SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Xili soo Galaba Magacyo Cusub!

W/D: Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Muqdisho, Soomaaliya


Tan iyo markii ay dhaceen dagaaladii Sokeeye waxaa mudadaasi dalka soo maray xiliyo kala duwan oo ay dhacayeen dhacdooyin kala duwan, waxaana dadka ay baranayeen magacyo cusub oo markaasi iska soo horjeeday.

Xiligii dagaalku u dhexeeyay Caydiid iyo Cali Mahdi waxay Bulshada Soomaaliyeed ay barteen magacyo oo goobaha fadhi ku dirirada ay si aad ah uga sheekeysan jireen, waxaana magacyada Soomaalida wehliyey magacyo kale oo Shisheeye ah. Haddii aan soo qaadano magacyada Bulshadu ay barteen waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi iyo Caydiid oo iyagu udub dhexaad u ahaa arinta, Max’ed Abshir Muuse, General Gabyow, General Moorgan, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Max’ed Xasan Cawaale, Max’ed Xaaji, Xuseen Sheekh Axmed (Kadare), Xuseen Xaaji Bood, Cusmaan Caato, Max ‘ed Qanyare, Axmed Cumar Jees, Prof, Ciise Max’ed Siyaad, Cabdi Warsame Isaaq, Max’ed Nuur Caliyow, C/casiis Sheekh Yuusuf iyo Bashiir Bililiqo, Calasow Dheere, Max’ed Xaashi Gaani, Cabdi Naasir Seerjito iyo xubno kale, aan u leexano xiligii uu dalka Yimid Mareykanku oo ay dagaalka foodda is dareen General Caydiid iyo General Admiral How oo isagu hogaaminayey hawgalkii ciidamada Mareykanka ee Soomaaliya, waxayna dadka Soomaaliyeed u bixiyeen xilgaas Animal Haw, ayaa haddana Bulshada Soomaaliyeed waxay barteen magacyo cusub oo markaasi ay ku fadhi dirareen, waxaa ka mid ahaa Caydiid, Cabdi Xasan Cawaale Qaybdiid, Cusmaan Caato, Xaawo Cawaale Abtidoon (Xaawo Yareey), Cabdi Casiis Sheekh Yuusuf, C/kariin Axmed Cali oo afhayeen u ahaa isbahaysigii SNA ee la dirayey Mareykanka, Axmed Cumar Jees, Max’ed Nuur Caliyow, Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen oo isagu si aad ah looga bartay fagaarayaasha banaanbaxyadu ka dhacayeen gaar ahaan Tarabuunka, Prof Ciise Max’ed Siyaad,iyo hadii aan soo qaadano dhinaca Mareykanka waxaa ka mid ahaa Admiral How, James Jona oo isagu saxiixay heshiiskii xabad joojinta ee ay yeesheen Caydiid iyo Cali Mahdi, balse markii dambe laga waayey magaciisa goobaha fadhi ku dirirka, waxaa kaloo ka mid ahaa Victar Beba, Michael Duran oo isagu ahaa duuliyihii lagu qabtay dagaalkii 3-dii October 1993 Generaal Beer , Devid Muuris , Mario Ziko iyo Jhon Carlo .Markii uu Caydiid ku dhawaaqay Dowladdii Salbalaar ayaa dhinaca kale waxaa lagu dhawaaqay Isbahaysi la magacbaxay SSA, haddaba Dowladdii Salbalaar Magacyadii ay Bulshadu barteen ayaa waxaa ka mid ahaa Max’ed Xaaji oo ka yimid Garoowe, C/raxmaan Tuur oo isna Reer Waqooyi ahaa isaga iyo Caydiidna ay dagaal ka soo wada bilaabeen dhinaca Itoobiya, Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) oo xiligaasi loo magacaabay Wasiirka Maaliyadda, Axmed Cumar Jees, Max’ed Nuur Caliyow, Max’ed Qanyare oo isna loo magacaabay Wasiirka Arimaha Gudaha, C/casiis Sheekh Yuusuf oo loo magacaabay Wasiirka Caafimaadka, Sheekh Jaamac Xaaji Xuseen.

Dhinaca Ururkii SSA, waxaa ka mid ahaa Cali Mahdi, General Aadan Cabdulaahi Gabyow, General Max’ed Abshir, Max’ed Xaashi Gaani, C/llaahi Sheekh Ismaaciil, Xasan Abshir Faarax, Shaarguduud, Sheekh Aadan Madoobe, Xaabsade, Maxamed Aaadan Qalinle oo isagu afhayeen u ahaa jabhaddii RRA oo dagaal kula jirtay General Caydiid iyo Xuseen Caydiid iyo xubno kale.

Intii ay iska soo horjeedeen labadaasi dhinac ayaa waxaa Caydiid ka hor yimid ninkii ay sida aadka ah isugu dhawaayeen ee Cusmaan Caato, waxayna wada galeen dagaal iyadoo xiligaasi magacyadii lagu fadhi ku dirirayey ay ka mid ahaayeen Cabdi Qaybdiid, Cusmaan Caato, Feereysane Avv Cali Maxamed Guure Maxamed Jaamac Qoordheere iyo xubno kale. Xiligii Dowladdii Carta ayaa iyana waxaa laga bartay magacyo cusub oo u badnaa hadalheynta, waxaana ka mid ahaa C/qaasim Salaad Xasan, Cali Khaliif Galeyr, Xasan Abshir, Max’ed Cabdi Yuusuf, Cabdala Deerow, Mukhtaar Guudow, Ismaaciil Hurre Buubaa iyo Jaamac kalluun. Xiligii Maxaakiimta Waxaa soo baxay magacyo waxaana ka mid ahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Sheekh Xasan Daahir Aweys, C/qaadir Cali Cumar, Abuu Mansuur, Abuu Saynab, C/rixiin Muudey, Sheekh Yuusuf Indha-Cadde, Sheekh Max’ed Ibraahim Suuley, Sheekh Fu’aad, Sheekh Cumar Iimaan, Abshir Bacadle oo isagu xili kasta ahaa Abwaan u hiiliya dhinaca Wanaaga iyo Abuukar Cumar Cadaani, Aadan Xaashi Cayrow, Goobaale, waxayna kooxdaani dagaal la galeen Hogaamiye kooxeedyo ay ka mid ahaayeen Max’ed Qanyare, Muuse Suudi, Bashiir Raage, Cabdi Waal, Cumar Finish, Cabdi Qaybdiid, Cabdi Shukri, C/rashiil Ilqeyte, Max’ed Dheere iyo kuwo kale. Markii ay timid Dowladdii C/llaahi Yuusuf Magaalada Muqdisho, waxaa la bartay magacyo cusub oo lagu fadhi ku diriro, waxaana ka mid ah C/llaahi Yuusuf, Cali Geedi, Jinni Boqor, Shariif Xasan, Caasha Cabdala, Salaad Cali Jeelle , Diinaari, Ibraahim Shaaweeye, Cadde Gaabow, Xuub Sireed, Af-qurax, Af-Guduud, Inna Libaax San ka Taabte, Inna Dhiig Sokeeye, Isbariije, Seefta Banaanka, Buubaa, Furux, Xuseen Caydiid, Gacma Dhere Dhalxa Cusmaan Boqore Mowliid Macaani iyo General Gabre oo Itoobiyaan ah , Musvin Mele Zanaawi. Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa soo baxay magacyo cusub oo ay ka mid yihiin Axmed Diiriye Afhayeenka Beelaha Hawiye, Cabdi Iimaan Cumar, Ugaas Cabdi Daahir Cabdulaahi Shiikh Xasan iyo Baddy Ackunda,oo Ugandeeys haddaba shacabka ma arki doonaan magacyadaan oo ka dhamaada, oo qaarkood la kowsaday dagaaladii Sokeyee markii uu bilowday Waxaan Meesha Ka marneyn Magacyada Bulshada Rayidka Cabduqaadir Abkow, Avv Cumar Dhegey Cabdulaahi Maxamed Shirwac Madiino Generaal iyo Suudaan Cali Axmed iyo Maryan Owreeye Waxaa Jirey Rag iska garab rarato ahaa waxaa Kamid ahaa Cabdi Nuur Darmaan , Faarax Zendiko iyo Shookaali.

W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail amiinkhasaaro@hotmail.com

Hoobiyuhu yuu Dan u yahay? Nin Wax jooga aan garan, wax soo socdana ma garto.... Guji

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
 

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com