SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK -  CHINA/AFRICA
Maanta waa:

Cabsida Xukuumada Washington ee Xiriirka Shiinaha iyo Qaarada Africa.!!!!!
(Ninkii seexdo ayuu sicii dibi dhalaa)

Tarjumadii:
Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470


(5 - 4) November 2006, waxaa caasimada wadankaasi shiinaha ee Beijing lagu qabtay shir ay ka soo qeeyb  galeeyn 48 dowladood oo African ah, shirkaasi oo looga hadlay arimo fara badan oo ay ka mid ahaayeen, sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada qaradood, milatari iyo midka dhaqaale ee labada dhinac iyo sidii loo hor marin lahaa dublamaasiyada labada dhinac. Waxaa marba marka kasii danbeya sii kordhaya maalgashiga wadanka shiinuhu uu ku sameeyay qaarada Africa, laga soo bilaabo 1995-2005, xadiga dhaqaale uu wadanka shiinaha ku qarash gareeyay qaarada Africa waxa ay gaaraysa aduun lacageed oo gaaraya 39.7$ balyuun oo doolarka mareekanka ah.

Dowladda shiinaha shirkaasi inta uu socday waxay soo bandhigtay siyaasadeeda cusub ee ku wajahan qaarada Africa, iyo siday shiinuhu diyaar ugu yihiin taageerid buuxda oo ay u fidiyaan qaarada dhinac walba, waxay kaloo soo bandhigtay heshiis ganacsi oo lacagta ku baxaysana ay gaareyso ($2 billion) labo bilyan oo doolarka mareekanka ah. Heshiiskaas oo soconaya 2007-2009, waxa ay dowlada wadanka shiinaha cafis dhaqaale ay u fidisay in ka badan  31 (sodon iyo koow) dowladood, taasoo lacagaha laga cafiyay ay gaareyso (1.3 billion$)oo dolarka mareekanka ah, waxa kaloo shirkaasi lagu falanqeeyay sidii wax soo saarka qaarada kor loogu qaadi lahaa,iyadoo dowlada shiinaha ay taageerada ay qaarada u hayso ay kor u sii qaadi doonto ilaa sanada 2009.

Sida xaqiiqada ah kor u kaca xiriirka shiinaha iyo qaarada Africa,waa mid ka mid ah siyaada arimaha dibada ee wadanka shiinaha,kuma kobna siyaada arimaha dibada ee shinaha qarada Africa balse waxa kaloo ay sameeyay siyaad caalami ah,waxa ay horayba xiriir wanaagsan wadanka shiinaha la sameyeen wadamada dariska la ah,ee qaarada aasiya dhankeeda koonfurta, koonfur bari aasiya, konfur kuuriya iyo qaarada yurub oo ay la sameesatay xiriir wanaagsan dhaqaale iyo siyaasadeed intaba.

Macaahida cilmi baarista iyo diiradooda xiriirka shiinaha iyo Africa.!!

Shir ay soo qaban qaabisay mu’asasada Heritage Foundation, waa mid ka mid ah macaahida mareekanka ee dhaxdhaxaadka ee ku yaal magaalada Washington, dadkii ka soo qeeb galay waxa ka mid ahaa, Willy Wo-Lap Lam, waana ninkii qoray buugii (Siyaasada shiinaha ee xiligi madaxweye Hu Jintao), waxa uuna yiri "Hu Jintao, wuu ku guuleestay qorshihiisi, milatariga iyo siyaasada dibadda, waana nin la oran karo waa madaxa siyaasada arimaha dibada ee wadanka shiinaha, waxa uuna ka faa’iideeystay siyaasada G.Bush ee ku wajahan ladagaalanka argagixisada", madaxweyene Hu jintao waa ninkii ay maskasdiisa ka soo maaxatay in milatariga wadanka shiinaha uu noqdo mid awood sare leh,iyo in wax laga qabto siyaasada arimaha dibada.

Dhanka kale machadka American enterprise institute (AEI), waxa uu qabtay kulan looga hadlayay xiriika shiinaha iyo qaarada Africa, waxa ka mid ahaa dadkii ka qeeb galay kulankaasi Walter Kansteiner, ninkan waxa uu ka socday urur magaciisa la yiraahdo Scowcroft Group, waxa uuna sheegay "waxa ay doonayaan shiinaha in ay noqdaan shirkadahooda kuwa dhaqaajiya dhaqaalaha, isla markaana faa’iidada ugu badan qaata" hadalkan waxa uu ula jeedaa shiinaha iyo qaarada Africa.

Udub dhaxaadka xiriikan waxa uu yahay, markii si guud loo eego mid ku saleeysan arrimaha dhaqaalada iyo wax soo saarka ee qaarada Africa, shiinaha waxa ay mustaqbalka doonayan in wax yaabaha daruuriga ay ka soo iib sadaan qaraada Africa, wax yaabaha uu shinaha aad u daneenayo waxa ka mid ah, macdanta cayriinka ah sida, shidaalka iyo maadooyinka ay ka mid yihiin, copper, platinum, gold and nickel, oo mid walba uu ahmiyad gaara u leeyahay dowlada shiinaha wax soo saarkeeda warshadeed, wadamada ay inta badan ay ka soo dhoofinayaan waxa ka mid ah south Africa iyo Mozambique, sidoo kale shiinaha waxa ay qaarada ka caawinayaal dhisida buundooyinka isku xira magaalooyinka iyo wadooyinka, waxa hada shiinaha qaarada Africa ka jooga shaqaala gaaraya (10-40) kun oo shaqalo shiinees ah oo qaarada jooga gaar ahaan wadanka Angola.

Xiriirkan baaxadaas leh ee shiinaha la sameenayo qaarada Africa, waxa walwal ka muujiyay xukuumada Washington, sidoo kale Washington waxa ay dadaal badan ku buxisay sidi ay wax ooga oggaan laheed xiriika shiinaha iyo qaarada ka dhaxeeya, balse Washington way garan la’dahay xadka uu gaarayo heshiiskan walina Washington way ku dadaaleysaa sidii ay u fahmi laheed xiriikan waxa uu yahay iyo sideey wax u socdaa?!!,sida uu tilmaamayo, Paul Hare waxa uuna tilmaamay "magaranayno xaddiga dhaqale ee uu shiinahu bixiyo? mana garanayno inta shiinees ah ee joogta wadanka Angola? sidoo kala mana garanayo inta Angoles ah ee u shaqeeysa shirkadaha shiinaha?!!!..

Cabsida Congress-ka ee xukuumada Washington!!..

Sida dagan ee ay xukuumada Washington ula socoto horumarka wadanka shiinaha, waxa uu congress-ka magacaabay octobar sanadii 2000, (golaha la socodka dhaq dhaqaaqa dhaqaale iyo amni ee mareekanka iyo shiinaha), golahan waxa uu la soconayaa xiriika dhabta ah ee dhaqaalaha iyo ganacsiga labada dowladood ee shiinaha iyo mareekanka, talaabo kasta oo ay golahan qaadayaan waxa ay hor dhigayaan golaha sare ee congress-ka mareekanka, golahan waxa ay  inta badan la socdaan dhaqdhaqaayada dhoor ah ayna ka mid yihiin:.

  • 1-Faafiyada hubka wax burburiya ee niyukleerka.
  • 2-Xawilaada lacagaha addunyada la isku xawilo gaar ahan mareekanka.
  • 3-Tamarta iyo suuqyada dhaqaale ee wadanka mareekanka
  • 4-Isbadalka dhaqaalada iyo aminiga
  • 5-Heshiisyada dhaqaale ee dhaxmara shiinaha iyo ururka ganacsiga aduunka
  • 6-xoriyada hadalka iyo arimaha wadanka shiinaha

Golaha la socodka dhaq dhaqaaqa dhaqaale iyo amni ee mareekanka iyo shiinaha, waxa ay soo saaraan war bixin sanadeed, war bixintaasna waxa la hor dhigaa golaha sare ee congress-ka asaga ayaana ah midka go’aanka ka gaara, shir jara’id oo uu qabtay ninka hogaanka xiligan u haya golahan ninka la yiraahdo Larry Wortzel waxa uu yiri "golaha waxa uu aaminsan yahay in xiligan shiinuhu yahay awood cusub, balse hada nooma muuqato mana dareeymeeyo in sida uu wax u maamulo iyo sara u kuciisu ay isku dhigmaan" waxa uu shirkan jaraa’id uu qabtay, November 16, 2006, waxayana ku aadaneed markii ay golahan soo bandhigeen war bixintii la hor dhigay gollaha congerres-ka.

Golaha congress-ka waxa uu soo saaray talooyin dhoor ah,oo ay ka mid yihiin:.

  • 1-Ahmiyada xiriirka ka dhaxeeya shiinaha iyo mareekanaka in  la xoojiyo.
  • 2-In si gaara loola socda is badalka shiinaha ee golalka iyo guud ahaan caalamka.
  • 3-iyo sida shiinuhu uu u maamulo saxaafada gudaha wadanka shiinaha.

Sidoo kale wax bixinta marka la horgeeyay congers-ka waxa ay ka soo saareen digniino, ay u jeedinayan wadanka shiinaha waxaana ka mid ahaa in shiinaha uu faraha kala baxo arinta Daafuur waxaana warbixinta lagu sheegay in ay arintaasi tahay arin caali ah, mareekanka waxa uu walaac ka muujiyeen taageerada uu shiinaha siinayo Africa gaar ahaan wadanka Sudan.

Shiinaha oo ah wadan dunida ugu dadka badan, iyo mareekanka oo siyaasada caalamka horboodaya, waxa ka dhaxeeya loolan dhaqaale iyo mid milatari in taba, haatan shiinaha waxa uu doonaya in uu dunida ka helo taagero fara badan, isago ka faa’iideeysana ladagaalanka argaggixisada ee mashquuliyay xukuumada Washington dhaqaalaheeda iyo haybadeedana hoos u dhigay.

Marka la fiiroyo baaxada dadka shiinaha iyo dhaqaalihiisa sii kordhaya maxay arintu ku danbeeyn doontaan? yaase awooda caalamka ee loolanka uu ka dhaxeeyo la wareegi doona marka mareekanka uu meesha ka baxo.

War bixintan waxaan ka soo tarjumey shabakada:  http://www.taqrir.org/showarticle.cfm?id=519

Ibraahim daa’uud c/laahi (Gentleman)
sayfudiin@hotmail.com

Nairobi-kenya
+254721130470

Faafin: SomaliTalk.com | Dec 3, 2006

CopyrightXuquuqda Qoraalka Copyright Akhri..

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosas
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD