SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

KU: MAXAAKIMTA   KISMAAYO 

Eng: Ali Darwiish Mohamed/Kamal Dacas MPLS MN USA 
alidahir.darwiish@gmail.com

Marka koowaad kusoo dhowaada Kismaayo oo ah magaalo madaxda  sedexaad ee Somaaliya. Marka labaad aad iyo aad ayaa la’idiinkuga mahad celinayaa imaashaha aad timaadeen Kismaayo waayo majirto cidkale oo idinkaga mudanaan leh.Sidaa darteed waxaa loo baahanyahay in aad wax ka qabataan nabadgalyada iyo hurumarka gobolka.Marka sedexaad ogaada guulaha istraatiiji yadeed ee aad gaarteen waxaa kamid ah qabashada kismaayo.waxaana loo baahanyahay in meelaha kale ee la midka ah aad dag dag ku gaartaan. Midakale  guushani waa mid xaga alle ka ahaatay waana mid mudan in si wanaagsan loo xuso. Waana ognahay in aad howl culus faraha kula jirtaan oo waliba bilow ah, waxaan idin leenahay haka daalina. Inkastoo wadadu tahay wado aad u qodxa badan hadana waxaa lagama maarmaan ah in aad samir kaalmeysataan.Waligiina cadaalada lajira, waayo wadadan iyo mid kadaranba ragbaa maray oo ku guuleystay waxeyna kaashadeen Alle,samir iyo cadli. Hadeydan caddalad  ku dadaalin wanaaga aad qabateen waari mayo bal waxuu keeni doonaa burbur iyo xan ,xumaan iyo xiqdi.

Waxaan kaloo idiin sheegaynaa magaalada aad timaadeen waa magaalo weyn dadkuna waxey baahi weyn uqabaan in nidaam loo sameeeyo.Sidaas darteed waxaan idinkula talinaynaa in aad raadisaan waxgaradka deegaanka si  loo gaaro guusha oo dhameystiran waxaana lagama maarmaan ah in aad ogaataan!!!

  1. In aad u timaadeen bulsho toban iyo lixsano dusha looga taagnaa sidii bulshada xamar ay aheyd qablal Maxaakiim
  2. In aad sugtaan nabadgalyada iyo difaaca magaalada
  3. In aad mudnaanta sedexaad siisaan isugu yeertaanka dhamaan waxgaradka deegaanka sida ISIMADA Beelaha, Aqoonyahanada, Culumada.
  4. In aad samaysaan maamul (administration), ay xubin ka yihiin dhamaan  beelaha degga gobolka.
  5. In aad u cadaalad fashaan ummadaa dhibka kusoo jirtay mudaada dheer
  6. Xiriir wanaagsan lasameeya dadka caqliga usaaxiibka ah ee kunool gobolka
  7. Samaynta muumul loo wada dhanyahay ogaada guusha ayuu soo dhoweynayaa.
  8. In aad magaalada ka dhigtaan magaalo Soomaaliyeed oo qof walba oo muwaadin ihi ku soo hirto maalkiisana gashan karo.
  9. In aad maleeshiyada deegaanka xareysaan, dhaqan Celina u sameysaan.
  10. In aad maamulkiina ku fidisaan degmooyinka gobolka oo dhan. Sida ugu dhaqsaha badan oo eydaan noqon sidii qolyihii idinka horeeyay ee dekeda dhuuqi jiray.
  11. In aad dadka deegaanka ka raadsataan kalsooni dheeraad ah  idinka oo siinaya talada deegaankooda. Hadii kale waxaa la idiin arko gumeysi cusub.
  12. In aad qabataan shirweyne lagu dhisayo maamul goboleed  kaasi oo lagu saleynayo degmooyinka. Maamulkaas oo aan qabiil loo eegeyn.

Eng: Ali Darwiish Mohamed/Kamal Dacas MPLS MN USA 
alidahir.darwiish@gmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD