SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MALAYSIA
Daabaco Boggan | Print

GABAYGA ABSHIR BACADLE
Abwaan Abshir Nuur Faarax {Bacadle} oo gabay ka tiriyey Aflagaadadii loo geystey Nebi Muxamed Nababgelyo iyo Naxariisi korkiisa ha ahaatee... Guji..


MAQAALLO HORE:::
Embryo2HOOYOOYINKU CARRUURTA LABO SANO HA NUUJIYEEN!!!
ayadoo waligeedba dhakhaatiirta iyo xarumaha caafimaadku u doodaayeen in Naas nuujintu faa'ido u leedahay caafimaadka carruurta iyo hooyadaba ayey Baaritaankaan danbi ku soo kordhisay Guji..

Qaabka Loo Qoro Wararka, Faalooyinka iyo Ra'yiga/ Maqaalada .. Guji
::: GEEDDI vs HADALKIISII:::

Hadalkii (Codkii) Geeddi, Xasuuqii Qabridahare & Fooljeex, iyo hadallo googoos ah oo muujinaya Gefkii Geeddi:
Dhegeyso:::
Waqtiga Codka: 28:40
 

XAALAD ADAG OO SOO WAJAHDAY ARDADA SOOMAALIYEED EE KUNOOL WADANKA MALAYSIA. Qaybtii 2aad
Qormadani waxa ay ku xiriirsan tahay qaybtii 1aad...

Inta aanan ugudbin qaybta labaad oo qormada ahna qaybta udanbeeyso ee aan kusoo gabagabaynayo qormadeeyda ayaa waxaan jecelahay in aan xasuusiyo akhristayaal badan oo igala soo xariiray gudaha wadanka Malaysia iyo Dibadaba akhristayaashaas oo runtii kadhiibanayay fikradooda qoraalkii  hore ee aan qoray ixtiraam iyo qadarin ayay mudan yiiin dhamaan dadkii ila soo xariiray hadii aan qormo gaaban idiin soo gudbiyo Emailadii badnaa ee aan kahelay gaar ahaan gudaha malaysia waxaa kamid ahaa Email sidan ookale uqoran (( Walaal Maxamed wali anagaa kaaga aqoon badan Malaysia ee Malaysia intaad katagto Taman Melati oo aad fadhi kudirirka iyo inta macna darada ufadhido Taman Melati haka warbixinine ee arday badan ayaa joogto wadanka ee nala soo xariir bye bye .)) Emailkaas iyo kuwo badan ayaa kamid ahaa Emayladii la'iisoo diray.  Hadaba akhristayaal idin koo mahadsan runtii sida qormada aad ka akhriseen sheekadayda way socotay kumana ekeeyn Taman Melati oo kaliye ee meelo badan oo ay ardada Soomaali wax kabarato ayaan tagay oo aan in dhaheeyga ku soo arkay marka waxaan idiin sheegayaa dhamaan tiin qormamada hadii aan kabilaabay dad khaldan waxaan ku soo gaba gabeeynayaa ardada niyada wanaagsan uhayso waxbarashada iyo inta wanaag kutilmaaman waana kumahadsan tihiin qoraaladii badnaa ee aad ii soo dirteen xoriyada iyo aragtida qofka walaalkaa waa la ixtiraamaa hadii uu kaa sax san yahay waana rumaysanahay inta joogto Malaysia waxna kabarato inay iiga aqoon badan yihiin malaysia xaaladeeda ee waad mahadsan tihiin.

 
 
1- SOCDAALKEEYGII AAN KUTAGAY INTERNATIONAL ISLAMIC UNIVERSITY MALAYSIA.IIUM.
 
International Islamic University Malaysia
INTERNATIONAL ISLAMIC UNIVERSITY MALAYSIA.IIUM
WEBSITE:
http://www.iiu.edu.my/
Aniga iyo laba wiil oo igu wehlisay safarkan ayaa waxaan gaarnay albaabka wayn ee laga galo Jaamacada ayaga oo horay iigu sii sheegay in laga yaabo in la iwaydiiyo aqoonsi (ama ID card) marka lasoco ayay igu yiraahdeen nasiib wanaag madhicin oo taxsigii nawaday waa uu gudbay oo waxba lama waydiinin. Muuqaal qurux badan ayaa kamuuqday dhismaha Jaamacada oo aad kuu soo jiidanayo,  isla markiiba waxaan usii talaabnay hoolka ama meesha wax laga cuno aniga iyo labadii wiil ee ila socotay waxaan fariisanay makhaayadii, runtii meel waxay ahayd aad uwayn oo sida ay ii sheegeen waa meesha ay ardadu kacunteeyaan oo halkan ayaa cuntada laga gataa cuntadaas aad ujeedid waa cunto Soomaali oo waa cuntada loogu jecel yahay jaamacada, anoo wali fahmin ayaan waydiiyay wiilashii cuntadee? markaaseey ii tilmaameen wiil soomali ah iyo shaqaalo iiga muuqday meesha in ay aradada wax kabarato jaamacada ay halkan u soo cunta doontaan oo ay aad ujecel yihiin cuntadiisa maxaa yeelay cuntada kale ee dibada waxaa kabuuxo basbaas oo lama cuni karo marka halkan ayay ardadu timaadaa waxna kacuntaa. Aniga oo layaaban  dareena uu igu abuurmay  ayaa aan cunto kadoonayay makhaaxidii ayada oo ay dad badan oo arday ah ay safka kujireen farxad gudaha ayaan dareemay hadii cuntadeenii sidan loo jecel yahay waa wanaag ay muujiyeen dadkii abaabulay arintan tilmaan wanaagsana muujinaysa in aan nahay bulsho hadii ay khibradeenada iyo farsamadeeda kafaaiidaysato ay dadkalana kafiiiidaysan karaan.
 
