Calanka
Soomaaliya wuxuu ka mid yahay calamada ugu qurxoon ee
adduunka wuxuu wataa Midabka Buluugga ee cirka iyo mid ka
mid ah xiddigaha cad cad, ninkii alifay Alle ha u naxariista
Maxamed Cawaale Liibaan wuxuu xiddigta cad ee shanta gees ah
ula jeeday Shanta Soomaaliya, waayo Gumeysigii ayaa
Soomaaliya u qaybiyay shan qaybood, Jabuuti in kastoo
calankeedu midaba badan yahay haddana xiddigtii kama marna,
dalka la magac baxay Somaliland isaguna calankooda waa
midabo badan yahay haddana kama maqna xiddigtii,.
Macna kale ayaa shanta gees ee xiddigta lagu fasiray ruux
Binu’aadanka wuxuu leeyahay |Madax, Laba Lugood iyo laba
Gacmood shantaasna midna mid kale kama maarno oo waa u
baahan yahay, shanta Soomaaliyeed waa sidaas oo waa isu
baahan yihiin.
Maxamed Cabdulle Xalane, sida aan xasuusano mar ay isku
dayeen koox ciidamo Itoobiyan ah inay dejiyaan Calankii
Soomaaliya, dagaalkii 64kii, Zoonaha Tog-Wajaale ayuu wuxuu
goostay inuu calankaasi bad-baadiyo, kana badbaadiyo inuusan
gacanta u gelin cadowgii dagaalka la iskala soo hor jeeday
si aysan u gubin ama u jar jarin, taasina wuxuu ku muteystey
isagoo saaran birtii Calanka in dhowr xabbadood lagu dhufto
isagoo u halgamaya Calanka Soomaaliyeed kaasoo isagoo
dhaawac ah Calankii kala soo degay birtii lana soo galay
Godkii dhufeyska u ahaa isagoo bad-baadinaya Calanka, mana
ahayn ujeedadiisa in uu nafsaddiisa ku halligo Maro balse
damiirkiisa Soomaalinimo ay siin weyday in astaanta Qaranka
Soomaaliya meel cidla ah lagu tuuro., oo cadowga loo gacan
geliyo.
Calanka oo dhiig badan loo daadshay, naf iyo maalna loo
hurey, dad loo xirey, qaar loo Masaafuriyay ma ahayn in dad
aan waxba ka garanayn inay sidaa u galaan, walibana ay ku
andacooodaan waa maro. Marona maxaa ka macna ah haddii la
dejiyo ama la gubo, waa damiir xumo kuwa calankii astaanta
inoo ahaa ku sheegaya maro iska caadi ah balse waxaa oran
lahaa aqoontiisii buu ka hadlay midka sidaa u hadlay.
Dal, Urur, Xisbi, Jabhad waxay leeyihiin Astaan u gaar ah oo
lagu garto, Xusbullah oo ah Urur Shiica ah, dhawaana dagaal
xoog badan la galay Israa’iil Calanka astaantiisa waa
midabka Hurdiga ah ama Jaalaha ah, markay banana-baxayaan
waxay dhamaantooda soo qaataan Calankaasi iyagoo og in
Calanka waddankooda oo ay aad u tix geliyaan kaasoo ka
samaysan Midabo Guduud iyo Caddaan ah dhaxdana Geed uu kaga
yaalo, Geedkaas oo tilmaamaya heshiiskii dhex
maray Muslimiinta iyo kirishtaanka ku wada nool dalka
Lubnaan iyadoo wadaadka xukuma Xisbullaah Shiikh Xasan
Nasrullah ay Xafiiskiisa iyo Gaarigiisaba ay ka dul
babanayaan calankaas geedka dhexda ku leh.
Sheikh shariif sheikh Axmed oo ah Guddoomiyaha Guddiga
fulinta ee Maxaakiimta Soomaaliya ayaa markii uu booqanayay
wadamada carbeed gaariga lagu qaadayay waxaa ka
dul-babanayay Calanka soomaaliya, ujeedada loo saarayna
waxay tahay inay dadka ku nool waddankaasi ha noqdo
shisheeye ama Muwaaddin inay ogaadaan in waxa meesha maraya
ay yihiin Soomaali.
Waagii xukuumaddii Maxamed Siyaad Barre anigoo ka qayb
galaya Maharjaan ka dhacayay Magaalada Muqdishow oo ay ka
qayb galayeen Ardey laga keenay waddamo fara badan, ayaa
waxaan kala garan waayay ardeydii ka socotey shiinaha iyo
kuuriya anagoo ku muransan ardeydaas ayaa mid ka mid ah
wuxuu la soo baxay Calan, waxaan ogaaday in kooxda dhinacaas
jirtey ay ahaayeen Shinees marka waxaa halkaas kaaga soo
baxaysa in Calanku uu kuu kala sheegayo jinsiyadda qofka.
Calanka quruxda badan ee Soomaaliyeed marka Boqol iyo
Sagaashanka Dawladood ee caalamka calamadooda la dhax galiyo
waa mid si aad ah uga dhex muuqanaya, haddaad fiiriso
wadamada carbeed calamadooda si aad ah ayay isugu
dhowyihiin, waxaana kugu adkaanaya in si dhaqsa ah aad u
kala saarto iyadoo mar aan la kulmay nin keenyeeti ah uu I
weeydiiyay ninkii alifay Calanka Soomaaliya, kaddibna waxaan
weeydiiyay waxa uu ka rabo, markaas ayuu ii sheegay in
ninkii alifay uu ahaa nin aad u caqli badan, waayo midabka
buluugga ah waa midab aad u qurxoon ee indhaha soo jiita,
markaas ayaan ku iri “Maad fiirisid Xiddigtana?...wuxuuna
yiri “Haa Xiddigtuna way qurxoontahay””..Markaas ayaan u
raaciyay “La soco ujeeddo ayaa ku jirtee”.
Calankii hore
ee Itoobiya

Calanka cusub ee Itoobita
adopted 6 February 1996
Calanka Cusub ee Itoobiya oo lasameeyey 1996 (oo ah
intii ay Soomaaliya ku jirtey burburka) sida
kamuuqata sawirka sare waxaa dhexda kagajira xidig
shangees ah oo kudhexjirta qayb buluug ah. Sida hoos
kamuuqata Calanka
Soomaaliya waa buluug xidig dhexda kagajirto.

Taariikhda Calanka Soomaalida |
Nin Laashin ah ayaa waxa uu hadda ka hor tiriyay shirib ahaa
xilligii Dawladdii Siyaad Barre, wuxuuna yiri “Siyaadow
Jarddiin iyo Jid waad Dhistaye, Jaddiinkii ayaa u timid”,
marka Maxkamadaha Nabad waad keenteen laakiin Cabashada
bulshada waa badan tahay, isku soo duuboo halggankii aad u
gasheen soo celinta nabadda ogaada yuusan idinka noqonin mid
ay fashiliyaan kooxdo dano gaar ah wata
Arrintii ka dhacday Kismaayana ee Calankii Soomaalida lagu
dejiyay waa mid wada taabatay shacabka Soomaaliyeed, haddaba
iska jira khaladaadka yer yer ee ceynkaa ah ee sababi kara
Khilaaf soo kala dhex gala bulshadii iyo Maxaakiimtaq