SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXKAMADO ISLAAM SHEEGTO OO CALANKII  SOOMAALIYEED GUBAY  &  DOWLAD DALKEEDA  CADAW (TIGREE) &    IGAD  KU SOO HOGAAMINAYSA & SHACABKA SOOMAALIYEED OO LA KALA SAFAN

YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
mrsomalia@hotmail.com

Waxaan  rabaa inaan faalo ka bixiyo arimaha ka taagan dalkeena ,kuwaas  ah kuwa ku soo kordhay dalkeena oo aan horey usoo marin tariiqda dalkeena. 

Waxaa marag ma doonta ah in jamhuuriyadi  soomaliyeed ay burburtay, ayna isku badashay jamhuuriyada qabailooyinka ama jufooyinka soomaaliyeed,tasoo dhaxal siisay dalkeena inuu gaaro meeshii ugu liidatey tariiqda,taasoo nagu noqotey dhibaato wayn oo aanan mar naba  kasoo kabsan Karin ,waayo ummadeena ma aysan gaarin xili ay ka fakaran waxa danta u ah iyo waxaan u aheyn,taasoo ay ugu wacan tahay xilkasnimo daro iyo wadaniyad daro ,caadifad qabiil oo aan ku dhisan dano shaqsiyadeed. 

Waxaa lasoo marey marxalado kala duwanaa oo joogay hadbo heer ,kuwaas oo aynu kawada dharag san nahay dhamaanteen,oo aynu heyno dhaxalkeeda ,ha a ahaato burbur gaarey dalkeeni ,barakac ,xasuuq ,kufsi,qaxooti,& in badaheenii lagu shubo sun   & qashin ,arimahaas oo idil aan isku sameynay ,balse waxa xaqiiqo ah in falalkaas ay geesten dad Soomaliyeed balse ay ka dambeyeen  quwado shisheeye oo dano ka leh dalkeena ,oo aan marnaba ku farxaynin wadajirka iyo dowlad xor ah oo Soomaliya yeelato,dowladaas oo xor ah ama madaxbanaan oo ku timid mid dadka soo doorteen. 

Hada aan u guda galo maqaalkeyga aan rabo inaan uga faloodo 3 arimood oo aan is leeyahay in maqalkeyga u yahay muhiim,kuwaas oo ah sidatan:

  •  Maxkamado islaami ah oo calanki qarankeena gubayo. 
  • Dowlad dalkeeda ku soo hogamineysa cadaw shisheeye. 
  • Shacab aan dantiisa aqoon oo la kala safan kooxaha ishaya 

MAXKAMADAHA ISLAAMKA

Maxkamadaha islaamka ee muqdisho ka dhisan run ahaanti shacabka Soomaliyeed waa ay soo dhaweyeen ,madama ay meesha kasaareen qabqablayaashi xamar & nawaxigeeda ku amar takleyn jirey ,kuwaas ahaa kuwa naxariis daran  oo dalkeena ba day burbur iyo colaad ,marki dagaalka socday dagalkaas oo u dhaxeyey maxkamadaha iyo tuugtii warlords,shacabka soomaliyeed waxay la safteen maxkamadaha  ,ha joogeen gudaha  ama dibadaba,

Hadaba guusha maxakamiinta waxay ku timid taageerada shacabka gudaha iyo dibadaba,kuwaas u arkayey in maxakimiinta dalkeena ku soo celin karaan nidaamki dowladnimo ee burburey ,ummadana isku soo jiidi karo ,madama ay yihin dad culumo ah oo diinta alle iyo kitaabka wax ku  hagaya,balse waxaa soo baxday arimo badan oo la is lahaa wax badan ayay kaqaban karaan,sida  

Maamul loo sameeyo magaalada xamar

Ciidamada maxaakamiinta oo ay mideeyaan

In nidaamka dowladnimo soo celiyaan.

In ay barnaamij siyaasaded oo cad la yimaadan.

In ay yihin dad latashanaayo shacabka soomaliyeed.

DhisidGola soomalida oo dhan ku mideysan yihin

Inay maamulkooda ku fidiyaan dalka oo dhan 

Hadaan faalo  kooban ka bixiyo arimaha aan kor ku xusan :

Magalaada muqdisho guud ahaan gacanta maxakamiinta ayay ku jirtaa,waana arin leh muhimadeeda balse waxaa xaqiiq ah in maxkamadaha ay ku guul dareysteen inay u dhisaan maamul xamar & naawaxigeeda. 

Ciidamada maxaakamiinta ma aysan mideynin ciidankoodi oo wali waxay ku dhax jiraan xayn daabki qabyalada ,waxa jirta inaysan  sameysanin  hal nidaam ciidan oo ay ku mideysan yihin oo maamula amniga magaalada,waxana xaqiiqo ah inay u dhisan yihin wali  jufo jufo maxkamadeed taasoo leh qatarteeda, hadii ay ku sii jiraana u horseedi karta fashil ku yimaada maxakamiinta hadii aysan  midoobin  oo aysan yelanin hal  hogaamin ciidan oo mideysan. 

Nidaamki dowladnimo ee looga fadhiyey inay soo celiyaan ma aysan  sameynin, mana ugu jirto qorshaha inay soo celiyaan nidaam dowladeed,waayo waxaan oran karnaa  maxaakamiinta ma lahan qorshe cad oo siyaasaded  oo ay ku garaan  dowladnimo,mana lahan barnaamij u dagsan oo leh qorshayaal siyaasadeed ,waayo maxakimiinta kuli waa culumo aqoonyahano ubadan oo aan laheyn waayo aragnimo siyaasaded ,waxana dhihi karna  uma qorsheysna inay  latashtaan siyaasiyinta soomaliyeed ,mana rabaan  inay helaan hoogaamiyaal aan itixad aheyn oo waayo arag ah, ku soo darsadan maamulkooda.

Maamulka maxakimiinta waa mid  dad qaas ah u ah gaar ahaan waayo isbadal wayn oo xaga siyaasada oo ay gaaren ma jirto ,inkastoo beesha calamka xiriir la yesheen o kulamo badan la galeen,tusaale shirki khartuom ee SUDAN maxakimiinta qorshe aan ka aheyn amniga ma aysan la tagin. 

Shacabka soomaliyeed marnaba ma la tashtaan maxakimiinta kadib guulihi ay ka gareen dagaalki oo waxa soo ifbxay inay  la soo baxeen qorshe yaal u qarsanaa ,oo hada aysan u baahneyn shacabka oo ay gareen dantoodi  madaamaay yihin awood cusub oo xoog  heshay,waxa cad in maxkamadaha ay bilaaben inay dadka shacabka  ay xoog ku maquuniyaan oo ay ku mashqulsan yihin:

 Shineemooyin la xiro ,dad la karbaasho ,cayaaro la joojiyo  & aroosyo labanado,halka looga fadhiyey inay dadka& dalka wax u qabtaan, oo maamul u dhisaan, oo shaqo u abuuran walina dadka isku soo dumaan oo mideyaan. 

Golaha maxakimiinta waxay sheegtan inay sameyeen gole shuura ah oo ay ugu magacdareen golaha shurada soomaliyeed ,waxa is waydin leh sababta maxakimintu ugu dhisi waayeen maamul xamar & nawaxigeda? 

