SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  QARAMADA MIDOOBEY
Maanta waa:

06 December 2006

Golaha Ammaanka
SC/8887

Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa.
wfarah@rogers.com


Kongo, Tansania iyo Dowladda Mareykanka: Qaraarka Qabyada ah

Golaha Ammaanka,

           Isagoo xasuusanaya qaraarradiisii hore ee khuseeyey xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan qaraarkii 733 (1992) ee 23-dii Jannaayo 1992, qaraarkii 1356 (2001) ee 19-ka Juun 2001, qaraarkii 1425 (2002) ee 22-ka January 2002, iyo oraahda madaxweynaha golaha gaar ahaan tii 13-ka Luuliyo 2006-da (S/PRST/2006/31), 

          Isagoo dib u ayidaya xurmada uu u hayo qarannimada, madaxbannaanida siyaasadeed, midnimada dhulka, iyo midnimada Soomaaliyeed, 

           Isagoo ku celinaya ka dhabeynta ballantii uu goluhu qaadey ee aheyd in xaaladda Soomaaliya loo helo xal waara iyadoo loo soo marsiinayo Axdiga Federaalka ee Ku meel gaarka ah ee Dowladda Soomaaliya, iyo in cadaadis la saaro muhiimadda ay leedahay in la helo hay’ado dowladeed oo buuxa loona wada dhan yahay iyo in la helo geeddi socod siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, sida uu hiigsanayo ama ay tahayba himilada Axdiga Federaalka Ku Meel Gaarka ah,

          Isagoo ku celinaya go’aankiisa adag ee ah in waddamada xubnaha ka ah Quruumaha Midoobey gaar ahaan kuwa gobalka in ay iska ilaaliyaan in ay qaadaan wixii ficil ah ee ka hor imaanaya cunaqabateynta hubka iyo tallaabooyinka kale ee la xariira iyo in waddamadu qaadaan wax alla iyo wixii ficil ah ee lagama maarmaan u ah in la hor istaago wixii ku xadgudbaya cunaqabateynta hubka, 

           Isagoo xoogga saaraya rabitaankiisa ah in uu la xiriiro dhammaan qaybaha Soomaalida, oo ay ku jiraan Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliya, haddii ay ka dhab tahay in ay rabaan in la gaaro xal siyaasadeed iyadoo loo marayo hannaan nabadeed iyo wadahadal loo dhan yahay,  

           Isagoo hoosta ka xarriiqaya muhiimadda ay leedahay in xasillooni sal ballaaran loo helo Soomaaliya iyo in la helo hay’ado dowli ah oo dadka ka wakiil ah iyo hannaan siyaasadeed oo loo wada dhan yahay, 

           Isagoo ammaanaya kaalinta muhiimka ah ee Ururka Jaamacadda Carabtu iyo IGAD ka qaateen sidii loo horumarin lahaa loona dhiiri galin lahaa wadahadal siyaasadeed oo dhex mara dowladda ku meel gaarka ah iyo Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliya,  

            Isagoo farriintiisu ay tahay in si buuxda loo taageero hindisayaashaas kor ku xusan, iyo 

             Isagoo sugaaya u diyaarsanaantiisa sidii gargaar ku habboon loogu fidin lahaa geeddi socod siyaasadeed oo loo wada dhan yahay ee Soomaaliya dhexdeeda ah, 

           Isagoo ku tir-tirsiinaya dowladda iyo Maxaakiimta Midoobey ee Soomaaliyeed labadaba in ay ku midoobaan oo ay sii wadaan wadahadalka, in ay dib ugu noqdaan qodobbadii la isla gartey bishii Juun 22-keedii 2006 markii Khartuum bayaanka laga soo saarey iyo heshiiskii la gaarey bisha sebteember labadeedii ilaa seddexdeedii 2006 ee shirkii Khartuum iyo in la dhiso xaalad ammaan oo deggen oo ka dhacda gudaha Soomaaliya, 

           Isagoo ugu baaqaya Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliyeed in ay joojiyaan isbaalarin milatari oo danbe iyo in ay iska xooraan kuwa wata ajendaha xag jirka ah iyo ku xiriirsanaanta argagixisada caalamiga ah,  

           Isagoo ka xumaadey bambadii la la beegsadey Baydhaba bisha Nofeember 30-keedii 2006 iyo,  

            Isagoo farriintiisu ay tahay in Golaha Ammaanka uu wal wal ka qabo colaadda ka sii socota dalka Soomaaliya,  

           Isagoo soo dhaweynaya heshiiska ay wada gaareen Maxkamadaha Midoobey ee Soomaaliyeed iyo Xoghaynta IGAD bishii Deseember 2-deedii 2006, iyo  

           Isagoo dhiiri galinaya in IGAD ay sii waddo wada xaajoodka ay la leedahay hay’adaha federaalka dowladda ku meel gaarka ah,  

           Isagoo ugu baaqayaa dhammaan qaybaha Soomaaliya iyo dhammaan waddamada kale in ay iska ilaaliyaan in ay qaadaan ficil keeni kara gardarro ama sii hurin kara colaadda iyo ku xad-gudubka xuquuqul insaanka, taas oo keeni karta qalalaaso iyo iska aamin bixid, khatar galin karta xabbad joojinta iyo hannaanka siyaasadeed, ama sii dhaawici karta xaaladda bini’aadamnimo oo awalba iska liidatey,  

           Isagoo meel dhigtey qoraalkii taariikhdiisu ahayd 16-ka Oktoober 2006 ee uu soo gudbiyey safiirka Kenya ee Qaraamada Midoobeey ee uu u soo gudbiyey Madaxweynaha Golaha Ammaanka oo uu ku soo gudbiyey Qorshaha ciidan u diridda iyo ciidamada nabad ilaalinta IGAD ee Soomaaliya la geynayo (IGADSOM)(S/2006/xxx), 

           Isagoo qeexaaya in xaaladda Soomaaliya ay tahay mid khatar gelineysa nabadda adduunka iyo ammaanka gobalka,  

           Isagoo ka duulaya jabtarka toddobaad ee axdiga Quruumaha Midoobey,  

    1. Ayuu Goluhu wuxuu ku Celinayaa in Axdiga federaalka ee dowladda ku meel gaarku iyo hay’adaha dowladdu yihiin kuwa kali ah ee loo mari karo si loo xaqiijiyo nabad iyo xasillooni ka dhacda Soomaaliya,
       
    1.          Goluhu wuxuu xoogga saaraya baahida loo qabo in la sii wado wadahadallo macquul ah oo dhexmara dowladda hay’adaheeda iyo Maxaakiimta Midoobey ee Soomaaliyeed, iyo Golaha oo sugaya in qodobbada soo socda ee qaraarkani uu ku saleysan yahay go’aannadii ay gaareen IGAD iyo Guddiga Nabadda iyo Amniga ururka Midnimada Afrika, yoolkiisuna uu yahay oo qudha in la taageero nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya iyadoo loo marayo geeddi socod nabadeed oo loo wada dhan yahay iyo in la abuuro xaalad ay ciidamada shisheeye dhammaantood uga bixi karaan dalka Soomaaliya;
       
    1.            Goluhu wuxuu ku tir-tirsiinayaa Dowladda iyo Maxaakiimtu in ay ka soo dhalaalaan wixii ballan ahaa ee ay horey u galeen, dibna u billaabaan wadahadaladii iyagoon daah daahin iyagoo ka ambaqaadaya heshiisyadii ay horey Khartuum ugu gaareen, iyo in ay ku dheggenaadaan wixii heshiis ahaa ee ay ku gaareen wadahadalladii dhex marey, iyo Golaha oo sheegeya in rabitaankiisu yahay in uu tixgaliyo in uu tallaabooyin ka qaado kuwii doonaya in ay hor istaagaan in uu dhaco hannaan wadahadal oo nabadeed, ama xoog ku afgambiya dowladda, ama qaata ficil khatar ku sii ah xasilloonida gobalka;
       
    1.           Goluhu wuxuu go’aan ku gaarayaa in la idmo oo loo oggolaado IGAD iyo dowladaha xubnaha ka ah ururka midnimada afrika in ay soo unkaan ama dhisaan qorshe ciidan oo wax tababara isla markaana ilaaliya dowladda Soomaaliya, kaas oo dib loo eegi doono lix bilood ka dib oo uu Golaha Ammaanku eegi doono marka uu dhegeysto warbixin kooban oo ka iman doonto IGAD, iyadoo la eegi doono waajibaadka hoos ku qoran iyo arrimaha isku xiran ee waajibaadka iyo fikradda howl galka ee lagu cayimmay qorshaha ciidamada ee IGADSOM (S/2006/xxx):

           (a)      In la kormeero wixii horumar ah ee dowladda iyo maxkamaduhu    ka gaaraan fulinta heshiisyadii la gaaro marka ay wadahadlaan;

    1. In la hubiyo isu socosho xor ah iyo dariiq ammaan ah oo ay maraan dhammaan inta ku howlan hannaankaas wadahadalka;
    2. In la sugo oo la kormeero ammaanka Baydhabo;
    3. In la ilaaliyo xubnaha hay’adaha dowladda iyo dowladda qudheeda iyo tashiilaadkeeda muhiimka ah;
    4. In la tababaro ciidamada ammaanka ee dowladda si awood loogu yeelo si ay ammaankooda  u sugtaan iyo in ay la caawiyo sidii dib loogu unki lahaa ciidanka ammaanka ee qaranka Soomaaliyeed;
       
    1. Goluhu wuxuu ku raacsanyahay oo taageerayaa cayimidda ay IGAD cayimtey qorshaha ciidama keenista ee IGAD kaas oo sheegaya in waddamada xudduudka la leh Soomaaliya aysan geyn wax ciidan ah dalka Soomaaliya;
       
    1. Goluhu wuxuu go’aan ku gaarey in tallaabooyinka ku xusan baaragaraafka 5-aad ee qaraarka 733 (1992) iyo sii faah faahintiisa baaragaraafka 1-aad iyo 2-aad ee qaraarka 1425 (2002) in aan lagu fulin Karin keenista hubka iyo qalabka milatari iyo tababarka farsamo iyo kaalmada loo rabo in lagu taageero ama loo isticmaalo ciidamada ku qeexan baaragaraafka seddexaad ee  kor ku xusan oo qudha;
       
    1. Goluhu wuxuu dhiiri galinayaa in waddamadu ay keenaana wixii maaliyad ah ee ay IGADSOM u sahlaya in ay howsha guda gasho;
       
    1. Goluhu wuxuu ka codsanayaa Xoghayaha Guud, isagoo la tashanaya Guddiga Ururka Midnimada Africa iyo Xoghaynta IGAD in uu warbixin u soo gudbiyo Golaha Ammaanka taas oo uu kaga warbixinayo sida loo fuliyo waajibaadka IGADSOM isagoo warbixinta ku soo gudbinaayo muddo 30 maalmood ah iyo 60-kii maalinba mar wixii intaa ka danbeeya;
       
    1. Goluhu wuxuu adkeynayaa wax tarka ay uu leedahay Soomaaliya sii socoshada cunaqabateynta hubka ee saaran Soomaaliya, isagoo goluhu dalbanaya in dhammaan waddamada gaar ahaan kuwa gobalka in ay si buuxda ugu hoggaansamaan cunaqabateynta hubka, iyo golahu uu ku celinayo rabitaankiisa ah in sida ugu dhaqso badan tixgalin u siin doono siyaabaha kala duwan ee lagu xoojin karo wax tarka cunaqabateyntaas, taas oo noqon karta sida iyadoo la adeegsado tallaabooyin lala beegsado bartilmaameedyo si loo taageero cunaqabateynta;
       

         10.       Goluhu wuxuu go’aansanayaa in uu arrintan si fir fircoon ugu sii dhex jiro (lug lahaado ama wax uga qabto)

Isha: UN Security Council, Dec 06, 2006

Go'aankii Qaraarka 1725 (2006): http://www.un.org/News/Press/docs//2006/sc8887.doc.htm

      Waxaa turjumey: Wali Faarax, Ottawa, Canada
      wfarah@rogers.com 

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 7, 2006


Ethiopia: Soomaaliya waxaan kula jirnaa Dagaal


Dec 5, 2006: Bereket Simon oo ah la taliyaha ra'iisul wasaaraha Itoobiya waxa uu Radiyaha VOA u sheegay in Itoobiya ay dagaal kula jirto Soomaaliya. Dhegeyso: Hadalkii Ethiopia waxay dagaal kula jirtaa Soomaaliya (MP3) - [Isha: VOA]

HFKMG: Soomaaliya Ciidan Itoobiyaan ah ma joogaan

Idd Bedel Mohamed
Dec 6, 2006: Ciid Beddel Maxamed [Idd Bedel Mohamed] oo ah Ku-xigeenka wakiilka Soomaaliya u fadhiya xarunta Qaramada Midoobey oo su'aal laga weydiiyey Ciidamada Itoobiyaanka ah ee ku sugan Soomaaliya, waxa uu sheegay in aan ciidamo Itoobiyaan ahi joogin Soomaaliya, isagoo weriyihii su'aas weydiiyey ugu jawaabey ma garanayo meesha aad ka heshay warkaas... Halkan ka daawo... [Isha: UN]

AP: 6,000 ilaa 8,000 oo ah Ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Soomaaliya...

Dec 7, 2006:  Warbixin ay qortay ha'adda wararka ee AP ayaa sheegtay in ay heshay warara sir-Qarsoodi ah oo sheegaya  in Soomaaliya ay ku sugan yihiin 6,000-8,000 oo ah ciidamada Itoobiya. [Isha: AP]. Mar sii horeyseyna ayey ahayd markii uu ra'iisul wasaaraha Itoobiya si rasmi ah u qiray in ciidamadiisu ay ku jiraan gudaha Soomaaliya.


Golaha Ammaanka oo Ansixiyey Ciidamo Afrikaan ah oo aysan ku jirin kuwa Dalalka Xadka la leh Soomaaliya...

Golaha Ammaanka ee Qaramada midoobey ayaa Arbacadii (Dec 6, 2006) ansixiyey ciidamo la keeno Soomaaliya, kuwaas oo aysan ku jirin dalalka Soomaaliya xuduuda la leh - Ciidamada aan loo ogolayn Soomaaliya waa kuwa IGASOM ee ay ku jiraan kuwa Itoobiya.

Waxa kale oo golaha Ammaanku ansixiyeen in la qaado qayb ka mid ah cunaqabataynta hubka, oo lagu sheegay in cunaqabataynta la qaaday ay ku xadidan tahay qalabka iyo hubka ciidamadan cusub.

Golaha Ammaanku ee UN waxa uu sheegay in ujeedada ciidankan cusub ay tahay : Difaacida Hay'adaha Federaalka Kumeelgaalka ah (HFKMG) -- waa sida UN hadalka u dhigtay'e --  oo ay ka mid tahay Dowladda, tababarka ciidankeeda, ammaanka Baydhabo, indha ku haynta wadahadalada u dhexeeta HFKMG iyo Maxaakiimta Islaamkiga ah, iyo xaqiijinta socdaalka iyo ammaanka dhammaan ka qayb galayaasha wadahadalada Nabadda.

Horay waxay maxkamadaha Islaamigu u sheegeen in aysan aqbali doonin ciidamada shisheeye ee soo gala dalka. Waxaana hadda taas sii dheer in qaraarka cusub ee Golaha Ammaanku uu dhabar jab ku jahay hamigii Zenawi oo adeegsanayey erayada Cali Maxamed Geeddi ee ahaa in lala dagaalamo Maxkamadaha. Waayo Golaha Ammaanku waxay diideen in ciidamada cusub ay qayb ka noqdaan wadamada xadka la leh Soomaaliya (oo ay ugu horayso Itoobiya), waxa kale oo golaha Ammaanku sheegeen in ay tallaabo ka qaadi doonaan dhinacii isku daya in uu is hor taago nabadda - Haddaba la arki doonee in Golaha Ammaanku uu ciidamada Itoobiya ku amro in ay ka baxaan Soomaaliya maadaama ciidamadaasi aysan qayb ka ahayn kuwo Qaramada Midoobey ogol yihiin in ay joogaan Soomaaliya, haddii ay ka bixi waayaana la arki doonee in UN ay tallaabo ka qaado. [ISHA: UN]

Midowga Maxkamadaha oo Ganafka ku Dhiftay Go'aankii Golaha Ammaanka..


Qaraarkii Golaha Ammaanka ee Nov 29, 2006
Golaha Ammaanku Wuxuu Cambaareynayaa “Qulqulka Hubka ee sida weyn uga socda dalka Somalia... Akhri

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD