Maalinta
Masaajida Denmark oo sannad kasta la qabto 17 September
Waxaa diyaariyey:
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk
Maalinta masaajida Denmark oo
sannad kasta laqabto 17. september, ayaa ku beegnayn sannadkiisii
saddexaad bishan 17keedii.
Magaalada Århus oo ay ku yaaliin
dhawr masaajid oo sida caadiga ahna u qaabaysan habka ururada isla
markaana ku jira guryo ay ku kiraystaan qaab urur sida kan ay ku
jirto Jimciyada Qoysaska Soomaalida (JQS) ee ku taal magaalada Århus
oo kale. Ururadan ayaa intooda badan si keli keli ah ugu hawlan
arimaha xaga diinta iyo dhaqdhaqaaqyada kale ee la xidhiidha baahida
dadka muslimiinta ah ee magaalada Århus oo lagu qiyaaso in ay degan
yihiin muslimiin kor u dhaafaysa 200.000 sida ay qotay warbixin soo
baxaday sannadkii 2004
Baahida ay musliniinta Denmark u
qabaan masaajido si sharciyan ah uga hawl gala dalkan, ayaan ahayn
dhaqdhaqaaqoodu wax maanta ama sannado dhaw bilowday balse laga soo
bilaabo 90meeyadii waxaa jiray isku dayo badan oo ay sameeyeen
Muslimiinta Denmark.
Si kastaba ha ahaato’e marnaba ma
suuro gelin in Denmark laga ogolaado in wax masaajido ah ay ka
hirgalaan, iyadoo weliba caasimada Denmark ee Copenhagen ay deris
yihiin magaalada Mälmø ee kutaal koonfurta Sweden oo iyadu ku
caanbaxday masaajid gubista.
Hadaba iyadoo laga duulayo isku
duubnida muslimiinta dalkaan iyo weliba sidii ay muslimiintu u
muujin lahaayeen inay helaan xuquuda ay dalkan ku leeyihiin ayaa
sannadkii sadexaad waxaa la suxay maalinta masaajida Denmark 17
September (MMDS17).
Jimciyada Qaysaska Soomaaliyeed ee
magaalada Århus ayaa sannadkii ugu horreeysay ka qayb gashay xuska
maalintaa oo sida muuqata ah maalin qiimo wayn u leh muslimiinta
Denmark. Maalintaas ayaa ah mid lagu muujinayo carwooyin lagu
bandhigyo aqoonta iyo culuumta islaamka. Sannad kasta waqti ka hor
inta aanu bandhigu soo gelin ayaa loo sameeyaa xayeysiin xaga
saxaafada ah, si dadka loogu baraarujiyo maalintaas, iyadoo
masaajida hortoodana boodhadh lagu dhejiyo. Masaajida ayaa
maalintaas waxaa loo furaa dadka oo dhan diinta ay doonaan ha
haysteene. Dadka ayaa loo qaybiyaa waraaqaha (the pamphlets) ay ku
qoran yihiin ujeedada laga leeyhay maalintaa, meelaha ay ka heli
karo macluumaad islaamiga ah cidii danaynaysa inay wax ka ogaato
Diinta Islaamka, in dadka si muuqata loogu sharaxo diinta, inay
goobjoog ka ahaadaan salaadaha iyo arimaha la xidhiidha cibaadada ee
ay muslimiintu ku sameeyaan masaajida. Cidii islaamaysa ama doonaysa
inay diinta Islaamka wax ka ogaato maalintaa waxay fursad u helaan
is barasho ama ugu yaraan inay wax ka ogaadaan Diinta Islaamka iyo
dadka Musliniinta ah.
Jimciyada Qoysaska Soomaaliyeed oo
ka mid ahayd meelihii sannadkan markii u horraysay lagu soo
bandhigay carwadan ayaa halkaa waxaa lagu soo bandhigay culuum aad u
badan oo muslimiinta Denshiku ay ka qoreen diinta Islaamka,
culuumtaas oo dhamaantood ku qornaa afka Denishka ayaa waxay isugu
jirtay dhamaan qaybaha diinta, haday ahaan lahayd dhinacyada:
Arimaha la xidhiidha xaga cibaadada,
kelinimada ilaahay, axaadiith, tasfiiska qur’aanka, taariikhda
Islaamka, Siirada NB. Maxamed NNKH, tarbiyada iyo sheekooyinka
caruurta, xaga farshaxanka sida dhimayaashii Islaamka iyo arrimo
kale oo badan oo aan halkan lagu soo koobi karin.
Carwada ayaa waxaa soo qabanqaabiya
Islamisk Videns-og informations Center IVIC (Golaha Aqoonta iyo
Macluumaadka Islaamka). Golahan waa gole ka jira dalkan oo ay hawl
wadeeno ka yihiin dad islaam ah oo jinziyado kala duwan isugu jira,
isla markaana ah dad wax yaqaan oo badankoodu ah dad ka dhisan
dhinaca culuumta Islaamka iyo dhinaca culuumta maadiga ah intaba.
Marka loo eego dalkan oo taariikh ahaan dadka Islaamka oo badidoodu
ay dalkan yimaadeen waqti aan sidaa u fogayn, ayaa la odhan karaa
marka loo eego dedaalka uu golahan sameeyey waa gole waxtar ah, isla
markaana u diyaar ah inuu sameeyo horumar intaa ka badan si wax
badan looga ogaado diinta Islaamka.
Carwada ayaa caadiyan maalintaa oo kale socota 12
duhurnimo ilaa 20 fiidnimo, iyadoo ay maalintaa oo
kale goobta carwada la keeno, shaah, Kafee, keeg iyo
buskut bilaash ah. |
 |
Goobta shaqada ayaa waxaa so
camiray dhalinyaro Soomaaliyeed oo ka tirsan JQS oo u badan dhalin
yarada dalkan ku koray, kuwaas oo ka qayb qaadanayey soo dhawaynta
dadka, sharaxaada macluumaadka iyo wixii kale ee looga baahdo xaga
adeega.
Carwada waxaa lagu casumay dadka
deriska la ah MJQS, waxaa kale oo jiray dhalin yaro waraaqaha
carwada ku qaybinayey wadooyinka masaajidka u dhaw si dadka aan ka
war ahayn ay usoo booqdaan masaajidka.
Masaajidkii ugu horeeyey Denmark oo
qabanqaabo loogu jiro in Århus laga hirgeliyo
Waxaa magaaladan Århus waxaa
indhawaydba qabnqaabo loogu jiray in magaaladan laga hirgeliyo
masaajidkii ugu horeeyey ee Denmark laga dhiso. Ma aha isku daygii
ugu horeeyey oo ay musliinta Denmark isku daydo inay masaajid laga
dhiso dalkan, balse marna ma hirgelin, balse waxaana la odhan karaa
waa isku day wanaagsan.
Qabanqaabada dhismaha Masaajidka
ayaa waxaa ku midaysan ururo badan oo ka socda qowmiyaadka kala
duwan ee ay ka kooban yihiin dadka muslimiinta ah ee dalkan degan.
Ururada ayaa u doortay gudi isku
duba rida arinta qabanqaabada, dhaqaale ururinta iyo la socodka
wixii xaga magaalada looga baahdo.
Arimaha ilaa iyo hadda la
dhamaystiray waxaa ka mid ah:
- In la sameeyey Gudiga guud oo
qaabilsan qabanqaabada shismaha Masaajidka
- Hawlihii gudiga la kala
qaybiyey
- Sharci loo sameeyey arinta
masaajidka ee lagu guda jiro
- In la sameeyey habka isku
xidhka iyo isgaadhsiinta si gacan ballaadha loo helo, iyadoo
arinkaa loo sameeyey web uu qofkii ka qayb qaadan karaa xataa uu
dhaqaalaha ku bixin karo isagoo istimaalaya nadaamka kaadhka (cridit
cards), sida kaadhadhka VISA, Master card iwm. oo cidii lacag
doonaysa inay mashruuca lacag ugu tabarucdo meesha ay doonto
aduunka ha ka joogtee, hadii iyadu ay haysato cridit card waxay
lacagta ku bixin kartaa webka qabanqaabada dhismaha masjidka oo
la yihdhaado:
www.mosquedenmark.org
- Lacag ururinta oo bilaabantay
bishii lixaad ee sannadkan ayaa ilaa iyo hadda waxay maraysa:
Gudigan qabqaabada masjika ayaa
bishiiba dhawr jeer waxay isugu yimaadaan shira ay kaga arinsanayaan
ama ku eegayaan hadba meesha ay hawluhu marayaan.
Gudiga ayaa ilaa iyo hadda waxay la
kulmeen golaha degmada ka taliya, iyadoo la isla gartay in
masaajidka laga dhisi karo magaaladan, meesha ugu haboon oo laga
dhisi karo masaajidkan ayaan iyaa iyada lafteeda aan lagu kala
fogayn.
Xagga dhaqaalaha masaajidku uu ku
kacayo ayaa noqon doona mid dhamantiis ay mulimiintu la bixi doonaan.
Mashruuca ayaa dadka musliinta ah
meel kasta oo ay joogaan uga baahan musaacido dhinac kasta ah haday
ahaan lahayd dhanka hirgelinta mashruuca iyo tala bixinta, dhanka
dhaqaalaha iyo wixii kale ee la isku garab taagi karo dhismaha
masaajidka.
Weli ma lama goyn inta uu
masaajidku le’ekaan doono, laakiin sida la rajaynayo waxaa la
filayaa inuu masaajidkaasi noqdo mid center ah oo laga heli karo
dhamaan adeegyada dadku u baahan yihiin.
Hadii aad lacag ugu deeqdo
mashruuca Islaamiga ah ee magaalada Århus waxaad lacagtaada ku bixin
kartaa webka mashruuca oo la yidhaahdo:
www.mosquedenmark.org
Webka waxaad ka heli kartaa
macluumaad kugu filan oo ku saabsan qaban qaabada iyo dhismaha
masaajidka oo aad ka arki karto magacyada dadka dhaqaalaha ugu
deeqay mashruuca iyo weliba lacagta ilaa hadda la ururiyey meesha ay
marayso.
Warbixin kooban oo ku saabDenmark
Musliinta ku nool guud ahaan dalka denmark ayaa ka
badan |
200.000 (2004 warbixin, 3.4%) |
Mulimiinta ku nool
magaalda Århus (caasimada labaad): |
15000, dadka Århus
degan 295 kun. |
Tirada dadka
Denmark: |
5.5 million |
Bedka : marka laga reebo
Greenland & Færøerne |
43.093 Sq km (u dhigantaa
1/14 Soomaaliya) |
Nadaamka:
Boqortooyo leh dawlad dimoqraadi ah oo la soo doorto 4tii
sanaba hal mar. |
Ururada uu ka tirsan yahay:
EU, Scandinavian, Nordic, NATO, counteries, UN iyo ururo
kale |
Systemka: |
Social nolosha
qoyska, caymiska, shaqo la’aanta, gabowga, curyaamiinta iwm |
Deegaanka
guryaha: |
60% villa |
Waxyaalaha uu dhoofiyo: |
Wax-soo-saarka xaga beraha
iyo xoolaha iyo xooga xaga qalab iyo farsamo ah. |
Shidaalka/macdan |
wuxuu soo saaraa patrol ku
falaan kara isticmaalka gudaha |
Denmark waxaa hoos yimaada Jazeeradaha Greenland iyo
Færøerne |
Denmark waxaa
ku yar dadka da’yarta ah |
Back Ground:
- 2000 ayey dhalin yaro Soomaali
iyo Danish ah soo jediyeen Masjid Århus yeelato, laakiin waxaa
ka hor timi mucaaradad kaga timi dad arintaa diidanaa iyo
saxaafada qaarkeed
- 2002 ayaa Islamsk Kulturcenter
(jaaliyada Turkiga) oo Århus ku yaalaa wuxuu bilaabay inuu u
ololeeyo dhismaha masaajid qaadi kara ilaa 1000-1500 oo qaf,
laakiin qorshahaas ma hirgelin
- Waxaa jiray dhawr isku day oo
xaga Copenhagen ah, laakiin waxba kama suuro gelin
- Mid ka mid ah isku dayidii in
masaajid la dheso:
www.mskeen.dk
- Qabanqaabada masaajidkan ayaa
hadda waxaa u dhan muslimiinta magaaladan oo isku duuban
Hadii aad doonaysid inaad
Masaajidka Aarhus wax qarasha ugu tabarucdo, isla markaana aad
adeegsanaysid CRIDIT CARD fadlan taabo meesha ay ku qorantahay:
- Giv et bidrag
- deetana taabo meesha ay ku
qoran tahay Jeg accepterer betingelserne
- dooro qiimaha aad ku
tabarucayso ama sanduuqa yar (the text box) ku qor qadarka aad
ku deeqayso
- Vælg hvad du vil støtte (dooro
waxa aad caawinayso)
- Ma masaajid iyo xarun
cibaado ayaad wax ku bixinaysaa
- Ma xarun islaam ayaad wax-ku-bixinaysaa,
taabo Næste >>>
- Nooca cardka taabo Næste >>>
- Indtast personlig oplysning (geli
macluumaadka shakhsiga ah)
- Sax sanduuqa ka danbeeya Jeg
accepterer betingelserne, deetana taabo Næste >>>
- FG. Siyaabo kale
dabarucaadkaaga waad ku bixin kartaa, adiga oo la xidhiidhaya
gudiga qabanqaabada Masaajidka, adigoo taabanaya
KONTAKT ama telefonka: 40 762 758, Midowga Ururada Islaamka
(FIF), Ururka masaajida iyo golaha Islaamka (FMIC)
HAL-KU-DHIGA CARWADA AYAA AHAA:
Waxaa diyaariyey:
Hassan Nuur
SRG14@jubiimail.dk