mar ay afduubteen markab kooxihii burcadda ahaa dhamaantood la soo qabtay.

Gacma Dheere iyo Jeele oo sheegay in waxa dagaalka ka wada Muqdisho ay yihiin...

Wasiirka Arimaha gudaha Max’ed Sheekh Maxamuud Guuleed (Gacma Dheere) iyo wasiir ku xigeenka Gaashaandhiga Dowladda Federaalka Salaad Cali Jeele ayaa mar waxa laga weydiiyday dagaalka ka socda Magaalada Muqdisho, waxay sheegeen in dagaalkaasi ay wadaan wax ay ugu yeeraan kooxo Argagixiso ah oo xiriir la leh ururka Al-Qaacidda, waxayna meesha ka saareen in dagaalka ay wadaan dhallinyaro ka tirsan Beelaha Hawiye oo ka soo horjeeda joogitaanka Ciidamada Itoobiya iyo Dowladda Federaalka.

Gacma Dheere iyo Salaad Cali Jeele waxay sheegeen in goor dhow la soo afjari doono kooxahaasi, isla markaana dib loo soo celin doono nabadgelyadii Magalaada Muqdisho, waxay kaloo sheegeen in uusan jirin wax heshiis xabad joojin ah oo ay wada galeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya iyo Odoyaal ka tirsan Beelaha Hawiye, waxayna ku tilmaameen kuwo aan waxba ka jirin.

Gacma Dheere iyo Saalad Cali Jeele ayaa haatan ah rag si aad ah uga horeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo maalmahan dambe aan ka hadlin Dagaalada ka socda Magaalada Muqdisho, balse iyagu ay noqdeen kuwa ugu hadalheynta badan.

Afhayeenka Beelaha Hawiye Axmed Diiriye ayaa waxa uu sheegay in dagaalku uu u dhexeeyo Ciidamada Itoobiya iyo Beelaha Hawiye, waxa uuna sheegay in heshiis xabad joojin ah ay la galeen Saraakiisha Ciidamada Itoobiya ee ku sugan Magalaada Muqdisho kadib markii ay la soo xiriireen dad kale oo soomali ah oo u dhexeeyey labada dhinac.

Labo Eey oo ka soo baxsatay Ciidamada Itoobiya oo lagu dilay.

Dhallinyaro careysan ayaa daba ordaysay labo Eey oo aad u waaweyn oo ay qoorta ugu taalay calaad cagaaran, waxaana la sheegay in ay ka soo fakadeen dhinaca xarunta Xisbiga kaddib markii ay u adkeysan waayeen xabadihii la isweydaarsanayey.

Labada Eey oo ay ka muuqatay fiiktaal ayaa markii dambe waxaa lagu dilay jidka Warshadaha.

Dada qaar ayaa waxay noo sheegeen in Eeyahan ay ahaayeen kuwo loo tababaray dhinaca ammaanka, sidoo kale qaar ayaa waxay noo sheegeen in Eeyahan loo tababaray inay baaraan goobaha Miinooyinka lagu aaso, iyo waliba wadooyinka.

Eeyahan ayaa dadku si aad ah ula yaabeen, waxaana haatan meeshay yaalaan booqanayey dad fara badan Eeyahaas oo ka duwan kuwa nool Magaalada Muqdisho, waxaana ka muuqatay koriimo iyo nafaqo aad u xoogan.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com
 


Dab ka soo baxaya aagga Garoonka Diyaaraha Muqdisho, kaddib markii diyaarad helikopter ah gantaal lala helay. Maarso 30, 2007. Sawirka: AP

denmarkJaaliyadda Soomaalyeed ee Denmark oo shir ka yeelatay arrimaha Soomaaliya
Shirkaas oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha kala duwan ee jaaliyadda ayaa Akhri

 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com