SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

Ramadaan Kariim 

Marka hore mahad idilkeed waxaa iska Allah. Naxariis iyo nabadgelyana waxey korkiisa ahaatay rasuulkeenii Muxamed ( C.S.W). 

Intaas kadib anigoo ka faa段deysanaya fursadan Qaaliga ah ee Bish barakeysan ee Ramadan, waxaan leeyahay dhammaan ummadda Soomaaliyeed meel walboo ay joogaanbaa Ramadaan kariim. Allaah ha ina waafajiyo kheyraadka iyo barakada ay leedahay bishan, oo aynu uga faa段deysano samakatalis, heshiisiin, iscafis, is kaalmeen iyo wax alla iyo wixi loogu deg degi karo kheyraadka bishan. 

Waxaan kaloo halkan ugu baaqayaa, dhammaan qoraayada Soomaaliyeed, ee wax kusoo qora bogagga Soomaaliyeed inay iyagana bishan, aqoontooda ugu faa段deyaan ummadda Soomaaliyeed, wax alla iyo wixi uu ku jiro kheyraadka, oo aynu kawada shaqeyno sidi ummadda Soomaaliyeed laysugu soo dhawqeyn lahaa. 

Allahayow Soomaali, oo israacda, meel u wadajeeda, wanaaga iyo horumarka kawada shaqeysa, qabyaalada iyo qurunka isaga tagta, isu gargaarta, iswada saamaxda ayaanu bishan ramadaan kaa baryeynaa. 

Allahayow Riyadeenu ma dhaboowi doontaa, oo ma arki doonaa Soomaali, oo meel qura u wada jeeda, oo khilaafka iska iloowda, Dowladda kumeelgaarka ah, Maxkamadaha Islaamiga ah iyo maamul Gobaleedyada jira, oo gacmaha isheysta oo dariiq qura wada qaadaya. 

Soomaaliyeey aynu uga faa段deysano bishaan ramadaan in waddanki si niyad ah loogu duceeyo, oo Allaah aynu ka barino in uu dhibaatada Soomaaliya ka dul qaado. 

Soomaaliyeey mar kale Ramadaan kariim, oo Allaha inaga dhigo kuwo kheyraadka u deg dega. Aaaamiin. 

Waxaan kaloo fursadaan uga faa段deysanayaa inaan hambalyo taas la mid ah aan u diro dhammaan Web Mastarada iyo qoraayada boggaga soomaaliyeed, oo iyagu Allaah ka soke fursadaan aynu isu helnay inaynu isu gudbino araadeena iyo fikradaheena iska lahaa. Waxaana idiin leeyahay waad ku mahadsantihiin. 

By Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser
Leicester UK.
saicentadv@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 23, 2006

Axkaamta Ramadaanka::: Ka akhri....

 


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD