SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GABAY

Doofaarta Raacdiyo Amxaar

Qore: Dr. Cabdullaahi Xasan Maxamuud
(Abdullahi Spanish)
Email: indhagube@yahoo.es 


Raabeh
YAA GABLAMI, YAASE GOOD DILI... Akhri..

William Zartman oo ka tirsan Jaamacadda  Johns Hopkins University, oo ka hadlayey sida qotada dheer ee Soomaalidu u neceb yihiin Itoobiyaanka waxa uu yiri: "Maahmaahda Soomaaliyeed ee aan ugu jeclahay waa: Haddii aad aragtid Mas iyo Itoobiyaan, marka hore dil Itoobiyaanka waayo waxaa suurta gal ah in aan masku sun lahayn," ayuu yri Zartman.  VOA



Waxa maalmahan muuqda in dad badan oo Soomaaliyeed ay ka murugaysanyihiin waxa ka socda dhulkeenii iyo duulaanka qaawan oo laynagu soo qaaday. Qof fikirkiisa qoraal ku muujiya iyo mid gabay ku muujiyaba waxa badankooda ka dhadhamaysa in Soomaali oo dhami waxan ka masuul tahay. Waa idinku raacsanahay in cadurka Soomaalidu qabto oo la yiraahdo qabyaalad uu jabkeenna aabe u yahay. Tix yar oo aan beri tiriyey bay ka mid ahaayeen ereyadani, waxaana u arkaa in ay qabyaaladu ka mid tahay cudurada lakala dhaxlo ama la kala firsado: 
  • Nin qabyaalad falankeed hayow, waa fantiyo booge
  • Ina fagatay cadowgeenna waa, faas u hawl galaye
  • Ka fogaada waa cudur waqii, noo fidhsada gaare 

Waxaan jeclaan lahaa, in aynu xasuusnaano in waxa maanta ina haysta ay ka masuul yihiin, dad tirsan oo isugu jira: tuug, munaafiqiin, calooshooda u shaqaystayaal, jiri, mooryaan, dabadhilif iyo khaaimiin oo ah kuwa u daran iwm. Waxaana ii muuqata markii qabyaaladu ina dishey oo aynu dhimanay in dugaagaasi maydkii Soomaalida sida geeltoosiyaha kala jiidanayaan. Habardugaag marka uu raq isugu yimaado waxa inta kale didiya libaaxa, bakhtiyahiigyadan aan soo tiriyeyna libaaxoodu waa dhabadhilif iyo khaain. 

Laakiin, yaana la ilaawin in dadka Soomaaliyeed inta fayow iyo inta bugta inta fayoobi badantahay, bohol hadimo nin qodayna isagu ku dhici doono insha allaah. Waxaan ku darsanayaa maanta dagaalka qalinka gabaygan gaaban:

  1. Duq gaboobey goor ay hurdado, soo degdegiweydey
  2. Dirirkiyo haddii uu xidkaha, daawasho u aado
  3. Ama diillin-caanood saqdhexe, dawga socoteeyo 
     
  4. Inkastuu yaraan door ahaa, diiq bidhaansiguye 
  5. Hadba meesha uu dayo haddii, ciiro yare daahdo
  6. Doobnimo la dhaafuu hammiga, dib u xasuustaaye 
     
  7. Aniguna sidii daran horweyn, waayo laga daahshey
  8. Ay dalawadii jeel murkaha, daafta marinweydey
  9. Oo dibir jidhaanliyo xareed, dooni aragooda 
     
  10. Axmed gurey raguu duuliyiyo, duubcad baan jamane
  11. Dabkii gurey xuseen iyo mataan, baygu soo duxiye
  12. Sayid iyo darwiish iyo sengaa, dookhu tebayaaye 
     
  13. Danabtii lahayd calangubiyo, faarax baan deyiye
  14. Digrigii bashiir iyo xarbaa, daahir ii noqone
  15. Xornimada kuwii loo deldeley, yaygu soo degiye  
     
  16. Sida hooyo door ay dhashiyo, saygi laga dooxay
  17. Oo digasho waartiyo xumaan, lagu dambaysiiyey
  18. Aan duudsigaa helay arkayn, cid u dadaalaysa 
     
  19. Dalkayagu ka oy labada gelin, diifta uu qabo e
  20. Waa kaa ilmada duugayoo, diilalyuu dhimane
  21. Darar iyo hadduu xoodh lahaa, waa dacgudhayaaye 
     
  22. Maatadan sidii kayn dab galay, ololku diiraayo
  23. Oo dawladay dhawrayeen, maanta dabar goysey
  24. Oo kii jidhkiisu u danqado, daalin lagu sheegi 
     
  25. Waa waxan damiirkiyo caqliga, nooga daadegine
  26. Ninka shalay adoogaa dilee, adi ku soo doontay
  27. U dulqaado waa ceeb hadaad, daawo leedahaye  
     
  28. Waa iga digniin ereyadaan, soo dawinayaaye
  29. Dakhar iyo intii uumiyaha, doog la kiciweydey   
  30. Ama qolo dufowdoo xiskii, laga dabayl-raacshey 
     
  31. Ama calan la duuboo sidii, derinta loo laabay
  32. Ama dunida reer door ahaa, dabin ku aynfaadey
  33. Nin shisheeye soo daadahshaa, loogu dawgalay e 
     
  34. Qofka khaain daaniyo dhibkii, laga dahsooneeyey
  35. Oo waa danaystee u fili, diric walaalkiis ah 
  36. Daabgudin ha fiirsado siduu, damal u naafeeyey 
     
  37. Onkod wuxu daryaamana afeef, diillin baw xigiye
  38. Dabka dhibicda soo raacayaa, daray la qiiqaaye
  39. Anna ararta waxan daaliyoba, dulucdu waa meele 
     
  40. Soomaali duugeed intuu, meel dayacan yaalo
  41. Ama dalow afkii lagu wadiyo, daaman gudohooda
  42. Uu doqon cadaawe u tashaa, dabarka qoolaayo 
     
  43. Marna toosa kama deynayiyo, weerka haw dagane
  44. Kol hadday daruurtii cusbayd, darab biyaynweydey  
  45. Oo kaan cadaawe u dabnayn, duurka lagu toogtey 
     
  46. Oo diricyadeenii hawada, laga duqaynaayo
  47. Oo duunyadii laga meteley, ururo duulaan ah
  48. Aan degel fayow lagu ogayn, wabiyo daantooda 
     
  49. Inkastoo allaa daaimee, diifi nagu raagtey
  50. Aan xeer na deeqiyo samaan, cidina diidaynin
  51. Oo nabad duqodiyo wanaag, uunku wada dooni 
     
  52. Mar hadday  dugaag keensadeen, duban carruurteena
  53. Oo diinta eebbiyo salliga, la isu diidaayo
  54. Oo talo intii door ahayd, xabashi loo daayey  
     
  55. Xaq la duugey feedhaa dambaa, laga dilaacshaaye
  56. Haadkii abraha loo dalbaday, yaa ku soo degiye
  57. Doofaarta raacdiyo amxaar, sow ka durug maaha?

Dr. Abdullahi Hassan Mohamud
(Abdullahi Spanish).
Email: indhagube@yahoo.es

________________________________________________________
Dr. Cabdullaahi Spanish Qoraaladiisa kale waxaa ka mid ah: AW JAAMAC CUMAR CIISE: DHINBIIL DIB U NOOLAYSAY HALGANKII DARAAWIISHTA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Jan 13, 2007

 

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH