Soomaalida Sweden iyo Suuqa Shaqada
C/risaq
Maxamed Xuseen,
Eskilstuna , Swdeden.
Email:
habdirisak@hotmail.com
Hordhac
Dadka
soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan
Iswiidhan ayaa waxaa lagu qiyaasaa inta u
dhexaysa 20-25 kun oo qof. Soomaalidu guud
ahaan waa dad ku cusub wadankaan Iswiidhan,
waxayna badankood soo galeen waxii ka
dameeyey dagaalka sokeeye ee soomaaliya.
Tirada ugu badan ee soomali ahina waxa ay
soo galeen sanadihii u dhexeeyey 1990-1994
tii.
Dadka
soomaalida ah ee wadankan ku dhaqani waxaa
ay u badan yihiin caruur iyo dhalinyaro,
maxaa yeelay boqolkiiba konton iyo saddex (
53%) ayaa ka yar 20 sano. Kolkii la eego
dhinaca deegaanka, waxaa ay soomaalidu u
badan yihiin saddexda magaalo ee wadankan
ugu waaweyn: Stockholm, Gothenberg iyo
Malmö.
Soomaalida
shaqeysa ayaa ah kuwo aad u yar, walow ay
sanadihii ugu dameeyey ay dad badani shaqo
heleen. Kolkii laga hadlaayo dadka shaqada
aan haysan ayaa waxaa inta badan tusaale loo
soo qaataa soomaalida. Marar badana waxaa
shaqo La aanta soomaalida bartilmaameed ka
dhigta xisbiyada doonaaya in la yareeyo
dadka soogalootiga ah. Waxaa marar badan
soomaalida lagu tilmaamaa kuwa ugu yar ee
bulshada dhex gala. Hadaba waxa aan
maqaalkaan kusoo bandhigi doonaa sababaha
dhaliyey shaqo la aanta ku habsatey
soomaalida Iswiidhan. Maqaalkuna waxaa uu
ku saleysan yahay :
- Warar
aan ka soo ururiyey ha àda tirakoobka
Iswiidhan
-
Wareysi aan la yeeshay Hayaan
Ismaaciil oo madax ka ah hayàda
howlaha shaqada waaxdeeda ku taal
degmada ay soomaalidu ku badan yihiin ee
Spånga-Tensta, Stockholm.
Hayaan waxaa uu madax u yahay shaqaale
gaaraya ilaa 45 qof, waxaa uu leeyahay
laba ku xigeen si ay howlihiisa maamul
ay ugu fududaadaan. Waaxda uu hayaan
madaxda ka yahay waxaa ay leedahay
qorshe sanadeed xaga maaliyada ah, kaas
oo gaaraya ilaa sideetan milyan ee
karoonka Iswiidhan. ( 80 milyan oo
kroon)
-
Waxaan kaloo warbxintaan ku saleeyey
baaritaan aan anigu ku sameeyey
ilo-wareedyo kala duwan sida
joornaalada, idaacadaha iyo buugaag kala
duwan.
Arimahaan
soo socda ayaa dhaliyey in dadka soomaalida
ah intooda badan ay ku adkaato iney shaqo
helaan
Wakhtiga
soomaalidu soo galeen:
Wakhtiga ay soomaalidu Iswiidhan soo
galeen oo ahaa wakhti aad iyo aad u
adag. Intii u dhexeysey 1990-1994 tii
waxaa wadanka iswiidhan soo food saartay
dhaqaale xumo baahsan. Dhaqaalaha guud
ee wadanka ayaa aad iyo aad hoos ugu
dhacay, taas oo keentay iney aad iyo aad
yaraadaan shirkadaha doonaya iney
shaqaale cusub qortaan. Wakhtigaas waxaa
shaqo beelay dad badan oo Iswiidhish ah.
Waxaa cirka isku shareeray qiimihii
cuntada, guryaha iwm. Waxaa kaloo aad
iyo aad u qiimo dhacay lacagta karoonka
ah ee Iswiidhan laga isticmaalo.
Wakhtigaas adag ee soomaalidu soo galeen
Iswiidhan waxaa uu keenay iney aad iyo
aad ugu adkaato soomaalida iney sooba
galaan suuqa shaqada.
Xirfadlayaasha oo yar
Waa
maxay sababaha keenay in soomaali badani
shaqo la´ dahay, ayaan weydiiyey
Hayaan Ismaaciil oo ah madaxa
hayàda shaqada ee Xaafadaha
soomaalidu ku badan yihiin ee
Spånga-Tensta, Stockholm. Waxaa uu
Mr Hayaan ku jawaabey sidatan:
“
Arimo badan ayaa shaqo laàantaas
dhaliyey balse waxaa ugu muhiimsan dadka
soomaalida ah oo aan badankood lahayn
wax xirfad ah, ama waxaa ay wataan
xirfad kale oo aan ku habooneyn shaqada
kolkaas la doonaayo in qof loo helo.Sida
nidaamku yahayna waxaa ugu horeyn la
eega dadka haysta xirfada ay shaqadu u
baahan tahay.
Waxaa kale oo iyana jirta in ay marar
badan qofka madowga waxooga la riixo.
Taas oo macnaheedu yahay in kolkii dad
kala duwani shaqada soo dalbadaan ay
dhacdo in qofka madow aanu ahayn qofka
marka ugu horeeya la doorto. Arintaasi
waa dhacdaa walow ay jiraan sharciyo
qabanaaya shaqo bixiyihii midabtakoor ku
kaca”
Xirfadle
waxaa loola jeeda dadka haysta shahaado
dugsi sare ama mid ka sareysa amase qof
leh xirfad xaga farsamada ah. Dadka
soomaalida ah ee xirfadaha sare leh, sida
dhaqaatiirta, umulisooyinka, ingineerada,
dhaqaale yahanada, macalimiinta iwm ayaa aad
u yar. Maxaa yeelay waxaa aad u yar dadka
soomaalida ah ee waxbarasho jaamacadeed leh.
Baaritaan ay sameysay hay àda tirakoobka
Iswiidhan ee la yiraa
statisiska central byrå
ayaa waxaa lagu caddeeyey in dhalinyarada
soomaalidu yihiin kuwa ugu yar ee u gudba
waxbarasho sare. Warbixintu waxa ay isgarab
dhigtay dhalinyarada dadka ajaaniibta ah ee
ku dhaqan Iswiidhan. Ardayda soomaalida ayaa
noqotay kuwa ugu yar ee jaamacad usii gudba
kolkii la ego ardaydii la isgarab dhigay.
Warbixintaas waxaadka arki kartaa ciwaankaan
hoos ku qoran
www.scb.se/Grupp/allmant/BE0801_2006K04_TI_02_A05ST0604.pdf
Waa sidaan
hoos ku qoran tirada ardayda ajnebi ah ee
jaamacad u sii gududubta. Da`da ardaydaas la
baaray waxaa ay u dhexaysaa 18-29 jir.
Sidaad ku arki doontid shaxda hoos ku qoran
soomaalidu waa kuwa ugu yar ee jaamacad ka
bilaaba wadankan iswiidhan. Taas oo inoo
caddeyneysa in xitaa mustaqbalka ay yaraan
doonto soomaalida xirfadaha u leh culuumta
kala duwan.Sidaan ayey u kala horeeyaan
wadamada ardayda baaritaanka lagu sameeyey.
-
kuuriyyada koonfureed 19%
-
Iran 16%
-
Finland 13%
-
Norge 12 %
-
Polen 12 %
-
Bosnien 7 %
-
Chile 6%
-
Somalia 2 %
Isha warbxinta ( source):Hay àda
tirakoobka Iswiidhan
Sida
tabeelaha kore kaaga muuqata boqolkiiba laba
( 2%) ayaa dhalinyarada soomaaliyeed ee
iswiidhan ku dhaqan u gudba waxbarasho heer
jaamacadeed ah. Halka ardayda reer iiraan
ay boqolkiiba lix iyo toban ( 16%) ay usii
gudbaan waxbarasho sare. Sababaha keenay in
tacliinta soomaalidu yaraatona waxaad ka
akhrisan kartaa baaritaan aan horay u
sameeyey oo aad ka heli kartid ciwaankan
hoose: (http://www.somalitalk.com/2006/nov/23nov036.html)
Xirfadaha
kale ee dhinaca farsamada ah ayaa iyaguna
aad ugu yar soomaalida. Xirafadahaas waxaa
ka mid ah; Makaanikada, farshaxanka,
ranjiilaha, alxanle iyo farsama yaqaanada
kala duwan. Sanadihii ugu dameeyey waxa
kordhay dadka barta wadida basaska kala
duwan ee ka shaqeeya magaalooyinka kala
duwan ee Iswiidhan. Haddaba si ay soomaalidu
shaqo u helaan waxaa loo baahan yahay in kor
loo qaado heerka xirfadaha kale duwan ee
lagu shaqeysto. Suuqa shaqada ee Iswiidhan
waa mid aad u horey marsan isla markaana u
baahan in qofku leeyahay xirfad suuqa laga
doonaayo. Waxaa kaloo jira tartan adag oo
loo galo shaqooyinka yar ee soo baxa. Qofka
ugu horeeya ee laga adkaanayona waa midka
aan lahayn qibrad shaqo iyo aqoon xirfadeed.
Mar kale isagoo ka hadlaaya arimahaan
xirfadaha ayuu yiri Hayaan Ismaaciil, madaxa
hayàda shaqada ee Spånga-Tensta, Stockholm:
“ Maanta
waxaa gebi ahaanba dhamaaday shaqooyinkii la
oran jirey “ shaqooyin aan xirfad u
baahnayn”. Shaqo kastaa maanta waxaa ay u
baahan tahay waxuun xirfad ah. Tusaale ahaan
shaqooyinkii makhaayadaha, kuwa nadiifinta
oo waagii hore ahaa kuwo aan lagu xirin wax
xirfad ah ayaa maanta ah kuwo qofka laga
doonaayo inuu muujiyo aqoontiisa. Wakhtigii
qofku intuu dhamaysto dugsiga hoose/ dhexe
iska shaqo tegi jirey ayaa ah mid la soo
dhaafay. Shaqooyinka badankood waxaa ay u
baahan yihiin xirfad gaar ah, leesanka
baabuurta, shahaado dugsi sare ama mid
jaamacadeed. Tartanka shaqada oo adag awgiis
xitaa qofka waxaa laga yaabaa in aaney hal
xirfad ku filayn balse laga doonaayo inuu
haysto xirfado kala duwan ee uu kala
bedesho. Maxaa yeelay suuqa shaqadu waa mid
is bedel badan, xirfadaha maanta loo baahan
yahay ayaa laga yaaba iney sanadka dame
isbdelaan”
Qaabdhismeedka suuqa shaqada Iswiidhan
Qaabka uu u
dhisan yahay suuqa shaqada ee Iswiidhan ayaa
ah mid ka duwan wadamo badan ee dunida ah.
Qaab dhismeedka suuqaan ayaa ah mid u baahan
in la fahmo. Waxaa jira sharciyo aad iyo aad
u badan oo ilaaliya qaabka dadka loo
shaqaaleeyo iyo weliba mushaharka ay qaadan
lahaayeen. Waxaa aad iyo aad u xoog badan
ururada shaqaalaha, kuwaas oo mar walba isha
ku haya qaabka loo shaqaaleeyo dadka. Waxaa
aad iyo aad u adag in qof aad shaqaaleysay
is fudud shaqadii uga cayrisid. Waxaa keliya
oo qofka la eryi karaa hadii uu galo danbi,
hadii shaqadii dhamaato iyo haddii uu ka soo
bixi waayo howshii loo diray. Haddii dacwo
timaadona waa in shaqa-bixiyuhu caddeyn
karaa arimaha uu qofka shaqaalaha ah ku
cayriyey. Waxaa kaloo iyana aad qaali u ah
ina qof la shaqaaleeyo, maxaa yeelay waa in
shaqo-bixiyuhu uu dowlada siiyaa cashuuro
kala duwan. Taasi waxaa ay keentay in
shaqa-bixiyayaashu ay aad u taxadaraan, isla
markaasna aaney shaqaaleyn qof aaney hubin.
Sidaa darteed waxaa dhacda in haddii
Johansson iyo maxamed ay shaqo soo wada
dalbadaan, iskuna shahaado iyo khibrad
yihiin in Johansson la qaado.Maadaama
johansson la yaqaan halka shaqa-bixiyuhu u
arko qaadashada maxamed mid iska khamaar
ah.
Waxa jirta
oraah iswiidhish ah oo leh “ shayga aan
aqaan ayaan kaga kalsoonahay midka aanan
aqoon” Oraahdaas oo u dhow mida soomaaliga
ah ee ah” Hebel waxa uu galo iyo wax uu
guddo ayaan aqaan”
Kolka la
eego qaab dhismeedka suuqa shaqada ee
Iswiidhan ayaa ah mid u baahan in qofka
shaqo doonka ahi yahay mid leh xiriir kala
duwan ( network). Xiriirkaas uu qofku la
leeyahay dadka kala duwan ayaa laga yaabaa
iney u sahasho inuu shaqo helo. Qaabkan ah
in shaqada lagu helo xiriirada kala duwan ee
qofku leeyahay ayaa ah midda ugu badan ee
qofka u suura gelisa inuu shaqo helo. Hayaan
Ismaaciil oo taas ka hadlaayana waxaa uu
yiri;
“Shaqooyinka
la helo iyadoo uu qofku adeegsanaayo
xiriiradiisa kala duwan ayaa ah kuwo kena
natiijo fiican. Sida ay baaritaano kala
duwani muujiyeen boqolkiiba toddobaatan
(70%) shaqada waxaa lagu helaa iyadoo uu
qofku isticmaalaayo xiriirada kala duwan ee
uu dadka kale la leeyahay”
Waxaan
Hayaan Ismaaciil weydiiyey maadaama uu qaab
dhismeedka suuqa shaqada iswiidhan uu yahay
mid iska adag, maxay soomaalidu u bilaabi
waayeen shirkadu ay iyagu iska leeyihiin
sida Mareykanka ama Ingiriiska oo kale?
Isagoo
suàashaas ka jawaabaya waxaa uu yiri Hayaan:
“ Ma
sahlana in shirkad laga bilaabo Iswiidhan.
Waxaa jira sharciyo iyo wareeg badan oo
qofka cabsi gelinaaya. Qaabka cashuuraha
shirkadaha ayaan isna fududayn in la fahmo.
Waxaa
kaloo adag in qofku fahmo qaababka kala
duwan ee shirkadaha loo bilaabo. Maxay
noqoneysaa shirkadu? Ma mid adiga keligaa
aad leedahay mise mid wadaag ah? Waa maxay
sharciyada kala duwan ee arinkaas ku
wajahani?
Waxaa
kaloo iyana aad u adag in qofka soomaaliga
ahi uu helo hantidii uu shirkada ku howl
gelin lahaa. Maxaa yeelay waxaa aad u adag
shuruudaha bangigu qofka deynta la siinaayo
uu ku xiro. Arimahaas oo dhan waa kuwo
xanibaad ku ah haddiiba uu qofka soomaaliga
ahi sameyn lahaa shirkad uu isagu leeyahay”
Gebagebo
Sida ku cad
baaritaanka kor ku xusan waxaa lagama
maarmaan ah in dadka soomaalida ah ee
Iswiidhan ku dhaqani ka fekeraan qaabkii ay
u wajahi lahaayeen suuqa shaqada ee
Iswiidhan.
Waxaa
lagama maarmaan ah in ugu yaraan aan
dhalinta ku dhiiri gelino iney xirfad la
yimaadaan. Waxaa muhiim ah inaan isku
baraarujino sidii aan xubin muuqata uga
noqon lahayn suuqa shaqada. Waxaa loo baahan
yahay inaan dhalinteena u abuuro dad ay ku
daydaan. Waa inaan aaminaa in guul laga
gaari karo dhinaca shaqada iyo kan
waxbarashadaba. Waxaa iyana muhiim ah inaan
haddii aan nahay soomaali ka fekero halkii
aan degi lahayn dalkan. Ma waxaa haboon
inaan degno meel dadka ajnebiga ahi aad iyo
aad ugu badan yahay mise waxaa haboon inaan
degno meel ay ku yar yihiin si aan u helo
fursado kala duwan. Kol aan Hayaan Ismaaciil
arinkaas kala sheekeystay waxaa uu ii
sheegay in ay isaga ula muuqato iney
wanaagsanaan lahayd in qofku kolka uu csub
yahay dego meel uu ka heli karo fursad uu ku
barto xirfad shaqo.Kolkii qofku helo
xirfadaas, isla markaasna uu barto luqada
wadanka uu degi karo hadba halka uu doono.
Maxaa yeelay qofku waxaa uu markaas taagey
aasaaskii loo baahnaa si uu horay ugu sii
socdo ayuu yiri Hayaan.
Fikirkaas
waa mid dad badan oo aan anigu ka mid ahay
ay la qabaan hayaan Ismaaciil. Maxaa yeelay
meelaha dadka ajaaniibta ahi ay aad iyo aad
u degan yihiin waxaa markiiba xumaata
sumcada meeshaas. Ka dibna saameyn ku
yeelata guud ahaan arimaha qofka.
Waxyaalaha
kale ee aniga iyo hayaan aan isla garanay
waxaa ka mid ah doorka dadka aqoon yahanka
ah iyo weliba ururada iyo jaaliyadaha kala
duwan ee soomaalida. Hayaan waxaa uu
tilmaamay in loo baahan yahay in ururada
iyagoo kaashanaaya aqoonyahanka ay ay
abaabulaan siminaaro iyo kulamo wacyi gelin
ah. Kulamadaas oo lagu falanqeynaayo
waxyaalaha qof walba laga doonaayo. Waana
fursad aynu ku kala faaìideysan karno,
Maadaaba ay maanta jiraan dad badan oo
horumar la taaban karo ka sameeyey
Iswiidhan. Dadkaas qaarkood waamadax sida
hayaan Ismaaciil oo kale, qaar yihiin
macalimiin, qaar yihiin dhaqaatiir,
injiyeero, farsamo yaqaano kala duwan iyo
weliba siyaasiyiin.
Qofkii
doonaaya inuu hawshaas ka qayb qaato, ama
haya feker arinkan ku saabsan waa ila soo
xiriiri karaa.
Mahadsanidin.
C/isaq
Maxamed Xuseen
habdirisak@hotmail.com
Eskilstuna,
Sweden
Maxaa Keenay Guuldarada Ardeyda Soomaaliyeed
ee Sweden
Gabar
Soomaaliyeed oo Kaalinta Koowaad ka gashay
tartanka dugsiyada sare ee Sweden....
Hogaanka
xisbiga shaqaalaha Iswiidhan oo ay dumarku
la wareegeen Warbixintii: C/risaaq M.