SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
March 15, 125

Bayaan Ku Saabsan Xaaladda Dalkeena Hooyo

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-
sharifhassan50@yahoo.com


Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed ee Nabada,Midnimada iyo Cadaaladda oo ah Urur u taagan danaha guud iyo maslaxada Ummadeed, illaalinta Xuquuqda,xoriyadda iyo madax banaanida xaqa ah ee Dalkeena hooyo iyo xaqa Dadkeenu u leeyahay aaya ka talinkooda,madax banaanidooda iyo difaaca Diintooda,Dalkooda iyo hanashada hanaan Dowladeed oo u adeegaaya,kana duulaaya Rabitaabnka Ummadda Somaaliyeed,halkan ku soo gudbineeynaa booqyo iyo sida aanu u aragno Dagaalka xaq-darada ah oo lagu hayo Muwaadiniinta ku sugan Caasimada Muqdisho.

Marka ugu horeeysa waxaan cadeeyneeynaa sida aanu uga xunahay dhiiga Dadka Somaaliyeed oo sida xad dhaafka ah u qubanaaya,sida naxariis darada ah oo loo gumaadaayo,adeegsiga Hubka culus iyo Diyaaradaha Dagaalkaba,waana fal dembiyeed cad oo laga gelaayo Guud ahaanba Ummadda Somaaliyeed,Beesha Caalamkuna ku sugan yahay Xaalad daawasho iyo aamus,Tacsi u direeynaa Muwaadinta Somaaliyeed oo lagu gumaadaayo Caasimadooda.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey amaan u jeedinaayaan Xoogaga Wadaniyiinta(Iska Caabinta)oo si geesinimo leh dhulka u soo dhigay Diyaarad Dagaal oo gumeeysiga Itoobiyaanka lahaayeen,kuna jirtay Howl gal Xasuuqeed iyo gumaadka Dadka Masaakiinta ah ee Xaafadda Muqdisho gaarkood,waana Allah mahadii,una soo jeedineynaa xojiinta Jihaadkooda Xaqa ah.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed sidii eey hore u cadeeyeen qiraayaan Xaqa buuxa oo Dadka Somaaliyeed u leeyihiin iska Caabinta Ciidanka Gumeeysiga Itoobiyanka iyo cidii garab-siineeysaba,Difaacada Dalka Hooyo-na waa muqusad Diiniyan,Nidaamka iyo Qawaaniinta Caalankuna weey qiraayaan xaqa is-difaacida,sidaas awgeed waxaanu ku baaqeyna in sida wada jir ah looga qeyb galo Jihaadka iska caabinta,loona Fidiyo taageero dhaqaale,taakuleeyn iyo gar gaar Caafimaad Ummadda ama Dadweynaha Caasimadda ku sugan.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Dowlada Itoobiya iyo Hogaankeeda Siyaasadeed in eey Ciidankooda eey kala baxaan oo ku ekaadan dhulkooda iyo xuduud labada Dal u dhaxeeysa,joojiyaan Fara-gelintooda xad dhaafka oo eey ku hayaan arrimaha Somaaliyeed.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Xoogaga Ciidanka Somaaliyeed oo la duuban kuwa gumeeysiga madoow in eey la yimaadan Dareen,damiir iyo qiiro wadaniyadeed,kana waantooban dhibaatadda iyo daadiinta dhiiga Dadkooda iyo burburinta Dalkooda hooyo.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Hogaanka Xoogaga Iska caabinta iyo Muwaadiniinta Somaliyeedba in eey dhoowraan kuna dhaqmaan Hanaanak Shareecadda Islaamka iyo xeerka Caalamigga ah oo Illaalinaaya xuquuqda Maxaabiista iyo Meydkaba,kana fogaadan wixii dhaliilo u keenaayaa Jihaadkooda iyo halgankooda xaqa ah.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu si weyn u cambaareeynaayan una dhaliilaayaa Hadalada ka soo yeeraaya Masuuliinta Sare ee Dowladda Federaalka oo ah kuwa sii hurinaaya Dagaalka iyo kalla fogeeynta Ummada Somaliyeed,sida Hadalka Ra'iisal Wasaaraha,Wasiirka Arimaha Gudaha,Wasiir ku Xigeenka Gaashaandhiga Iyo Hadaldii Madaxweynaha C/Laahi Yuusuf.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed waxeey soo dhoweeynaayaan baaqyadda ka Soo baxaaya Hogaanka Dhaqameedka,Culimaa'udiinka,Aqoonyahanka iyo Ururadda Bulshada Rayidka ah,sidoo kale waxaanu la duubanahay Baaqyada Ururadda Siyaasadeed iyo Siyaasiinta Ruug Cadaaga ah oo ku baaqaaya joojinta Dagaalka,dhiiga qubanaaya iyo Colaada aloosan iyo gumaadka Ciidamada Gumeeysiga Itoobiya u geeysanaayaam Ummadda Somaaliyeed,arrimahana lagu dhameeo habka xadaariga ah(Wada-hadal) iyo hanaan Somaaliyeed,Marka ugu horeeysana Ciidanka Gumeeysigu ka Baxaan Dalkeena Hooyo.

Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed wuxuu ugu baaqaayaa Jaaliyadaha Qurba jooga ah in eey u guntadaan,gartaan oo gutaan masuuliyadda Diineed,Qarameed iyo akhlaaqeed oo ka saaran Dalkooda hooyo iyo Dadkooda(Walaalahooda)Gumaadka iyo xasuuqa joogta ah lgu hayo oo Xiligan galay xaalad adag oo culeeyskeeda leh-Nabadgelyo,Daryeel Bulsho iyo duruufaha Nololeedka,waxaan ku boorineeynaa in eey sida ugu haboon gargaar ula gaaraan Muwaadiniinta Muqdisho ku sugan- Gaar ahaa-Daawooyinka iyo Taakuleyn Dhaqaaleba,Isla markaana ku Dadaalan abaabulida Banaan baxyo baaxadooda leh oo eey Caalamka ku Tusaayaan,risaalad Cadna ku gaarsiinaayaan Xaalada Dalkeeno Hadda ku jira iyo Duulimaadka Gumeeysiga Itoobiyaanka iyo Talaabooyinka Khaldan ee Dowladda Federaalka ah.

Xassan C/Laahi Sh(Xassan Carab)-
Afhayeenka Guud.
Dhaq-dhaqaaqa Somaaliyeed Ee Nabada,Midnimada Iyo Cadaalada.
England-UK-
sharifhassan50@yahoo.com

Ku Baaqidda Mudaaharaad Guud. Dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee Nabada,... Akhri

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com
 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.