Soomaalidu lama
rabo, iyagana ismarabaan
QS. Xaamid c\laahi
xaaji
Xaamid114@hotmail.com
Iyado, sida muuqata
ay soomaaliya ku soo wajahantahay xaalad dagaal oo cusub oo ka duwan
dagaaladii sokeeye hore oo dalka ka dhacay , ayaa hadana shacabwenaha
soomaaliyeed ay yihiin kuwo durbaanka utumaaya, iyago lakalasafan labada
kooxood oo iskugu soo haray loolanka xukunka soomaaliya , waa DKMS iyo MMIS,
kuwaaso taageero kahelaya gacmashisheeye.
Shaki kuma jiro in
dagaaldii dalka ka dhacay laga bilaabo 1980s , ay ku luglahayeen gacmo
shisheeye, ilaa hadana siween ay ugu lugleeyihiin.
Faragalinta iyo
dibindabyada lagu hayo soomaaliya ma’aha mid hada ku bilaabatay dalka, balse
waa mid mudo dheer soo socotay , iyado xoogeeda lagu bilaabay dalka soomaaliya
sanadkii 1977 ka dib markii soomaaliya ay kamid noqotay wadamada Africa ugu
xooga waween , islamarkaana dagaal kaga adkaatay wadanka Ethiopia iyado
ciidanka soomaaliyeed ay kacanta ku dhigeen soomaali galbeed.
Wadankii horey loo
dhihijiray midowga soofoyeeti oo markaa ka mid ahaa awoodaha aduunka kajira ama
ugu xooga waaween ayaa lasaftay Ethiopia islamarkaana go’ ansaday sidii loo
burburinlahaa awooda soomaaliya.
Sidoo kale wadamada
reer galbeedka ah ayaa iyagana kutshanayeey sidii xooga soomaaliya meesha
looga saarilahaa.
Maxaa keenay in
wadanka soomaaliya faragelin lagu sameeyo?
Waxaa keenay 3
qodob oo hoos ku qoran:
- dadka
soomaaliyeed oo ah kuwa iskudiin, isku af iyo isku qoomiyad kaliya,
islamarkaana ah dad firfircoon oo hadii ay midowbaa halisto leh.
- dhulka
soomaaliyeed oo kuyaal meel muhiim ah geeska Africa, islamarkaana dhinaca
ku haya badaha India iyo red-sea.
- soomaaliya oo
noqotay wadanka carbeed oo kaliya uu dhul laga haystay xoog usooceshaday.
Wadamada gaalada ah
marna raali ka noqonmaayaan soomaaliya israacsan iyago maskaxda kuyaha 3da
qodob oo kor ku xusan, waxaa nasiib xumo ah in soomaalida badankeeda aysan okayn
danta laga leeyhay soomaaliya, dadka soomaaliyeed waxaa laga soo galay
dariishad dabadeedna waxaa laysku diray reer reer, dadka waa dad isku ehel ah
waxaa ku yar muwaanimada oo wixii wadanka soomaray 16 sano oo tagtay waxaa
moodaa inaysan khibrad ku qaadan, hadan waxaa moodaa in xaaladu hada dib loogu
celiyey 1991.
Soomaalidu waxay
qabtaa cudur xun oo ah qabiil iyado, horey uyiri nin u dhashay UK oo arrimaha
soomaaliya khibrad uleh ‘ soomaalidu waxaay u dirirtaa 3 qabiilka, diinta iyo
geela, oo hadii dhabtu timaado laba waa katagaan waxayna laharaan qabiilka”
Taasi waxaay
kusinaysaa dadka soomaaliyeed ay kagawayntahay arrimaha muwaadinama tan gaarka
ah.
Waxaa soo ifbaxday
in soomaalidu aysan rabin dowlad iyo midnomo soomaaliyeed , iyado qofkasta u
doonaya dan gaar ah, oo hadii manta ladoorto ninka soomaaaliya ugu wanaagsan
waxaa soo baxaaya dad ka soo horjeeda, islamarkaana dacaayad kafidinaaya.
Ugu dabyntii
dadkan soomaaliyeed isma rabaan, cidna ma rabto “ cidna uma maqna ceelna uma
qodna” ayaa moodaa in ay meesha kamuuqato.
QS. Xaamid c\laahi
xaaji
Xaamid114@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 24, 2006
. Cabdullaahi
Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya
|
Ingiriisi
|