Qiimaha ay  u leedahay inay afka ka yirahdan gole shuura ah ayaan  dhisnay oo somaliya oo dhan ah ,taaso ah waxla iska yiri    oo sheeko ah,waayo golaha xamar  jooga wakiil kama ahan soomaliya oo dhan ,mana  sheegan karaan  arinkaas waayo xamar un soomaliya maahan, 80 nin soomaliya oo dhan ma matalaan,oo wadaado la iska soo aruursaday oo  la magacawday,marka maxakimiinta way ku fashilmen arinkaas,

Waxaa looga fadhiyey inay dadka oo dhan iskugu yeraan ,golahana ay shacabka so dhistaan waayo hal beel ma sheegan karto inay yihin wakiiladi ummada soomaaliyeed oo dhan,waxana haboon inay dhahan  in ay iskugu yeraan inay yihiin golaha shuurada xamar & nawaxigeeda. 

In maxaakimiinta maamulka ku fidiyan SOOMALIYA oo dhan ,arinkaas waa arin looga fadhiyey balse waxa moodaa inay ku fashilmeen waayo

Ilaa hada xamar maamul ma leh ,inkasto gobalka sh/dhaxe ay maamul u sameyeen,balse waxaa is waydiin leh oo dad badani  la yaaban yihin sida maxkamadaha aysan uga hadli karin inay maamul u sameeyaan gobalka SH/HOOSE oo ay ugu sii talaaben gobalka J/HOOSE & J/DHAXE oo ay u qabsaden,

Hadaba waxa iswaydinta leh qorshaha

cad ay maxkamadaha ka leeyihin mustaqbalka soomaliya iyo maamul u sameyntooda ,waayo ilaa hada ma heyno wax cad   ama qorshe cad  oo ay wadaan  maxkamadaha ,marka laga reebo amniga &  nabada ay ku soo dabaleen goobaha ay joogaan.

Waxaa taas ka sii daran oo dad badani yaab ku noqotey iyadoo  lala yaabay ka meer meerida maxakamiinta arinka SH/HOOSE inay qabsadan kismaayo,run ahaanti in  KISMAAYO maxkamadaha tagaan wa ficneyd  balse waxa ka ficnayd in SH/HOOSE ay tagaan oo maamul u dhisan si shacab waynaha soomaliyeed uga helaan taageero iyo aaminaad  kasii wayn kan hada loo haayo. 

Waxaa  arin  aan dadka soomaliyeed kadageynin ah in calanki ummada soomaaliyeed la soo dajiyo la jeex jeexo ama la gubo laguna badalo mid madow oo an la aqoonin cida leh iyo dadka  goansaday inuu lagu badalo calanki awoowayaashen u soo daadiyeen dhigooda & astaanti qaranimo ee wadankeena,arinkaas iyada ah waxay dad badan ku abuurtay walaac wayn waayo calankeena waa qaali dhiig baana loo soo dadiyey sidi dalkeena ku heli lahaa xornimo  iyo wadan ,marka sidee bay ku dhacday inta wiil xun oo aan  garaneynin qiimaha calankena leeyahay oo miyi laga keenay inta uu  dajiyo oo jeex jeexo,mise waxa u mooday in calanka meesha kasurnaa  ay lahaayeen beesha meesha laga qabsaday,waxase kasii daran nin  isku sheegay in uu yahay hoogamiyaha shuurada gobalada  J/DHAXE & J/HOOSE inuu yiraahdo calanka waa maro xun wax qiimo ahna  kuma jabno in marada ladajiyo ,waana la badalayaa manajirto jamhurayad  soomaliya la yiraahdo meesha islaam baa yimid arimahasna way dhamaaden.

Waxaa iswaydinayaa owal gaalo maa joogtay SOOMALIYA? oo laga xoreyey mise calankeena ka qiimo badan maro xun oo ay wataan dad aan wadaniyin aheyn diinta u wadanin sidii la rabay oo shaar qabiil  hoosta ka sita,kuwaas oo ah kuwa fashilinaayo guulaha maxakamiinta.

Waxaase  laga doonayaa in maxkamadaha inay  raali galin ka bixiyaan falkii foosha xumaa ay geysteen dad wax magaratada ahaa ee kismaayo qabsadey arinki ay  gaysteen.walina sh/ turki u raali galin ka bixiyaa hadaladisi jees jeeska ahaa u geystey calankeena iyo qaranimadeena.hadii kale arinkaas maxkamadaha shacabiyad badan bay ku wayn doonaan,hadaba maxkadamadaha waa inay ka tagaan calanka Soomaliya goobaha ay ka taliyaan sida xafiisyada dowlada,garoomada & dekadaha   & jidadka  wawayn si ay u mujiyan inay waafaqsan yihin jiritaanka calanka  & ciida soomaliya waayo  soomaliya waa wadan xor ah oo calan  leh ,marka hadii aysanba calanka aqoonsaneynana cid aqoonsan doonta hada kadib ma jirto maxkamadaha.waayo calanka ka muhiimsan maxkamadaha oo aduunka idil astaantaas nagu yaqaan ah.

Calanka buluga ah dhaxdana kaga taal xidigta 5 geeska ah oo dhaxda ka cad waa astaanta xornimada iyo wadaniyada dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Waxaa kula talin lahaa maxkamadaha sidatan

Inay maamul u dhisaan SH/HOOSE si kalsoonida shacab waynaha Soomaliyeed u kasbadan

In YUSUF INDHO CADE kula taliyaan inuu ogolaado in maxkamadaha maamul ugu dhisan  dhamaan SH/HOOSE ama  hadii kale ay ka saraan kamid ahaanshaha maxkamadaha YUSUF INDHOCADE waayo cadalad maahan in qabqablayashi kale layirahda deganadi xooga ay ku joogen waa kaxoreynay oo maxkamad baan u dhisnay oo SH/HOOSE lagama hadli karo oo hadane KISMAYO laga furay maxkamad.

Waa in KISMAYO loo dhisaa maamul loo dhan yahay oo shacabka Soomaliyed ee dagan  laga tashtaa . 

Waana in Goobaale & Sareer & cidankooda hubka laga dhigaa oo degaanadoda dib  loogu celiyaa waayo iyaga iyo BARE HIRALE waa isku mid ,in midna lagaqado kuwa kalane jogan cadalad ma ahan waayo warlords waa warlords ma kala mudna  qadarin iyo kala soo dhaweysasho ama fadli.

SH/ HASAN TURKI waa inuu Raaskambooni ama Dhooblay tagaa walina gafkii calanka u geystey raali galin ka bixiyaa oo u calanka gacantisa ku suraa meeshii laga dajiyey .

Waa in la siiyaa daruus askarta iyo madaxda maxaakimiinta oo ku saabsan tariiqda iyo wadaniyada iyo halganki ummada   soomaliyeed ay horey  uso galeen madaxbananida soomaliya.

DOWALAD WADANKEDA KU SOO HOGAAMINEYSO CADAW SHISHEEYE(IGAD) 

Waxaa wax laga xumaado ah in dowlad noo soo dhisaan wadamada dariska  noo ah ,kuwaas oo aan mar naba dooneynin inay dhalato dowlad Soomaliyeed oo xor ah oo la awood ah iyaga waa ETOPIA & KENYA ,waayo  waxaa naga dhaxeysa colaado qoto dheer waliba dhul iyo dad nool bay naga heystaan,oo marnaba ma doonayaan in aan noqoto SOOMALIYA dal leh xornimo iyo sharaf oo ka awood badan ama ka sareeya oo hadhow  kula dooda xad gudubyada ku hayaan walalaheena  ku jira gacanta gumeysiga sida Kenya & Ethopia.

Waxaa cad waqti badan kadib inay heleen wadamada dariska ah dad SOOMALIYEED oo ufilinaya danaha ay ka leeyihin dalkeena & dadkeena,waana arin murugo leh in maantey dowladi Soomaliyeed ee laga sugaayey in dalkeena ka saarto coladaha aafeeyey in ay ku dhaqaaqdo in cadawga  dalkeena ka dalbato inay soo galaan iyagoo  hubeysan si ay u qabsadan SOOMALIYA. 

Arinkas iyada ah  waxaa hubaal ah in soomaliya ay u horseedi doonto colaad dhiig badan ku data walina ku faafi doono geeska AFRIKA oo dhan,waxayna noqon doonta goob ay  ku dagalamaan quwado shisheeye dusha matada  soomaliyeed ee waxbagalabsan ,tasoo  soomaliya ka soo kaban doonin mudo dheer.waana nasiib xumo dowlad shacabkeeda ku dalbaneysa cadawgeeda. 

Waxa hubaal ah in dagaal         kadhaca gudaha soomaliya u qasaaro baan u geysan doono dalka iyo dadkaba,waxaana dhihi karaa waxay noo tahay xili xun oo aan wali noo soo marin in cadaw gaalo ah aan isku adeegsano oo aan u fulino   qorshahooda ,qorshahaasoo ah in SOMALIYA wax layiraahdo geeska  AFRIKA laga cirib tiro si ay u qataan ciida soomaaliya  inta hartey ee xorta ah. 

Waxaa cad in dowladii la soo dhoo dhobay inay fashilantay, ayna rabto inay isku badbaadiso si maalmo  kooban usii noolaato in ciidamo ETHOPIAN & UGANDES & KENYAN u badbaadiyaan ,si ay u helaan dhaqaale yar madaama ay ku fashilmeen inay wax u qabtaan SOOMALIYA ,kadib marki ay ka dhamaan waayeen qilaaf dhaxdooda ah ,waana nasiib xumo wayn in waqtiga uga dhamaado waxaan  faaido ugu jirin dadki  soomaliyeed ee rabay dowlad u horseeda dib u heshisiin iyo xornimo , cadaaladna dalka ku soo dabaasha,waxase naxdin ah in ay goansaden  madama ay fashilmeen inay dalka gacanta u galiyaan  wadamada Ethopia& Kenya  si ay dantooda qaaskaah ugu garaan xasuuqa shacabkkeda dhiban,kuwaas ahaa owalba kuwii soo dhistey si ay ugu fuliyaan danta ay ka leeyihin wadankeena qaniga ah. 

Dowlada fashilantey ee baydhabo  xaruntedu tahay waxa ka socda  arimo fool xun oo aan marnaba la aqbali karin,waxaana xaqiiqah in baarlamaanki badidisaba u kalatagay ayna maantey joogaan in kayar 80 xildhibaan ,kuwaas ah kuwa wasirada iyo ku xigenada u ah.inta badana waxay u hayaamen dalka dibadiisa ama xaruuntooda 2aad ee Nairobi ,madama  BAYDHABO amnigeedu u faraha ka baxay kadib isku daygi dilka ahaa ee u ka badbaday madaxwayne CABDULAAHI YUSUF AXMED,waxaana cad inu isna rabo inuu u guuro degaanki u ka yimid PUNTLAND si u nabadgalo madama u ogaaday inay ETHOPIA rabto inay qarajiso ,uu isagana wax kalsooni ah usan ku qabin shacabka soomaliyeed maadama u yahay shaqsi aan wax sumcadah ku laheyn ummmada soomaliyeed, marka laga reebo kuwo ku taagersan  hab qabiil.  

Raisal wasaraha  tigreega aminsan ee ALI MOHAMED GEEDI & Gudoomiyaha Baarlamaanka SHARIF XASAN oo dadbadani u yaqan (  xariifka) waxay ku sugan yihin KENYA si dhaqale yar uga soo helaan wadamada deeqda siiya  wadamada dowladaha faqriga  ee tuugsada sida dowladeena,dhaqalahaas oo ay u rabaan inay kala qaybsadan si dabin ugu dhigaan dadka iyo dalka, madama dowladii  & baarlamanki & madaxwaynihiba ay kala tageen ,waxdambe aysan u harin ,waayo qof kasto oo caqli leh wuu og yahay in hadii wax xumaan ku bilowday in aysan wanaag la imaaneynin,marka waxan dhihi karnaa dowlad 90% ah jawasiista igad soomaliya magaarsin karaan dowladnimo taam ah, waayo iyaga ayaaba xor aheyn ,marka waxan dhihi lahaa dowlad fashilantey oo ay fashiliyeen wadamadii soo dhoodhoobtey ( igad) nasiib xumaa dowlad dadkeeda laga difaacayo oo in laga difaaco ugu yeeratey kuwii iyada iyo dalka soomaliya u diiday in ay noqdan dowlad dhisan oo madax banaan,waana hubaa in ay sii liiciifto maahee inaysan soo kabsan doonin ,waxana fican inay  kawaan toobaan u adeegid shiisheyaha oo ay gartaan danta ummada soomaaliyeed. 

SHACABKA SOOMALIYEED 

Shacabka Soomaliyeed waa shacab yaab leh oo aan laheyn intabadan

Damiir bini adanimo ,xilkasnimo,xishood,wadaninimo,waxayna 99% aamin san yihin qabyalad raqiis ah oo ku dhisan nin jecleysi iyo qabiil jecleysi ku dhisan dano maalmeed .

Shacabka Soomaliyeed waa shacab damiir iyo dhiig toona laheyn oo aan  xishoon waayo hadey yihin dad xishoonaya waxay kadanqan lahaayeen dhiibatada heysta dalkooda & sumcad xummada ay ku joogan qurbaha oo ku dhisan baryo iyo been abuur.

Waxaase waxaas kasii  daran inaysan xor u heyn aragtidooda shaqsiyadeed ,kulina waxay ku dulaan  afkaaro dad dano leh u shegeen ,si shaqsiyadas  u ugaaro dantiisa qaaska ah,shacabkena kuli way dhibateysan yihin ,ha joogan gudaha ama dibbada ,hadane ma gartan waxa dantooda ah oo waxay ku mashqulsan yihin 99% waxan faaido u laheyn aaqiro iyo aduun oo aan waxba ha yarate  kasoo galeynin ,waxana dhihi karaa wa shacab iswada lugooynaya. 

Hadaa firiso dadka soomaliyeed waxay la kala safan yihin wax ma garatada soomaliya isku heysata ,hadana hada si hoose usii eegto wax faaido ah oo ka soo galo majirto, oo qabqablayaasha u doodayaan ma is yaqanin  si gaar ahaaned,hadana hada wareysato sababto u kulajiro waxa u leeyahay waa tolkeey,waa yaab hada sii waydiiso waxau tolka u qabtey ninkan? ,jaawab fican  kama haayo oo kuma sheegi karo balse waxa u leeyahay waa musiibo balse inta dadka kalewatan ninkooda xun anigana kan ayaan wadanayaa, 

waxa isasii waydiyey goorta  ay kawada hor imaan doonaan waa goorma ?madama midba mid ka kale u sugaayo inu naco warlords ,marka waxa  oran karaa shacab aan dantiisa aqoonin oo u lug xiran nin tiisa wato oo u heyn wanaag iyo mustaqbal isaga iyo reerkisa ,halka warlords u tiisa si fican u yaqan ,usana ogaleyn inu soo baxo nin aan isaga aheyn ,lacagna kasaameyo howshau ku jiro usana waxba kasinin, kuwa u xiga ee gaajada aafeysay ee dalka ku nool. 

Waxa I cadatey in shacabka soomaliyeed ay la kala safan yihin dadka isku haayo awooda soomaliya.

Dowlada & maxkamadaha waxay kula jiraan qaab beel  ahaan inta badan,sidaa darted ayay ugu heelan yihin labada dhinac ,oo marka tagto xaruumaha ay jogan ayaa ka arkeysaa ragii qabilada hor bodi jirey oo la kala safan labada dhinac,run ahaantii kuwaas oo ah kuwa hadba fashilka ku keena amaku keeni kara hadii ayba ka fogaanin dowlada fashilantey & maxkamadaha fashilka ku socda ,waayo waxaa aragnaa rag lagu yaqan   inay ummada madaxa isku galiyaan oo hor socda qolyaha wadanka isku haya,waa yaab sidee  ula tashanee nin isagaba fashilan.

Shacabka soomaliyeed waxaa la gudboon inay kahor yimadan kuwa

calanka gubay  oo dadka ku qasbaayo waxaysan raban ee aminsan in alitixaad kaliya yihin muslimiin dadka kalane yihin dad ay rabaan xoog ku muslimiyaan,arintaas oo ah midaan lagayeli karin .

shacabka soomaliyeed  wa inaysan    aqbalin  in ciidamo kasocda igad dalkooda soo galin , kana hor yimidaan ciidamada cadawga ah ee

dalkeena ku wajahan .tusaale wadanka CIRAAQ & AFGANISTAN ciidamo ajanabi baasoo galay kunasoo galay wadanka idin difacayaa oo maamul iyo kala dambeyn baan soo celinaynaa ,hadana aduunkaoo dhan layaaban shacabkina waxay ku hayaan dhibaato joogta ah ,halkakuwan  dariska noo ah ayba kasii xun yihin waayo dano ayay naga leeyihin waana gumeysi madow oo naga faqrisan cuduro iyo gaajo noo horseedi kara iyo dhibaato ee an ka hortagno inta ay goori goori tahay si wadajirah.

Shacabka waa inay  midoobaan afkoortada mideeyan lana xisaabtamaan dowlada shiisheyaha miciinka  bideysa & maxkamadaha calankii soomaaliyeed gubaya kuna tilmaamay maro aan qiimo laheyn,arimaahas oo ah kuwa la aqbali karin.

Shacabka soomaliyeed waa la xisaabtaman cid kastaoo ku xad gudubta ciida iyo calanka,marka waxan u jeednaa in dowlada ay ku xad gudabtey ciida dalkeena in ay wadankeena soo galisay tigree & maxakamiinta oo ku xad gudbey  astaanta qaranimo iyo madax banaani ee dalkeena lagu yaqan oo ah calankeena.

Waana in shacabkeena ka faaideysaa qaladadka ay ku jiran xoogaga   iska soo horjeeda soomaliya ee ku hardamayaa dalkeena si ay u saxaan ,lana xisabtan si loo helo shacab  leh tayo, ogna  ama la socda mar xalad kasta oo u maraayo dallkeena . si  mustaqbalka looga jaaseeyo falalka gafoodka ah , ay galayaan kuwa sheegta inay yihin hogaanka  dalka ,kuwaas oo ah  kuwa ku yimid hab qori caradiisa ah oo aan shacabka soo dooranin.

Wadan walbo oo horumarsan waxa hormariya shacabkisa ,marka shacabka soomaaliyeed ,marka waa inaa si wada jir ah ugu soo wada jeestaa sidaan wax uga qaban laheyn dalkeena burbursan. 

Ogowna in qabiil qabiilna horumar lagu gaari karin midnimo iyo iskaashi lagu garaa horumar iyo barwaaqo.wadankeenawuu nagabadan yahay oo hal magaalo  nawada qado oo nagabadan ,dhul nagu filan oo barawaaqo ahna waynu leenahay oo aan kawada faaideysan karno.

Maqaalkeygina intaas ku soo gabagabeynayaa,waxana idin rajeynayaa guul iyo inaan danaheenagarano iska ilowno  waxa xun eedhaxdeena cadawga

dhigay oo ah qabyalad raqiis ah oo aysan jirin  cid kafaaideysa. 

Mahadsanidin 

YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 27, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD