SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125

Wararkii Sept 23, 2006
  • C/llaahi Yuusuf “Aad baan uga xunnahay in Dowladda Mareykanka u dhabar jeediso Dowladda, xiriirna la sameyso Argagixisada ..”
  • Xuseen Caydiid “Jufo ma dhisan karto Maamul Gobaleed..”
  • Sheekh Xasan Daahir ”Ma dooneyno in xabaddeenu ku dhacdo Reer Yugaandha..
  • In ka badan 70 Tikniko ah oo ay leeyihiin Maxkamadaha oo u dhaqaaqey Jubbooyinka…

C/llaahi Yuusuf “Aad baan uga xunnahay in Dowladda Mareykanka u dhabar jeediso Dowladda, xiriirna la sameyso Argagixisada ..”

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed oo u waramayey Wargeyska Sharqul-Awsat ayaa wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aadan xiriirka aan tooska aheyn ee maalmahan la sheegay inuu u dhexeeyo Maxaakiimta islaamiga ah iyo Dowladda Mareykanka, isagoo arrintaani ka hadlayana waxa uu yiri ”Aad baan uga xumahay in Dowladda Mareykanka xiriir la yeelato Kooxo Argagixiso”, waxa uu intaasi sii raaciyey ”Aad baan uga xunnahay in Dowladda Mareykanka ay dhabarka u jeediso Dowladda Federaalka oo ay xiriir la sameyso Caddowga Soomaaliyeed”.

 

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa kaloo uu sheegay in xiriir uu Mareykanku la sameyso Maxaakiimta ay mustaqbalka u keeni karto cawaaqib xumo, isla markaana Dowladda Mareykanka arrinta ay wado ma aheyn mid aan marnaba ka fileynay, ”Aad bay ceeb u tahay u Mareykanka oo la dagaalanka Argagixisdaa hormuud u ahaa uu haatan cilaaqaad la sameysto Kooxihii uu horey u eedeeyn jiray” waxaa isagoo hadalkiisa sii wata sidaa yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed. ”Mareykanku hadduu uu sidaa sameeyo waxaa noo caddaaneysa in uu yahay laba wajiile, aan dan ka lahayn Dowladda Federaalka ah ee Shacabka Soomaaliyeed loo soo dhisay sidii ay dhibka uga bixin lahayd” ayuu yiri C/llaahi Yuusuf Axmed oo aad u muujinayey sida uu uga xun yahay xiriirka la doonayo in laga dhex dhaliyo Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowlada Mareykanka.

 

Xasan Daahir Aweys oo isna wareysi siiyey wargeyska Sharqul-Awsat ayaa xaqiijiyay in xiriir aan toos ahayn uu dhex maray Golaha Maxaakiimta iyo Dowladda Mareykanka, isagoo sheegay in arrintaani ay ku howlan tahay dowlad ka mid ah Dowladaha Carbeed, balse ma cararaabin Dowladdaasi, hase yeeshee waxa uu caddeeyay in Maxaakiimta Islaamiga ah aysan marnaba ka tanaasuli doonin aragtidooda ah in dalka ay ka dhalato Dowlad Islaami ah.

Xuseen Caydiid “Jufo ma dhisan karto Maamul Gobaleed..”

 

Xuseen Max’ed Caydiid oo ah ra’isul Wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowlada Federaalka ayaa wax laga weydiiyey aragtidiisa ku aadan Itoobiya, Keenista ciidamo shisheeye iyo maamulka Gal-Mudug, mar uu ka hadlayey Dowladda Itoobiya waxa uu sheegay in shacabka Soomaa-liyeed iyo kana Itoobiya uu ka dhexeeyo xiriir.

 

“Itoobiya waxay dooneysaa in ay xiriir la sameyso shacabka Soomaaliyeed si ay wax uga soo degsato dekedaha Soomaaliyeed’ ayuu yiri Xuseen Caydiid oo intaa raaciyey “In haddii Itoobiya laga dhaafo dhibka, ay ballanqaadeyso in xitaa ciidamadeeda aysan keeni doonin Kililka Shanaad”, dhanka kale Xuseen Caydiid waxa uu tilmaamay in Soomaaliya ay haatan u baahan tahay ciidamo nabad ilaalin ah oo Dowladda gacan siiya, sidoo kale mar uu ka hadlayey Gal-Mudug waxa uu yiri “Maamulkaasi ma aqoonsani, Jufana ma dhisan karto is maamul Gobaleed, ee waan in dib looga laabtaa”.

 

Sheekh Xasan Daahir ”Ma dooneyno in xabaddeenu ku dhacdo Reer Yugaandha..

 

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo u waramayey Wargeyska The Monitor ee ka soo baxa Dalka Uganda ayaa waxa uu u sheegay in aysan marnaba ogolaan doonin in Dalka Soomaaliya ay soo galaan ciidamo ka socda IGAD iyo Kuwo kalaba.

 

”Dadka Reer Uganda way naga gacan siiyeen, maantase waxay wadaan qalalaase iyo dhibaatooyin, waxaana leenahay ma dooneyno in xabaddeenu ku dhacdo qof reer Yugaandha ah” ayuu yiri Sheeh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Dowladda Itoobiya ay tahay mid caddow ku ah Ummadda Soomaaliyeed, isla markaana aysan u ogolaan doonin in Dalka Soomaaliya soo galaan. Sheekh Xasan Daahir Aweys waxa uu qiray in xiriir aan toos aheyn uu dhex maray Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Dowladda Mareykanka, balse uu xiriirkaasi uusan ahayn mid looga tanaasulayo waxyaabaha ay Maxaakiimtu aaminsan yihiin oo ah Shareecada Islaamka.

 

In ka badan 70 Tikniko ah oo ay leeyihiin Maxkamadaha oo u dhaqaaqey Jubbooyinka…

 

In ka badan 70 Tikniko ah oo ay la socdaan Ciidamo aad u fara badan oo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa u dhaqaaqay dhinaca Jubbooyinka, waxaana la socday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta Maxaakiimta Islaamiga ah oo shalay deegaanka Baraawe kulan kula yeeshay waxgarad iyo mas’uuliyiin ka tirsan deegaankaasi.

 

Ciidamadaan iyo tiknikadaan ayaa la garaneyn sababaha ay u aadeen gobalada Jubbooyinka, balse warar ayaa waxay sheegayaan inay ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo, waxayna wararka Kismaayo ka imaanaya sheegayaan in magaaladaasi ay shalay ka jirtay dhiilo colaadeed, waxaana heegan la geliyey ciidamadii Isbahaysiga Dooxda Jubba, khilaaf ayaa maalmahan u dhexeeyay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Isbahaysiga Dooxda Jubba, waxaana burburay wada hadal u socday Isbahaysigaasi.

Banaanbaxyo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye oo kala dhacay…

 

Banaanbaxyo si heer sare ah loo soo agaasimay oo looga soo horjeedo ciidamo shisheeye oo la keeno dalka ayaa ka kala dhacay Magaalooyinka Muqdisho, Baladweyne iyo Marka, waxayna dadkii banaanbaxayey ku dhawaaqa-een Ereyo ka dhan ah in Dalka la keeno ciidamo shisheeye.

 

Haddii aynu soo qaadno banaanbixii ka dhacay magaalada Muqdisho waxaa ka qaybgalay Kumunaan kun oo daweeyne ah waxaana halkaasi hadalo ka soo jeediyey mas’uuliyiin ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga ah, waxayna sheegeen in ay dagaal la gali doonaan ciidan kasta oo shisheeye oo dalka la keeno. Sidoo kale Mas’uuliyiintaasi waay sheegeen in waqtigaan aan Soomaaliya looga baahneyn ciidan shisheeye, waayo ayay yiraahdeen dalka waa uu xasilan yahay waqtigaan, mana jiraan sababo loogu soo diro ciidamo Shisheeye.

Banaanbixii ka dhacay magaalada Kismaayo, waxaa ka qudbeeyay Culuma’udiinka magaaladaasi oo u soo jeediyey Beesha Caalamka in aysan xoogga saarin ciidamo shisheeye oo la keeno soomaaliya, balse ay xooga saaraan sidii shacabka soomaaliyed gacan loo siin lahaa. Sidoo kale waxa banaanbax kan la mid ah uu ka dhacay Magaalada Baladweyne oo ay ka qaybgalay dadweyne fara badan.

