SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

MAXKAMADUHU KA WEYN WAX SOMAALI U GAAR AHAYN

 

Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

 

Shacabka Muqdishu oo baahi weyn u qabey nabad iyo degnaasho anigu shakhsiyan waan jeclaa in nabad siday ku heli karaanba ay ku helaan oo mar uun xamar oo degan la arko, maanta sida muuqata taas waxaad moodaa in la yara helay oo ay Muqdishu yar qabowdey, laakiin qiimaha ay nabadaasi ku fadhido ayaad moodaa in shacabku yara dareemayaan marka la eego sida Maxkamaduhu u dhaqmayeen todobaadyadii la soo dhaafay.

 

Marka laga soo tago Xoriyad la'aanta iyo xukumadda lagu deg-degey ee la fulinayo iyo faragelinta dhaqan hoosaadka shakhsiyadeed ee ay gacan-togaalaynayaan max kamaduhu waxaa shacabka intiisa badan ka degi weydey sadex fariimood oo waaweyn Maxkamadaha awooda u oomani direen labadii usbuuc ee la soo dhaafay kuwaasoo muujinaya in Maxkamaduhu ka weyn yihiin wax Soomaali u gaar ah:-

 

  • Isku daygii dilka Madaxweynaha
  • Qabsashadii Kismaayo
  • Gubidii Calanka

 Isku daygii dilka madaxweynaha

 

Cabdillahi Yuusuf oo cadowyo badan oo gudaha iyo dibadaba leh wax lala yaabo ma ahayn in la isku dayo in la khaarajiyo laakiin waxaa arin ugub noqotay in qof naftiisa miidaaminaya iyo gaari miinaysan la isticmaalo taasoo ah arin aan soomaali ku abtirsan oo ay dad dibada soomaaliya kaga yimi inagu soo biiriyeen.

 

Qabsigii Kismaayo

 

Kismaayo waxay ka midtahay meelaha uu inta badan ka dhaceen dagaaladii sokeeye ee qabiilka ku salaysnaa waxaadna moodaa in intii xiriirka isxulufaysiga ah ee Dooxada Jubba la oranjirey la sameeyey ay yaraatay xanaftii ka dhexaysey labada qabiil ee gobolkaas iyo Soomaaliya inteeda kaleba isku hayey. Waxaana shaki kujirin Gulufkan la geliyey Kismaayo iyo lasafashada ay maxkamaduhu la safteen isbahaysigii dooxada jubba garab ka mid ah inuu damqayo dhaawacyo bogsan rabey. Taasoo muujinaysa in weerarka Kismaayo ay qaaday cid aan xaalada soomaaliya aad ula socon oo dibada inagaga timid oo aan ka warhayn muhiimada kismaayo qabaailka qaar u leedahay.

 

 

Gubidaa Calanka

 

Marka laga saaro Waqooyi Galbeed weli muran in calanku inaga dhexeeya ahi ma dhicin maanta ka horow, si kastoo la isu laayo Calanka Buluuga ah ee Xidigta shanta geeska ah lihi wuxuu ahaa mid ka sareeyaa khilaaf iyo in qolo lagu riixo. Cadowga qura ee "Cawaale" lahaa waxuu ahaa wadamada deriska ah oo u arkayey inuu tilmaamayo shantii soomaaliya oo ay kala ilaalinayeen. Markaa hadii calankeenii la dejiyey oo la jeexjeexay ama "lagubay sida dadka qaar sheegeen" Soomaali waa la weheliyaa oo cid aan qiimaha uu inoogu fadhiyo aqoon baa falkaa gaysatey.

 

Marka intaasoo dhan la eego waxaa cadaatay in nabadii aan soomaaliya la damacsanayn ee aan is la hayn haday ugu dhowdahay ay noqotay dhaan-dabagaale iyo Dhedo roob noqon weydey. Gacmo shisheeye iyo dagaalo laynoo wakiishayna aynu hada kow nidhi

  

Walaahu Aclam

 

 

Cabdiraxman Xariri - Saudi Arabia

xariri@hotmail.com

 

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

 

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 26, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD