Xarig Ilaahay Baan Goyney Haddaannaan Xabashi
Keenin; Halka Xaabsade Xal Laga Sugayo
C/Waaxid
C/hi Khaliif
London, UK
cabdulwaxid@hotmail.com
Sept, 2006
BISMILLAAHIRRAXMAANIRRAXIIM
ASSALAAMU CALAYKUM
RAMADDAAN KARIIM
Ilaah baa mahadleh. Nabadgelyo iyo naxariis
nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
Haddaan reer Mudug nahay waxaa ka mid ahaa
dhaarahaan ku dhaaran jirnay: xarig Ilaahay baan gooyey iyo qoodhaa iyo xeradaa.
Waxaa kaloo nalaku dacaayadeynjiray in nin naga mid ahaa intuu magaca Ilaahay
dhaar-beenle ku maray la yiri: qoodhaa iyo xeradaa ma run baad ku dhaaratay
dabadeedna ka noqday dhaartaas kaddib markii qoor iyo xero meesha soo galeen.
Horta xarigga Ilaahay ma la goynkaraa? “ Dirqi
buu igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye.” Culumada iyo ducaadda ayaa ku
fiicnaa inay arrintaas ka hadlaan laakiin waxaan dadweynaha u sheegayaa inaan
xarigga Ilaahay cidina goyn karin. Waxay kuu fiicnayd in qofkii af-xumo ku
dhaaranaya uu dhaho: xiriirkii Ilaah baan gooyey ama wax la mid ah laakiin marba
haddii xarig Ilaahay meesha yimaado aysan jirin cid goynkarta. Waxaa Ilaahay
Suurat Al-Baqra ku leeyahay haddaan Soomaali ahaan u dhahno: qofkii ku gaalooba
wixii Ilaahay ka soo haray oo la caabudo (daaquut) oo Ilaahay rumeeya wuxuu
qabsaday xarigii adkaa oo aan go’ayn. Sidoo kale waxaa Ilaahay Suurat
Aalu-Cimraan ku yiri haddaan Soomaali ahaan u dhahno: qabsada xarigga Ilaahay
dhammaantiin oo hakala tagina. Ilaahay ma oran ha goynina xarigga Ilaahay ee
wuxuu yiri: adinku ha is khilaafina. Marka xarigga Ilaahay lama goynkaro. Haddii
xarig ama jid loo isticmaalo wixii Ilaahay ka soo haray waa la goynkaraa.
Haddaad qaraabo/xigaalo ka hadlaysid, haddii laga hadlayo qof musaafura oo
sababihii saadka ka go’ay waa dhihi karaa jidadkii ama xargihii aan meel ku
gaarilahaa baa iga go’ay. Sidoo kale waa tan Qur’aanku tusaale u bixiyey
haweeney inta xarig soohday markuu adkaaday dib u furfurtay. Waana ficillada
dadka maangaabka ah oon garaneyn meeshay u socdaan ama ka socdaan.
Mala yaabteen madaxdayada oo leh: ma rabno in
la isku xukumo shareeco Islaam laakiin rabta dastuur? Ama boggagga internetka
oon hagno oo dadka muslimiinta ahna u yaqaan argagixiso halka ay madaxweynayaasa
Kenya, Ugaandha iyo Itoobiya u yaqaannaan nabad-sugayaal? Jaahilnimada na heysay
ayaa keentay in magaalada Gaalkacyo la arkijiray odayaal ka faanaya cuntadii
Ilaahay xalaaleeyey sida digirta laakiin ammaan u arki jiray dhaca geela! Yaa
garankara cunto waagaas joogtay oo digir ka fiicneyd marka laga reebo hilibka
iyo caanaha ay Soomaalidu aad u cunto? Marka nin bariis saliid leh oo qaaliya u
arkayey inuu ka fiicanyahay digir, la yaab ma leh inuu u arko in Meles Zenawi ka
mudanyahay madaxda muslimiinta oo dhan ama gaar ahaan Carabta! Magaalada
Gaalkacyood baa laga sheegay in oday ka socda Waqooyiga Mudug oo digir beeganaya
uu soo dul istaagay nin ay is xifaaleyn jireen oo ka socda Koonfurta Mudug.
Ninkii Waqooyiga ka socda baa inta isku yaxyaxay ku dhaartay inuu digirta u
gadayo waxaro af-gorofoow kaga dhacay si uu fuud uga siiyo! Ninkaas odeygaa
wuxuu sameeyey intaan oo dambi:
- Dhaar-beenle
- Isagoo iska xarrimaya
cunto xalaal ah
- Isagoo waxaro hafraya
- qajilaad aan loo
baahneyn
- Cunto uu Ilaahay
hortiisa uu ku cunilahaa oo ku diidayo dadka hortooda
- Jahli kaga jira nafaqada
cuntooyinka leeyihiin iyo waxyaalo kale
Naacoowda ka dhacday Xamar iyo Kismaayo ayaa
kashifeysa indho-adayga aan reer Puntland ku khaldijirnay. Waxay dhaheen
Kismaayo Cayr baa qabsday laakiin waxaan maqalnay in Seeraar hubkii laga dhigay.
Waxaan maqalnay in dadkii Kismaayo degennaa intoodii badneyd soo dhoweeyeen
maxkamadaha markay arkeen wanaagooda. Arrintaas waxay farriin u direysaa dadka
reer Puntland oo in badan oo qabiilkooda ahaa ay Kismaayo la-heystayaal ku
ahaayeen. Maddaama reer Muduggu ay Dooxada Jubba u arkayeen meleyshiyo xoog ku
haysata Kismaayo maxaa hadda is bedelay? Waxay u muuqataa in xaggayaga qofkii
diinta soo dhoweeya uu cadow noo noqdo halka kan diinta ka carara oo Xabashida u
soo dhowaada aan soo dhoweyno. Haddaad i rumeysanweydaan fiiriya sida
madaxweynuhu usoo dhoweynayo Barre-Hiiraale halka uu Seeraar oo Barre isku jaal
ahaayeen uu u fogeynayo.
Waxaan dadka reer Puntland u sheegayaa in ay
indhahooda furaan. Yeynaan noqon dad u adeega Xabashi oo u soo tagaan dhibka
lagu hayo muslimiinta Soomaaliyeed. Maxaa faraqa oo u dhaxeeya hadalkii odeygii
digirta beeganayey ee waxaraha hafrayey iyo kan uu hogaamiyihiinnu Xabashida ku
soo gashay Gaalkacyo? Halka midi yiri: waxaraan fuud ka siinayaa ayaa
hogaamiyihiinnu yiri: wiilal bey Xabashidu ii tababaraysaa? Dambi baa wiilashaas
iyo waxarahaas laga galay. Reer Butlaanoow Intaan Ilaahay noo caroon aan u
istaagno inaan iska tuurno nimankaas iyagoo badihii sumeeyey oo xaalufiyey raba
iney sanka nooga tolaan Xabashi. Marka ma inta reer Baydhabo kacayaan baan
sugeynaa?
Maxkamadihii waxaa looga kala faa’iideystay
sidii loo kala diin jeclaa. Dadka Xamar u badan waxay jeclaayeen iney qaataan
Faataxada iyagoo ka samrijiray dhiiggooda iyo xaqooda. Qolyahaas Xamar jooga
waxey Soomaali ku faleen waa laga gooyey oo waa iyagii 16 sano is jafayey
laakiin ugu dambeyntii waxay soo dhoweeyeen maxkamadaha. Reer Muduggayaga kibir
iyo isla-weyni darteed baan cuntooyin xalaal ah oo nafaqo badnaana iska
xarrimnay (dadka hortiisa) halka dhaca geela noo ahaa caadi. Reer Waqooyi
laftooda muddo aan fogeyn waxaa aad looga caayijiray Ilaahay, Malaa’igta iyo
nabiga (SCW). Waxaan aamminsanahay in arrintaas darteed ay Puntland iyo
Somaliland ka gaabiyeen soo dhoweynta maxkamadaha halka ay xiriir fiican la
leeyihiin Meles Zenawi.
Waxaan Barre-Hiiraale ku ammaaneynaa siduu
dadka u kala badbaadshay. Waxaan sidoo kale aamminsanahay inuu leeyahay
sifooyinkii uu ku-xigeenkiisii Seeraar British Broadcasting Corporation ka
sheegay. Marka maqaalkeygii ahaa (Barre-Hiiraaloow, kee kula Qumman Qaababkii ay
Xamar uga kala Baxeen Qanyare iyo Qaybdiid) ayaan kaga codsaday inuusan hubka u
geyn Xabashi iyo Xabashi-raacyo.
Isla maqaalkaas ayaan Xaabsadaha Baydhabo kula
taliyey inuusan raacin waddada la filayey inuu Barre-Hiiraale raaco. Sida
hadalladiisa ku cad, Xaabsade ma ahan nin ay Xabashida isku fiicanyihiin.
Inkastoo Xaabsade la wiiqay awoodduu ku lahaa Baay iyo Bakool intii korneyl C/hi
tagay Baydhabo laakiin wuxuu awooddiisa soo ceshaday kaddib shilalkii ka dhacay
Baydhabo oo ay ugu dambeeyeen dilkii Cabdalla Deeroow Allaha u naxariistee iyo
maleeshiyaadkii Digil iyo Mirifle ee lagu laayey garoonka diyaaradaha ee
Baydhabo.
Dadka reer Baay iyo Bakool waxay ku jiraan
dadka ugu Qur’aan akhris badan Soomaaliya. Marka dadka noocaas ah ma ku samri
doonaan iney la dersaan maxaysatada Meles Zenawi ee raba iney la dagaalaan
diinta Islaamka iyo muslimiinta Soomaaliyeed? Jawaabta waxaan ka sugnaa shacabka
Baay iyo Bakool, culumadooda iyo madaxdooda oo uu Xaabsade u horreeyo. Waxaan
shacabka Baay iyo Bakool ku leeyahay inkastoon kheyr idin ka sugeyno laakiin
xitaa haddaad indhaha ka laabataan ma filayo in shacabka Soomaaliyeed uu
fiirsanayo Xabashi weerar ku ah diinteenna, dalkeena, dadkeena iyo dhaqankeenna.
Waxaan xasuusinayaa in sidii Sheydaanku uu Quraysh u waalay markuu yiri anaa
idin la galaya dagaalkii Badar uu Zenawi idin waalin oo idin oran anaa idin ka
difaacaya maxkamadaha iyo shacabka Soomaaliyeed. Taariikhda lama hayo meel
shacab xaq ku socda oo intaas le’eg ay wax ka qabanwaayeen Xabashi ama gaalo
kale. Yeydaan ku kadsoomin sheekadii aad Xuseen Caydiid Baydhabo uga saarteen.
Labo dambiile waxaa adag hadba kii hub iyo tabta dagaalka badan. Marka Xuseen oo
watay wiilal marqaansanaa ama qaadireysnaa oo xoog idin ku heystay iyo la isma
barbardhigkaro shacabka Soomaaliyeed ee maxkamaduhu horboodayaan.
Marka reer Baydhaboow ka digtoonaada ducada
dadka Sooman ee Soomaaliyeed ay kusoo tuurayaan Xabashida iyo Xabashi-raacyada
jooga dhulkiinna. Sidaad la socotaan, Ramadaanku waa bisha jihaadka. Marka
haddaad gadoodaan ood baaq u soo dirsataan maxkamadaha iyo shacabka Soomaaliyeed,
waxaa xaq ah in ay idiin soo gurmadaan oo ay idinka dul qaadaan dhibta ay
Xabashida iyo Xabashi-raacyadu idin ku hayaan. Marka codsi ma usoo direysaan
shacabka Soomaaliyeed oo maxkamaduhu horboodayaan?
Marka Soomaali waxaan kula talinayaa in aan
nala dabo-ordin marba haddaan u qabnay in xariga Ilaahay la goynkaro. Waxay ku
fiicneyd inaan dhahno: xiriirkii Ilaahay baan goyney oo la mid ah qof salaaddii
iyo arkaantii Islaamka ka tagay. Marka xariga Ilaahay waa taaganyahay mana go’o.
Marka ceebtu waxay imaaneysaa markaan sii deyno xarigga Ilaahay dabadeedna aan
xuubka caarada ee IGAD noogu baaqeyso aan run moodno. Been idiin ma sheegayo,
ugu dambeynta dan baa noogu jirta in la qaado cunoqabateynta saaran Soomaalida!
Insha Allaah, dagaal aan la galno Xabashida iyo IGAD kaddib waxaa imaanaya inaan
la soo noqonno dhulka Soomaaliyeed ee la heysto sidoo kalana dhibtu ay gaarto
Kenya iyo Itoobiya ah oo ku jira guri dhalo ah. Welibana innagoo u ogolaaneyna
in cid kasta oo muslim ah timaaddo Soomaaliya. Sidoo kale waxay keeneysaa
midowga qabiilooyinka Soomaaliyeed.
Intaan maqaalka qorayey ayaa taliye-qeybeed
booliis oo reer Sool ah sheegay in ciidankuu xukumijiray lagu wado in loo qaado
Baydhabo weliba iyagoo is horfadhiya kuwii Somaliland. Wuxuu sheegay in
Buuhoodle iyo Laascaano la isumari la’yahay oo ciidamo Somaliland ah fadhiyeen
halka la leeyahay waxaa la idiin qaadayaa Baydhabo. Waa runtiis sarkaalkaas. Waa
iyadii uu Cadde Muuse tagiwaayey Buuhoodle. Marka suurtogal ma tahay in Cadde
Muuse oo tagi la’ degaankuu sheegto inuu xukumo uu ciidan u diro Baydhabo? Mise
waa ninkii inta xaabada qaadiwaayey ku darsaday mid kale suu u qaado?! Sidoo
kale taliyaha booliiska Puntland oo reer Mudug ah wuxuu inkiray arrintaas isagoo
leh ma jirto ciidan loo qaadayo Baydhabo!
Marka waxaan reer Nugaal, Sool, Sanaag iyo Bari
kula talinayaa iney wax la qabsadaan maxkamadaha si Soomaali isagu soo dhowaato.
Haddaan diidno haddee maxkamuhuna Puntland waa imaanayaan haddii Ilaah idmo,
Xabashi-jacaylkuna wax noo tarimeyso.
WABILLAAHI TOWFIIQ.
ASSALAAMU CALAYKUM.
C/Waaxid
C/hi Khaliif
U-hadlaha shacabka Puntland.
cabdulwaxid@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan
waxaa leh qoraaga ku saxiixan