SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

Ramadaan Fursad Mudan In laga Faa’idaysto

Marka hore dhamaanba akhriystayaasha sharafta leh waxaan leeyahay  RAMADAAN KARIIM .

Ramadaantu waa fursad qaaliya oo ay adagtahay sida lagu helaa. Waa fursad uu Ilaahay adoomihiisa sanadkiiba hal mar siiyo si intii uu Shaydaan duufsaday ay dariiqiisa ugu soo laabtaan, intoodii toosnaydana ay khayrka u sii kordhistaan. Ramadaan waa fursad albaabada NAARTA la xidho, kuwa JANADANA la furo. Ramadaan waa waqti la xidh xidho shayaadiinta waawayn si aanay fursadan u seejin adoomaha khayr doonka ah. Waa bil uu ku jiro habayn ka khayr badan 80 sano (kun bilood). Hadaynu soo koobno waa fursad hadii uu qofku ka faa'idaysto uu isbadal wayn oo wanaagsan ku samayn karo noloshiisa. Sidaa daraadeed Ramadaan waa fursad mudan in laga faa'idaysto. Siyaabo badan ayaana looga faaidaysan karaa fursadan, waxaa ka mida kuwan hoos ku taxan.

Ilaahay In Loo Noqdo

Dabeecadaha bani'aadmiga waxaa ka mida in uu gefo. Ilaahay kama rabo ban’iaadmiga in aanay gefin laakiin waxa uu ka rabaa in markasta oo ay qaldmaan ay xagiisa u soo laabtaan. Noqoshada uu qofku u soo noqdo Ilaahii abuuray waxa ay ka mid tahay waxyaabaha Ilaahay farax galiya. Inaga oo hadaba ka faa'idaysanayna bishan brakysan ee Ramadaanta aynu Rabigii ina abuuray u soo noqono. Toobadu ma aha kalimad afka uun laga yidhaa « Waan toobad keenay ». Toobadu waa ka tagid  laga tago dhaqanka xun oo dhan . Sidaa daraadeed qofkii aan SALAADA tukan jirin ha bilaabo in uu SALAADA tukado. Qofkii XAARAAN faraha kula jiray xaaraanta  faraha ha kala baxo. Qofkii khamri, daraago, sino iwm faraha kula jiray ha joojiyo macaasidaa . Labadii khilaaf dhex yaalay ha is cafiyaan. Qofkii been lagu ibtileeyay beenta ha iska daayo. Toobada dhabta ahi waxa ay isbadal wanaagsan ku samaysaa qofka toobada keenaya sidaa daraaded aynu toobad keeno toobad sax ah oo nafteena wax ka badasha. Walaal, hadaad maanta oo Ramadaana oo shayaadiintu xidh xidhan yihiin aad Ilaahay u soo laaban waydo waa goorma goorta aad Ilaahii ku abuuray u soo noqonaysaa? Jawaabta su'aashan walaal adaan kaaga tagayaa.!

In La Badsado Akhrinta iyo Fahanka Quraanka

Quraanka waxa uu Ilaahay soo dajiyay habayn barakaysan oo ka mida habaynada bisha Ramadaanta. Sida ku suggan kitaabka Bukhaariga Nabigeenu (csw) habayn kasta oo habaynada Ramadaanta ka mida waxa uu la kulmi jiray Malakul-Jibriil si ay u daraaseeyaan Quraanka. Aynu ku dayano dhaqankan Nabigeena (csw) iyo Malakul Jibriil, oo aynu noqono kuwii wax ka barata Kitaabka Ilaahay. Walaalayaal, Kitaabka Quraanka ah waxa uu Alle u soo dajiyay in lagu dhaqmo. Hadii aanu qofku garanayn Quraankana way adkaanaysaa in uu ku dhaqmo waxaanu garanayn. Sidaa daraadeed fursadan khayrka badan ee Ramadaan ha inoo noqoto fursad aynu ku bilowno sidii aynu u baran lahayn Kitaabka Alle. Qof Keenii aan maanta akhrin karin Quraanku ha go'aansado barashadiisa, inta ka horaysana ha badsado dhagaysigiisa. Qofkii garanaya akhriskiisuna ha ku daro barashada macnihiisa iyo asraartiisa. Cajaladihii akhriska iyo tafsiirka Quraankaba waxa aad ka helaysaa meel kasta iyagoo bilaash ah ee ku dadaal in aad barato Kitaabka Alle. Ramadaan ha inoo noqoto mid inagu soo celisa xidhiidhkii aan la yeelan lahayn Kitaabka Alle.

Xusuuso Taakuleena  Dadka Baahan

Ramadaantu waxa ay qofka sooman xusuusisaa baahida dadka aan waxba haysan. Markii ay gaajadu ku qabato adigoo sooman xusuuso in ay jiraan dad Muslimiina oo iyagu sanadkii oo dhan aan dhargin. Ogoow in ay jiraan dad Muslimiina oo sida aad u soomantahay u sooman laakiin aan haysan wax ay ku afuraan. Nabigeenu waxa uu ahaa deeqsi deeqsinimadiisuna waa ay laban laabmi jirtay Ramadaantii. Caawi bishan dadka Masaakiinta ah ee aan wax haysan. Sadaqadu yaraan iyo badnaan ma kala laha ee wixii aad bixin karto ku caawi masaakiinta. Waxa dhaba in $1 oo aad sadaqad u baxsataa uu yahay doolarka kaliya ee aakhiro ku anfaci doona, sidaa darteed aynu xusuusano dadka baahan wixii la siin karana yaan lagala bakhaylin 

Khayrka oo dhan Badso Bishan

Taraawiixda oo aad tukato, afkaaga oo aad barto hadalka fiican, meelaha wanaaga lagu hayo oo aad ku dadaasho tagitaankooda, dhegaysiga iyo daawashada waxa aan wanaagsanayn oo aad ka dheeraato, qalbigaaga oo aad xasadka iyo nacaybka ka nadiifiso waxa ay ka mid yihiin waxyaabaha wanaagsan ee aad samayn karto maalmaha bishan barakaysani ay ka koobantahay. Sidaa daraadeed walaalayaal bishan ha laga faa'idaysto.

Gabagabdii, Ramadaantu waa Iskuul aad tababar ku qaadanayso ee waqtiga tababarkaasi kuu socdo ka faa'idayso. Hadii aad tababar qaadato oo marka tababarku kuu dhamaadona aad aragto adiga oo aan waxba ka faa'idin tababarkaa, tababarkaagu runtii waa mid lagu khasaaray. Ramadaan yaanay noqon tababarkaa lagu khasaaray!

Ilaahay Ha Inaga Aqbalo Acmaasheena Oo Dhan

Siciid Cali Axmed

Said.ali.ahmed@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006

Axkaamta Ramadaanka::: Ka akhri....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD