SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Himilo : Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye 

Inj. Maxamed Cali Cibaar

Soomaali60@yahoo.com  
 

Gabaygaan la magacbaxay Himilo, wuxuu soo baxay 22kii Maarso 2007da, wuxuuna ka hadlayaa xaaladaha ka soo cusboonaaday Soomaaliya, si gaar ahna wuxuu u sii taabanayaa dagaallada ujeeddooyinka gurracan ee dib uga soo fufay Muqdisho. Gabaygu, wuxuu jawaab u yahay farriin culus oo iiga timid saaxiib qaali ah oo ku sugan magaalada Muqdisho magaciisana aan  ku soo gaabinayo Cabdi. 

Farriinta Cabdi oo runtii argagax lahayd, dhinacyo badanna taabaneysay, waxaa ugu muhiimsanaa darxumada haysata danyarta madaafiicda lagu duqeynayo oo aan cidi u maqneyn ceelna u qodneyn, dhiiggooda durdurayana ay kuwo arxanlaaweyaal ahi deeq iyo darajo ka raadinayaan. 

Waxaan Muqdisho joogay  maalmihii dowladdii millatarigu ay magaalada ku sagootineysay madaafiic naf iyo maal badanba galaafatay. Maalmahaas waxaan dhowr mar gacmaheyga ku qaaday dad maati ah oo ay madaafiic habow ahi ku habsadeen. Sidoo kale dhowr bilood ka dib ayaan haddana u soo taagnaa dagaalkii afarta bilood ee Xamar, mar kalena aan gacmaheyga ku guray dad kuwii hore ka badan oo uu dhib ka soo gaaray duqeyn aan loo meel dayeynin. ka dar oo dibi dhal, duqeyntu tii horeba ka daran !! Yoolku waa suuqyada, makhaayadaha, dugsiyada  iyo meelaha lagu badan yahay. Ujeeddadu maxay tahay?! 

Muddo 15 sano ah ka dib, weli maatida  Muqdisho duqeyn ayaa ku socota! Weli yoolku waa suuqyada, dugsiyada, dekedaha iwm. Ujeeddadu maxay tahay?!  

Malaheyga, Soomaalidu waxay horay ugu maahmaahday “Miskiin ayaa misko la fuulo leh”. Maanta xaal wuxuu taaganyahay “ Mansab iyo macaash , maati dhiigeed ayaa lagu helaa”. Maatina middii  maalintaas beylahan ayaa ugu sii macaan, sida tan Muqdisho! Mowlow adaan magan kuu nahay. 

Si kastaba ha ahaatee, waxa maanta ka dhacaya Soomaaliya, gaar ahaan Muqdisho waa wax lagu xisaabtami doono, taariikhda aan la xodxodan karinna ay xusi doonto. Shaqsiyaad, kooxo iyo dowlado, mid waliba wuxuu geysto waa laga gudi doonaa Insha-Allaahu. Rabbi waa caadil, caalamkaanna isagaa iska leh. Aan xusuusnaanno in xisaabtanka dhabta ah ee aan la xeeladeyn karin uu yahay kan aakhiro oo aan maal iyo muran midkoodna waxba goyneynin. 

Waa kan gabaygii Himilo ee akhris wanaagsan. 

  1. Hooggaad ka sheekeysay iyo hurdo la’aantiinna
  2. Warkaad hirarka soo marisay iyo hawada duuleysa
  3. Farriintaadi haatufku u siday helay Cabdow xalaye
  4. Soomaali inkastoy hartoo uu habaas qariyay
  5. Inkastoo hareeraha dhammaan hohey ka yeereyso
  6. Inkastoo halkii aad daydaba hoy ku ololaayo
  7. Inakastoo mariid halaq leh uu wada horboodaayo
  8. Oo horimo loo qaybsaduu khaa’inkii horaayo
  9. Shacabkuna hundhuro oo sidii hayinka loo fuulo
  10. Haddana Muqdisho musiibada hab tiri Hanadow waa gaare
  11. lurkaan laabta kaa huriyayee hoyasho kuu diiday
  12. Hiirtaanyo waan kula qabaa hiifitaan gogole
  13. Gartay halkaad ka heeseyso oo waa gar hadalkaaye
  14. Halxiraale anigoonan gelin hoo jawaabteyda. 
     
  15. Halkii Xamar aheyd waxa ka dhacay waa halaag culuse
  16. Habro-leged  harkii culimo layn hirigta oo shaqo ah
  17. Burcaddoo hengesha tii xirneyd hoosh ku qaadeysa
  18. Heyb tuugo lagu garabgaloon hooy la oraneynin
  19. Howraarta deelqaafa iyo hantaatacoo sharaf leh
  20. Oo uu hoggaamiyaba yahay nacas hunqaacaaya
  21. Heer bey galabba taagantahay horay aan loo arage
  22. Haamaanno markii ay talsheen la isku hoosaas-shay
  23. Oo hambalyo loo wada diroo hadiyad loo raacshay
  24. Waxa la hindisaayoo  beryahan lagu hadaaqaayo
  25. Waa Banaadir inuu wada holcaa sidii Hargeysaade
  26. Waa godob hor looy beerayaan duul habaaraniye
  27. Waa nacabkaan hur! intaas lahayn haakah! Dhihiddiise
  28. Dabkaa samada heehaabayiyo dhimbilahaa hooban
  29. Madfac howtulhamagoo yoolkiisa aan la hubineynin
  30. Maantana ma habaqlaa sidii roob u hooraaya ?!
  31. Ma saqiirro hilibkood dubmaa saaka na horyaalla?!
  32. Ma Amxaar haryuub laa kufsaday hooyo toban haysa ?! 
     
  33. Qaddar ruuxna ma horjoogsan karo howl Ilaah qoraye
  34. Rabbigii fircoon halligayee harqiyay qoomkiisii
  35. Rabbigii Abraha haad ku diray shimbir hub tuureysa
  36. Rabbigii Hitleer naga qabtiyo Naasi halistiisa
  37. Hujuumkaa Muslinka lagu hayiyo huwanta soo duushay
  38. Heelleyda wuu garanayaa hammiga kooda ahe
  39. Gelinkaanna wuu hakin karaa habhableyaashaane
  40. Annagaase habacsanoo aan rabin guusha heliddeede
  41. Annagaan habkuu Qaadir faray haynin ficilkeede
  42. Annagaa humaag beena iyo jecel humbaalleyne
  43. Annagaa halbowlaha is jari isna halgaadeyne
  44. Annagaan hannaankii gobeed uba hilow qabine
  45. Haddii aan hilinkii Suubanaha  hakad  la’aan raacno
  46. Haddaan halganka joogteyno oon  heeryo nacab diidno
  47. Hilbodirir haddii aan galnoo erinno haaweyda
  48. Iney barqa cad ka huleelayaan waa mid la hubaaye. 
     
  49. Halhaleelse libin kuma timaad howl la’aan abide
  50. Rag hareeddo loo aan baqayn dumar hareer jooga
  51. Waa iney naftoodiyo huraan wixii ay haystaane
  52. Waa inuu hormuud noo noqdaa geesi howlkarahe
  53. Harjad iyo haddii lala yimaad qorshe halbeeg yeesha
  54. Hanjabaadda kuwa nagu hayee na hagarshuumaaya
  55. Hiilweyne kuwa noogu yimid hawo xumaantooda
  56. Hor Ilaahey wey eedayaan hadafka kooga ahe
  57. Luuqyada markii laga herdiyo haadney wey dhihiye
  58. Hoobaanta gobonnimo illaa  aan ka haqab-beelno
  59. Oo weliba keyd ay helaan jiilka hari doona
  60. Dayuusnimo inaan haye niraa waa hebeen tagaye. 
     
  61. Hubka nalagu laynaayo iyo hoobiyiyo bii em (BM)
  62. Hillaaciisa kuwa ku farxayee jecel halaaggeenna
  63. Duqeyntaa maatida lagu hayee lagu huf siinaayo
  64. Hanti iyo haddey maal ka filan hunguri waa yaabe
  65. Waa heelluu sheydaan u tumay hooska dhalanteede
  66. Adduunyadii hungee aakhirana holan ayaa sugiye
  67. Qabri iyo intaan hogga la gelin karfanna loo huginnin
  68. Iney towbad hadda soo ceshaan wow habboontahaye
  69. Hororrada dhulkeennii damcee u hanqaltaagaaya
  70. Kuwa hibishle hoostooda ee cadowgu heeryeysto
  71. Iyagow horreyn waa hubaal intey haraatiyiye
  72. Haadaan intii aysan ka dhicin oohinna huqleynin
  73. War Tigree ka hara yaa yiraa waad habowdeene.  
     
  74. Ummaddeennii hardan dhagara iyo hiillo jaahiliya
  75. Sheekooyin hal-abuura iyo gacal la haybsooco
  76. Annaagaa horreyniyo annagaa ina hudhuudhuu ah
  77. Hadda taajir iyo waxa qarribay hawo adduunyaade
  78. Isagoon horweyn geela iyo riyaba soo hoysan
  79. Oon hiiradii beer faleyn intuu horuu tooso
  80. Isagoon badweyntii hindiya haabaneyn Yuumbi
  81. Ama aan kabaha hoose iyo harag sanceyneynin
  82. Oo been inuu hurgufo iyo hunnunnudaw taagan
  83. Nin waliba hal seken wuxuu rabaa bilyan inuu helaye
  84. Waxaa loo haliilaa xil aan kartiba loo hayne
  85. Waxaa badida loo heellanyahay hambasho xaaraane
  86. Hebel iyo heblaayaanu nahay harowsi beenaadkii
  87. Mar haddii halkaan degi jirniyo looga qaxay howdkii
  88. Mar haddii hareeraha dunida la isku heeraamay
  89. Oo Hangari Hindiyiyo Hunduras loo martiyay Hayti
  90. In qabyaalad ay hoog tahoo lagu hungoobaayo
  91. Kaan habaa’an garashadu aheyn hubanti soo aragye
  92. Haawaay intaan leysku rarin oon la kala haadin
  93. Oon hijro la wada aadinoo haawan gobolkeennu
  94. Dooxato hayaan ahi inteysan ku habsan ciideenna
  95. Oo aysan doqomadan hibeyn aan halna ogeyni
  96. Dadkan hebella-hebelleynayeen horeba eegeynin
  97. Is-hays-haysashiyo xaalkii gudub hiririg joogtaaye
  98. War heshiiya hadda yaa yiraa waad habsaanteene. 
     
  99. Rabbiyow wixii horay u jiray haatan waxaan taagan
  100. Hadhow sey ahaan  iyo adaa  heerba-heer garanne
  101. Adigaa hagaajiya waxay kuwo halleeyaane
  102. Annagoo hoyaad kuu ahoo Hodanow aammiin leh
  103. Xaalkeennu halkuu taaganyay waa huq iyo ciile.
  104. Agoon aabbe iyo hooyadood iilkii loo hooyay
  105. Oo ehel habaayoo wax siin deris habeynaaya
  106. Daryeel dowlad loogu soo hirtiyo hay’ad kaalmeysa
  107. Aan helin gargaar haqabtiroo aadmigu hilmaamay
  108. Kuwo aanan shilin haysannoo hambada gaadaaya
  109. Oo baahi la hadaafayoo hoorsan midigtooda
  110. Hilfihihii dharkoodiyo kuwuu hugii ka jeexjeexmay
  111. Hilibkiina ka dhamaadayoo madaxu hoolhoolmay
  112. Oo halacsi tabartoodu tahay lana huruufaayo
  113. Haantoodu kuwey marantahoo biyaha heemheemin
  114. Allahayow harraad ilmo qaboo haqanayaa badane. 
     
  115. Caafimaadku waa hanti ninkii haysta moogyahaye
  116. Xaamilo xanuun  haah leh iyo fooli midey hayso
  117. Oo aan dhakhaatiir heleyn hubiya xaalkooda
  118. Haween waxa darxumo nooga go’ay ka badan heeddaase
  119. Inta danyar hagooganoo aan karin Hargab kiniinkiisa
  120. Intuu cudur haleeloo hintiyi ama hinraageysa
  121. Oo uu heerkulkii gaaray boqol dawana loo haynin
  122. Oo haraca geedka u dhow iyo hooskii tagi wayaay
  123. Oo la hinjinaayoo aan socod uba hawooneynin
  124. Allahayow bukaan haarayoo hiiqle baa badane. 
     
  125. Haddii nabad la waayoy fitnadu heer xun sii gaarto
  126. Habeen mugdiya daa ee harkii yaan la soconeyne
  127. Siduu malaggii nafta hanan lahaa hooddi yiri hooddi
  128. Kuwuu wadnuhu highigleynayoo hadba dhan aadaaya
  129. Horay iyo gadaal kuwa nacoo hogasho dhowraaya 
  130. Oo heegan baqo yuuraroo hurdo ku diimaaya
  131. Allayahow hoyaad kuwa ka tagoon harsannin baa badane. 
     
  132. Allahayow waxaan haybinnaba kii hayaad tahaye
  133. Allahayow  colaad nala hartaye nabadda noo soo hag
  134. Allahayow intii hurin fitnada saaka ka horjoogso
  135. Allahayow habow inta ahee la hoday soo toosi
  136. Allahayow  midnimo lama huree aan hal qoys noqonno
  137. Allahayow heshiis  iyo isfaham gacal ku haasaawo
  138. Allahayow hankii qarannimiyo haybad kaa barinnay
  139. Allahayow caddaaladda hirgeli wow hanweynahaye
  140. Allahayow hanuun waa nimcee noo horseed khayrka
  141. Allahayow hillinkii suubbanaa maanta na haleeshii
  142. Allahayow xaq wow heellanne  himiladeen toosi. 
     
     
  143. Annagoo horyaaloo Rabbiyow nalaga haybeysto
  144. Waxey huwantu noogu soo shireen heybta diineede
  145. Shareecada hirgelinteeda iyo dhaqan hufnaanteeda
  146. Hantigoosigoodii la nacey ka hin-hinaaseene
  147. Hubal ruuxii inuu caabudiyo hungo Ibleys diida
  148. Hirooshiima yaad noqon ayaa lagu handadayaaye
  149. Waxey injirta noogu huurinnoo loo hubeynaayo
  150. Oy haranka nooga daba wadaan inaan hallownaaye. 
     
  151. Hagardaamo waxay nagu faleen ood warkeed hayso
  152. Dhaxeey haruur deeq ahoo hadimo keeneene
  153. Dhaaxeey  halyeygii kacaba hoos dhigeen dabine
  154. Dhaxeey mid heenseysan iyo noo boqreen hebede
  155. Dhaaxeey huuhaa beena iyo hadallo faafsheene
  156. Halkey nala rabeen waannagaa daaqnay halistiiye
  157. Waa taa gumeystaha hor lihi howl yaraan yimide
  158. Waa kaa degmadii Hodan aheyd Howlwadaag degaye
  159. Allahayow kufaartii is helnaye  maanta noo hiilli. 
     
  160. Nin wadkiisii u hiloobayoo laga horjoogjoogo
  161. Waa Xabashidaa harwash leh iyo huunyadaa timide
  162. Haarihii ku yaalliyo iyagoo weli habeeddii leh
  163. Hiddo inaan u leenahay dagaal wey hilmaameene
  164. Haruubkoodii wuu buuxsamoo halliggii bow dhimane
  165. Allahayow hootada aan ridnaa heedda kuman goyso
  166. Allahayow dulliga huurada leh uu hal tari waayo
  167. Allahayow hanfi gubtiyo ku kici ciidan halakeeya
  168. Allahayow huluulaha jiqdiyo howdka lagu laayo
  169. Allahayow uu habqankooda jabay Herer-na sii dhaafo
  170. Allahayow halhayskooda ka dhig hoognayey hoognay !! 

Inj. Maxamed Cali Cibaar
Soomaali60@yahoo.com 

Imbeeki (Gabay): Falceliska Warqaddii Madaxweyne Thabo Mbeki: Jawaab qoraalkii madaxweyne Mbeki Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com