Faallo:
Yaa ka dameeyey weerarkii ismiidaaminta ee Baydhabo?
Cabdirisaq Maxamed xuseen-Eskilstuna,
Sweden
habdirisak@hotmail.com
Sida la wada ogsoon yahay waxaa
taariikhdu kolkii ay ahayd 18-kii september, weerar bambaanooyin ah
lagu qaaday madaxweynaha dowlada ku meelgaarka ah, Md Cabdullahi
yusuf ahmed isagoo jooga magaalada baydhabo. Madaxweynaha ayaa
kolkaas gudanaayey hawshiisa qaranimo.
Haddaba weerarkaan oo ahaa mid
ismiidaamin ah( suicide bombing) ama qof isqarxiyey. Isqarxinta
noocaan oo kale ah waxaan badanaaba ku aragnaa wadamada bariga dhexe
iyo meelo kale oo badan. Siyaabo kala duwan ayuu qofku isu qarxiyaa,
kol haddii uu doorto inuu dunida ka tago. Qaarbaa jirkooda ku xira
bambooyin oo kolkii ay tagaan meeshii la doonaayey in la haligo ayey
isqarxiyaan. Qaarbaa baabuur bambooyin iyo waxyaalaha qarxa kasoo
buuxiya oo soo kaxeeya isla markaasna iyagoo gaarigii wada la gala
halkii qaraxa loogu talo galay. Arinkani beryahan dame waxaa uu
caadi ka noqday wadanka ciraaq.
Haddaba qaraxii ismiidaaminta ahaa
ee lagu weeraray madaxweynaha waxaa uu ahaa mid loo adeegsadey
baabuur laga soo buuxshey waxyaalaha qarxa, ka dibna isqarxiyihii
intuu soo kaxeeyey uu ku dhuftay mid ka mid ah gawaaridii la socotey
madaxweynaha. Halkaasna uu ka dhacay qarax isdaba joog ah, oo
burburiyey dhamaan baabuurtii halkaas mareysey . Sidaas waxaa
weriyey dhamaan warbaahinta caalamka, gaar ahaan AP iyo reuters.
Weerarka noocaan oo kale ah waa kii ugu horeeyey oo ka dhaca ciida
wadanka Soomaaliya. Haddaba inta aynaan ka faaloon saameynta uu
yeelan karo iyo dadka la tuhunsan yahay iney ka dameeyeen, waxaan
waxyar ka taabanayaa qorshaha iyo wakhtiga uu u baahan yahay in la
fuliyo weerar noocaan oo kale ah.
Qorshaynta weerar ismiidaamin
ah
In la fuliyo qorshahaan
ismiidaaminta ahi ma aha mid sahlan. Waxaa uu u baahan yahay saddex
shey oo muhiim ah: 1) dad ku xeel dheer habka ay isula falgalaan
waxyaabaha qarxa, qaabka qofku isu qarxin lahaa, sahminta la
sahminayo meesha qaraxa laga fulinaayo. Waxaa la sameeyaa Falanqeyn
dheer ( analysis). Taas oo u baahan cilmi dheer iyo weliba waaya
aragnimo dheer.
2) Dhaqaale badan. Dhaqaalahaasi
waxaa uu ku baxaa meelo dhowr ah. Ugu horeyn waa in la iibiyaa
qalabkii wax lagu qarxin lahaa, sida bambooyinka iwm. Waa in la
iibiyaa baabuurtii loo adeegsan lahaa qaraxa, Waa in lacag badan la
geliyaa sidii howsha loo qarin lahaa ( cover up activities). Intaas
waxaa dheer in la siiyo lacag badan dadka isqarxinaaya eheladoodii.
Waa gorgortan dheer balse marna akhristow ha u maleynin in qof intuu
gacanta taago oranaayo anigaa diyaar u ah inaan isqarxiyo. Xitaa
haddii qofka la yiraa jano ayaad geleysaa haddaad howshaan fuliso,
waxuu oranayaa waa in reerkeyga dhaqaale la siiyaa.
3) Qodobka sadexaad waxaa weeyaan
wakhtiga. Taas oo loola jeedo wakhtiga uu qaadan karo qorshahani.
Khabiiriinta ku xeeldheer arimaha ismiidaaminta waxaa ay sheegeen in
qorshahani u baahan yahay ugu yaraan dhowr bilood ugu badnaana
sanado, taasoo hadba ku xiran baaxada qorshaha la fulinayo iyo
khasaaraha la rabo in la geysto. In madaxweyne la dilaa ama la
qorxiyaa waxaa ay u baahan tahay qorshe dheer, maxaa yeelay amniga
madaxweynayaasha oo badanaaba aad loo adkeeyo.
Weerarkii Baydhabo
Weerarkii ismiidaaminta ahaa ee
lagu weeraray Cabdullahi yusuf waxaa uu ahaa mid loo adeegsadey
aaladaha aan kor ku soo sheegnay oo dhan, khabiiriin takhasus leh,
dhaqaale iyo wakhti dheer oo la qorsheynaayey.
Haddaba suàalo badan ayaa la
isweydiin karaa:
- Khabiiriinta umuurtaan ku lug
lihi ma soomaali baa mise waa shisheeye?
- Maxay qaraxyadaan
ismiidaaminta ahi horey uga dhici waayeen soomaaliya?
- Yaa bixiyey dhaqaalaha loo
adeegsadey weerarkaan? soomaali mise ajnebi?
- Dadka howsha fuliyey ee
naftooda ku waayey waa ayo? soomaali mise ajaanib?
- Waa maxay ujeedada looga
golleeyahay iskudeyga dilka madaxweynaha?
Suàalahaan jawaabahoodu waxaa ay si
cad usoo bixi doonaan, kolkii baaritaanka booliiska soomaaliyeed iyo
khuburooyinka ay soo dhamaado. Kolka la baaro maydadka dadka
isqarxiyey ama la wareysto kuwa la hayo. Balse arimo badan ayaa
cadeynaaya in ajnebi lug ku leeyahay arinkaan waxashnimada
ah.Maadaama aaney soomaalidu khibrad u lahayn siyaabaha loo
qorsheeyo qof isqarxinaya. Gaar ahaan qorsheynta iyo ka baaraan dega
weerarkaan ma aha mid uu ka muuqdo dhaqanka dagaalka ee soomaalida.
Waxaa kale oo ay noqon kartaa iney ka qeybqaateen soomaali lagu soo
tababaray wadamo kale. Dhaqaalaha ku baxay waa suurtogal iney
bixiyeen soomaali dano gaar ah leh.
Dadka naftooda waayey ee isqarxiyey
waxaa laga yaabaa in ay soomaali yihiin, kuwasoo loo adeegsadey
dhaqaale iyo arimo kale. si kastaba ha ahaatee weerarkan isbiimeyntu
waa mid geli doona taariikhda soomaaliya. Saameynta uu yeelan karo
iyo ujeedooyinka laga leeyahay waxaan kaga faalloon doonaa
qormadeyda dame. Taas oo aan qori doono insha allah kolkii
baaritaanka arinkani dhamaado, lagana soo saaro natiijo rasmi ah oo
ku saabsan dadka geystey weerarka wadamada ay ka yimaaden iwm.
Mahadsanidin
Cabdirisaq Maxamed
xuseen-Eskilstuna, Sweden
habdirisak@hotmail.com