Afgooye, Shalaanbood, Baraawe, Kuntuwaarey,
Sablaale, Qoryooley, Awdheegle iyo Marka: Degmooyin dulman!
Rabi ayaa mahad iska leh. Naxariis iyo nabad galyo nabi
Maxamed Korkiisa ha ahaato.
Ahmed Ali Diiriye.
guled22@hotmail.com
Xaalada Soomaaliya waxay
aheyd baryahaan mid aad u qasan, si lama filaan ahna wax walba isu
badalayeen.Laga soo bilaabo markii ay ka qarxeen Mogadisho dagaaladii u
dhexeeyay qolyaha Maxkamadaha iyo nimankii isku magacaabay argagixiso la dirirka,
siyaasada Soomaaliya cago kuma fadhin. Xiligaas wixii ka danbeeyayna Soomaaliya
maalinba maalinta ka danbeysa waxay ku sii siqeysay dagaalo sokeeye oo lagu
hoobto, saameeyn weyna ku yeesha dhamaan Soomaaliya.
Dad badan oo Soomali ah una
riyaaqsan guulaha laga gaaray dagaaladii la gala hor yimid nimankii sharka ahaa
ee Soomaaliya halakeeyay, ayaa hada waxay is weydiinayaan hadii cadaaladii
shaqeysay dadkiina heleen wixii ay raadineyeen ee ahaa inay maalin arkaan
hogaamiyayashii Mogadisho oo mar uun ka maqan talada magaalda Mogadisho. Maxaa
loo waayay in deegaanada ay ku amar taagleeyaan nimanka hada qaarkood horseedka
ka u yihiin Maxkamadaha ay ugu wareejin la'yihiin dadkii deegaanadaas u dhashay?
Waa su'aal mudan in jawaabteeda si sax ah loo wajaho si loo helo jawaab ku
haboon.
Waxaan maalin walba maqalnaa:
waa in la helaa cadaalad, sinaan iyo in lagu dhaqmo kitaabka alle.Waa in la
difaaco wadanka lagana difaaco cadowgeena soo jireenka ah (Ethiopia) iyo erayada
noocaas oo kale ah oo ay idaacadaha ka sii daayaan nimanka horseedka u ah
kacdoonka magaalada Mogadisho. Hadaba si loo fahmo cadaaladu waxay tahay iyo
waxa looga jeedo loona dareemo shaqsiyaadka afka ku qurxista erayada aan loo
meel dayin ee lagu marin habaabinayo ummada Soomaaliyeed, waxaa lagama maarmaan
ah inaan wax yar ka tilmaano deegaanada ay ka taliyaan shaqsiyaadka doonaya
inay marin habaabiyaan kacdoonkii shacbiga kuwaas oon ka mid ahayn maxkamdaha.
Degmooyinka Afgooye,
Shalaanbood, Baraawe, Kuntuwaarey, Sablaale, Qoryooley, Awdheegle iyo Marka oo
30km ilaa 250km u jira Muqdisho waxaa ka taliya hogaamiyo kooxeedyo ku heyb ah
C/qaasim Salaad Xassan iyo Xassan Daahir Aweys, waxayna shacabka dagmooyinkaas
ku nool kala kulmaan cadaadis aad u daran iyo dhibaatooyin badan oon hal qormo
lagu soo koobi karin, waxeyna shacabka aan hubeysneyn ee degaanadaas fariimo iyo
ergooyin isdaba joog ah usoo dirsadaan madaxda Midowga Maxkamadaha Islaamka,
iyagoo ka codsanaya in Maxkamado laga hirgeliyo degaanadooda. Midowga
Maxkamaduhu dheg jalaq uma siinin codsiga shacabka gumeysiga ku hoos nool ee
degaanadaas.Si toos ahna waxaa ugu gacan seyray ninka maanta doonaya inuu
kismaayo xoog ku qabsado, hadana hilmaansan shacabka ku hoos dulman. Maxaa loo
diidayaa in marko looga dhawaaqo maxkamad islaami ah maamulkana loogu wareejin
waayay dadka deegaanka iskal leh sidii Jowhar iyo Balcad oo kale.Sidoo kale
dagmooyinkaas aan kor ku soo xusnay mahan miyaa deegaano xoog lagu haysto oo
dadka iska leh xaq u leeyihiin inay ka arimiyaan deegaanadooda.Cadaaladu waxay
ahaan laheyd intaan Galkacyo iyo Kismaayo midna lagu fakarin in marka hore
degmooyinkaas si dag dag ah codsigoodii looga jawaabo maxkamadana loogu furo
maamulkoodana lagu wareejiyo dadka xaqa u leh. Waxaan la soconay markii arintaas
Soomaalidu aad isu weydiiyeen maxaa laga yeelayaa Sh/dhexe? in Shariifka
maxkamadaha uu sii daayay hadal dadka intiisa badan aysan ka fileyn oo u curdaarayay
Indhacade iyo waliba Xassan Daahir Aweys oo si toos ah ugu taageeray INDHACADE
inuu xoog ku sii joogo Marka iyo dadka la midka ahba ee deegaanada kale haysta.
Marka su'aashu waxay tahay maxaa qiil looga dhigan karaa Kismaayo iyo Galkacyo
sow qar iska tuur aan laga fiirsan mahan.
Runtii shacabka Soomaaliyeed
waxay indhaha ku hayaan si taxadar lehna ula socdaan talaabooyinka ay qaadayaan
maxkamadaha waxayna shacabka Soomaaliyeed meel kastoy joogaanba jecelyihiin
inaysan dhicin in la marin habaabiyo loogana faa’iideysto kacdoonkii shacabka
ujeedooyin guracan oo u adeegaya dano gaar ah ama mid qabiileed taasoo soo
dadajin karta burburka iyo fashilka maxkamadaha. Waxaan hubaa hadii fursadana si
toos ah looga faa'iidey sanayo inay rajo wanaagsan leedahay. Si loo gaaro
rajadaas waa in la gartaa shaqsiyaadka doonaya in lagu noqda 1991 dii oo
Soomaalidu isu dishay qabiil qabiil, jufo jufo iyo reer reer ilaa la arkay kuwii
isku reerka ahaa oo dadka wada dilayay oo ayagii iska soo horjeeda isdilayana.
Maanta waxaa muuqanaya in dadka qaarkiis u fakarayaan sidii kuwii xiligaas
joogay oo u maleynayay in xoog wax lagu gaari karo markii danbana talo farahooda
ka baxday.
Waxaan ku soo xirayaa
maqalkayga niyada shacbiga Soomaaliyeed aad ayay soo hagaagtay maalmahaan danbe,
waxayna sugayaan wax qabadka maxkamadaha iyo sida ay ula tacaalaan siyaasada
isdaba meereysigaa ee Soomaaliya ka soo jirtay 16 sano ee ugu danbeeyay. Hadiise
loo noqdo maalmihii madoobaa (black days) meel walbana la isku
qaado ayadoo la isticmaalayo xeelado qarsoon oo loogu adeegayo dad gaar ah iyo
reero gaar ah lana marin haabiyo kacdoonkii shacbiga, laguna duulo deegaano wax
dhib ah uusan ka jirin ee wada hadal u baahan, waxaan sugnaa waa bilowga
burburka maxkamadaha.
Guul iyo Midnimo.
Ahmed Ali Diiriye.
guled22@hotmail.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006
. Cabdullaahi
Yuusuf Ma Maamuli Karo Soomaaliya
|
Ingiriisi
|