SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  MAQAAL

Mareekanka: Wadanka ugu Weeyn ee Caalamka hub ka iibiya..!!!

Tarjumadii:
Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


War bixin cusub oo soo baxday ayaa sheegaysa,in wali dowlada mareekanku ay tahay dowlada ugu badan ee iibisa hubka,waxaana sidaa shegtay xarunta Congressional research service,war bixintan ay dhawaan soo saartay xaruntan waxay si gaara diirada u saaraysaa hubka laga iibiyay wadamada soo koraya intii u dhaxeeysay (1998-2005),iyadoo la tixraacayo xogo rasmi ah , sida loo  kala iibsaday hubkan,iyo wadamada soo sarka hubkan qaabka ay wadamada soo koraya wax uga iibiyaan

Ahmiyada ay warbixintan ugu fadhiso congress-ka mareekanka.!!!

  War bixintan waxay soo baxday xili congress-ku uu isha ku hayo siyaasada arimaha dibadaba iyo amniga guud ee wadanka mareekanka,kadib dorashooyin ka dhacay wadanka mareekanka kuna guulestay xinbiga demoqradiga,war bixintu waxay kaloo congress-ka ka caawinaysaa in ay ogaadaan cida sida tooska ah u iibisa hubkan si gaar ah wadamada laga iibiyo ee soo koraya,iyo sidoo kale sameenta ay danaha mareekanka ku yeelankarto gaar ahaan amniga guud ee wadanka iyo aminiga wadamada xulafada iyo wadamada saaxibka la ah xukuumada Washington,waxa congress-ka horyaala su’aalo u baahan in ay ka qaataan mowqif mid ah.!!

1-Congress-ku ma taageri karaa heshiisyo hub looga iibinayo wadamo iyo gobalo gaar ah?

2-congress-ku ma mucaaradi karaa hoowlo hub loogu qaadayo wadamo iyo gobalo gar ah?

   War bixintu waxay xooga sartay sida wadamada soo koraya hubka looga iibiyo,sidoo kale is badaladii dhacay wixii ka danbeeyay markuu dhamaaday dagaalkii qaboobaa ee u dhaxeeyay mareekanka iyo soofiyeedkii burburay wixii ka horeeyay sagaashameeyadii,

Natiijada dhabta ah ee warbixintu ka hadlayso..!!!

   War bixintu waxay xooga sareeysaa qaababka iyo xadiga ka kanacsiga hubka laga iibiyo wadamada soo koraya,xogta war bixintan waxaa laga soo aruuriyay wadamada iibiya hubka iyo kuwa laga iibiya intaba,hubkan intiisa badan waxa laga iibiyaa wadamada kuyala bariga dhaxe intooda badan,xogta warbixinta ay ka hadlayso iyo dhaqaalada lagu kala iibsado hubkan waa sidan soo socota:.

1-Hubkii la iibiyay intii u dhaxeysay sanadihii 1998-2005,lacagta kazoo xarootay waxay gaaraysaa $294 balyuun oo lacagta mareekanka ah,wadamada safka hore kaga jira iibinta hubka waxa ay kala yihiin, united state, Russia ,France ,Germany, England,dhaqaalo xoogan ayaa ka soo galada iska iibinta hubka,sida wadamada ay dhaqaalaha u soo gala galaan waa sidan soo socota.

·        Wadanka mareekanka waxa u soo xarootay lacag gaareeysa $107 balyuun oo dolar,waana wadanka ugu badan ee saxiisay hashiisyada lagu iibinayo hubka celcelis ahaana waa 36.5%.

·        Wadanka ruushka waxa ka soo galay lacag gaareeysa $46 balyuun oo doolar celcelis ahaana waxa uu gaarayaa 15.5%.

·        Wadanka france waxa kasoo galay lacag gaareysa $33 balyuun oo dolar celcelis ahaan 11.3%.

·        Wadanka garmalka waxa kazoo galay lacag gareysa $19 balyuun oo dolar celcelis ahana         waxa ay garaysaa 6.6%.

   2- Waxa uu hoos u dhac ku yimid iibinta iyo heshiisyada ku saabtan hubka qatarta ee sida tooska ah wax u burburiya,intii u dhaxeeysay 1998-2005 lacagihii heshiisyadas kasoo xarooday waxa ay garayaan,$287 balyuun oo doolar,wadamad ugu badan ee heshiisyadan lacagaha ka helay waxa ay kala yihiin

·        Mareekanka $109 balyuun oo doolar,celcelis ahaan 38.2%.

·        Ingiriiska  $40 balyuun oo doolar, celcelis ahaana 13.7%.

·        Ruushka  $37 balyuun oo doolar, celcelis ahaan awaa 11.8%.

·        Faransiika $32 balyuun oo doolar,celcelis ahaana waa 10.9%.

     War bixintu hoos u dhaca ku yimid kala iibsiga hubka wax burburiya, waxa ay ku macneysay in ay keentay wadamada soo koraya inta shidaalka soo sarta oo ay soo food saartay sicir barar xaga shidaalka,taasina waxa ay keentay in la yareeyo soo iibsiga hubka iyo samenta hubka fudud intaa .

3-lacagaha ku baxay hashiisyada nakala sixiisday intii u dhaxeeeysay 1998-2005-tii,$197 balyuun oo doolar,suuqa ugu ween ee laga iibiyay hubkan ayaa noqonaya in ay yihiin wadamada soo koraya intooda badana ku yaala bariga dhaxe,waxa warbixinta markaan si hoose u dhuuxda kaaga muuqana loolanka wali ka dhaxeeya mareekanka iyo shiina,dhanka wadanka shiinada inta badan waxa uu hubka ka iibiya labo suuq oo muhiim ah waana wadamada India iyo china,halka mareekanku uu ka iib iibiyo wadamo badan oo ku yaala bariga dhaxe iyo wado ku yaalo koonfurta ameerika.

   War bixinta waxad kala xiriiri kartaa www.taqrir.org/shorarticl.cfm

Tarjumadii: Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 13, 2006

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD