SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

NIN SIGTAY MA NOOLA; Isku deygii dilka Madaxweynaha

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

Sept 27, 2006


September 18, 2006 waxa la isku dayey in la dilo ama la argagax geliyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Dimoqoraadiga Soomaaliyeed Mudane Cabdilaahi Yusuf Axmed Yey. Hase yeeshee, waxa lagu guuleystay in la dilo inka badan toban, marka lagu daro Madaxweynaha walaalkiis, waxa kale oo lagu guuleystay in la argagixiyo Madaxweynaha iyo dhamaan Mas’uuliyiinta ku sugan gobolka Baydhabo. Ilaa iyo hadda lama sheegin labada gaari ee is qarxisay iyo cidda ka dambeysay, dadkii soo dirayna ma aysan sheegan welina ma aysan dhiman. Markii la qabtay Kismaayona waxa la sigay magaalada Baydhabo. Sidaa awgeed nin sigtay ma noola!

Waxa laga hayaa Sheikh col, Xasan Daahir Uweys in uu yiri, “looma baahna ciidan shisheeye, ee madaxweynaha iyo barlamaankaba nabad haddii aysan ku haysan Baydhabo ha yimaadeen Xamar, ama ha inoo ogolaadeen in aan inagu ku ilaalino deegaankooda Baydhabo” Hadalkaan markii uu yiri wixii ka dambeeyey dad badan baa maleeyey in ay Maxkamadaha ka dambeeyeen qaraxyadii Baydhabo ee isku dayga dilka madaxweynaha. Dad fara badan oo xog-ogaal ah, ayaa iyaguna iska dhaadhiciyey in ay arintan ka dambeeyeen xubno ka mid ah baarlamaanka iyo weliba ra’iisul wasaaraha. Markii aan wareystay dad ku dhaqan deegaankaas Baydhabo, waxa ay ii sheegeen in ay jiraan dad tiro badan oo aan rabin Dawladda Federaalka oo jeclaan lahaa in ay Maxkamada islaamiga ahi ay la wareegaan dalka oo idil.

Dad fara badan ayaa si toos ah u taageersan Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ah, dadka qaarna waa ay ka soo horjeedaan. Kuwa maxkamadaha taageersani waxa ay aaminsan yihiin xukunka ilaah in aan lays hortaagi karin in la taageerona ay tahay shey muqaddas ah. Kuwa ka soo horjeedana waxa ay dood ka dhigtaan dadka Maxkamadaha wada in ay u badan yihiin hal jifo, waxana u muuqda in uu hal qoys la wareegayo dalka oo idil isaga oo isku qarinaya Shaal diineed. Xaqiiqada ilaah baa ogsoon, oo waxa uu yiri Cumar Ibnu qidaab (RC) “Naxnu naxkumu thawaahir, walaahu yatawala-alsaraa’ir” Taas oo ay macneheedu tahay waxa aan dadka ku xukumeynaa waxa aay inoo muujistaan, waxa ay qarsadaana ilaah baa wali u ah”

Kuwa maxkamadaha diidaan, gaar ahaan kuwooda wax garadka ah, waxa ay farta ku fiiqaan dhowr shey oo muhiim ah, waxana ka mid ah: In Madaxweynihii hore, Mudane Cabdilqaasim Salaad Xasan, uu la kulmay madaxweynaha Liibiya afar maalmool ka dib markii maxkamaduhu qabsadeen deegaan Gobolka Banaadir June 6, 2006., si uu uga soo qaado lacago gaaraya $400 oo Milyan, lacagahaas oo uu Madaxweynaha Liibiya uu u balanqaadey in uu siin doono jabhadii Xamar ama Soomaaliya oo dhan nabad ku soo celisa sanadkii 1996kii. Ka dibna uu u ambo baxay dalka Ukreyn si madaxweynihiii hore Cabdi-qaasim uu ugu soo iibiyo maxkamadaha hub ah nooca fudud.

Dadka wax indho-indheeya qaar ka mid ah, ayaa saadaalinaya in ay Soomaaliya ku noqon doonto dagaal sokeeye oo uu dhiig badan uu ku quban doono, kuwa kale oo qalbi fayawna waxa ay saadaaliyaan, in uu soo afjarmay dhibaatooyinkii haystay Ummada Soomaaliyeed, oo ay ka mid ahaayeen, dil, dhac kufsi iyo kale oo ka sii foolxun kuwa aan sheegay. Maqaal aan soo daabacay labo sano ka hor, oo aan ku magacaabey, “halgankii ugu dambeeyey” waxa aan ku saadaaliyey in ay iska hor iman doonaan Col, Xasan Daahir Uweys oo wata wadaado fara badan iyo Col Cabdilaahi Yusuf oo isaguna wata ciidamo cilmaani ah, oo uu Cabdilaahi Yusuf uu ka bixi doono dalkii sidii Northern Alaayansigii Afghaanistaan “Axmed Shaah Mascuud”

Gacan shisheeya inta ay na dhex taalona taladeena dab inoo shidi mayso. Itoobiyo iyo Eretareeya waxa ay dabayaaqadii 2001kii kala saxiixdeen xabad joojin dhamaan doonta dhamaadka bisha November ee sanadka aynu ku jirno, haddii aysan ku heshiin deeganada ay weli isku haystaan. Sidaa awgeed, Eretareeya waxa ay dooneysaa dagaal hor leh in ay Itoobiya kaga oogto Bari iyo Koonfur iyada oo adeegsanaysa Jabhadaha Ooramada iyo (Ogadenya) Soomaalida deggan Itoobiya dhulalka ay inaga haysato. Itoobiyana waxa ay dooneysaa in ay ciidamo lixaad leh dhigto dhabarka Jabhadaha ONLF iyo Ooramada, iyada oo markaa ku mar-marsiiyoon doonta in ay ilaalinayso dawlada Soomaaliya ee deggan Baydhabo.

In ay wiilasha hogaaminaya Maxkamadaha Islaamiga ahi la wareegaan maamulka Kismaayo iyaga oo aan weli qaban Marka ama Baydhabo fariin weyn baa ku jirta. Inkasta oo uusan shey waliba ahayn sida uu u muuqdo, hadana waxa ila wanaagsan in aan wanaajino malaha aan ka qabno wadaadada. Maxaa yeelay waxa uusan ilaah raali ka ahayn ma sii jiri karaan mudo fara badan, oo waa ay dumayaan. Sidaa awgeed ilaah aan talo saarona oo aan rajayno mustaqbal fiican.  

YUSUF SHABAC II
yusufshaba@yahoo.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD