SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gari laba qof kama wada qosliso

 C/laahi Max'ed Faarax

Email: alhiiraani@hotmail.com


Markii aan arkay dad u sacaba tumaya ciidamada gumeysiga xabashida ayaan waxaan xasuustay oraahdii uu yiri Wasiirkii Gaashaandhiga ee israaiil Moshi Dayaan oo aheyd(carabtu wax ma akhriyaan hadii ay akhriyaana ma fahmaan hadii ay fahmana ma fuliyaan), runtii waxaan arkay dad nocaas u fakaraya oo ah qayb fara badan oo ka mid ah soomaalida oo iyagu aan dib u jaleeceyn taariikhdii murugsaneyd ee soo martay labada dowladood ee ku  salaysned caqiidada iyo dhulka. 

Tani waxa ay ku tusuneysaa dhacda kasta oo dhacda in ay u tahay   dadka dan iyo guul, dhanka   qolo kalena ay u tahay guul darro,tan ayaa ah arin dabiici ah oo ka dhaxeeya cid kasta oo iyagu iskaga soo horjeeda fakir ama aydaloojiyad gaar ah, soomaalida yaa horay u tiri(Xaajo tuur leh baa  nin la toosan),

Dadka noocaas ayaa ku qanacsan  xasuuqa iyo burburinta ay ka sameynayaan ciidamada Xabashidu gudaha soomaaliya  waxa ay u arkaan in ay ka guuleysteen islaamiyiintii iyagu ku xukumayey Muqdisho Shareecada Islaamka taas oo ay u arkeen in ay ka soo horjeedo danahooda ku salaysan diin nacaybka iyo aragtida gaaban ee ay ka duulayaan kuwa iyagu ku caanbaxay dhiiga in ay ka cabaan shacabka soomalida  oo aan aqoon wax arxan ah oo ay u galaan dadkooda ayna u soo hogaamiyeen intii iyaga ka badbaaday cadowga Xabashida. 

Waxa ay aheyd markii nin aad ugu faraxsan xasuuqa  ka socda Muqdisho uu igu yiri :waxad ka soo horjeedaa Nuurka ilaah uu u soo diray somalida,waxaan waydiiyey waxa uu ka wado nuurka uu sheegayo ee uu la faraxsan yahay ,

Ma ahan tani mid ku saleysan  jaahilnimo ama taclin la'aan balse waxaa weeye aragti gaaban oo ku salaysan qabyaalad fogaatay taas oo keentay in uu kala garan waayo sokeeye iyo shisheeye. 

Dadka noocaan ah oo ku faraxsan gumeysiga ayaa wax ku fahmi waayey hadalkii janaraal Abaje oo ah xaakimka rasmiga ah ee  somaliya oo si cad u sheegay in uu isagu ka taliyo Muqdisho  ,taas oo uu ka wado in aysan jirin wax la yiraahdo dowlad ka jirta dalka,waxa ay wax ku fahmi waayeen falkii  naxdinta lahaa ee ay u gaysteen ciidamada cadowgu (Suuban) oo ahayd haweeneey hooyo u ahayd 8 caruur ah  oo u bareertay in ay afka labadii yeerto iyada oo waydiisaneysa walaalaheeda muslimiinta ah in looga aaro cadawga dalka qabsaday ee sharafteedii meel uga dhacay. 

Taas marka aan ka soo gudubno ayaa waxaa jira dad iyaga uu ilaah ugu deeqay in ay fahmaan waxa jira  isla markaasna ka dhiidhiyey dulmiga ay wadaan gumeysiga iyo kuwa la socda ee sheeganaya dowladnimada in ay ka hortagaan naf iyo maalba,waxayna  u istaageen in ay ka xoreeyaan dalkooda kuwa xooga ku qabsaday una aaraan (Suuban) iyo dad fara badan oo ay gumaadeen ciidanka cadowga iyo kuwa  hoos rooraya  ee  kooxda Embagathi . 

Kooxdan dambe ayaa waxay fahmeen in lala dagaalamayo diintooda laguna tumanayo sharaftooda,taassoo ay go,aansadeen in ay waajib tahay in laga dhiidhiyo,oo ay mudan tahay in laga hortago. 

Siyaasada soomaliya ayaa hada u qaybsan labada aragti ee iska soo horjeeda, kooxda hore oo taageersan gumeysiga  cadawga kaas oo aan wax naxariis ah u hayn ayna kula bahoobeen isbaheysiga Macatab ku dirirka ah ee uu madaxa u yahay Maraykanku,sida uu cadeeyey Luweys Farakhaan oo ah hogaamiyaha ururka Ummadda islaamka ee dalka marykanka oo warbixin uu siiyey Tvga Aljazeera ku sheegay in marykanku uu ka  danbeeyo weerarka itoobiya ee soomaaliya oo uu marna raali ka ahayn in ay ku noolaadaan xasilooni iyo nabad isla markaana uusan raali ka ahayn  ku dhaqanka  Shreecada islaamka. 

Hada oo ay ka socdaan Soomaaliya dagaalo xoogan oo dhex maraya xoogaga xaq u dirirka iyo gumeysiga oo ay wehliyaan dabadhilifyada  la socda ayaa waxaa soo baxaya guul daro soo wajahday ciidamada cadowga  taas oo ay la wadaagayaan kuwii ku faraxsanaa markii ay dalka soo galeen. 

Meesha ay u tahay guul dadka damiirka leh ee aan soo sheegay iyaga oo rajeynaya in ay mar xoroobayaan dalka iyo dadkaba,haddaba waxaa cad in natiijada ka soo baxda halganka ay ku jiraan xoogaga xaq u dirirka ee kaashanaya shacabkooda soomaaliyeed ay kooxda damiir laawayaasha ah u noqonayso mid ay farta dhexda uga qaniinaan waana halka laga yiri "Gari laba Nin kama wada qosliso".

.C/laahi Max'ed Faarax
Email: alhiiraani@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: April 1, 2007
 

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com