Cabdullaahi Yuusuf Ma Maamuli Karo
SoomaaliyaQormadii: Jerry
Okungu
Tarjumadii: Maxamed Xaaji (Ingiriis)
Waxaa laga yaabaa inaan ahay qof si qaldan u fekeraya,
laakiin wax yar ka hor intaan la saxiixin heshiiskii nabadda
Soomaaliya ee Nairobi ee qabqablayaasha dagaalku ay ugu doorteen
Cabdullaahi Yuusuf inuu noqdo Madaxweyne ayaan saadaaliyey musiibo
iyo guuldarro. Sidaa uma yeelin anigoo Cabdullaahi garanayayey,
waxaanse u yeelay markaan arkay duruufaha doorashadiisa eek u
taxaluqday rekoorkiisa ah: Qabqable Dagaal.
Hadda laba sano kaddib, saadaasheydii ayaad mooddaa inay
si sax ah ku timid. Sidaa awgeed waxa i walaacinaya, anigoo
rajeynaya inay dad kale oo waaqiciyiin ahna welwelayaan, ayaa waxay
tahay sababta bulshada caalamka, Africa iyo dunida inteeda kale
aysan u arkaynin in Cabdullaahi Yuusuf oo lagu taageero inuu soo
celiyo nabaddii iyo xasiloonidii Soomaaliya ay la mid tahay iyadoo
Ri’ la warsaday inay la xaajooto Yaxaas.
Labadii sano ee ugu dambaysay ayaa waxay si shaki la’aan
ah u caddeeyeen in Cabdullaahi Yuusuf uusan u fiicnayn Soomaaliya.
Nooca siyaasaddiisa ayaa waxay tahay mid sii kala qeybinaysa dalka.
Waa askari si sahlan loogu sifeyn karo Fulayga Dalka (Coward of the
Country). Wuxuu jecel yahay inuu ku dhex ciyaaro goob nabdoon.
Hadduusan sidaa ahayn, wuxuu ka tegi lahaa
Nairobi wax yar ka hor markii loo doortay Madaxweynaha, wuxuuna u
kici lahaa Muqdisho.
Sidaa ma uuusan sameyn. Halkuu ka sameyn lahaa, wuxuu ku
daahay Nairobi ugu badnaan sannad, isagoo sugaya xoogag aan jirin oo
nabadda ilaaliya oo Afrikaan ah inay u kexeeyaan xaggaa iyo Muqdisho.
Cabdullaahi Yuusuf wuxuu iska sii joogay Nairobi illaa
markii Maamulka Mwai Kibaki ay si qeexan ugu qasbeen inuu ka baxo
magaalada. Noloshu aad ayay ugu fiicnayd Nairobi, sababtoo ah wuxuu
arkay inaysan jirin baahi uu ugu degdego Soomaaliyada qalalaasuhu la
degeen, si uu u wajaho caqabadaha ku sugaaya xaggaas.
Markii uu kama dambeystii ka dhoofay Nairobi, wuxuu
dulmaray Soomaaliya, wuxuuna aaday dalka Yemen, halkaasoo ay
bilooyin ku qaadatay, ka hor intuusan go’aansan meeshii uu kaga degi
lahaa Soomaaliya. Markuu aakhirkii degay, ma aysan noqon meeshuu ku
degay Muqdisho ee wuxuu tagay Baydhabo, isagoo ka cabsanaya
qabqablayaashii dagaalka ee xukumay Muqdisho oo aysan isaga
saaxiibtinimo kala dhexeyn.
Go’aankiisa ah inuu dego Baydhabo ayaa waxay khilaaf ka
dhex riday isaga, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha
oo iyagu taageersanaa in dowladdu ku degto Muqdisho. Hase ahaatee,
inkastoo uu xitaa aakhirkii tiisa ku guuleystay, Soomaaliya weli
kama soo kabsan dagaalkii daba dheeraaday ee gudaheeda ka jiray.
Tuugannimada iyo burcadnimada ayaa gilgilaysay dhulkoo
dhan. Miliishiyaad nooc kastaba leh ayaa sii waday inay dalka ku sii
haystaan madax-furasho, illaa markii dambe ay Maxkamadaha Islaamigu
ka soo hoos bexeen dambaska, si ay xukunka ula wareegaan, una soo
celiyaan sharciga iyo kala dambaynta.
Hadda oo aan qoraayo maqaalkan, dhammaan Soomaaliya, ka
reeb Somaliland oo ku taalla waqooyiga, waxaa gacanta ku haya
Maxkamadaha Islaamiga. Si kastaba ha noqotee, Somaliland waxay ka
goosatay koonfurta inteeda kale wax yar kaddib markii Maxamed Siyaad
Barre la sii macsalaameeyey billowgii 1990-meeyadii.
Sida haddii taas aysan ku filneyn, laba toddobaad ka hor,
dagaal ayaa wuxuu ka qarxay Baydhabo oo ah halka dowladda
Cabdullaahi Yuusuf ay fadhiga ka sameysatay. Dagaalkaas wuxuu ku
saabsanaa xukunka garoonka diyaaradaha. Badankood dad ajnabi ah oo
Baydhabo booqanayey oo aniga ila mid ahaa ayaa waxay maalmo dhowr ah
magangelyo ka heleen magaalada Waajid oo Maxkamadaha Islaamigu ay
maamulaan annagoo sugeyna in nalaga daadgureeyo meeshaas.
Wax yar ka hor qarixii bamka ee dhacay Isniintii ee ugu
yaraan la tegi gaaray nolosha Cabdullaahi Yuusuf laftiisa ayaa
qabqable dagaal oo la yiraahdo Maxamed Ibraahim Xaabsade oo xukuma
Baydhabo wuxuu digniin siiyey dowladda Cabdullaahi Yuusuf inay ka
guurto Baydhabo, haddii kale inuu awood magaalada kaga saari doono!
Qaraxaas oo ay dad badan ku dhinteen ayaa wuxuu sawir
cad ka bixinayaa xaqiiqada in maalmihii Cabdullaahi Yuusuf uu sii
ahaan lahaa Madaxweynaha Soomaaliya ay tirsan yihiin. Wuxuu
aakhiritaanka Cabdullaahi dhex dabaalan doonaa xaaladdii uu dhex
dabaashay Maxamed Siyaad Barre. Joogitaanka uu sii joogo Soomaaliya
uma wanaagsana dalka. Uma wanaagsana sidoo kale Africa iyo bulshada
caalamka.
Isku day kasta oo Soomaalida lagula qasbayo inay liqaan
Cabdullaahi Yuusuf waxay hubaashii kicin doontaa dhiig daata iyo
saameyn aan la qiyaasi karin. Africa, xaqiiqdii, uma baahna Ciraaq
kale ama Afghanistan kale oo ciiddeeda ah.
Haddii Maxkamadaha Islaamigu ay awoodaan inay koonfurta
Soomaaliya ku soo celiyaan sharciga iyo kala dambeynta, haddii
Somaliland ay muujisay inay dowlad nabadeed kexeyn karaan shan iyo
toban sannadood, oo ay qabsan karaan doorashooyin joogto ah oo ay si
guud ugu soo celin karaan dadka reer Somaliland noloshoodii, maxaan
ugu qasaarinaynaa siddeed kun oo askar Afrikaan ah inay ilaalo ka
hayaan hal shaqsi iyagoo qatar gelinaya naftooda? Madaxweyne
Cabdullaahi Yuusufse, ma u qalmaa inay u dhintaan Soomaali keliya ma
ahane xitaa dadyowga kale ee
Africa? Uma maleynayo.
Warbixintan waxaa qoray Jerry Okungu
oo jooga Nairobi. Waxaa soo tarjumay Maxamed Xaaji (Ingiriis) oo
jooga Brussels. Wuxuu ku soo baxay maqaalkani wargeyska The New
Vision ee ka soo baxa Kampala.
Maxamed Xaaji (Ingiriis)
ingiriis@yahoo.com