SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Hiyi Kaca Iyo Hayaanka Wadaadada Heeryaysan Iyo Hanka Somaliland

Nugidoon

Mohamoud H. Nugidoon
Ottawa,Canada


Hiyi Kaca Iyo Hayaanka Wadaadada Heeryaysan Iyo Hanka Somaliland
 
Macaluul wax kaagama taraan maal laguu guraye
 
Marka anad lahayn looma lulo maanka waligaa e
Midigtaadu waxay xoogsataa maydha gaajada e
Magaabada hashadaa ka roon maydhanaan kale e
 --Cabdillaahi Suldaan (Timacadde)

Midho daray haddaan beri duuduub ku liqi jiray
Doorkan waxaan hubsanayaa dirxi inuu ku hoos jiro
  -- Maxamad Xaashi Dhamac (Gaariye)

Rag dayaysanbaa nagu jiree taba qaar diidnay
  -- Cabdi Salaan Xaaji Aadan

Xertii reer ulo madow daramal raacsiiye
Diktii horeba kii saar lahaa dabar la'aan goosay
 -- Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye)

Wax badan baan is duuduubay, oon is deday, doonay inaan is diidsiiyo, dood la soo diray, ku darruuran mareegaha tigtigan.Magan Alle maan jeclayn inaan anna ku soo biiro, waayo hawl qaran oo talo, tusaalayn iyo wax tarba leh ayaa la inooga fadhiyaa oo dalkeennii iyo dadkeenniba innaga sugaayaan.Si'naba ilama qumanayn Somaliland oo maanta 45 gu' baarka ka jartay weliba googo u dheeryahay in laga doodo. Dadka badidiisu waxay ka bilaaban da'da Somaliland, dib ula soo noqoshadii 1991. Aniguse waxaan aaminsanahay ilmuhu marbuu dhashaa ee laba jeer ma dhasho!! Markaana magacbaa loogu wan qalaa. Somaliland 'lixdankii bay dhalatay, looguna wan qalay "Somaliland".

Balse rag dayaysan, qiiraysan, qandhaysan, jibaysan, kardhaysan oo aragti iyo himilo caadifad ku salaysan oon lalafo gurin, ayaa afduubay iyagoon dadkii Maandeeq u curatay aan talo iyo arrintoona weydiin.

Calan Cirka U Eeg

Calankii u horeeyay ee dadka Soomaali ku abtirsada ay waligood iyo waaqood arkaan beerta xoriyadda ee  Hargeysa ayaa  laga taagay  26 Juun, 1960. Waa calankii cirka u eekaa ee buluugga ahaa. Habeenkaa habeenada ka tilmaaman waakii abwaankii weynaa Allah ha u naxariistee, Cabdillahi Suldaan Timacadde lahaa:
 
Anigoo sebi uun ahoo
Sita leeb iyo qaansoo
Siigaduun isku aasoo
 

Sabo reer ka fogaanoon
Laygu aaminin soofkiyo
Saaca maanta aan joogno
 

Gabaygu waygu sugnaayee
Haddii aan Sarsarriigo
Ama aan sarmaseejo
 

Amaba aan sixi waayo
Ama aan ka salguuro
Amaba laygu saluugo
 

Soomaalida i maqlaysaay
I su'aala hadhow
 
Ilaahaan waxba seegine
Subaciisa Quraankiyo
Sabbaxooyin ku sheegayow
 

Saciira iyo naciima
Rabbiigii kala seerayow
Markay suurtu dhawaaqdo e
 

La soo saaro makhluuqa e
Shaqiga iyo saciidka
Maalintaad kala soocdo
 

Dembigaannu samaynay
Rabbigayow naga saamax

....... ilaaa 

Sareeyow ma nusqaamow
Saaxirkii kala guurnee
Bal siduu yahay eegee
Kaana siib, kanna saar

----- ilaa dhaammaad oo ahaa:

Subxaanow waa mahaddaa!
Subxaanow waa mahaddaa !
Subxaanow waa mahaddaa!

Habeenkaa, waa habeenkii dawlad Soomaliyeed oo gobonimo qaadata ugu horaysay addunyadan aynu ku noolnahay. Waa habeenkii Somaliland dhalatay. Waa habeenkay Maandeeq curatay.Dadka u olalaleeya Somaliyaddii duntay ee dhimatay waa hore, ayaa ku andacooda inayna Somaliland waligeed iyo waaqeed calanba yeelan.Kuwa sidaa ku doodayaa ee hadh iyo habeenba beentaa cad ee qaawan la soo mutuxan iyagoon gibidhsan, indho adakaa ma maso cagalay bay cuneen mise indha kaluunbay ku margadeen, ileen xaajaba la yaab lehe!!

Axsaabtii Somaliland ee lixdankii

Somaliland waxay lahayd oo hana qaaday kana  taabo galay seddex xisbi qaran oo si wadajir ah door firfircoon mid siyaasadeed, wacyi galineed iyo dhaqaaleba ka qaatay halgankii ka midho dhalintii gobonimada Somaliland. Seddexda xisbi qaran waxay kala ahaayeen: SNL (Somaliland National League), UNF (United National Front) iyo USP (United Somaliland Party).

Himiladii iyo hankii Somalilandtii lixdankii
 
Jiritaankii Somaliland ayaa waxaan ka door bidnay inaan walalahayaga kale ee guumaystuhu na kala qoqobay meel isugu keenno. Si ay himiladaasi iyo hiiraashaasi u suurtoodo (waa sidaanu moodaynaye mase noqon) waxaan ka bilownay isku darka Somaliland iyo Somalia tiyoonaan wax shurud ah ku xidhin (maxaa se naga raacay!). Mahadhadaasoo maqal iyo muuqaalba leh waxaad ka helaysaan haddaad rabtiin BBC-da laanta af Soomaaliga, ee London, England.

Is moog udbihiibay aslaysaaye, annagoon ka war qabin waxa nagu soo fool leh, ayaan waxaannu ku heesi jirnay si qiiro wadaninimo ku jirto anagoo tebaynna kuna taamaynna inaan soo xero gelino walalahayaga kale ee Soomaaliyeed ee weli hoos rafanaya "GUUMAYSTAHA" madow. Heesaha wadaniga ah (patriotic songs) ee aannu ku heesi jirnay waxaa ka mid ah:
  • NFD dhankeedaa dhincaa Jabuuti
  • Dhulka la iga haystoo ee dhaxal wareegay
  • inaan dhagar ku galo, oon dhiig ku shubo ayaan ku dhaarsannee!
Mar kale anagoo xusayna dadyowga Soomaliyeed ee ku nool dhulka imika loo yaqaan Gobolka Soomaalida (Somali State of Federal Ethiopia), ayaanu qaadi jirnay heestani:
Hawd iyo danood haadaamo mee?

Dadka reer Somaliland ee 1960 mindida daabkeeda hayay ee majaraha u hayay hogaanka dawladii curdinka ahayd ee Somaliland iyo dadweynihii Somalilandba waxa ka go'neyd oo ay ku taamayeen inay Shantii Soomaliyeed ee Geeska Afrika (Somaliland, Somalia, Djibouti, Somali State of Federal Ethiopia and Northern Front District "NFD"), calan qudha iyo maamul midaysan iskugu soo ururiyaan. Si ay yoolkaa adag balse ma huraanka ah dadweynihii Somaliland ee 1960-kii uga midho dhalin lahaayaan, waxay ka bilaabeen inay wax walba ka tanaasulaan, ugana tanaasulaan walaalahooga kale ee Somalia.
Waxay hadiyad ugu hibeeyeen gobonimadii ay hanteen ee ay halgan iyo rafaad dheer u soo mareen walaalahooda Somalia. Iyagoon waa reer Somaliland eh la gorgortamin, wax shuruudo ahna la saxeexan, ayay si jibaysan u yidhaahdeen: "walaalahayow, waa na kane idinku noo taliya". Xataa way ka diideen ergay guddi ah oo ay Somalia,  Muqdisho ka soo direen si la iskula meel dhigo heshiisyo labada dhanba isla ogolyihiin.
MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA
Ma runbaa in Gobolkaasi uu goostay intii uu awal kula shirkoobay Koonfurta Soomaaliya? Yaa rabay awal midowga? Ma Siyaasiyiinta mise Shacabka? Fahad
"hadii ay saraakiisha socdaalka Jamhuuriyadu ogaan lahaayeen in uu yahay qoraa nacab ah oo qalinkiisa ku minjo xaabinaya qadiyada gooni isu taaga somaliland waxaan hubaa in laba dible loo xidhi lahaa ee waxa laga yaabaa in ay u qaateen walaweynta faraha badan ee u soo tuugsi taga magaalooyinka camiran ee Somaliland" Salahudin
"Miyaan niman Waqooyi u dhashay ku heesin: marti waa la sooraa, magan waa la bixiyaa? (Ina Ibraahin Cigaal iyo Riyaale maxay dhaheen? Marti waa la raafaa, magan waa la dhiibaa!)" C/Waaxid
"dadkaasi la qabtay waxaa lagu tuhmay inay ka mid yahiin ama ku jiraan urur ka mamnuuc ah Dalka aanu dariska nahay ee Ethiopia oo magaciisa la yidhaahdo ONLF" Diridhaba
Kuwii sannadihii hore gacanta lagu dhigayna dhamaantood dawlada Itoobiya gacanta loo galiyey, waxaana la xaqiijiyey in ay dadkani ahaayeen dad maato ah, oo dad ay qaraabo yihiin ugu yimi hargeysa si ay ula noolaadaan" Asad
"Shacbiga Somalilandna aan qasab koonfur loogu sanduleyn Karin, ictiraafkeedana aanay is hortaagi karin dad cuqdada ka qaba sida labada wiil ee ILMA SAMATAR. "  Faysal
"7/12/2002 ayuu madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland mudane daahir riyaaale kaahin booqasho uu ugu diyaarinaayo doorashooyinka dawladaha hoose ee ka dhacayay guud ahaan dalka ku tagay laascaanood, wax yar uun caga dhigashadiisii kadib ayaa rasaasi cir iyo dhul iska qabsatay meeshii uu ku degey" XagarYare

Isku Milankii Somaliland iyo Somalia

Wax isku dar lagu sheego meesha kama dhicin. Wuxuunay ay ahayd dal dhan oo Somaliland la yidhaa oo markuu shan cisho oo qudha jiray xataa xafladdii wan qashiisuba dhammaan, gobonimadiisii iyo xuriyaddii uu wadada dheer u soo maray muquuno (gift ) u bixiyay. Adduunyada tan oo kale hore ugamay dhicin Somaliland ka hor. Waata ibo furtay in wargaysayadii Ingiriiska ee lixdamaadkii ay ku qoraan war baahintooda:' Somaliland, dalka aan rabin inuu haysto gobonimaduu hantay shan cisho ka hor '.

Isku milankaa labadii dal ee kala ahaa Somaliland iyo Somalia, Somaliland way ka baxday shaxda adduunka. Magaceedii mar qudha uunbaa la waayay! Xisbiyadeediina way saqiireen wayna dun go'een. Somalia iyo Somaliland waxay ahaayeen laba dawladood oo siman. Waxay ahayd markay Somalia, madaxweynaha qaadato, Somalilandna raisal wasaaraha qaadato,. Oo had iyo jeer isku miisaanaadaan. Nasiib darro taasi may dhicin. Somalilad waxa loola dhaqamay sidii oo ay tahay 'gobol' ee anay ahayn qaran la siman Somalia. Waxana loola dhaqmay sidii gobol ka mid ah goboladii Somalia.markii Somalia qaadatay madaxweynihii, Aden Cabdulle Cusmaan ( 1960 - 1967) waxay ku darsatay ra`iisal wasaarihii oo noqday Cabdirasheed Cali Sharma`arke  (1960-1964) iyo jagooyinkii ugu muhiimsanaa golaha  wasiirada iyo ciidamada sida Cabdirizaaq Xaaji Xuseen: Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Cabdullahi Ciise Moxamuud: Wasiirkii Arrimaha Dibedda, Cosmaan Axmed Rooble: Wasiirkii Maaliyadda, General Daa`uud Xirsi: Taliyihii  Xoogga Dalka Somaliyeed, General Moxamed Abshir Haamaan: Taliyihii Ciidanka Boliiska Qaranka iwm,  barlamaankiina si xaqdarro ah ayey u bursatay  Somalia.  Marlabaad ayaa Somalia qaadatay ra`iisal  wasaarihii oo noqday Cabdirizaaq Xaaji Xuseen  (1964-1967) oo isla madaxweyne Aden Cabdulle Cusmaan  magacaabay xilligiisii labaad. Madaxweynihii labaad  waxaa noqday Cabdirashiid Cali Sharma`arke (1967-1969) oo isna reer Somalia ahaa..

Dad Allow bal ka wa rama, xataa may odhan madaxdii Somalia:  "waar bi'i waayee dawladnimadoodii oo dhanbay ka tanaasulayne aynu dhawr jagoo muhiima siino waa walaalaheene". Iska daa waagaas dadkii Soomaliyeed ee noolaaye, xataa faca maanta nool ee Somalia ka soo jeeda ma qiraan in maalitaaba himiladii iyo wanaagii, walaatinimodii, xaq soorkii, muxibadii, kalgacalkii xabaal uub dheer ah lagu murgugaafay.

Aqoonyahan reer Somalia ah oo mar eedaha ah inay Somalia hogaamiyaasheedii u horeeyay ay burburka Somalia qayb ku lahaayeen oo u qoray Mujahid Ibrahim Hassan Gaale, isagoo ka jawaabaya bal ila eega siduu u jawaabay:
   " Finally, I would like to say few words about Mr. Gagale�s concern of the clan balance in President Aden Abdille�s cabinet. I can�t really think of any power sharing arrangement that could have alleviated the grievances of all the Somali clans. What about the grievances of the Hawiye when Sharmarke (A Darod) was the president and Egal (a northern Issak) was the powerful Premier, and Sheik Mukhtar (a Rahanwein) was the president of the parliament? For President Aden Abdulle, clan balance was not a primary importance; a little consolation for all the clan-minded hypocrites camouflaging their prejudices as legitimate concerns".
-- Abdiweli M.Ali, Ph. D

Ma arag intaan jiray siyaasi ama aqoonyahan, ama oday reer Somalia ah oo arrintaa ka garaabaya.Iska daa garowshiyo iyo xaq soor lagu dhaqee, waxaba loogu daray aflagaado, cay, yasid, quudhsi iyo intii nin gob ah oo dhami naco. Magacyada sida xamaasadda leh loogu bixiyay waxa ka mid ahaa: QALDAAN, SOOMALI QALDAAN, 'Laando, Laandihii waaye,.Qaldaankii waaye. Kii oo reer Qaldaan ... Xunkii waa  ye,  iwm.

KACAANKII "BARARSANAA" iyo Reer Somaliland

Taliskii faashiistaha, umulo dooxa, hororka, maato iyo maxas layska intaba ahaa ee bahalka (monster) ahaa ku dheeraan maayo. Nin rag ihi waa ogyahay, ku imika toosayna loo sheegi maayo. Ubadkii markaa yaryaraa ambase dabadii dhashayna Sooyaalka Somaliland ayaa loogu kaydiyay. Si ay u ogaadaan wixii hortood dhacay iyo xasuuqii iyo eedaadkii dadkooda iyo dalkoodaba la soo mariyay. Duuliye Axmed Maxamed ee diiday inuu diyaaraddii uu duulinaayay ku duqeeyo shacabka wadankiisa markii lagu amray inuu sidaa yeelo ee garashadiisa bislayd, damiirkiisa hufan,  dadnimo bilan  iyo wadaninimoba siin wayday inuu dad rayid ah, aan waxba galabsan ka ahayn haybta Allah ka dhaliyay ee ay ahaayeen, haatanna yihiin, ahaanna doonan inta ifka nololi jirto iyo Abwaankii, filoosuufkii waynaa ee curiyay tuducdii taarikhda geshay halhayskana reebtay, way ku mahadsanyihiin. Baal dahab ah ayayna naga mutaysteen kagana jiraan diiwaanka Sooyaalka Somaliland.
Dalkaaga difaac diidi maa
Dagaal Isaaq dooni maa

Kacdoonka maxaakiimta

Kacdoon kasta oo aduunyada ka dhaca iskama dhaco ee wuxuu ka dhashaa xanuun, dhib iyo rafaad umad loo gaystay amin mucayin ah.Taasaa curisay inay dadku kacaan, xumaha ka gilgishaan. Xaq darradana ka dhiidhiyaan. Sharftoodii iyo karamadoodii la duudsiyayna dhacsaadaan soona ceshadaan.

Waxa is waydiin mudan dhibta, rafaadka, eedaadka, raxaaftoonka, bililiqada, isbaarada, afduubka, baadda, dhaca, budhcadaynta,  xabadda banka qooqa ah een soohdin lahayn een waqti lahayn, ee XAMAR ka jirtay haatan ma ka jirta Somaliland? fal celintu waa maya. Maxaa keenay inay wadaadada Somaliland qaarkood (ma aha dhammaantood), waa qaarkood eh ee xiddigga dananaya hormoodkoodu ka yahay ka dhex widhwidhaan mareegaha war baahinta Somaliland . Maxaa qoraaladooda godliyay haatan ee ay hore u  godlan waayeen? Maxaa markay wadaadadu gacan xadiid ah ku qabsadeen Muqdisho, Balcad iyo Jawhar ay ragga qaarkood ee Somalilanderiska ihi qalinkoodu u dararay ee u darandoori dhacaa? Ma is odhan karnaa khadka waxa ku shuba oo danqaro dhaqaajiya dhaqdhaqa ka soo ifay Muqdisho iyo dacaladeeda?

Raggase dhaliishoodii ku soo hoos gabiyay KACDOONKA MAXKAMADAHA, miyay ku dhici la'ayeen intii hore inay dhaliilaan, wax ka qoraan madaxdooda iyo dalkoodaba, ilayn taniba waa yaab e? Mise maalintii maxakamadaha libta sare gacantooda ahaatay ayay qaan gaadh noqdeen oo intii hore caruur sabi biyo ma daadshaan ah ayay ahaayeen, ilayn tanaaba tii hore ka sii daran e oo waa quduro iyo amakaake?

X-da (xa' da) ma diidani ee xaaqdaan diiday iyo xush xushta xuuraan hooseedka Xamar ka dhex xiimayso!!! In madaxda la dhaliilo, lala xisaabtamo, la daba galo oo mar iyo  meel kastaba la is xogo tusaaleeyo waa astaamaha, rugunada aqoonta, xaddaaradda  iyo hore- u- marka aan tiigsanayno.Dawlad aan lala xisaabtamin, lala xaajoonin, lala talinin oo meesha ay wax ku waddo iyo siday wax waddaba laga war haynini meel ma gaadho. Dalka iyo dadkabana way ragaadisaa. 

Somaliland waa dal Soomaaliyeed sida Yemen, Sacuudi Areebiya, Saldanadda Cumaan, Imaaraadka Carabta, Qadar, Baxrayn, Ciraaq, Urdun, Falastiin,  Lebnon,  Suuriya, Masar, Suudaan, Liibiya, Tuniisiya, Aljeeriya (Aljazaa-ir), Maqarib (Marooko), Muritaaniya ay dalal carbeed u yihiin ee anay carabnimadooda u inkirsanayn.

Adduunku waa dalal iyo deris isku dan ah, kala dano ah, isku dudo' ah kala deegaan ah. Ay labadii dani ka dhaxaysaaba iskood iskula qaadaan iyagoon cidna ka baqaynin, kana haybadaysanayn.Waxaan jecelnahay walaalahayaga reer Somalia inay wax qabsadaan. Dhibaaatooyinka iyo qucundhada dhextaal findhicil qaadaan. Adduunka la jaan qaadaan. Aan ahaano laba dal oo walaala ah oo deris ah. Balse haddii geerku kaga dhagay reer Somalia: "Somalia waa muqadas, Somalilandna aayaheega kama tashan karto". Waxaan leeyahay: kolna taagtiin, kolna tanmartiin. Hortiin jireba noo taag waa kiiyo hubkii Ruushka, kii Maraykanka, Ingiriiska, kii Shuciiyiintii hore iyo lacagtii iyo bitroolkii Carabta oo lala daba taaganaa haysta ayaan boodhka cunsiin oon dabada kaga dhacnay. Karbaashnay oo u ka huleelay. Nabadna waan naqaanaa, dagaalna la nooguma tiitii dhawdo.

Somaliland way dhaqaajisay, wayna tis qaaday, wayna taabo gashay, dibna uma noqon doonto ee  KANAXOW sidaa ku iimaanso.Ku seexoo ku soo toos.Haddii kale waglada tumo.

Israel iyo Carabtu waa ilma adeer. Waa duriyaddii Nabi Isaxaaq bin Ibraahim iyo Nabi Ismaaciil bin Ibraahim. Waa laba umadood oo labo nin oo walaalo ah ka soo tafiirmay. Sidaa ay tahay iyagoo dad iskugu xiga, haddana maanta xaalkoodu halkuu marayo waad ogtihiin. Inkastoo ay heshiisyo iyo wax kala saxeexdaan haddana cadaawad gaamurtay ayaa dhex taal. Israel, ingiriiska, Maraykanka iyo Jarmalkoo Anglo-saxon ah ayay ka jeceshay Carabta oo ilamaadeeradeed ah. Xaggay ka dhacday tolnimadii, ehelnimadii, derisnimadii, wada dhalashadii??? Ma lihi sidaa ay Israel iyo Carabtu isku yihiinbaan isku nahay, anaga iyo reer Somalia, oo magan Alee, Ilaah kama yeelo sidaase. Waxa igu dhaliyay waydiintan, ragga ay dooddii ka qabsatay, Somalia walaalaan nahay, ee qodubkaa dhaafin kari waayay. Dee kuwanba waa walaalo, Israel iyo Carabtu way is yara oof garaaceene.

Waydiin taasi waxay u taala ragga doodan furay ee sida gufaacada u soo afuufay. Baytarigana ka jaarjgarysta Kacdoonka Maxakamadaha,  ee marka moraalka maxkamaduhu hoos u dhaco mooraalkooguna hoos u dhaco, marka mooraalka maxkamaduhu sare u kaco kooguna sare u kaco. Akhristayaal sawirka aan arkaayo ma ila aragtaan? DO YOU SEE WHERE THE BOAT IS HEADING?
 

Somalia waa taa iyadoon biyo is marin. Markii Talyaanigu joogayna Somalia ayay ahayd imikoy xortahayna waa Somalia. Erayga "Koonfur", xaguu inooga yamid? Waa sir ay inagu dageen.Ha laga digtoonaado erayga "koonfur". Qofkii reer Somaliland ah ee koonfur yidhaahow waxaad si dadban u qiraysaa inay weli Somaliland qayb Somalia ka mid ah tahay.
Somaliladn Passport

Somaliland is here to stay


Mohamoud H. Nugidoon
Ottawa, Canada
_________________________________________________
Bibliography and references:
1- Gabay: a)- 'Kaana siib kanna saar', b)- 'Madoobaadayey miyay murugtay laabtaydu', Cabdillaahi Suldaan (Timacadde)
2- Maanso, Maxammed Xaashi Dhamac (Gaariye)
3-  Gabay, Cabdisalaan Xaaji Aaden
4- Qoraal, 'Taariikdii aaskii midnimada iyo rajo-gabkii Somaliweyn', Ibrahim H. Gagale
5- Article, ' In defence of the founding father ( Aden Aade) and a response to Mr. Gagale', Abdiweli M. Ali, Ph.D.-Assistance Professor of Economics, Niagra University, NY
6- Qoraal, ' Hasha geela cuntaa u cabaad badan', M.H. Nugidoon

Waxay nagu Qasbeen inaan Qoraal-xume ka-dabe-qore noqonno!!!

Hasha Geela Cuuntaa u Cabaad Badan  

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)
»
GABAY: Gabaygii waxbaa salagleh | Xiirane

»SOOMALIYA OO U BAAHAN IN IGAD LAGA XOREEYA | Yusuf
»Imisa dabaq ayaa laga dhisayaa goobitii Twin Towers (pdf) | Yaxye
»
Cadde Gaabow Nin ay Dayaceen kuwii xilka uu dhiibey | Xariiri
»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD