SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR
March 14, 125

Wararkii Sept 20, 2006
  • Gawaari ay leeyihiin Xubnaha Dowlada oo loo Adeegsadey Qaraxii ..
  • Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka Liibiya
  • Ururka IGAD oo qabanaya kulan looga haldayo..
  • Jaamacadda Carabta oo wal-wal ka muujisay..
  • Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo..
  • Hay’ado iyo Ururo cambaareeyay Qaraxyadii…
  • Garoowe: Dawlada hoose ee magaalada Garowe oo bilowday hawlo lagu sifaynayo wadooyinka magaalada.
  • Maxakamadda Nuurul Islaam oo Saldhig Ka Sameysatey Degmada Toortooroow
  • Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga.

Gawaari ay leeyihiin Xubnaha Dowlada oo loo Adeegsadey Qaraxii ..

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerarkii lala damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/Llaahi Yuusuf Axmed, waxayna wararka sheegayaan in Qaraxaasi lagu fuliyey mid ka mid Gawaarida ay wateen xubnaha Dowladda hase yeeshee lama oga in ay yihiin Xubnaha Baarlamaanka ama inay yihiin kuwa Xukuumadda uu Madaxda u yahay Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi, waxaa socda baaritaan la xiriira Qaraxaasi, waxaana illaa iyo haatan u xiran Qaraxaasi labo ruux oo lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen Qaraxaasi, sababaha tuhunka galiyey in Qaraxaasi loo adeegsaday Gawaari ay leeyihiin xubnaha Dowladda, waayo gudaha xarunta Baarlamaanka waxaa geli kara oo keliya Gawaarida Xubnaha Dowladda loomana ogala in ay xarunta galaan Gawaari kale, gawaarida ku gubatay Qaraxaasi ayaa waxaa la sheegay in qaar ka mid ah ay lahaayeen Xubnaha Dowladda iyo kuwa ka tirsan Baarlamaanka, warar kale ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa mid ismiidaamin ah oo ay fuliyeen labo qofood oo soo galay xarunta Dowladda.

Warar ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxaasi uu ahaa labo miino oo horey loo dhigay halka Gawaarida ay dhigtaan xubnaha Dowladda, Ra’iisul Wasaare Cali Max’ed Geedi ayaa mar kale ku celiyey in Qaraxaasi ay ka dambeeyeen kooxo xiriir la leh Ururka Al-Qaacidda waxayna Dowladdu markiiba codsatay In loo soo diro Guddi baaritaan oo gacan ka gaysata Ciddii ka dambaysay Qaraxaasi, Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa waxa uu Qaraxa dusha ka saaray kooxo Argagixiso oo xriir la leh Ururka Al-Qaacidda, wuxuuna sheegay in haddii kooxahaas aan laga hortagin ay keeni karaan In ay cirka isku shareerto nabdagalayada Geeska Afrika.

Safaaradda Liibiya ee Soomaaliya oo qabatey xuska Sanad guurada 37 aad ee kaacaanka Liibiya

Waxaa habeenkii xalay ahaa hotel shaamow ee Magaaladda Muqdisho lagu qabtay Xaflad si heer sara ah loo soo agaasimay waxaana lagu xusayey sanad-Guuradii 37aad ay ka soo wareegtay kacaankii Liibiya,waana markii uu xukun la wareegay Hogaamiyaha Liibiya Macamaral-Qadaafi waxaana ka qaybgalay Mas’uuliyiin ka socotay Maxkamadaha Islaamiga ah, Aqoonyahanno, iyo marti sharaf kale, waxaana ugu horreeyntii halkaas warbixin ka soo jeediyey safiirka Liibiya ee Soomaaliya Mudane Idiris wuxuuna sheegay in Shacabka Liibiya iyo Shacabka Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireen ah waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay gargaar balaaran siisay Shacabka Soomaaliya gaar ahaan waqtigii ay socdeen dagaalada sokeeye, Mudane Idiris waxa uu sheegay in Dowlada Liibiya ay weli diyaar u tahay in ay sii wado gacansiinta Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Idirs wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Liibiya uu haatan wado sidii afrika isugu keeni lahaa oo ay u yeelan lahayd, Gole Baarlamaan,Ciidamo qura, lacag kaliya , Baasaboor kaliya, wuxuuna sheegay in Hogaamiyayaasha Afriga ay si aad ula dhacsanyihiin qorshayaas uu wado Hogaamiyaha Liibiya.



Wax kaloo halkaaas ka hadlay Dr. Max’ed Cali Ibraahim oo ku hadlay magaca Maxkamadaha Islaamiga waxa uuna sheegay in Dowlada Liibiya ay waligeed garab taagneyd Shacabka Soomaaliyeed asagoo sheegay Dowlada Liibiya ay tahay Dowlada kaliya ee safaaradeedu ka furan tahay Soomaaliya xilli ay Shacabka Soomaaliyeed ay ku jireen dagaalo sokeeye, waana mid Mahadeedu uu leeyahay Hogaamiyaha Liibiya, waxaa kalo ka hadlay Shiikh Axmed dhicisow oo ku hadlayey Magaca Culuma’uddiinka Soomaaliyeed wuxuuna sheegay in Dowladaha Liibiya iyo Suudaan ay ahaayeen kuwa kaliya waligood garab taagnaa Shacabka Soomaaliyeed, xilli ay ummadda Soomaaliyeed ay ku jirtay dhibaato.

Sidoo kale waxaa ka hadlay Dr. Maxamed dheere uu ku hadalyey magaca aqoonyahannada Soomaaliyeed wuxuu sheegay in Dowlada Liibiya aysan horay u helin dad la macaamilooda balse maanta wuxuu sheegay in ay heystaan dad ay la Macaamili karaan asagoo ula jeeday Maxkamadaha Islaamiga ah. Ugu dambeyntii waxa Toortihii xuska si wada jir ah u wada jary Shiikh Yuusuf Max’ed siyaad indhacadde, Safiirka Liibiya Mudane idiris, iyo Dr. Max’ed Cali ibraahiim, waxayna xafladaasi ku dhamaatay sidii loogu talagalay.

Ururka IGAD oo qabanaya kulan looga haldayo..

Waddamada ku bahoobey Ururka Gobaleedka IGAD ayaa waxa ay qorshaynayaan in ay isugu yimaadaan kulan deg deg ah kaasoo ka dhici doona Dalka Kenya waxaana kulankaan looga hadli doonaa arrimaha ku soo kordhay xaaladda Soomaaliya gaar ahaan Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee la damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed, iyo waliba dilkii ka dhacay Magaalada Muqdisho oo loogu gaystay Haweenaydii Soorada ahayd una dhalatay Waddanka Talyaaniga.

Kulankaan ayaa waxa laga yaabaa in uu soo dedejiyo in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah oo gacan siiya Dowladda Fedaraalka ah si ay uga kaalmeeyaan arrimaha amaanka.

Inkastoo Waddamada IGAD ay isku khilaafsan yihiin in Soomaaliya loo diro Ciidamo Nabad ilaalin ah haddana waxaa laga yaabaa in qaar ka mid ah Waddamada IGAD oo horey u diidanaa in ay ogalaadaan in Soomaaliya si dhaqso ah loogu diro Ciidamo Nabad ilaalin ah.

Kulankii kal hore ka dhacay Dalka Kenya ayaa waxaa uu ahaa mid ay si weyn isugu khilaafeen waddamada IGAD kaddib markii qaar ka mid ah ay si weyn uga soo hor jeesteen in Soomaaliya Ciidamo Nabad ilaalin ah loo diro.

Jaamacadda Carabta oo wal-wal ka muujisay..

Jaamacadda Carabta ayaa si weyn wal-wal uga muujisay Qaraxii ka dhacay Magaalada Baydhabo kaasoo la doonayey in lagu khaarijiyo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf Axmed waxayna ku tilmaameen mid carqalad gelin kara hannaanka dib u heshiinsiinta Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shirkii u dhexeeyey Dowladda Federaalka iyo Maxaakiimta Islaamiga ah ee ka dhacay Dalka Suudaan iyadoo bisha Oktoobar lagu ballansan-yahay wajiga saddexaad ee shirka.

Jaamacadda Carabta waxa ay ka dalbadeen Dowladda Fedraalka ah iyo Maxaakiimta Islaamiga ah in ay dar-dar geliyaan go’aanadii ka soo baxay shirkii khartuum kaasoo labada dhinac ay si weyn u ogolaadeen in ay fulinayaan qodobadii ka soo baxay shirkaasi

Jaamacadda Carabta waxa ay doonayaan in ay ka mira dhaliyaan in ay heshiis dhab ah gaaraan Maxkamadaha iyo Dowladda Federaalka si halkaas uga soo baxdo Dowlad loo dhan yahay.

Arrimaha ugu adag ee la isku mari la’ yahay waxaa ka mid ah keenista Ciidamo shisheeye ee Soomaaliya ayadoo Madaxwayne C/llaahii Yuusuf oo wali ku adkaysanaya in Dowladda ay hesho Ciidamo kala shaqeeya dhinaca amaanka iyo ilaalin xarumaha Dowladda.

Wasiirada Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo..

Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya iyo Kenya ayaa xalay kulan ku yeeshay Magaalada Nayroobi waxaana kulankaasi la iskula soo qaaday xaaladdii ugu dambeysay Soomaliya, gaar ahaan qarixii ka dhacay Magaalada Baydhabo ee lala damacsanaa in lagu dilo Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Labada wasiir ayaa isku aragti ka noqday in Soomaaliya si dhaqsi leh loogu soo diro ciidamo nabad ilaalin ah, iyadoo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya uu sheegay in Dowladaha IGAD ay ka dhabeeyaan ballanqaadkii hore ee ahaa in Soomaaliya loo soo diro ciidamo nabad ilaalin ah oo gacan siiya dowladda Federaalka maadaama xaaladda nabadgelyo ee Soomaaliya ay aad u xumaatay.

Buubaa waxa uu horey u sheegay in qarixii ka dhacay Magaalada Baydhabo ay ka dambeeyeen kooxo xiriir la leh ururka Al-Qaacida kuwaas oo doonay inay carqaladeeyaan nabadgelyada Geeska Afrika iyo waliba caalamka Initiisa kale, waxa uuna sheegay in loo baahan yahay in laga hor tago kooxahaasi.

Hay’ado iyo Ururo cambaareeyay Qaraxyadii…

Shacabka Soomaaliyeed ayaa si weyn uga xumaaday Qaraxii lala damacsanaa in lagu dilo Madaxwayne C/llaahi Yuusuf, waxayna cambaareyn dusha uga tureen kooxihii ka dambeeyey Qaraxaasi.

Xarunta Ismaaciil Jimcaale ayaa cambaaraysay Qaraxaasi oo ku Sheegtay in uu yahay mid ka baxsan Shareecda Islaamka, Dhaqanka soo jireenka, ee Ummadda Soomaaliyeed, iyo baaqa Caalimig ah Xuquuqda Aadanaha oo oranaya cid kasta waxa ay xaq u leedahay in ay ku noolaato nabad iyo xorriyo. Ururka Ahlu-Sunna Wal-Jameeca ayaa isna cambeeraayey Qaraxaasi kuna tilmaamay mid dhibaato u keenaaya Shacabka Soomaaliyeed, waayo Qaraxyada noocaan oo kale ah Ummdda Soomaaliyeed caado uma lahan. Ururka dhalinyarada Islaamka Soomaaliyeed ayaa isna cambaareyn dusha uga tuuray kooxihii ka dambeeyey Qaraxaasi waxeyna dalbadeen in caddaalad la horkeeno kuwii ka dambeeyey falkaasi. Qaramda Midoobay ayaa iyana cambeeraasay Qaraxaasi kuna tilmaamay mid keeni kara qalalaaso iyo iska hor imaadyo hor leh.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

|NEWS DAILY.NEWS | WORLD.NEWS


Garoowe: Dawlada hoose ee magaalada Garowe oo bilowday hawlo lagu sifaynayo wadooyinka magaalada.

Aroortii talaadadii ayaa dadwaynaha ku dhaqan magaalada caasimada u ah puntland ee Garowe ay ku waa bariisteen raxan ka tirsan ciidamada Booliska iyo kuwa daraawiishta oo ku hareeraysan goobo si sharci daro ah loo dhistay kuwaasi oo ay dawlada hoose ee magaalada Garowe ku tilmaantay in ay yihiin kuwo wax u dhimaya bilicda magaalada sidaa darteedna loo baahan yahay in gabi ahaanaba la dundumiyo.

Ciidamada Booliska oo gaashanaya kuwa daraawiisha DGPL ayaa durba dhulka dhigay meherado bada oo ku yaalay goobo ganacsi bartamaha magaalada Garowe halkaasi oo ay qoysasbadani kala soo bixi jireen nolal maal meedkooda, in kastoo ay ahaayeen goobahaasi kuwo si sharci daro ah ay qoysaskaasi u dhisteen isla markaana haleeyay bilicdii iyo jidadkii waawaynaa ee algu yaqiinay caasimada puntland ee Garowe.

Duqa Degmada Garowe ahna Gudoomiyaha Golaha shacbaka Degmada Garowe Mr: food cade oo isagu hawlgalkan ka dhanka ah burburinta goobaha sida sharci darada ah loo dhistay ayaa xaqiijiyay in hawgalkan maanta bilowday socona doono mudo ilaa inta laga hubinayo dhamaystirka waa jibaadka loo bilaabay hawlgalkaan waxana uu intaa ku daray in ay tanai tahay shaqo wayn loona baahan yahay in dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu ay si wayn uga qayb qaadato islamarkaana ay isaka fogayso waxyaabah jidgooyooyinka keeni kara oo ay ka shaqeeyaan bilicda iyo nadaafada caasimada puntland ee Garowe si ay u noqoto mid nin walba uu maal gashankaro.

Si kastaba hawlgalkaan ayaa looga goleeyahay sidii loga sifayn lahaa dhamaan goobaha sida sharci darada ah looga dhistay magaalada garowe taasi oo saakaba si habsami leh u bilaamatay islamarkaana lagu baneeyay goobo badan oo ay dadku si sharci daro ah u dhisteen.

Goobaha sida wayn loo baneeyay ayaa waxaa ka mid ah suuqa wayn ee looyaqaano Inji kaasi oo ay dadku si sharci daro ah u dhisteen dhamaantiis waxaana laga dun dumiyay goobo badan oo sharci daro ah sidoo kalena waxaa la baneeyay suuqii hore ee loo yaqaano firshada kaasi oo isna laga qaaday dhamaanba buushash xiray wadadii dhexmari jirtay suuqaasi oo hada lagadhigay mid si wayn u banaan oo haawanaysa aan cidna daganayn nadifna ah, sidoo kale waxaa dhamaanba la qaaday ganacsiyada kabarada loo yaqaano oo soo gala gudaha wadooyinka iyagana waxaa laga qaaday meelihii ay yaaleen waxaana looga digay in ay ku soo dhawaadaan wadooyinka dhexmara magaalda.

Hawgalkani wali waa uu socdaan waxaana la rajaynayaa in ay tilaabadaan ay maanta ku dhaqaaday dawlada hoose ee garowe ay ahato mi wax tar leh oo aan gala go in si looga faa iidaysto wax tarka dawlada hoose isla markaana u horseeda shacbka tilaabo wax ku oo al.

Duq degmada ayaa markii la doortay cadeeyay in uusan kursiga ugu farisian oo kalya in uu hanti tabcado balse uu doonayo in uu soo saaro bilicda caasimada puntland ee garowe islamarkaana uu waxbadan ka qaban doono nabadgalyada, caafimaadka, nadaafada, iyo hormarka caasimada.

A/rizak koronto
Garowe puntland


Maxakamadda Nuurul Islaam oo Saldhig Ka Sameysatey Degmada Toortooroow:

Maalinimadii Jimcaha ayaa masuuliyiinta iyo ciidamada Maxkamadda Nuurulislaam u guurtey degmada Toortooroow oo ka tirsan G.SH .Hoose,waxaana si weyn u soo dhoweeyey Odeyaasha iyo waxgaradka Deegaanka.Intaas ka dib masuuliyiinta iyo dadka deeegaanka oo meelfagaare ah ka khudbeeynaayey ayaa waxaa ,degaal kedis ah ciidanka maxkmadda ku soo qaadey malleeshiyo ka tirsan kuwa deegaanka ,kuwaas oo diiddanaa inay maxkamaddu halkaas degto,waxaana rasaas jawaab celin isku difaacey ciidanka maxkmadda .

Rasaastu waxay billaabantey khudbaddii u dambeeysey ee uu jeediyey Guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cusmaan Xuseen,iyadoo rasaastuna ka billaabantey xaruuntii ay maxkamaddu degtey ,dadbadeedna waxaa halkaas ku kala cararey dadweynihii ka soo qaybgaley baanaabaxa.Dagaalka halkaas ka billowdey wuxuu socdey muddo soddon daqiiqo ah.Waxana ugu dambeyntii magaalada si toos ah gacanta ugu dhigey Ciidanka maxakmadda ,maleeshiyada weerarka soo qaaddeyna waa kala firdhadeen.

Waxaana gacan ka hadalkaas ku dhintey hal qof oo ka tirsan shacabka magaalada ,waxaana ku dhaawacmey mid ka mid ah ciidamada maxakamadda kaas oo dhawaacaiisu yahay mid fuddud.Waxaana dagaalkaas ku lug lahaa malleeshiyooyin halkaas ka qaadan jirey canshuur baad ama Leejo ah oo ay ka qaadi jireen dadka deegaanka iyo kuwa ganacsatada ee halkaas yimaada.Si kastaba ha ahaatee waxaa ugu dambeyntii magaalada si buuxda Gacanta ugu dhigey Ciidanka maxakamadda Nuurul islaam.



Waxaana ka dib shir jaraaid halkaas ku qabtey guddoomiyaha maxkamadda Xasan Cusmaan Xuseen ,wuxuuna u tacsiyeeyey dadkii ku dhintey dagaalkas islamarkaasna ku dhaawacmey ,sidoo kale wuxuuna degannaasho ugu baaqey Shacabka ,wuxuuna si cad u sheegey inay magaaladu ammaan tahay wax hub ah oo lagu dhaxqaadan karana aysan jirin ,sidoo kale kuwa soo weerareyna wuxuu ku sheegey kuwo aan lahayn ujeeddo siyaasadeed ,balse ujeedkoodu yahay inay sii qaataan waxa loo yiqaanno leejada.Guddoomiyuhu wuxuu shacabka deegaanka iyo qayabaha kale ee gobolka u ballanqadeey in la sugi doono amaankooda .

Odeyaasha Deegaanka Toortooroow Raalligelin Ka Bixiyey Degaalka Lagu Qaadey Maxkamadda

Maalinimadii Sebtida ahayd ee ay taariikhdu ahayd 16 Septembar ayaa odeyaasha deegaanku waxay raalligelin ka bixiyeen degaalka maxkamadda lagu soo qaadey ayagoo falkaas ku sheegey mid ay fuliyeen kooxo burcad ah oo ninna ka amar qaadanin ,waxayna ka cudurdaarteeen in falkaas loo geystey ka raalli ahaadaan.Sidoo kale waxay si buuxda magaalada maamulkeeda amaankeeda iyo hubka deegaanka ugu wareejiyeen maxkamadda Nuurulislaam.



Sidoo kale waxay caddeeyeen ninkii ka madaxadeygga inuu qoriga maxkamadda u dhiibo waxa gaara ay iyadu masuul ka tahay loona qabsan Karin maxkamadda .
Dhinaca kale waxaa arrintaas raalligelinta si dhab ah u aqbaley masuuliyiinta maxkamadda ,hase yeeshee waxay dalbadeen in kooxihii dagaalka ku soo qaadey hubkooda soo wareejiyeen ,si ammaanka magaaladu u sugnaado,iyagana ganaax iyo ciqaab ugu noqoto.

Waxaana odeyaasha go’aankaas soo jeediyey ka mid ah:Cabdi Xaaji Aadan Magadlle,Xaaji Aadan Guure ,Gaaboow Buulle Xasan,Cabdi Xasan Mahad”Jiis”,iyo sheikh C/raxmaan Aadan.Masuuliyiinta Maxkamadda ee arrintaas aqbaley waxaa ka mid ah Xasan Cusmaan Xuseen Guddoomiyaha ,Macallin Soomoow Cusmaan Aadan iyo C/llaahi Sheekh Ibraahiim.

Xafiiska Warqabadka DMC Muqdisho
Muuse Maxamuud Jiisow
musejisow@hotmail.com
002521576666/002521653623


Barnaamijkii Radio Xoriyo
19 September 2006
 
Jaaliyada Ogaadeenya ee Minnesota oo kulan wayn isugu timid.
 
Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga.
 
 Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid.
 
Qarax dad ku dhintay oo Addis Ababa ka dhacay.
 
Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Unugta JWXO ee Leicester-Uk oo shir balaadhan isugu timid.
 
 
======================                    
 
Xubnaha Jaaliyada Ogaadeenya ee gobolka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa maalintii ahayd isugu timid kulan wayn oo ka qayb qaateen dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Ogaadeenya, taasoo lagu qabtay fagaare wayn oo ku yaalla badhtamaha magaalada Meniapoles.
 
Xafladdan waxaa loogu talagalay inay isku bartaan qaybaha kala duwan ee buslhada Ogaadeenya ee gobolkaasi ka kooban tahay, isla markaana ay ka wada tashadaan arrimo la xidhiidha halganka xornimo doonka ah ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO ma-jaraha u hayso.
 
Dadwaynihi xafladdan ka soo qayb galay ayaa muujiyay farxad wayn oo la xidhiidha guulaha is-dabajoogga ah ee ciidammada xoreynta Ogaadeenya ka soo hoyiyeen ciidammada gumaysiga Itoobiya iyo guul darradii ay badeen ciidammadii saama la-luudka ahaa ee Meles u soo diray inay hawlgal millatari ka fuliyeen dalka Ogaadeenya, kuwaasoo al baday guul darro iyo jab ayna marna ka soo waaqsan doonin.
 
Madashii xafladdaasi ka dhacday waxaa ka hadlay oday dhaqameedyo iyo dad indheergarad ah oo u dhashay dalka Ogaadeenya, kuwaasoo bulshada ku guubaabiyay in si aan hagar lahayn la isu garab istaago halganka xaqa ah ee JWXO kula jirto gumayisga Itoobiya, isla markaana adkaysi iyo dulqaad loo yeesho, lagana dhiidhiyo dhibaatooyinka ay ciidammada gumaysigu hadh iyo habayn u gaysanayaan dadwaynaha Ogaadeenya.
 
Dadwaynihii xafladdaas isugu yimid ayaa isku dhaarsaday inay hiil iyo hooba la garab istaagaan halganka xaqa ah ee JWXO hormuudka ka tahay, inay ilaaliyaan midnimada iyo isku duubnaanta dadwaynaha Ogaadeenya iyo in caalamka loo bandhigo xadgudubyada iyo dhibaatooyinka bani’aadamnimada ka baxsan ee xukuumadda Itoobiya ku hayso dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya.
 
Gabdho lagu xidhxidhay magaalada Jigjiga.
 
Wararka ka imanaya magaalada Jigjiga ayaa sheegaya in habaynimadii axaddu soo galaysay ay ciidammada Gumaysiga Itoobiya ku xidhxidheen magaalada Jigjiga seddex gabdhood oo walaalo ah, kuwaasoo lagu kala magacaabo;
1-    Rooda Axmed Ayjeex
2-    Shukri Axmed Ayjeex
3-    Raxma Axmed Ayjeex
 
 Ciidammada Gumaysiga Itoobiya ayaa kordhiyay dilka iyo xadhigga ay u gaystaan dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya, ka dib ay ku guul darraysteen hawlgalkii millatari ee ku wajahnaa ciidammada xoreynta Ogaadeenya ee xukuumadda Itoobiya ka billowday dalka Ogaadeenya daba-yaaqadii biishii Abril.

Ma jiraan wax dambi ah oo ay gabdhahan ku mutaysteen xabsiga loo taxaabay, waxaana gurigooda laga soo qabqabtay iyagoo hurda.
 
Haweenka Ogaadeenya ee Ohio oo shir wayn isugu yimid.
 
Haweenka Ogaadeenya eek u dhaqan gobolka Columbus, Ohio, ayaa shir wayn isugu yimid, kaasoo ay ka soo qayb galeen dumar aad u badan iyo masuuliyiin ka tirsan JWXO.
 
Shirkan, ooh al-ku-dhaggiisu ahaa, “La ooy haweenka iyo carruurta Ogaadeenya” waxaa lagu lafa-guray dhibaatooyinka kala duwan ee gumaysigu u gaysto dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxaa sidoo kale lagu falanqeeyay qadiyada Ogaadeenya iyo halganka xaqa ah ee ka socda dalka Ogaadeenya ee JWXO hormuudka ka tahay.
 
Shirkaas waxaa ka hadlay oo warbixino kala duwan ka soo jeediyay masuuliyiin JWXO oo ka kala tirsan guddiga fulinta iyo golaha dhexe ee JWXO, kuwaasoo ka warbixiyay arrimo kala duwan oo halganka la xidhiidha iyo guulaha laga gaadhay dagaalka hubaysan ee lagula jiro ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Waxaa shirkaas ka soo baxay go’aamo la xidhiidha sidii loo xoojin lahaa taageerada loo fidiyo halganka Ogaadeenya, waxaana la isku dhaarsaday in la is-garab taago halganka ay JWXO hormuudka ka tahay oo la kordhiyo taageerada dhinac walba ah ee loo gaysto.
 
Qarax dad ku dhintay oo Addis Ababa ka dhacay.
 
Qarax wayn ayaa maalintii jimcaha ahayd ka dhacay magaalada Addis Ababa, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan seddex qof, mid kalana uu ku dhaawacmay. Booliska xukuumadda Meles ayaa sheegay in qaraxani uu dhacay, ka dib markii uu boolisku weeraray afar nin oo bombo samaynayay, iyadoo weerarkaas ay seddex ku dhinteen, mid kalana dhaawac lagu qabtay.
 
Ilaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay inay qaraxaas ka denbaysay. Qaraxani wuxuu ugu denbeeyay qaraxyo badan oo magaalada Addis Ababa ak dhacay, kuwaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan toddoba qof tan iyo bishii Maarso ee sannadkan.
 
Booliska gumaysiga Itoobiya ma aanuu sheegin hal qof uu qaraxyadaas u qabtay, hase yeeshee wuxuu dhammaantood ku eedeeyay inay ka denbaysay dawlada Eritereya, balse ma jiraan wax caddaynaya in Eritereya ka denbayso qaraxyada soo noqnoqonaya ee Addis Ababa ka dhaca.
 
Jannaraalo sarsare oo ka soo goostay ciidammada gumaysiga Itoobiya.
 
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa u muuqda kuwa kala dhaqaaqaya oon lahayn nidaam iyo kala danbayn ciidan, iyadoo ay ugu wacan tahay nolol xumada iyo raja darrada oo si wayn ugu dhex faafsan ciidammada Itoobiya.
 
Toddobaadkii hore waxaa ciidammada Itoobiya ka soo baxsaday oo ku biiray Jabhadda Xoreynta Oromiya OLF birgaydh jannaraal Hailu Gonfa, oo ka mid ahaa taliyayaasha ciidammada Itoobiya iyo kornayl Gemechu Ayana, oo isaguna ahaa taliyaha qaybta siddeedaad ee ciidammada Itoobiya.
 
Labadan sargaal ayaa sheegay in taliska TPLF ee kaligii taliska ahi uu isku dayayo inuu cagta saaro kacdoonka ay wadaan dadwaynaha Itoobiya, sidaas darteed ay dhibaatadii dadwaynuhu uun sii kordhayso haddii ay talis noocaas ah u sii adeegaan.
 
Waxay sidoo kale sheegeen inay Isbahaysiga Xorriyada iyo Dimuqraadiyada AFD u arkaan inuu yahay dariiqa kaliya ee lagu gaadhi karo xal u-helidda dhibaatada Itoobiya iyadoo la adeegsanayo wadaxaajood iyo is-afgarad lagu baddalo dagaalka iyo dhiigga daadanaya.
 
Unugta JWXO ee Leicester-Uk oo shir balaadhan isugu timid.
 
Maalinimadii axada ee ay taariikhdu kubeegnayd 17/09/006 ayaa waxaa shir si aada loosoo abaabulay isugu yimid xubnaha & taageerayaasha j.w.x.o ee gobalka laster ee wadanka ingiriiska shirkaas oo ay kasoo qayb galeen dad farabadan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada
ayaa waxaa looga hadlayay horumarinta& niyad samida loohayo halganka j.w.x.o shirkaas ayaa waxaa war bixin dheer kasoo jeedisay  marwo; khaalisa ugaas mahad oo xubin katirsan golaha dhexe ee jabahada  wadaniga xoraynta ogadenia  khud badaas oo aykaga hadashay marxalada halganka jwxo marayo& waliba guulihii ugu dan beeyay ee c.x.o soo hoyiyeen bilihii ugu danbeeyay.
 
kadib waxaa isna qudabad dhinacyo badan taabanaysa kajeediyay madasha shirka gudoomiyaha unugta laster cali taahir nuur oo isaguna si waafi ah uga hadlay xaalada guud ee dalka ogadenia marayo & sida loo baahan yahay inaan uga qayb qaadano  xaalada halgaka& dalkuba kusugan yihiin
ugu danbayn ayaa xubnihii halkaas isugu yimid oo ay kamuuqatay qiiro& farxad wadaniyadeeed balan qaadeen inayna ka daalayn taageerda ay uhayaan halgankooda xaqa ah isla markaana ay sii laban laabayaan tageerada halganka

 

Daraasad ku saabsan Ogaadenya oo ka dhacday

                            Jaamicadda Leiden, Holland
 
Shir lagaga hadlayay xaaladda bini’aadamnimo ee ka jirta dalka Ogaadenya ayaa lagu qabtay Jaamicadda Leiden eek u taalla dalka Holland. Shirkan waxaa si qabanqaabiyey  ururka u dooda xuquuqda Ogaadenya ee loo yaqaano Ogaden Human Rights Committee (OHRC) laantiisa Holand iyaga oo la kaashanaya waaxda daraasaadka Africa (African Studies) ee jaamicadda iyo Proffessor Doornbos.
 
 Daraasadaas ayaa loogu magac-daray “Somali Region in Ethiopia: Towords Peace and Justice” oo Af Somali ahaan ku noqonaya “Nabad iyo Caddaalad laga gaadho dhulka Soomalida Itoobiya(Ogadenya)”
 
 Qodobadii kulanka laga wada xaajooday waxaa ka mid ahaa xaaladda xuquuqul insaanka, colaadaha qawmiyadaha ama beelaha ka dhex taagan, sida nabad loo abuuri karo, dac-darada haweenka iyo carruurta, xaaladda dhaqaale iyo bulsho, doorka hay’adaha samafalka iyo kaalinta ururada bulshadu ay ka qaadan karaan horumarinta Ogaadenya.
 
 Waxaa halkaas warbixin ka soo jeediyey hay’adda Amnesty International oo ka warantay xaaladda xuquuqul insaanka ee ka jirta dalka Ogaadenya iyo sida ay dawladda Itoobiya ay ugu xad gudubto xuquuqda dadwaynaha guud ahaan Itoobiya gaar ahaana Ogaadenya.
 
 Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Fowsiya Abdiqaadir oo ah gabadh u ololaysa xuquuqda dumarka iyo carruurta isla markaana ah madaxa xafiiska Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ee Canada. Iyaduna waxay si buuxda uga warantay ku xad gudubka xuquuqda haweenka iyo carruurta dalka Ogaadenya.
 
19 September 2006.
Axmed Gaal-Eri                
 
 
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay 11865 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com  Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 20, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)

Warbixin dheer oo ku saabsan Qaraxyadii  ka dhacay Magaalada Baydhabo
»Cabdulaahi Yuusuf oo ka Hadley…
»Cali Maxamed Geedi oo Qaraxaasi Dusha u saariyey ..
»Shiikh Shariif oo qaraxaasi ku Tilmaameyin ay ka dambeysey
»Qaramada Midoobey oo Cambaareysey…
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 19

Garoowe: 170 Macalimiin ah oo wax kadhiga Gobalka Nugaal oo Tababar Loo furay
»Xisbiyada is beddel doonka ah oo ku soo gabagabeeyay..
»Golaha Samafalka iyo hormarinta Soomaaliyeed oo soo..
»Warbixin kooban: Furitaanka Buhoodle Airport iyo...
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Sept 19

Maalinta Masaajida Denmark oo sannad kasta la qabto 17 September

Warabixin: Qaraxyadii lala Beegsaday Madaxweynaha DFKMG
Baydhabo:  Madaxweyne C/laahi Yuusuf ayaa ka badbaadey qaraxyadaas, waxaana halkaas ku... warka oo dhan...


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD

 

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.