 
2- BAL IIGA WARAMA JAAMACADA IYO ARADADA XAALADOODA?

Intii aan joogay Jaamacada ayaan lakulmay arday badan oo runtii ay ii muujiyeen wanaag  ayna kamuuqatay dhamaan tood arday himi ama niyad uhayo inay wax bartaan taasna waa tilmaanta ardayga Soomaaliga ah, xaalado kala duwan ayay iiga war bixiyeen ayaga oo kunuux nuux saday in ayna jaamacada ku arkeen xoogaa isbadal sanadkii ugu danbeeyay oo ay ii sheegeen in ardadii ay qaadan jirtay ay yareeysay oo arday aan aad ubadneeyn ayay qaadatay, anoo su aal waydiiyay maxaa keenay in ayardadii ay qaadan jirtay ama tiradii ay aqbali jirtay ay udhintay? jawaabo kala duwan ayay isiiyeen ayaga oo qaarkood ii muujiyay in ay Soomaalida sabab utahay. Arday kamid ah ardadii aan kuwareeystay meesha oo ii tilmaamay magiciisana layiraahdo Axmed cabdulaah, ayaa tilmaamay sidan (( hadaa nahay somaali anaga ayaa gacmahaanaga isku kharibayno oo waxaan ahayn ardada ugu tirada badan ee dibada katimaado ee wax kabarato jaamacada, Shahaadooyinii Soomaaliya hada way joojisay jaamacada oo nasiib waxaa laga yaabaa intii aad xareeysid in lagu aqbalo iyo in lagu diido markii hore saas ma ahaan jirin hada ardada kaimaato wadamada carabta ama wato shahaadooyinka kale ayaa ay aqbashaa jaamacada)). waan gartay ayaan ugu jawaabay axmed oo asaga markaas hadalka watay.

 
Dhalin yaro kale oo nala fadhiday ayaa ayagana ii sheegay in ay wax kajiraan sida uu axmed tilmaamay ayaga oo ii sheegay in ay arday badan u wareegeen iskuule kale iyo jaamacado kale oo khaas loo leyahay ama baraayfad ah oo ay labaxayaan lacagta ay wax kubaranayaan. Anoo waydiiyay ardadii qaar kood maleedihiin urur idin matalo oo aad kubahoowdeen hadii aad tihiin ardada wax kabarato wadanka? haa ayaya iigu jawaabeen ayada oo ay ii sheegeen in ay aradada isku duuban yihiin wax dhib ahna aysan jirin oo runtii dad walaalo ah yihiin qofkii dhibaataysan in kaalmo loofidiyo, ayada oo ay sheekadii noo socoto ayaa arday nagu soo dhaxtuuray suu'shan "BAL ADIGA NOOGA WARAN MEESHAAD KATIMD? XAGEEY AHAYD HORTA MEESHAAD KATIMID?" ayada oo ay ardadii kale kuqosleen hadalka ardaygaas. Warbixin gaaban ayaan kasiiyay meeshaan kaimid kabacdina waxaan kubalanay hadii aan fursad isu helno inaan si fiican usheeekaysanayno kulan wanaagsan ayuu ahaa aniga oo runtii dhowr mar kale kusoo laabtay jaamacada marwalbana lakulmayay arday kala duwan ayaa waxaa ii soo baxday in tiro badan oo arday soomaali ah ay jaamacada dhigtaan qaar badan ay dhigtaan jaamacadaha kale ee wadanka ayaa waxay ay noqotay in Aradada wax kabarato wadanka malaysia ay tiro ahaan kor udhaafayaan ilaa 300 arday. 
 
Hadaba akhristayaal walaaca iyo xaalada adag ee ay ii tilmaameen arada wax uu ahaa go'aanka jaamaca qaadatay oo ah in ay yareeysay tiradii ay aqbali jirtay iyo shahaadooyinkii soomaalida oo ayadana ay joojisay/yaraysay ayay iiga muujiyeen walaac ayada oo runtii intii aan joogay malaysia nolasha wadanka ay iiga muuqatay in ay tahay mid qaali ah oo ardaygii ama qofkii kunool uu abaahan yahay taakuleen xaga dhaqaalaha ah ayada oo aradada dibada dagan ay guryo isla dagan yihiin ayaa runtii waxaa maanta calaamad wanaagsan ah in dunida daafaheeda wax kabartaan arday soomaali ah oo runtii wax usoo baranayo wadankoodii hooyo inay waajib kutahay bulshaweeynta soomaaliyeed in lakaalmeeyo ardayga soomaaliyeed meel walba uu joogo waa midhihii wadanka iyo ubixii wadanka.

Ardadii aan kula kulmay wadanka malaysia runtii waxa ay ixasuusiyeen noolasha ama xaalada ardaynimo sida ay tahay marka aad wax kabarnayo wadan aan wadankaadii ahayn aniga oo lafteeyda ku soo noolaa wadanka Masar waxna kabaran jiray.  Guntii iyo gabababadii waxaan urajeeynayaa ardadaas Soomaaliyeed khayr iyo wanaag iyo in uu ilaahay ufudedeeyo waxbarashadooda aniga oo runtii jecleeystay Intii aan joogay malaysia fursad kalana hadii aan helo aan rajeeynayo inaan marlabaad kusoolaabto ayaa waxaa leeyahay bulshaweeynta soomaaliyeey ardadaas yaan lamoogaan.

waa Mohamed wali (xiish) oo idin leh Asalamu caleeykum waraxmatulaah.

 
Qore. Mohamed wali (xiish)
Malaysia.
xiish3@hotmail.com