Wararkii Sept 22, 2006
- Maalinta Nabada oo laga xusey
Magaaladda Muqdisho
- Subaxnimada Jimcada oo Dugsiga
Sare ee Booliska lagu Toogan doonaa Gacan ku dhiigle..
- Sahro
Ugaas Faarax "Waxaan u bixin lahaa maalinta Nabadda maxkamadaha
Soomaaliya"
- JWXO oo
canbaaraysay afduub Ogaadeenya ka dhacay.
Maalinta Nabada oo laga xusey
Magaaladda Muqdisho
Waxaa maalintii shaley ahayd dalka laga xusey Maalinta Nabada Adduunka
waxaana xaflad arrintaa ku saabsan lagu qabtey Xarunta SSWC waxaa ka
qayb galey masuuliyiin ka socotey Bulshada Rayidka ardeyda wax ka barata
Xarunta SSWC . waxaa ugu horeyntii halkaas ka Hadley Aamina Xaaji Cilmi
oo ah xiriiriyaha Xarunta SSWC waxay sheegtey in Nabada ay tahay midda
furaha u ah Horumarinta Bulshada waxay u soo jeedisey Bulashada
Soomaaliyeed in la adkeeyo Nabadda la heysto isla markaana laga
faa’iidaysto, waxaa kaloo ka hadlay C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo
isagu ka hadlayey Magaca Bulshadda Rayidka ah wuxuuna sheegay in Nabadda
ay tahay mid ay u baahan yihiin Ummadda Soomaaliyeed la ‘aanteedana aan
la gaari Karin wax horukac ah “u mmadda Soomaaliyeed waxay soo martay
lix toban sano oo Nabad la ‘aan ah maanta waa inaan ka faa’iideysannaa
Nabadda aanu helnay.
Xafladaasi waxaa kaloo erayo ka soo jeediyey, C/Nuur Xaaji Maxamed
wuxuuna halkaas ka tirayey erayo ka hadlaya dhinaca Nabdda waxayna
erayadaasi ku qornaayeen Afka Ingiriiska waxaana laga dhandhansanayey in
ay isku xiran yihiin Nabadda, Caddaaladda, Jecaylka, CNuur ayaa ka
qaybgalyaasha Xafladda waxa uu weydiiyey Cidda fasirta Nabadda Qof baa
istaagay wuxuuna yiri” waa markaad hesho Xorriyo, iyo Nolol, mid kale
ayaa isna istaagay oo wuxuu yiri” Nabaddu macnaheedu waa markaan
Gurigayga si Nabad ah ku tago, mid kale sii raaciyey” waa markaan helo
wax barasho walwal la ‘aan ah” Gabar baa istaagtay oo waxay tiri”
Nabaddu waa markaan cajiinka reerka si Nabad ah ku geeyo guriga”.

Xaflad la mid ah midaan ayaa waxa lagu qabtay Magaalada Baydhabo waxaa
lagu muujiyey Banaanbax oo mid lagu taageerayey in Dalka la keeno
Ciidamo shisheeye midna waxa uu ahaa mid lagu xusayey maalinta Nabadda
ööAdduunka waxaana lagu cambaareeyey Qaraxii la damacsanaa in lagu dilo
Madaxwayne C/llaahi Yuusuf waxaana ka hadlayey Wasiirka Gaadiidka Cirka
iyo Dhulka Max’ed Ibraahim Xaabsade.
Subaxnimada Jimcada oo Dugsiga Sare ee
Booliska lagu Toogan doonaa Gacan ku dhiigle..
Waxa maalinta berri ah Dugsiga sare ee Booliska ee Magaalada Muqdisho
gaar ahaan halka xigta Badda lagu Toogan doonaa Gacan ku dhiigle C/qaadir
Max’ed Diiriye (Mallaay) oo dhawaan dilay nin ganacsada ah oo lagu
magacaabi jiray Max’ed Xasan Barre waxaana xukunka dil ah kudhawaaqay
Guddi loo xilsaaray Gacan ku dhiiglayaal dhowr qof ku dilay Magaalada
Muqdisho tan iyo markii ay qabsadeen Muqdisho Maxkamdaha Islaamiga ah
waxaana horkacayey Shiikh Cumar Iimaan oo sheegay in qofkasta oo dambe
noocan ah gala in la toogan doono, Maxkamadda lagu fuliyey xukunkan oo
ah Maxkamadda islaamiga ee Warshadda Caanaha ayaa waxaa kaloo xukun ku
ridey Mahad Cusmaan Ugaas oo asaguna horay u dilay Ganacsade Max’ed
Aadan Siyaad (ukurow), Maxkamadda ayaa xabsi daa’in ku xukuntey Cabdi
Salaan Cali Khayre ka dib markii uusan noqon qofkii xabadda ku dhuftay
Max’ed Aadan Siyaad balse u gacan qabtay.
Dhamaan Raggaan ayaa u dilay Marxuumiintaasi arrimo la xiriira ka
dhicidda Mobailada ayadoo Mahad CIsmaan Ugaas waqtiga la dilayo ay dib u
soo sheegi doonaan Maxkamadaha,
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
Sahro
Ugaas Faarax "Waxaan u bixin lahaa maalinta Nabadda maxkamadaha
Soomaaliya"
Guddoomiyaha ururka FERRO (Family
Endowment & Relief Organization) Sahro Ugaas oo ka hadlaysay 21ka
September maalinta nabadda caalamka iyadoo ku sugan magaalada Muqdisho
ayaa waxay sheegtay in xilligan ay tahay waqtigii ugu habbooneyd ee
magaalada Muqdisho dhinaca nabadda ay soo marto sanooyinkii ka dambeeyay
dowladii Max'ed Siyaad Barre.
Sahro Ugaas ayaa tiri 'Runtii maanta oo
kale waa mid aad muhiim u ah nabadda la xusayana magaalada Muqdisho
waxaa gacan weyn ka geystay maxkamadaha Islaamiga iyo dadweynaha iyo
ururrada bulshada dhammaantood oo is kaashanaya, waana in la xoojiyaa
lagana faa'iideystaa" iyadoo intaasi ku sii dartay in ay jiri jirtay
inaan sidan oo kale magaalada Muqdisho soo marin.

Sahro ugaas faarax guddoomiyaha |
Nabaddu waa furaha nolosha, nabaddu waa
furaha wax walba, la'aanteedna wax suurto geli kara lama arko, waxaana
sidaa daraadeed maanta ku taageeraynaa in nabaddaas lagu wada noolaado
horayna loo sii wado.
Sida
aad la socotaan maanta magaalada Muqdisho ma lahan nimankii qab-qablaha
ahaa, ma lahan isbaarooyin, ma lahan dad la qafaalayo, ma lahan gabar la
kufsanayo, ma lahan wax la kala dhacayo, intaasoo dhan waa ilaahay
mahaddiis, waa nabad, waxayna fure u tahay nolosha sidaan horay u soo
sheegay, waxaan ka soo degay sitimaan ka hor garoonka diyaaradaha
magaalada Muqdisho, runtii taasi waxay tahay mid indhaheyga illin ku soo
istaajisay galgacal awgiis, waxaan tagay furdada, sidoo kale waa ay
shaqeyneysaa, ummaddii way is dhex mareysaa, meel alaale meeshaad rabtid
ayaad mari kartaa, waa Ilaahay mahaddiis, ummadda Soomaaliyeed
munaasabaddan awgeed waxaan kula dar-daarmayaa in nabaddaasi ay horay u
sii qaadaan, inay ka wada shaqeeyaan iyadoo aan qofna laga tagin, iyadoo
aan cidna loo eexan, sida ay tahayna horay loogu wado, waayo qof kasta
oo Muqdisho jooga waxa uu ka qeyb qaatay sidii nabaddaasi ay u soo
baxday, haddaan sida ururada bulshada oo kale, kacdoonka dadweynaha,
maxkamadaha Islaamiga ah, haweenka, dhallinyarada, dhammaan waa laga
wada qeyb qaatay, xitaa caruurta way ka qeyb qaadatay, marka waa Ilaahay
mahaddiis waxaan Soomaali u sheegayaa inay horay u sii wadaan oo aysan
gadaal u noqon oo ay ka faa'iideystaan waayo ilmihiina ayaa wax
baranaya"
"Maanta magaalada Muqdisho dhinacyada
haddaad fiirisid ma arkaysid wax wax waardiyeynaya lama arko, waxaana la
arkayaa isteeshimadii Booliiska oo ay maxaakiimtu joogaan,
dhaq-dhaqaaquna wax walba waa iska caadi, sidii aan u imidna xabbad hal
maalin ah ayaan ka maqlay taasi oo la iigu sheegay inay shaqo aheyd"
ayay tiri Sahro Ugaas Faarax oo hadalkeeda sii wadata.
"Qofkii qof dilay waad arkaysaan in
maxkamaddii la saarayo, wixii wanaag sameeyay wanaaggii ha sii wadaan"
Hambalyo Aroos: Dadka kala ah
- Yuusuf Cabdilaahi Maxamed
- Kaysar Cabdilaahi Maxamed
- Abiib Cabdilaahi Maxamed
- Siciid Cabdilaahi Maxamed
- Axmed Cabdilaahi Maxamed
- Faadumo Cabdilaahi Maxamed
- Maryan Cabdilaahi Maxamed
- Caasha Cabdilaahi Maxamed
- Istaahil Cabdilaahi Maxamed
- iyo Hooyo Canab Faarax Madar
oo kala Jooga dalalka Britain, Holland
iyo Somaliland waxay Tahniyad kal iyo laab ah u dirayaan
Cabdikariim Maxamed Faarax iyo Salma Cabdilaahi Maxamed oo uu
Maanta (21-09-2006) uu Meherkoodu ka dhacay Magaalada Hargeysa.
Waxaanu Ilaahay uga baryaynaa inuu ka
dhigo kuwii isku waara ee Ubad khayr qabana kala hela. Aamiin.
Kaysar Cabdilaahi. Bristol.UK
kaysar@europe.com
|
Sahro Ugaas Faarax oo ah guddoomiyaha
ururka FERRO oo sida ay sheegtay ah urur u khidmeeya haweenka una qabto
waxyaabo badan oo ay ka mid tahay nabadda, sidoo kale waxa ay sheegtay
inay fureen xarun nabadda lagu dhiirageliyo isla markaana lagu tababaro
haweenka, haddana waxaan furnay xarunta la dagaallanka Gudniinka
Fircooniga iyo HIV-ga sidii wacyi gelin loogu sameyn lahaa, waxaana u
sheegaynaa dadweynaha Somaaliyeed maadaama nabadda furan tahay inay la
soo xiriiraan Xafiiska ururka oo ku yaalla Degmada Hodan xaafadda Taleex
si ay macluumaad uga helaan haweenka, waxaana laga helayaa halkaasi sida
ay sheegtay dukumentiyaal muhiim ah oo lacag la'aan ah.
Sahra Ugaas Faarax ayaa waxay sheegtay
in ay wax weyn u dhexeeyaan magaalada Muqdisho maalintii ay ka tagaysay
iyo hadda, iyadoo ku sifeysay maalintii tagaysay inay tahay maalintii
Hotel Saxafi ay maxkamaduhu gacanta ku dhigeen, xaafadda ay deggan
tahayna uu dagaalku ka dhacay, balse hadda ay ku nabad ku joogaan maanta
oo ay 21-ka September oo ah maalinta nabadda adduunka, waxaana jiray
maalmahaasi cabsi aad u ballaaran iyo kala shaki dadweynaha magaalada
Muqdisho ay qabeen iyo dagaallo joogto ah taasoo meesha ka baxday hadda,
iyadoo aad loo kala shakinayo ayaan anigu ka tagay.
"FERRO waxaa la aas-aasay sanadkii
1992dii, waxaana aas-aasay haween Soomaaliyeed oo waxgarad ah kaddib
markii ay arkeen dhibaatada waddada ka jirtay loona baahday in la
aas-aaso ururkan, waxaana ka mid ah waxyaabaha aan qabano dhinaca
nabadda, haweenka oo aqoontooda kor loo qaado, waxaa ka mid ah
caafimaadka haweenka iyo gudniinka fircooniga oo lagala dagaallamo" ayay
tiri Sahro ugaas, iyadoo intaasi sii daba dhigtay in munaasabaddan ay
tahay middii ugu horreysay oo ay ka qeyb qaataan.
Mar wax laga weydiiyay eraybixinta ay u
isticmaali laheyd maanta maadaama magaalada Muqdisho ay tahay mid nabad
oo ah dekeddeedii iyo airporkeedii ay shaqeynayaan waxa ay ugu yeeri
laheyd ayay tiri "Wallaahi waa su'aal aad u fiican, hoosta ayayna uga
soo gashay, aniga fikraddeyga gaarka haddaan ka hadlo waxaan u bixin
lahaa maalinta Nabadda ee Maxkamadaha Islaamiga Soomaaliyeed.
Munaasabaddan ayaa waxaa isla soo qaban
qaabiyay ururka FERRO oo xaruntiisa lagu qabtay iyo ururka SACWE oo
xaruntisu ay ku taallo magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha,
wuxuuna xiriir la leeyahay ururro badan oo ka jira caalamka, isagoo
haweenka bara sida ay sheegtay Sahro qaabka secretarialka ee looga
shaqeeyo xafiisyada.
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623
Barnaamijkii Radio Xoriyo
22
September 2006
JWXO oo
canbaaraysay afduub Ogaadeenya ka dhacay.
Hay’adihii Qaramada Midoobey oo
Puntand ka guuraya
Wadaxaajood u socda Maxkamadaha
Soomaaliya iyo Maraykanka
======================
JWXO oo
canbaaraysay afduub Ogaadeenya ka dhacay.
Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogadeenya
JWXO ayaa si xooggan u canbaaraysay afduub horraantii toddobaadkan
loo gaystay labo ka mid ah shaqaalaha Laanqayrta Cas, kuwaasoo laga
afduubay meel 50 km u jirta magaalada Godey.
“Afduub ama waxyello loo gaysto
shaqaalaha ururrada samafalka ah ee Ogaadeenya ka hawlgala waa wax
aan sinaba loo aqbali Karin, isla markaana ka turjumaya isku day cad
oo lagu donayo in lagu majara-habaabiyo ama lagu cilleyo halganka
xaqa ah ee dadwaynaha Ogaadeenya ugu jiro aaya-ka-talintiisa, sidaas
waxaa lagu sheegay bayaan ay JWXO soo saartay maalintii arbacada
ahayd ee Sebember 20ka ahayd.
JWXO waxay afduubayaasha labadan nin
gacanta ku haya ka dalabtay inay si ugu dhakhsaha badan oo shuruud
la’aan ah u sii dayaan. Waxayna sheegtay in si hayshada shaqaalaha
Laanqayrta Cas ayna ku jirin dan aan ka ahayn in hay’adaha caalamigi
ah ee samafalka ahi ay kaalmadoodii kala noqdaan dadwaynaha
Ogaadeenya.
JWXO waxay sidoo Hay’adda Laanqayrta
Cas ugu baaqday inayna joojinin hawlihii samafalka ahaa ee ay ka
waday dalka Ogadeenya, balse ay sii kordhiso hawlaha ay ka wado
Ogadeenya, oo ay hadda boqollaal qof oo rayad ahi ku xidhxidhan
yihiin magaalooyinka kala duwan. Dadkan rayadka ah ee ka buxa
xabsiyada xukuumadda Itoobiya waxay aad ugu baahan yihiin kaalmada
Hay’adda Laanqayrta Cas.
JWXO waxay ugu denbayntii u xaqiijisay
qoysaska labadan nine e la afduubay in falkan waxshinimada ah ay ku
kaceen koox yar oon sinaba uga turjumi Karin donista dadwaynaha
Ogaadeenya.
Maalintii isniinta ahayd ee bisha Sebtember 18ka ahayd ayaa
afduubayaal aan la garanaynin ay ka afduubteen meel 50 km dhinaca
waqooyiga ka xigta magaalada Godey Donal O`Suilleabhain, oo 41 jir
ah oo u dhshay dalka Irland iyo nin Itoobiyaan ah oo u shaqaynayay
Hay’adda Laanqayrta Cas.
Shaqaalahan ayaa Godey iyo nawaaxigeeda ka waday hawlo samafal ah oo
la xidhiidha dayactirka iyo nadiifinta Ceelasha laga cabbo ee
deegaanno ka mid ah dalka Ogadeenya.
Hadaba iyada oo aanan la garaneyn cida qafaalatey shaqaalahan iyo
ujeedada ay ka leeyihin, ayaa waxay hadda wararku sheegayaan in la
haystayaashii xidhiidh la soo sameeyeen Hay'adda Laanqayrta Cas,
isla markaana ay u sheegeen inay bad-qabaan, si fiicana loola
dhaqmay, hase yeeshee ayna wax faahfaahin ah ka bixinin cidda
haysata iyo waxay ka amacsan yihiin.
Falkan afduubka ah ayaa keenay in hay'adda Laanqayrta Cas ay gebi
ahaanba joojiso hawlihii samafalka ahaa eey ka wadday dalka
Ogaadeenya 11-kii sano ee la soo dhaafay. Laanqayrta Cas ayaa ahayd
hay'adda kaliya ee samafalka ah ee hadda xilligan ka hawlgalaysay
dalka Ogaadeenya, iyadoo la ogoosn yahay in xukuumadda Itoobiya
horjoogsato hay'adaha aan dawliga ahayn ee isku daya inay wax u
qabtaan shacabka dulman ee Ogaadeenya.
Hay’adihii Qaramada Mdoobey oo Puntand ka guuraya
Hay’adaha Qaramada Midoobey ee ka
hawlgala dhulka hoos yimaada maamulka Puntland ayaa shaqaalohoodii
shisheeyaha ahaa kala baxaya nawaaxiga Puntland, ka dib markii ay
hay’adaha Qaramada idoobey heleen qraallo loogu digayo.
Hawl-wadeenada Hay'adahan ayaa sheegey
in E-meil loogu soo diray digniino tilmaamaya in weeraro la mid ah
kuwii Muqdisho iyo Baydhabo ka dhacay iyagana lala beegsan doono.
Weerarradan oo dhawaan ka kala dhacay
magaaloyinka Muqdisho iyo Baydhabo waxaa midka Muqdisho lagu dilay
haweenay Talyaani ah oo ka shaqayn jirtay xarunta SOS ee magaalada
Muqdisho, iyo midka kale oo isaguna u muuqday in loola jeeday
madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya.
Xukuumada maamul gobolaeedka Puntland
ayaa ka codsatay hay'adaha samafalka ah ee Qaramada Midoobey inay ka
noqdaan go'aankooda ah inay shaqaalaha shisheeyaha ah la baxayaan,
wuxuuna maamulku hay’adahan u ballanqaaday inuu ammaankooda sugayo.
Wadaxaajood u socda Maxkamadaha Soomaaliya iyo Maraykanka
Guddoomiyaha Golaha Fulinta
Maxaakiimta Islaamiga ah ee Soomaaliya Sh Shariif Sh Axmed ayaa
shaaca ka qaaday in dhexdhexaadin laga dhex wado Golaha Maxaakimta
Islaamiga iyo dowladda Maraykanka,si loo yareeyo buu yidhi tuhunada
ay dowladda Mareykanka ka qabto Golaha Maxaakiimta Islaamiga
Soomaaliya.
Sh Shariif wuxuu daaha ka qaaday inuu
jiro xidhiidh dedban oo iyaga iyo Maraykanka dhex maray, kaasoo ay
ka dab-qaadayaan dhinacyo kale oo uu ka gaabsaday inuu shaaca ka
qaado.
Sh Shariif wuxuu xusay in ulajeedada
xidhiidhadan dhex maraya iyaga iyo dowladda Mareykanku ay tahay
sidii dalka Soomaaliya looga horatgi lahaa faragalin ay dadyow
shisheeye ahi ku sameeyaan.
Wuxuuna mar kale ku celiyay eed uu u
soo jeediyay xukuumadda Itoobiya oo uu sheegay iany ku lug-ledahay
qaraxyadii Isniintii ka dhacay magaalada Baydabo ee la rabay in lagu
dilo madaxwaynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Soomaaliya C/llaahi
Yuusuf Axmed.
Sh Shariif wuxuu hoosta ka xarriiqay
in xukuumadda Itoobiya ay maleegayso shirqoollo ka dhan ah dadka
Soomaaliya, kuwaasoo ay kaga hortagayso nabad iyo xasillooni ka
dhalata dalka Soomaaliya.
22
September 2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee
dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Ururka SOYWA oo qabtay siminaar ku
saabsan Xaquuqda
Maalintii shalay ahayd ayaa xarunta Ururka SOYWa waxaa lagu qabtay
siminaar ay soo qabanqaabisay Ururka SOYWA iyadoo gacan ka heleysa
Hay’adda NOVIB, waxaana ka qaybgalay ilaa iyo 20 qofood oo ka socday
ururada dhallinyarada.

Siminaarkaan oo lagu baranayey cashiro la xiriira xaquuqda Haweenka ayaa
waxaa cashiro ka bixinayey AVV. Sakeriye, C/llaahi Shaashaale iyo C/Naasir
Yuusuf Macallin (Ganey), waxayan dhamaantood si aad ah ugu dheeraadeen
tacadiyada loo gaysto Haweenka Soomaaliyeed.
Xabiibo Max’ed Guutaale oo ah madaxa tababarada Hay’adda SOYWA ayaa soo
xirtay siminaarkaasi, waxayna u soo jeedisay in xubnihii ka qaybgalay
siminaarkaasi ay casharadii ay halkaasi kabarteen uga faa’iideeyaan
gabadha kale ee Soomaaliyeed, siminaarkaan oo socday mudo labo maalmood
ayaa aheyn midkii ugu horeeyay oo uu qabto Ururkaasi
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
DAGMADA
BALCAD OO NASIIB U YEELATEY IN LAGA FURO DUGSI SARE
Saminaar Socon Doono Mudo Sadax Cisho
Ah Ayna Ka Qeyb Galeen Macalimiintii Ugu Horeysay Oo Wax Ka Dhigaya
Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ayaa Si Rasmi Ah Uga Furmay Xarunta Cayaaraha
Kubada Teeniska Ee Dagmada Balcad ,

Saminaarkaan Oo Furitaankisii Ay Ka
Qeyb Galeen Mas.Uuliyiinta Dagmada Balcad .Qaarka Mid Ah Ganacsatada .Waxgaradka
.Iyo Culumaa.Udiinka Ayaa Waxaa Ugu Horeyntii Ka Hadlay Gudoomiyahay
Siyaasada Xamar Iyo Xamar Daye Ahna Gudoomiyaha Dagmada Balcad Macalin
Xaashi Macalin Farax , Iyo Gudoomiyaha Maxkamada Islaamiga Ah Ee Dagmada
Balcad Sh : Cali Sh: Maxamuud Shuuriye .Gudoomiye Ku Xigenka Dagmada
Balcad Abuukar Adan Celi .Ugaaska Dagmada Balcad Ugaas Maxmuud Weli
Ugaas Xuseen .Nabadoon Tahliil Axmed Ceynte .Iyo Ganacsade Maxaaday Cali
Waranle Iyo Mas.Uuliyiin Kale Iyaga Oo Si Faahfaahsan Uga Hadlay Baahida
Loo Qabo In Dib Loo Yagleelo Hanaankii Waxbarasho Ee Dagmada Balcad Oo
Xaalada Murugaleh Ku Jiray Mudo Lix Iyo Toban Sano Ah Iyo Baahida Ay U
Qabaan Dadka Ku Dhaqan Dadka Degan Balcad Dhinaca Waxbarasgada Iyaga O
Xusay In Dagmada Balcad Ay Haatan Fursad Qaali Ah U Heshey In Ay Ka
Bilowdaan Howlihii Waxbarasha Aasaasiga Ahaa Ka Dib Markii Maamulka
Dagmada Balcad Iyo Dadweynaha Oo Kaashanaya Jaaliyadaha Somaliyeed Ee Ku
Abtisada Dagmada Balcad Ay Iska Kashadeen In Ay Dib U Distaan Una
Dayactirteen Goobihii Waxbarashada ,Maantana Ay Tahay In Macalimiintii
Ugu Horeysay Ee Wax Ka Dhigi Laehyd Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada
Balcad Loo Furo Saminaarkii Ugu Horeeyey Oo Ay Ka Qeyb Galaan 12 Macalin
Waxyna Ka Codsadeen In Ay Ka Faaiidaystaan Mudada Uu Saminaarkaan Socdo
Iyaga Oo Si Gaara Ugu Mahadceliyey Qaarka Mid Ah Jaaliyadahaas Oo Ay Ka
Mid Yihiin Yasiin Maxi Iyo Abuukar Cali Geedi Oo Iyagu Si Gaara Isaga
Xil Saaray In Uu Najaxo Dugsiga H/Dhexe Iyo Sare Ee Dagmada Balcad ,


Mas.Uuliyintaas Oo Ka Hadashay
Furitaanka Saminaarkaas Oo Uu Ka Mid Ahaa Macalin Xaashi Maxamed Faarax
Ayaa Ugu Baaqay Jaaliyadaha Ku Dhaqan Dalka Dibadiisa Ee Ka Soo Jeeda
Deegaanka Balcad Iyo Nawaaxigiisa Iyaga Oo Ka Faaiidaysanaayo Nabada
Haatan Ka Jirta Dalka Gar Ahaan Tan Balcad In Ay Dalkooda Iyo
Deegaanadooda Ay Maalgashadaan Una Abuuraan Fursado Shaqo Iyo Kuwo
Waxbarasho Sida Haatanba Ay Talaabad Koowaad Ay U Qaadeen Ayna Ku Ekaan
Oo Keliye Waxbarashada Ee Ay Xooga Saaraan Dhinacyada Kale Ee Cafimaadka
.Ganacsiga Wax Oosaarka Warshadaha .Xoolaha Yo Beeraha ,
Gudoomiyahay Maxkamada Islamka Ah Ee
Dagmada Balcad Sh: Cali Sh: Maxamuud Shuuriye Ayaa Isne Ku Dheeraaday
Faaiidada Waxbarasgada Iyo In Aysan Iku Mid Aheyn Ruuxa Waxyaqaan Iyo
Ruxa Aan Waxba Aqoon Uuna Ku Guubaabiyey Macalimiinta Uu Siminaarku U
Furmay Xiliga Duruustu Ay Socoto ,
Munaasibadaas Oo Aheyd Mid Si Wanaagsan
Loo Soo Agasimay Ayaa Waxaa Lagu Wadaa In Maalinta Bei Ah Loo Soo
Gabagabeeyo Macalimiintaas Iyada Oo Todobaadka Soo Socdana Lagu Wado In
La Furo Dugisga H/Dhexe Ee Dagmada Balcad
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somalia
0025215766663/002521653623
Safaaradda
Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka
Liibiya
Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu
qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey
sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii
uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka
qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno,
iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo
jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in
Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo
jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay
Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye,
Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay
in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.
Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii
afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo
qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in
Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado
Hogaamiyaha Liibiya.

Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay
magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay
waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada
Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay
Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye,
waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka
hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka
Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay
ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli
ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed
dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay
in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta
wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula
jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si
wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka
Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi
ku dhamaatay sidii loogu talagalay.
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com