Nayroobi,-
Waxaa jirta in cudurka HIV AIDs uu ku yar yahay dalka Soomaaliya waxaan
lagu qiyaasaa in ay qabto boqolkiiba hal (1%), hase yeeshee, sida laga
soo xigtey Dr. Fernando Morales oo ah nin ka shaqeeyo xafiiska Quruumaha
Midoobey (QM) ee u qaabilsan carruurta, waxaa jirta dadka faraha badan
ee Soomaalida iyo waddamada dariska la ah ee xudduudaha isaga kala
gooshayo in ay keentey in tirada dadka uu cudurku ku dhacayo ay korodho.
Gobalka Waqooyi Galbeed ee Soomaaliya oo xudduud la leh dalka Itoobiya
ayaa ah gobalka ay halista cudurkani u badnaan karto.
Leo Kenny, oo ah Isuduwaha UNAIDS ee
Soomalia ayaa jariidadda "Plus News" u sheegey in badnaashaha tirada
dadka qabta cudurkani ay tahay mid aad u sarreysa marka laga qiyaas
qaato bulshooyinka muslimka ah. Cudurkuna wuxuu madaxa la galay heer uu
u sii dhawaadey in lagu tilmaami karo in uu gaarey heer uu si ba’an u
faafi karo. Dalka Soomaaliya waxay haatan mareysaa marka la eegu heerka
cudurkan heerkii ay Koonfurta Afrika joogtey 10 sano ka hor.
Marka la eegayo cudurkan dalka Soomaaliya waxaa loo qaybiyaa seddex
gobal oo mid walbo gooni yahay: Jamhuuriyadda isku magacawdey Somaliland
ee gobalka Waqooyi Galbeed, Gobalka isna isku magacaabey Puntland ee
Waqooyi Bari, Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya. Daraasad la sameeyey
2004-tii oo ay sameysey Ha’adda Caafimaadka Adduunka (WHO), waxay
sheegtey in dadka cudurka qaba ee Somaliland ay gaarayaan 1.4% ama
boqolkii qofba hal qof iyo badh kudhowaad, iyadoo Barbara ay tahay
meesha ugu daran Soomaaliya oo dhan ee uu cudurkuna gaarey 2.5% marka la
barbar dhigo 0.6% oo ay qabaan dadka ku nool koonfurta iyo Bartamaha
Soomaaliya.
Halbowlayaasha ganacsiga ee Bariga ee dhexmara Itoobiya ma aha kuwa
xambaara kheyraadka aadka loogu baahan yahay-kaas oo inta badan ka taga
dalka intuu soo geli lahaa-ee waxay kale oo uu si korodh badan u fududeeyaan
fididda cudurka AIDS-ka Itoobiya. AKHRI QORMADII
MAGAALADA NASAREED
AIDS-KA -
Su'aal uu kajwaabey Dr. Ibrahim
Dr. waan
kusalaamay,marka xiga aad ayaan kaaga mahad celinayaa sida aad
uga soo jawaabto su,aalaha. su,aal? Mudo haatan laga joogo afar
sano ayaan u galmooday haweenay jirkeeda ka ganacsata anigoon
isticmaalin protection ama condom,ka bacdi aad ayaan uga
werweray inaan ka qaaday cudurkan.
1)jirtaa calaamado lagu garto AIDSka muda intee leeg guduheed
ayuu qofku isku arki karaa calaamadahaas?
2)mudo intee leeg ayuu noolaan karaa qofka AIDSka qaba?.
ilaa mudadaa laga soo bilaabo waxaan go,aansaday inaan galmo
danbe oo xaaraana samayn,fadlan iiga soo jawaab su,aashan. aad
baan u mahadsantahay
Jawaab.... |
Sida uu ugu badan yahay cudurkaan dalka Itoobiya waxaa daliil u ah
isagoo gaaray ila 3.5 % ama boqolkii qofba in ay qabto wax ka badan
seddex qof . Taas oo ay sii dheer tahay in meelaha xudduudaha uu cudurku
u boodayo in uu gaaro ilaa 10% ama boqolkiiba toban in ay cudurka qabto.
Sidaasna waxaa yiri Mudane Morales.
Soomaaliya wax dowlad ah oo sharci ah
ma laheyn ilaa iyo 15-kii sano ee la soo dhaafey waana dal qaba dhibaato
weyn oo dhinaca cuntada ah waayo cunto sugan oo ku filan dadku ma heli
karaan. Boqollaal kun oo Soomaali ah ayaa ka shaqeeya kuna nool
xudduudaha ay Soomaaliya la wadaagto dalka itoobiya iyo Kenya. Taas
ayaana dhalisa in ay inta badan ka soo hayaamaan dalkooda hooyo si ay
dhaqaale iyo bulshaahaanba u tacbadaan iyadoo taasna ay sii dheer tahay
in kummanaan kalena ay qaxooti ku yihiin waddamada dariska ah.
Warbixin ay sanadkii 2006 daabacday
UNAIDS oo ku saabsaneyd xudduudaha iyo isu socodkooda ee gobalkan Geeska
Africa ayaa waxaa lagu sheegey in la ogaadey in ay caadi iska tahay in
rag badan oo dumarkii ay qabeen ka soo fogaadey sida darawallada iyo
geddisleyda in ay la galmoodaan naagaha jirkooda ka ganacsada iyagoo
weliba galmoonaya iyagoon ka gaashaaman cudurrada. Dad kale oo soo
barakacay iyo dumar badan oo baahi ay haysaba waxay u dagan yihiin
cudurkaan waayo waxaa ay u badan tahay in ay naf ka raadiyaan wax u
keeni kara ama sare u sii qaadi kara in ay qaadaan cudurkan.
Dadkan doolka ah waxaa ku jira kuwo
badan oo leh hab bulsho oo aad u kala duwan, kala dhaqan duwan oo kala
af ah. Taas oo keeneysa in dad badan oo kuwaas ka mid ah ay caqabadi ay
hortaallo ah sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen adeegyada caafimaad ee
loogu talagaley HIV/AIDS. Dhibaatada Soomaaliya waxaa sii laban laabey
iyadoonba la heli Karin
Galcaar iyo iyadoon
aysanba jirin adeeg caafimaad oo dadka ku filan. Sidaasna waxaa yiri
Kenny oo ka socda UNAIDS.
Waddamada gobalku hadda uun bey ku
baraarugeen oo gareysteen muhimadda ay leedahay in la wajaho arrimaha la
xariira socdaalka xudduudaha la isaga kala goosho iyagoo haatan u
aqoonsadey in socdaalkaasi uu yahay qodob ka mid ah qoddobada sahla in
uu cudurku faafo. Kulan bishii Nofeember lagu qabtey Somaliland, xubno
matalayey guddiyada cudurka AIDS ee Jabbuuti, Eriteriya, Itoobiya,
Kenya, Soomaaliya iyo Koonfurta Suudaan ayaa waxaa laga sheegey halkaas
in iskaashi dhexmara dowladaha geeska Afrika in uu fure u yahay sidii
looga guul keeni lahaa dagaalka uu gobalku kula jiro cudurkan dilaaga ah
ee sida baahsan u faafaya.
"Waxaanu leenahay taariikh fog oo ah
isku socdka dadka una kala gooshaya xudduudaha, waxaana aynu ognahay in
dadka socodka badan in ay ku yartahay in ay isticmaalaan tabo ay isaga
ilaalinayaan HIV iyo iyadoo ay aad u liitaan adeegyada lagu daaweeyo
cudurka.” Sidaas waxaa yiri Muse Kassim, oo ah Agaasimaha Guud ee
Guddiga AIDS-ka Somaliland. "Cudarkani waa mushkilad taalla gobalka
dhammaantiisa mana aha wax lagu xallin karo kali kali ay dowladuhu ugu
jawaabaan.”
Dumarku waxay ahaan kara kuwo aad ugu nugul HIV. Sidaas waxaa
qortay PlusNews oo sawirkana soo daabacday |
HARGEYSA: Qoraal kale oo ay
qortay PLUSNEWS ee QM bishii May 1, 2006 ayaa sheegay in Aamina Xasan oo
deggan oo ah 26-jir uu ninkeedii geeriyoodey, ahna hooyo laba carruur ah
haysata, ay ka mid tahay 110 dumar ah oo Cusbitaal ku yaal Hargeysa kaga
faa'iideysta barnaamij daawada ARV oo bilaash ah lagu siiyo, daawadaas
ARV oo la siiyo dadka qaba cudurka AIDS-ka.
Aamina waxay tiri: Waxaan bilaabay in
aad qaato daawada ARVs muddo laga joogo shan bilood. Waxaan hadda
dareemayaa in aan sidii hore ka xoog weynahay, waxaana miisaankayga ku
siyaadey 6 kiilo. Waxaana qorshaynayaa in aan daawadaas u isticmaalo
sida ay dhakhaatiirtu yiraahdeen.
Aamina waxa ay sheegtay in ninkeedii uu
afar bilood ka hor u geeriyoodey xanuun la xiriira AIDS-ka, markii ay
iyaduna dareentay in ay xanuunsan tahay ayey iska soo eegtay in ay
cudurka qabto, waxaana la ogadey in ay HIV qabto bishii December (2005).
Nasiibwanaag labadeeda gabdhood, oo ah 2-sano-jir iyo 4-sano-jir, ma
qabaan cudurka AIDS.
"Waxaan qiyaaseynaa in HIV uu markii
ugu horeysey Somaliland soo gaarey toban sano ka hor, waxana uu si xawli
ah u kordhay afartii sano ee la soo dhaafay, laakiin ilaa hadda
mujtamaca badankiiso muhiimad weyn ma siiyaan cawaaqibka uu leeyahay"
sidaas waxaa yiri Dr. Deq Saeed oo ka tirsan UNAIDS.
Waxaa turjumey: Wali Farah, Ottawa wfarah@rogers.com
Isha:
http://www.kenyanewsnetwork.com/artman/publish/article_1814.shtml
Iyo:
http://www.plusnews.org/aidsreport.asp?reportid=5913
Faafin: SomaliTalk.com | Dec 10, 2006
Warbixin
Gaar ah: Itoobiya -
ganacsiga Bariga
ee dhexmara Itoobiya ma aha Guji