 
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com


Munaasabad lagu furayo sanad dugsiyeedka jaamacada Kismaayo oo ka dhacday xarunta jaamacada Kismaayo

Munaasabad balaaran oo ay ka soo qeyb galeen masuuliyiin ka soocota maamulka dooxada jubba kan degmada kismaayo ururada bulshada rayidka ah aqoonyahono iyo waliba culumaaidiin oo lagu furayay sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo ee 2006 2007 ayaa maanta ka dhacday xarunta jaamacada kismaayo ee gudaha magaalada kismaayo.

Furitaanka sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo oo sanadkan la filayo in ay fariistaan ugu yaraan 150 ardey oo ka kala yimid ama ka soo baxay durgsiyada sare ee kala duwan ee ku yaala gudaha magaalada kismaayo ayaa waxay inta badan baranayaan kulyada maamulka iyo dhaqaalaha iyo kulyada waxbarashada taasoo ay aad haatan ugu riyaaqayaan ardeyda reer kismaayo ee haatan ay u suuro gashay helitaanka jaamacad maadaama ay jaamacada kismayo tahay jaamacadii ugu horeysay ee gobolada jubooyinka laga hirgaliyo.

Munaasabadii Furitaanak sanad dugsiyeedkan oo sida aanu sheeganay ay ka soo qeyb galeen bulshada heerarkeeda kala duwan ayaa waxaa ugu horeyn halkaasi hadalo kooban oo baraarujin ah ka soo jeediyay gudoomiye ku xigeenka jaamacada kismaayo Pro Xasan gaarane oo halkaasi ka sheegay hadalo xasaasi ah oo quseeyo nasiibka manta ay ardeyda reer kismaayo u heleen helitaanka jaamacada maadama ay dhib ku ahayd helitaanka jaamacad marka ay dhameeyaan dugsiga sare sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Pro Xuseen Cabdi Aadan oo isaguna ka mid ah maamulka jaamacada kismaayo ayaa isaguna waxaa uu munaasabadaas ka soo jeeidyay hadalo qiiro leh oo lagu baraarujinayo dhalaanka somaliyeed ee maanta jaanis u helay dhigashada jaamacad taasoo ay markii hore u raadsan jireen gobolada kale sida banaadir iyo wadanka dibadiisa,waxaa kale oo halkaas ka hadlay Ustaad: Cabdiraxman Sahal iyo Ustaad Xamze Cabdi oo katirsan Maamulka Jaamacadda Kismayo. 

Ugu danebyntii waxaa furay sanad dugsiyeedka jaamacada kismaayo gudoomiyaha degmada kismayao alxaaji Daahr maxamed cilmi daahir carabey asagoo aad ugu mahadceliyay macalimiinta iyo pro jaamacada ee ayagu isu taagay xiligan in ay gobolkan jubbada hoose ka hirgaliyaan jaamacad taasina ay tahay guul u soo hoyatay reer kismaayo iyo guud ahaan reer gobolada  jubooyinka. 

Ugu danbeyntii waxaa halkaas ay maamulka jaamacada Kismayo ka sheegeen in ay ku deeqeen deeq waxbarasho oo gaareysa ilaa iyo 20 qof ayna kala siiyeen

5 ardey oo ay siyyeen dugsiga sare jubba 5 ardey oo ay siiyeen dugsiga sare ee axmed binu xambal  2 arday oo ay siiyeen dalada waxbarashada gobolkan ee JEN 2 arday oo ay siiyeen bulshada rayidka ah 2 arday oo ay siiyeen maamulka degmada kismaayo

daraasada Jaamacadda ayaa si toos ah u socota laga soo bilaabo waqtiga la furay munaasabadada Sanad dugsiyeedka Jaamacadda  Kismaayo.

Jaamacadda Kismayo waxaa lagala xiriiri karaa: jaamacaddakismayo@hotmail.com


WARARKII GALABNIMADII JIMCADII SEPT 22::

 

CIIDAMO KA TIRSAN MIDWOGA MAXAAKIIMTA SOOMAALIYEED OO WATA GAWAARI TIKNIKO AH OO GAARAY DEEGAANKA BUULO-MAREER EE GOBOLKA SH/HOOSE

Muuse Maxauud Jiisow

Musejisow@hotmail.com

Muqdisho somalia

002521576666

002521653623

 

Ciidamo ka tirsan midwoga maxaakiimta Soomaaliyeed ayaa maanta gaaray gobolka Sh/hoose, kuwaasi oo la sheegay inay ku wajahan yihiin magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.

 

Ciidamadaasi oo gebi ahaanba ah kuwo ka tirsan ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaa-miga Soomaaliyeed isla ma-rkaana ay weheliyaan gaadiidka dagaalka ee loo yaqaan tiknikada oo qaarkood jiidayay madaafiicda goobta ayaan ilaa iyo hadda la ogeyn goobta ay sida rasmiga ah ugu wajahan yihiin, iyadoo ciidamadaasi dhammaantood ay siteen dareeska ciidamada ee tuutaha, inkastoo aan isku daynay inay la xiriirno masuuliyiinta ugu sarre-ysa ee horkacaya ciidamadan ayaan ilaa iyo iminka suurto gelin, si aan su'aalo uga weydiino safarkooda, balse wararka hoose oo la helayo ayaa sheegaya inay ku wajahan yihiin gobollada Jubooyinka xilli ay halkaasi wararka ka soo baxaya ay tibaaxayaan khilaaf hareeyay seddaxda masuul ee ugu sarreysa isbahaysiga dooxada Jubba.

 

Ciidamadan iyo gaadiidkooda ayaa ah kuwo si weyn looga dareemayo dhaq-dhaqaaqooda gebi ahaanba gobolka Sh/hoose gaar ahaanba magaalada buulo-mareer, iyadoo dadku ay inta badan tilmaamayaan in gawaarida dagaalka ay sitaan ee soo gaaray gobolka ay kor u dhaafayaan ilaa in ka badan 50 gaari, waxayna arrintani ku soo beegantay xilli uu cirka isu shareeray khilaafka u dhexeeya masuuliyiinta dooxada Jubba. 

 

 Dhanka kale magaalada Kismaayo ayaa saakay  ku waabariistay cabsi iyo weliba irdhood ay ku muujinayaan inay wel-wel ka qabaan in isku dhac xoog leh oo dagaal ah ay halkaasi ka dhacdo,  

 

waxaa mar qura indhaha dadku ay qabana-yeen ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba ee daacadda u ah Barre Aadan Shire (Barre Hiiraale) oo ku sii qulqulaya gegidda diyaaradaha iyo qeybo kale oo ka mid ah daafaha magaalada Kismaayo, iyadoo markaasi ay muuqanayeen dadweyne aad u fara badan oo dhooban waddada hareerah-eeda oo iyaga isha la raacayay qaabka  ay ciidamadaasi u soc-daan iyo halka ay qabanayaan.

 

Dareenkan cabsiyeed ayaa yimid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in ciidamo daacad u ah Maxkama-daha Islaamiga oo aad u hubeysan inay soo dhaafeen deegaanka Buulo-mareer ee Gobolka Sh/hoose kuwaasoo si toos ah ugu soo jeeda magaa-lada xeebta ah ee dekedda leh ee Kismaayo.

 

Ilaa iyo haddan ayaanay jirin inta bada dhaq-dhaqaaqa ciidamada Barre Hiiraale, sida ay wax u doonayaan amaba qaabka ay damacsan yihiin, waxaana jirta in ninka lagu magacaabo Xasan Nuur Max'ed Qalaad la arkayay isaga iyo tiknikadiisa oo sidoo kale ku sii socota garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo, laakiin taliyihii ciidamada Max'ed Jimbaale Goobaanle iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad ee isbahaysiga Dooxada Jubba ayaan iyagu haba yaraatee la arkaynin dhaq-dhaqaaqooda dhinac ciidanka iyo iyaga qud-hoodaba, warar aan la xaqiijin oo soo baxayay kuwaasoo sheegayay in taliyihii ciidamada uu u ambabaxay Buulo-gaduud oo 30 km u jirta u jirta magaalada Kismaayo, halkaasi oo uu fariisin ka sameystay.

 

Isbahaysiga Dooxada Jubba iyo Maxkamadaha Islaamiga ayaa xiriirkooda sii xumaanayay waayadan dambe iyadoo isbahaysiga saraakiil u hadashay ay ku andacoonayeen in maxaakiimtu ay doonayaan inay si daan-daansi ah inay gacanta ugu dhigaan magaalada Kismaayo, waxaana ay dhowr jeer ku cel-celiyeen isbahaysiga Dooxada Jubba digniin kulul oo ah inay difaacayaan cid kasta oo soo haweysata magaalada Kismaayo.

 

Iyadoo beryahanba uu cirka isku sii shareerayay isla markaana la magacaabay guddi la baxay xallinta khilaafaadka soo kala dhex galay madaxda isbahaysigu ay kulamo ku yeelanayeen magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubada hoose  kuwaasi oo ay kaga dan lahaayeen sidii ay u dhex-dhexaadin lahaayeen madaxda isbahaysiga ugu sarreeya ayaa maanta waxaa lagu guuleystay in seddaxdaasi masuul kulan laysugu keeno gudaha magaalada Kismaayo.

 

Seddaxda masuul oo kala ah guddoomiyaha isbahaysiga Dooxada Jubba ahna wasiirka gaashaandhigga dowladda Federalka Barre Aadan Shire Hiiraale  iyo xildhibaan Yuusuf Mirer Seeraar iyo Max'ed Rooble Jimcaale Goobaanle oo ah taliyaha ciidamada isbahaysiga Dooxada Jubba ayaa markii kulanka ay isugu yimaadeen iyaga iyo guddigii xallinta khilaafaadka, kulankaasi oo ay albaabada u laabnaayeen ayaa waxaa la sheegay in looga wada hadlay sidii khilaafaadka looga gudbi lahaa ayaanay ka soo bixin wax natiijo ah, iyadoo gudaha hoolka ay ku shirayeen buuq iyo sawaxan, daaqadahana ay ka soo baxayeen qaylo dhaanta ay is weydaarsanayaan iyo hadallada kul-kulul.

 

Ugu dambeyntii ayaa xubno guddiga ka mid ah waxay sheegeen in markii saacaduhu dheeraadeen isla markaana aan la haynin wax natiijo ah oo la taaban karo ay labada dhinac go'aansadeen in xubno iyagu ay isaga raalli yihiin wixii ay gooyaana ay qaadan karaan ay iska dhex magacaabaan, waxayna ku dhawaaqeen ilaa toddobo xubnood kuwaasi oo maalinta Sabtida ah kulan kale isugu imaan doona si loo dhameeyo khilaafaadka soo kala dhex galay xubnaha isbahaysiga, qodobadii maanta halkaasi looga dooday ayaa dad badani sheegeen inay yihiin kuwo sii fogeyn kara arrinta haddii labada dhinac midba uu ku adkeysto mowqifkiisa, iyadoo xubno guddiga ka mid ahna ay tilmaameen in khilaafaadku yahay mid sii dhamaanaya, isla markaana xal loo helay, maalinta Sabtiga ahna go'aan rasmi ah laga gaari doono.

 

Arrintu si kastaba ha ahaatee labada dhinac ayaa waxay isku hayaan in lagu biiro midowga maxkamadaha Islaamiga halka dhinaca kalena uu doonayo inuu dhiso maamulka jubbaland balse la arki doonee halka ay ku biyo shubato.   

 

GOLAHA MAXKAMADAHA ISLAAMIGA OO MAANTA MEEL FAGAARE AH XUKUN QISAAS AH KU FULIYAY GACAN KU DHIIGLE

 

Golaha maxkamadaha islaamiga ayaa maanta meel  fagaare ah ku dilay mid ka mid ah labo gacan ku dhiigle kuwaasoo  lagu xukumay xarunta maxkamadda Warshadda Caanaha ee magaalada Muqdisho, iyadoo suxufiyiintana  loo diiday inay sawir ka qaataan qaabka ay u dhacayso qisaastaas.

 

Shalay ayay aheyd markii xukun lagu riday  ilaa seddax nin oo uu ka mid ah ninka maanta qisaasta lagu fuliyay xarunta maxkamadda warshadda caanaha, iyadoo dib loo dhigay nin isna dil lagu xukumay iyo kan seddaxaad oo xabsi daa'in lagu xukumay.

 

ilaa sagaal nin oo si gooni ah loogu soo xulay inay fuliyaan qisaasta dilka ah ayaa rasaas dhowr ah la beegsaday marxuum C/qaadir Max'ed Diiriye (Malaay) oo  tobankii bishan dil ugu geystay magaalada Muqdisho ganacsade ka tirsan shirkadda Al-towba oo la oran jiray Max'ed Xasan Barre, xilli uu Modbile ka dhacayay.

 

Dilka qisaasta ay fuliyeen maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed oo ka dhacayay fagaaraha ku yaalla dugsiga sare ee Booliiska oo ah halka ay dowladdii hore ee kacaanka ay ku dili jirtay dadka dilka ku xukuman ayaa waxaa ka soo qeyb galay dadweyne oo aad u fara badan oo ka kala yimid xaafaha magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u soo daawasho tagay qaabka ay u dhacayso qisaasta.

 

Dadka ka soo qeyb galay qisaastan ayaa waxaa ka mid ah hooyadii dhashay marxuum Ganacsade Max'ed Xasan Barre oo lagu magacaabo Raxmo Jimcaale oo sheegtay inay ku faraxsan tahay in la dilo gacan ku dhiiglaha dilka u geystay wiilkeeda.

 

Madaxa ammaanka maxkamadaha Islaamiga Sh. Yuusuf Max'ed Siyaad (Indhacadde) oo halkaasi hadallo ka jeediyay ayaa sheegay in xukunka qisaasta ay fuliyeen maxkamadaha uu yahay mid u dhacay sida ay qabto shareecada Islaamka.

 

Arrintan ayaa soo dedejisay in qaar badan oo gacan ku dhiiglayaal ahaa ay magaalada isaga huleelaan, waxaana la arkayay muddadii ugu dambeysay dad dacwado lagu soo oogayo kuwaasi oo lagu tilmaamay inay yihiin kuwo si sharci darro ah horay dad ugu dilay isla markaana aan loo raacan falka ay geysteen.

 

Jawiga ayaa meesha ayaa aad u degganaa mana jirin  wax cabsi ah oo laga qabay ciidamada maxaakiimta iyo dadweynaha u soo daawasho tagay intii aan la keenin goobta gacan ku dhiiglaha.

 

Tanina waxay noqoneysaa markii ugu horreysay oo ay golaha maxaakiimta islaamiga ay fuliyaan xukun qisaas toogasho.

 

Rag u Shaqaynayey ICRC oo la siidaynayo....

 

Labadii ruux ee u shaqeynayay hay'adda ICRC ee lagu afduubtay maalin ka hor gudaha dalka Itoobiya ayaa lagu wadaa in la sii daayo saacadaha nagu soo socda, kuwaasi oo la sheegay in looga shakiyay shirkadaha batroolka ka baara Itoobiya oo ay qandaraaska dowladda Itoobiya inay shidaal ka saaraan dhulka Somali galb-eed  balse ay noqon waayeen.

 

 

 War saxaafadeed ay shalay ka soo saareen jabhaddaas  ayay ku sheegeen inay ka xun yihiin in raggaas oo ahaa shaqaalaha hay'adda ICRC-da aysan wax lug ah ku laheyn shirkadaha shidaalka baara oo ay dowladda Itoobiya, sidaasi darteed ayay sheegeen in jabhaddu ay xorriyaddooda u soo celin doonto sida ugu dhaqsiyaha badan, ayna rajaynayso in xafiiskooda ay si nabad ah ku tagi doonaan.

 

Warsaxaafadeedka ay soo saareen Midowga Xoreynta dhulka Somali galbeed ayaa waxaa looga digay cid kasta oo isku dayda baarista iyo soo saarista kheyraadka dhex ceegaaga dhulka Somali galbeed iyagoon oggolaansho ka haysan shacabka Soomaali galbeed in wixii soo gaara iyagu aysan masuul ka ahayn, waxaana ku saxiixnaa madaxa xafiiska Warfaafinta C/laahi Cismaan Gaashaan.

 

 

Muuse Maxauud Jiisow

Musejisow@hotmail.com

Muqdisho somalia

002521576666

002521653623


Maalinta Nabada oo laga xusey Magaaladda Muqdisho

Waxaa maalintii shaley ahayd dalka laga xusey Maalinta Nabada Adduunka waxaana xaflad arrintaa ku saabsan lagu qabtey Xarunta SSWC waxaa ka qayb galey masuuliyiin ka socotey Bulshada Rayidka ardeyda wax ka barata Xarunta SSWC . waxaa ugu horeyntii halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi oo ah xiriiriyaha Xarunta SSWC waxay sheegtey in Nabada ay tahay midda furaha u ah Horumarinta Bulshada waxay u soo jeedisey Bulashada Soomaaliyeed in la adkeeyo Nabadda la heysto isla markaana laga faa’iidaysto, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo isagu ka hadlayey Magaca Bulshadda Rayidka ah wuxuuna sheegay in Nabadda ay tahay mid ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed la ‘aanteedana aan la gaari Karin wax horukac ah “u mmadda Soomaaliyeed waxay soo martay lix toban sano oo Nabad la ‘aan ah maanta waa inaan ka faa’iideysannaa Nabadda aanu helnay.

Xafladaasi waxaa kaloo erayo ka soo jeediyey, C/Nuur Xaaji Maxamed wuxuuna halkaas ka tirayey erayo ka hadlaya dhinaca Nabdda waxayna erayadaasi ku qornaayeen Afka Ingiriiska waxaana laga dhandhansanayey in ay isku xiran yihiin Nabadda, Caddaaladda, Jecaylka, CNuur ayaa ka qaybgalyaasha Xafladda waxa uu weydiiyey Cidda fasirta Nabadda Qof baa istaagay wuxuuna yiri” waa markaad hesho Xorriyo, iyo Nolol, mid kale ayaa isna istaagay oo wuxuu yiri” Nabaddu macnaheedu waa markaan Gurigayga si Nabad ah ku tago, mid kale sii raaciyey” waa markaan helo wax barasho walwal la ‘aan ah” Gabar baa istaagtay oo waxay tiri” Nabaddu waa markaan cajiinka reerka si Nabad ah ku geeyo guriga”.



Xaflad la mid ah midaan ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Baydhabo waxaa lagu muujiyey Banaanbax oo mid lagu taageerayey in Dalka la keeno Ciidamo shisheeye midna waxa uu ahaa mid lagu xusayey maalinta Nabadda ööAdduunka waxaana lagu cambaareeyey Qaraxii la damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf waxaana ka hadlayey Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade.

Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku saabsan Xaquuqda

Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Ururka SOYWa waxaa lagu qabtay siminaar ay soo qabanqaabisay Ururka SOYWA iyadoo gacan ka heleysa Hay’adda NOVIB, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo 20 qofood oo ka socday ururada dhallinyarada.



Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro la xiriira xaquuqda Haweenka ayaa waxaa cashiro ka bixinayey AVV. Sakeriye, C/llaahi Shaashaale iyo C/Naasir Yuusuf Macallin (Ganey), waxayan dhamaantood si aad ah ugu dheeraadeen tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.

Xabiibo Max’ed Guutaale oo ah madaxa tababarada Hay’adda SOYWA ayaa soo xirtay siminaarkaasi, waxayna u soo jeedisay in xubnihii ka qaybgalay siminaarkaasi ay casharadii ay halkaasi kabarteen uga faa’iideeyaan gabadha kale ee Soomaaliyeed, siminaarkaan oo socday mudo labo maalmood ayaa aheyn midkii ugu horeeyay oo uu qabto Ururkaasi

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com  


DAGMADA BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE

Saminaar Socon Doono Mudo Sadax Cisho Ah Ayna Ka Qeyb Galeen Macalimiintii Ugu Horeysay Oo Wax Ka Dhigaya Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ayaa Si Rasmi Ah Uga Furmay Xarunta Cayaaraha Kubada Teeniska Ee Dagmada Balcad , 

Saminaarkaan Oo Furitaankisii Ay Ka Qeyb Galeen Mas.Uuliyiinta Dagmada Balcad .Qaarka Mid Ah Ganacsatada .Waxgaradka .Iyo Culumaa.Udiinka Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Gudoomiyahay Siyaasada Xamar Iyo Xamar Daye Ahna Gudoomiyaha Dagmada  Balcad Macalin Xaashi Macalin Farax , Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ah Ee Dagmada Balcad Sh : Cali Sh: Maxamuud Shuuriye .Gudoomiye Ku Xigenka Dagmada Balcad Abuukar Adan Celi .Ugaaska Dagmada Balcad Ugaas Maxmuud Weli Ugaas Xuseen .Nabadoon Tahliil Axmed Ceynte .Iyo Ganacsade Maxaaday Cali Waranle Iyo Mas.Uuliyiin Kale Iyaga Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Baahida Loo Qabo In Dib Loo Yagleelo Hanaankii Waxbarasho Ee Dagmada Balcad Oo Xaalada Murugaleh Ku Jiray Mudo Lix Iyo Toban Sano Ah Iyo Baahida Ay U Qabaan Dadka Ku Dhaqan Dadka Degan Balcad Dhinaca Waxbarasgada Iyaga O Xusay In Dagmada Balcad Ay Haatan Fursad Qaali Ah U Heshey In Ay Ka Bilowdaan Howlihii Waxbarasha Aasaasiga Ahaa Ka Dib Markii Maamulka Dagmada Balcad Iyo Dadweynaha Oo Kaashanaya Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ku Abtisada Dagmada Balcad Ay Iska Kashadeen In Ay Dib U Distaan Una Dayactirteen Goobihii Waxbarashada ,Maantana Ay Tahay In Macalimiintii Ugu Horeysay Ee Wax Ka Dhigi Laehyd Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad Loo Furo Saminaarkii Ugu Horeeyey Oo Ay Ka Qeyb Galaan 12 Macalin Waxyna Ka Codsadeen In Ay Ka Faaiidaystaan Mudada Uu Saminaarkaan Socdo Iyaga Oo Si Gaara Ugu Mahadceliyey Qaarka Mid Ah Jaaliyadahaas Oo Ay Ka Mid Yihiin Yasiin Maxi Iyo Abuukar Cali Geedi Oo Iyagu Si Gaara Isaga Xil Saaray In Uu Najaxo Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad ,  

Mas.Uuliyintaas Oo Ka Hadashay Furitaanka Saminaarkaas Oo Uu Ka Mid Ahaa Macalin Xaashi Maxamed Faarax Ayaa Ugu Baaqay Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Ee Ka Soo Jeeda Deegaanka Balcad Iyo Nawaaxigiisa Iyaga Oo Ka Faaiidaysanaayo Nabada Haatan Ka Jirta Dalka Gar Ahaan Tan Balcad In Ay Dalkooda Iyo Deegaanadooda Ay Maalgashadaan Una Abuuraan Fursado Shaqo Iyo Kuwo Waxbarasho Sida Haatanba Ay Talaabad Koowaad Ay U Qaadeen Ayna Ku Ekaan Oo Keliye Waxbarashada Ee Ay Xooga Saaraan Dhinacyada Kale Ee Cafimaadka .Ganacsiga Wax Oosaarka Warshadaha .Xoolaha Yo Beeraha , 

Gudoomiyahay Maxkamada Islamka Ah Ee Dagmada Balcad Sh: Cali Sh: Maxamuud Shuuriye Ayaa Isne Ku Dheeraaday Faaiidada Waxbarasgada Iyo In Aysan Iku Mid Aheyn Ruuxa Waxyaqaan Iyo Ruxa Aan Waxba Aqoon Uuna Ku Guubaabiyey Macalimiinta Uu Siminaarku U Furmay Xiliga Duruustu Ay Socoto , 

Munaasibadaas Oo Aheyd Mid Si Wanaagsan Loo Soo Agasimay Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maalinta Bei Ah Loo Soo Gabagabeeyo Macalimiintaas Iyada Oo Todobaadka Soo Socdana Lagu Wado In La Furo Dugisga H/Dhexe Ee Dagmada Balcad  

Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215766663/002521653623


Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka Liibiya

Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye, Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado Hogaamiyaha Liibiya.



Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye, waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 21, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.