SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL
Daabaco Boggan | Print

Miless Zanawi: Ilinta Iska Tir

Ra'iisul wasaaraha Ethiopian Meles Zenawi oo wajiga qabsaday markii uu khudbada jeedinayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Kofi Annan, khudbadaas oo ku saabsanayd arrimaha Afrikaanka, taas oo uu  July 1, 2006 ka jeediyey kulanka Midowga Afrika uga socda caasimada dalka Gambia ee Banjul. Kulankaas oo laba maalmood soconaya waxaa looga hadlay arrimaha Soomaaliya iyo gobolka Dafur ee dalka Suudaan. Sawirka REUTERS.
Warbixinta Khudbadii Annan ka akhri halkan...

 


KA  MUSAAFURINTA SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND & KU SOO DHAWEYN QABQABLAYAASHA DAGAALKA  XAMAR & CIIDAMADA CADAWGA (TIGREEGA )EE GOBALADA PUNTLAND 

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Waxaan maqaalkeygan rabaa inaan kaga faloodo arimo badan oo u baahan , in loo iftiimiyo guud ahaan shacabka SOOMALIYEED  &  gaar  ahaan shacabka soomaliyeed ee degaan ahaan  ku nool gobalada Waqooyi bari  SOOMALIYA. 

Arimahaas oo ah kuwa hada ka taagan gobaladaas ,kuwaas oo ah kuwo aan haba yaraate loo dul qadan karin. 

KA MASAAFURIN SHACAB SOOMALIYEED GOBALADA PUNTLAND 

KU SOO DHAWEYN QABQABLAYAAL DAGAALKA  EE  XAMAR

                                                &

CIIDAMADA CADAWGA (TIGREEGA) EE GOBALADA PUNTLAND 

Waxaana maqaalkeyga ku bilabayaa sidatan ,anigoo doonayo inaa ummada u iftimiyo sida ay wax u dhacayan iyo sida ay muhiim u tahay in la cadeeyo. 

Jamhuuriyadi Soomaliyeed marki ay burburtey  Soomaliya oo  dhan waxaa ka dhaceen dagaalo ahli ah oo sokeeye,

Ayaa waxa dhacday in gobaladii la isku oran jirey: 

MUDUG,NUGAAL,SOOL+ (BUHOODLE),SANAAG,BARI. 

Oo ay ka talinayeen jabhadaha kala ah SSDF,USP & SNDU ayaa shir ku yeeshay magalada GAROOWE ,sanadku marku ahaa 1998,waxay goan sadeen inay dhistaan maamul u gooni ah ,maamulkaas loo bixiyay PUNTLAND. 

Gobalada Puntland  waqtigi dagaalada sokeeye ka socdeen Soomaliya  ,waxaa ku soo qaxay shacab wayne fara badan oo ka kala yimid dhamaan gobalada dalka uu ka kooban yahay ,madaama wadankii oo dhan uu dagaalka uu wada gaarey,hadana shacab kii Soomaliyeed way soo nabad galeen PUNTLAND,iyagoo u soo hoos galay asbabahan hoosku qoran oo kala ah: 

In Puntland uu ka jiro maamul leh nidaam & kala dambeyn & nabad 

In ay  ku nooladaan inta dalka  oo dhan nabad ka dhaceyso

In  coladaha uga nabad galaan

In ay shaqo ka abuurtaan,,si ay nolal u helaan

In ay uga sii tahriiban wadamada carabta,madama gobalka bari dekad wayn ku taal una sahlan tahay inay garaan wadamada carabta sida yemen ama qaliijka. 

Hadaba anagoo og arimahaas oo idil, ayaa hadana waxaa soo ifbaxaya arimo badan oo aan mar naba laga aamusi karin,waayo waxaa ka socda gobalada PUNTLAND waa arimo aad u fool xun oo lagu la kacaayo ama lagu sameyey dad soomaliyeed oo aan haba yaratee wax dambi ah aan galabsan ,oo qalad ku ah nabad galyada  dadka & dalkaba. 

Arimahaas oo ku ah ceeb  & foolxumo dadka soomaliyeed ee degaanadas ku nool, waayo waa waxan soomali u lahaan jirin dhaqan weeye, oo aynu dhaqan u laheyn sideedaba .

Hadaynu nahay dadka soomaliyeed ee dega dhulkaas  ,tusaale xiliyadii ay socdeen dagalada sokeeye mar naba ma dhicin in dhulka ama deganadas lagu dilo muwadin Soomaliyeed oo si caadi ah ugu nool oo ka yimid degaanada kale ay Soomalidu dagto.

Iyadoo ay dagaalo ka socdan oo qabaailka oo dhan u is xasuuqayey,,marka maantey maxaa keenay inay dhacdo in dad Soomaliyeed oo nolol iyo nabadgalyo jirta darted iyo kuwa raba inay sii tahriiban ama ku wa raba inay  ka shaqeystaan in la yiraahdo hala tarxiilo, oo hala ga saaro dalka ama ha loo celiyo gobaladii  ay  ka yimaaden ama qabiilkooda ay deegaan ahaan  degaan. 

Run ahaantii waa  fool xumo wayn & gaf aan la qadan karin in loo geysto muwaadin Soomaliyeed oo jooga dhulkiisa waayo ciida Soomaaliyeed waa ay kawada dhaxeysaa  dhamaan dadka Soomaliyeed. 

KU SOO DHAWEYN QABQABLAYAAL DAGAALKA  EE  XAMAR

                                                &

CIIDAMADA CADAWGA (TIGREEGA) EE GOBALADA PUNTLAND 

Waxa aynu ka wada dharagsan nahay  dhamaanteen tariiqda  ay Soomaliya ku lee yihiin qabqablayaasha dagaalka ,kuwaas oo aan wax wanaag ah u sameynin  guud ahaan shacabka Soomaliyeed iyo gaar ahaan qabaailkooda,iyagoo baday wadankeena dhibaato wayn ,oo ila iyo waqtigan joogno aynu heyno faaidadeeda. 

Waxaa nasiib xumo ah in gobalada Puntland lagu soo dhaweeyo gacan ku dhiiglayaashi xasuuqay ummada Soomaliyeed ,ciday doonaan ha ahaaden ,kuwaas dadka Soomaliyeed isugu laayey si guud  ahaaned iyo si hoos ahaaned,ilaa ay garaan inay la yaan kuwii ugu xigay reer ahaan ,kadib marki ay Soomali oo dhan ka dhigeen wax dhintay iyo wax dalka ka baxa iyo waxay xabad ku heystaan . 

Tusaale ahaan waxaa  magaalada GALKACYO kadhacay 1991 xasuuq ay geysteen  jabhadi USC ee MAXAMED FARAX CAYDID  u watey  2 xidigle CABDI QAYBDIID ,isagoo ku laayey magalada GALKACYO in  kabadan 900 ruux oo isugu jirey waayeel ,caruur iyo dumar aan waxbo galabsan haba yaratee (alaha u naxaristee). 

Marka waxaan is waydinayaa sababta keentay in maamulka Puntland ku kaliftey in ay ku soo dhaweeyaan magalada GALKACYO una ka abaabulo dagaal u lagalo maxaakamiinta

Kuwaas oo kasoo eryay goobti u dadka ku isbaareysan jiray,kadib  marki dadka Soomaliyeed ee xamar dagan gacan siiyeen maxkamadaha ,tasoo ku kaliftay inu usoo baxsado PUNTLAND.

Waxaan is waydiiyey sababta reer PUNTLAND  uga hadli waayeen ninki dadka sida naxariis darada ah u laayey,hadana inuu xaruun kadhigto GALKACYO si uu laayo dadkiisa,taasoo keentay in colaad hor leh  uu ka abuuro gobalka ,

isagoo kashanaya  madaxda maamul ku sheega Puntland ee axmaarada hoos tagta.

Si uu ugu duulo dad deegaanka MUDUG  u dhashay oo raba inay deeganadooda ka hirgeliyaan nidaam ay iyaga rabaan oo u ah dan.

Nidaamkaas oo ah nidaam islaam ah oo iyaga rabaan inay ka hirgaliyaan degaankooda. 

Waxaan  is waydiinayaa hadaba  sualahaan soo socda oo u baahan in la ogaado: 

 Maxaa kalifay in la maasafuriyo shacab Soomaaliyeed oo aan waxbo galabsan ? 

Maxaa keenay in  si diiran   dagaal oogayaasha & ciidanka Tigreega ( Ethopia) loogu soo dhaweeyo Puntland ? 

 Hadaan ka jawaabo arimaahas kor ku xusan : 

Waxay u sameynayaan inay maasafuriyaan shacab aan waxbo galabsan ,si ay u abuuran xiisad colaadeed oo ay ku kala qaybinayaan dadka Soomaliyeed,madama ay doonayaan  inay  ka faaideystaan inay soo celiyaan dagaalki ahliga ahaa ee ummadeena kala geeyey, si ay u helaan jawi colaaded,madaama ay ka baqayaan kacdoon shacab oo kadhan ah.

Si ay  danaha iyo maslaxa ay ku joogan ama ay ku heystaan gobalka si ay u fushadan danahooda iyaga u qaaska ah ,marka waxay ila tahay inay  doonayaan fursad ay dadka ugu abuuran been  iyo colaad ku dhisan  qabiil ,si ay dantooda qaska  oo ku tagri falid awood. 

Waxaa hadalkeyga daliil u ah inay GALKACYO ku soo dhaweeyen kuwii xasuuqay geystay  , ayna masaafuriyeena kuwii aan waxbo galabsan ee ku hoosta noolaa. 

Waxaa keenay in dagaalo ooge  &Ttigree  lagu soo dhaweeyo gobalada PUNTLAND:

Waa bah wadaag isku ujeedo ah oo u midoobay   inay shacabka Soomaliyeed ay kala qoqobaan , isku dilaan, si ay u ilaashadan danahooda gaarka ah . 

Waxaa daliil u ah in xiliga nabada ah oo aan dhibaato jirin ,waxay  ideecadaha isku mariyaan aflagaado & colaad abuurid ,si ay u tusaan dadka inay is ka soo horjeedan,balse kacdoon shacab marka uu yimaado  way u midoobaan oo isku dan qadaan ,tusaale hada sida aanu wada ognahay warlords ku kala sugnaa qaybaha kala duwan ee dalkeena ,maantay waxay ku wada sugan yihin Baydhabo ,waxaana dhihi karnaa waa far & faraanti kuligood ,madama ay ka kala yimaaden gobalada Soomaliya oo dhan,waxayna  taageero ka sugayaan macalinkooda wayn MELAS SENAWI ,kasoo ciidamo u soo direy  ,cidamadaas oo hada ku sugan sida GALKACYO,BALANBALE,QURAC JOOME,BAYDHABO,BAKOOL & GEDO.,

Si ay uga helaan gacan wayn oo ay ku xasuuqan shacabkooda ,madaama laga soo adkaaday oo kacdoon shacab ku yimid . 

Shacabka Soomaaliyeed ee damiinka ah ee qabyalada laga beer laxaawsado ,waxaan ugu  baaqayaa in ay  fiiro wayn u yeeshaan arimaha taagan,waayo dagaal oogayaasha waxay doonayaa inay soo celiyaan colaadi sokeeye, si ay u soo noolaadan oo ay danaha  amxaarada u yeerineyso u fuliyaan . 

Mahadsanidin 

Yusuf Mohamed Abdi Yusuf
mrsomalia@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 29, 2006

»MAXKAMADO CALANKII  GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW
»MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN | xariiri
»KU: MAXAAKIMTA  KISMAAYO | Darwiish 
»
Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto | Saciid
»
Ramadaan Kariim | Qormadii C/xakiim Jooje
.Soomaalidu lama rabo, iyagana ismarabaan
.SOOMAALIDA IYO DHAQAMADA CUSUB (INTIXAAR)
.Degmooyin dulman!: Afgooye, Shalaanbood, Baraawe
.MAXAA LA GUDBOON (DFKM IYO MMI)
.Dacaayad ka dhan ah Diinta islaamka oo bilaabtay
.Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya

.Gabayo ay is dhaafsadeen Abshir Bacadle & Cali Xaashi

WARBIXIN: MAALINTA DEGAANKA ADDUUNKA
Abshir Bacadle "Dhulka dhiig Bixiisu waa kuwa Dhuxusha Dhoofiya"... Guji...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD