Wararkii: Sept 19, 2006
-
Garoowe:170 Macalimin oo wax kadhiga
Dugsiyada hoose/dhexe ee Gobalka Nugaal oo Tababar dhanka Radiaha ah loo
qabtay.
-
Midowga Xisbiyada is
beddel doonka ah oo ku soo gabagabeeyay Guriga Hooyooyinka seminar
soconayay muddo toddobo casho ah
-
Golaha Samafalka iyo hormarinta
Soomaaliyeed oo soo bandhigay baahida loo qabo in looga hortago
fatahaadda webiga Shabeele
-
Furitaanka Buhoodle Airport iyo
Daallo Airline
Garoowe:170 Macalimin oo wax kadhiga
Dugsiyada hoose/dhexe ee Gobalka Nugaal oo Tababar dhanka Radiaha ah loo
qabtay.
Sept 18: Hey’adda EDC (Education Development Center)ayaa waxay Isniintii
tabobar waxbarashada raadiyaha ah ugu furmay dugsiga hoose/dhexe Darwish
macaliimiin gaareysa 170 macalin oo ah kuwa wax ka dhiga dugsiyada hoose/dhexe
ee gobolka Nugaal Ee Xarunta Maamul Gobaleedka puntland.
Tababarkaan ayaa waxaa hadalo ka soo jeediyaya masuuliyiinta kala
ah,Gudoomiyaha waxbarashada G/nugaal Md KHaliif yusuf muuse iyo
Agaasimaha waaxda waxbarashada Toosan ee dowladgobaleedka Puntland MD
Maxamed ismaaciil iyo xiriiriyaha guud ee hay’adda EDC Cabdiwahaab
Daa’uud, waxayna halkaasi dhammaantood ku dhiiragaliyeen macallimiinta
in sida ugu haboon ay uga faa’iideeyaan ardayda macluumaadka uu
tababarkani xambaarsan yahay waxay kale oo uu sheegay xiriiriyuhu in
laga hirgalin doono gobolada Puntland oo dhan tababarkan oo ah kii ugu
horeeyey ee noocan oo kale ah oo loo qabto macallimiinta lana doonayo in
ay qaataan illaa 800 oo macallimin oo wax ka bara dugsiyada hoose/dhexe.
Hey’adda EDC ayaa macalimiinta ku tabobareysa barnaamij la yiraahdo IRI
(interactive radio instruction), oo ah waxbarashada raadiyaha ee
firfircoon, waxa uuna qayb ka yahay barnaamij la yiraahdo SIRIP (Somali
Interactive Radio Instruction Program) oo ay hey’adda EDC ka fulinayso
Puntland Somaliland iyo Gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
EDC waxay horey tabobaro noocan oo kale ah ugu soo qabatay macalimiin
boqolaal gaaraya magaalooyinka Moqdisho, Hargeysa, Baydhabo iyo Boorame,
hadaba tababarkan ay EDC kafurmay manta magaalada Garowe waa markii ugu
horaysay tababar noocan oo kale ah oo laga hirgiliyo puntlande ayadoo
tababar lamid ah tababarkan oo kale lagu qabanayo Gobalada
Mudug,Sool,Sanaag ,Karaar Iyo Bari bisha september ilaa octobar
bilogeeda
SIRIP: Somali Interactive Radio Program, waa barnaamij loogu talogalay
in ardeyda fasallada 1aad ilaa 6aad ee dugsiga hoose/dhexe ay casharada
Soomaaliga iyo Xisaabta ka dhegaysan doonaan raadiyaha, qaabka casharku
raadiyaha uga baxayo ayaa ah mid aad u casriyeysan oo si weyn looga soo
shaqeeyey, casharada ayaa lagu soo bandhigi doonaa hab heeso iyo
madadaalooyin kale ah oo ay ardeydu ku baranayaan casharada iyagoo
xiisaynaya.
Casharadaan ayaa ka bixi doonaa idaacado mawjadaha gaagaaban (Short
Wave) ah iyo weliba idaacadaha FMyada ah ee ku yaalla deegaannada
barnaamijka laga fulin doono oo kala ah Somaliland, Puntland iyo
gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.
EDC waa hey’ad Maraykan ah oo fadhigeedu yahay magaalada Washington DC.
Waxa ayna barnaamijkaan SIRIP ka wadi doontaa Somaliland, Puntland iyo
gobolada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya mudo saddex sano ah, iyadoo
xarunta koowaad ee barmaamijkani tahay magaalada Hargeysa. waxa ayna
sidoo kale xafiis goboleedyo ku leedahay magaalooyinka Garoowe iyo
Moqdisho.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Midowga Xisbiyada is
beddel doonka ah oo ku soo gabagabeeyay Guriga Hooyooyinka seminar
soconayay muddo toddobo casho ah
Seminaar ay soo qaban qaabiyeen iskana kaashadeen xisbiyada is beddel
doonka ah ee kala ah Xisbiga Midnimada Jamhuuriga, Kan dhaq-dhaqaaqa
Xamar iyo shaqaalaha ayaa Isniintii si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay
gurigii hore ee Haweenka Soomaaliyeed ee degmada Xamarweyne gobolka
Banaadir.
Seminaarkan oo socday muddo toddobaad ah waxaa ka qeyb qaadanayay xubno
ka kala socday xisbiyadaas oo dhan 30 xubnood, waxaana diiradda lagu
saarayay qodobbo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen habka maamul wanaagga,
barashada iyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka iyo tarbiyada toosan ee
haweenka laga rabo, waxaana casharro ka bixinayay muddadii uu socday
macallimiin ka kala socday qeybaha kala duwan ee xisbiyadaas.
Xiritaankii seminaarkaas oo ay ka qeyb galeen madaxda xisbiyadaas oo
kala ahaa guddoomiyaha Xisbiga Midnimada Jamhuuriga Cali Maxamed Nuux
(Tima-jilic), ku xigeenka guddoomiyaha xisbiga dhaq-dhaqaaqa nabada
Banaadir C/raxmaan Xuseen Kolly iyo xubno kale oo ay ka mid ahaayeen
guddoomiyaha guddiga arrimaha bulshada xisbiyadaas Shariir Sheekh Farey,
iyo madaxa tababarrada ee Xisbiyadaas C/laahi Maxamed Muuse.


Sh. Yusuf Jimcaale |
Sh. Nuur Baaruud Gurxan

Sh. Axmed |
Cali Timajilic
Cali Tima-jilic iyo C/raxmaan Kolly oo ka hadlay munaasabaddii lagu soo
gabagabeynayey ayaa ku nuux-nuuxsaday faa'iidada uu seminaarkan u
leeyahay haweenka Soomaaliyeed iyo waxyaabihii laga kororsaday muddadii
uu socday oo ay sheegeen in markii hore ay ugu talo galeen seddax casho
balse wadahadal kaddib la qorsheeyay in muddada la dheereeyo lagana
dhigo toddobo maalmood, iyagoo xusay in muddadaas ay wax weyn ka
kororsadeen xubnihii haweenka ahaa ee ka qeyb galay seminaarkaas iyagoo
ka codsaday in waxyaabihii ay ka kororsadeen ay ku dabbakhaan
howlahooda, waxayna intaasi ku dareen in seminaarkani uusan aheyn mid
intaasi ku kooban balse ay sidoo kale xubno kale u furi doonaan sida ugu
dhaqsiyaha badan.
Masuuliyiintaasi oo sii wata hadalladooda ayaa tacsi guud u diray
bulshada Soomaaliyeed gaar ahaanna haweenka ku dhaqan gobolka banaadir
iyagoo si gaar ahna tacsi guud ugu diray haweeneydii soorada aheyd ee
shalay lagu dilay goobtii shaqadeeda ee aheyd xarunta Sos, waxayna
xuseen inay taasi dhabarjab ku tahay nabadda haatan ka dhalatay magaalo
madaxda dalka Soomaaliya ee Muqdisho gaar ahaanna tan guud ee Somaaliya,
waxayna ku baaqeen in sida ugu dhaqsiyaha badan makxamad loo soo taago
ciddii ka dambeysay.

Masuuliyiinta xisbiyadaas ayaa sidoo kale mar ay sii hadlayeen waxay
gaashaanka ku dhufteen inaysan marnaba oggolaaneyn in Soomaaliya loo
keeno ciidamo shisheeye, kuwaasoo ay sheegeen inay caqabad ku yihiin
siyaasadda Soomaaliya ee haatan cakiran, waxayna ka codsadeen beesha
caalamka inay arrintaasi il gaar ah ku eegto.
Cali Maxamed Nuux Cali Tima-jilic iyo C/raxmaan Xuseen Kolly waxa ay ugu
baaqeen masuuliyiinta Maxkamadaha, hay'adaha caalamka iyo kuwa gudaha ka
shaqeeyaba inay gacan ka geystaan howlaha kala duwan oo ay ku howlan
yihiin xisbiyada is beddel doonka gaar ahaanna howlaha ku aaddan
nadaafadda oo ay sheegeen inay tahay mid wax weyn ka beddeshay geedi
socodka nabadda iyo isku furidda waddooyinkii 16 sano kala xir-xirnaa.
Golaha Samafalka iyo hormarinta
Soomaaliyeed oo soo bandhigay baahida loo qabo in looga hortago
fatahaadda webiga Shabeele
Kulan muhiim ah oo ay maanta isugu yeereen golaha samafalka iyo
horumarinta Soomaaliyeed xubno ay ka mid yihiin ganacsatada, ururrada
bulshada hay'adaha ganacsiga, kuwa waxbarashada iyo shaqsiyaad kale ayay
ku soo bandhigeen baahida loo qabo in si deg-deg ah wax looga qabto
qasaaraha uu geystay fatahaadda webiga Shabeelle ee waxyeeleeyay dalagyo
iyo guryo ku yaalla gobollada Sh/hoose iyo Sh/dhexe.
Ugu horeynti waxaa halkaasi si aad ah loogu soo dhaweeyey sh: nuur
baaruud gurxan oo ah gudoomiye ku xigeenka dalada culumaau diinka
somaliyeed oo u sheegay xubnihii ka soo qeyb galay kulankaas in ay
waajib tahay qofkasta o muslim ah inuu ka qeybqaato gurmadka loogu jiro
sidii loo joogin lajaa fatahaada biyaha webiga shabeele iyo sida loogu
baahan yahay gaancsatada in ay maalkooda ugu sidaqeystaan gurmadka loogu
jiro ka hortaga fatrahaada ,
Kulankan muhiimka ah oo ay qabteen waxaa ugu horreyn lagu soo bandhigay
filim ka hadlaya qasaarihii uu geystay fatahaada webiga Shabeelle oo ku
fatahay goobo fara badan iyo tuulooyin muhiim ah, kuwaasoo laga
dheehanayay khasaaraha uu geystay iyo dalagyada uu baabi'iyay.
Daraasad ay sameeyeen xubnaha hoggaamiya golahan samafalka iyo
hormarinta Soomaaliyeed ayaa waxay ku soo bandhigeen baahida deg-degga
ah ee wax looga qaban karo iyo kharashaadka loo baahan yahay oo ay
sheegeen inay gaareyso 70 kun oo doollar oo looga baahan yahay shacbiga
Soomaaliyeed inay si deg-deg ah ugu qaaraamaan wax ka qabashada
fatahaadda webiga Shabeele ee soo noq-noqotay.
Guddoomiyaha Golahaas Sheekh Axmed Max'ed Saleebaan oo ka hadlay
furitaankii kulankaas ayaa xaqiijiyay inay lagama maarmaan tahay in si
deg-deg ah wax looga qabto fatahaadda webiga oo faraha ka sii baxaysa
maalinba maalinta ka dambeysa, mararka qaarna lagu dhowaaday in lagu
guuleysto wax ka qabashada arrintaasi, balse uu mar kale sameeyay
fatahaad dheeraad ah, kulankanna uu ka dambeeyay si arrintaasi wax looga
qabto in laga wada tashado.
Madaxa arrimaha bulshada iyo xiriirka gobollada iyo degmooyinka ee
maamulka KMG gobolka Sh/hoose Sh. Yuusuf Tuurxume Jimcaale oo isagu ka
hadlay kulankaas ayaa sheegay in maamulka gobolku markii uu arkay
dhibaatada baaxadda leh ee ka dhalatay fatahaadda webiga ay magacaabeen
guddi deg-deg ah oo wax ka qabta fatahaadda, wuxuuna sheegay in
fatahaadu ay bilaabatay 1dii August oo uu webigu biyo keenay, waxaana
guddigu uu bilaabay in la carro tuuro goobihii uu ka soo fatahay webiga,
3/08/06 ayuu webiga ku fatahay meel la yiraahdo Buq-da Mayke oo 1 km u
jirta degmada Jowhar, waxaana lagu guuleystay in darbi weyn lagu
xayndaabo goobihii uu ku fatahay, 25 tuulo ayay fatahaada biyuhu
gooyeen, 25 kale khatar ayay haatan ku jiraan, wuxuuna sheegay in
qarashka ku baxay muddadaas 19 maalmood ah waa lacag dhan $4512 oo ay
bixiyeen hay'ado kala geddisan, sidoo kale waxaa ku baxday lacag kaash
ah oo dhan 52470,000 waxaa bixiyay shacabka degmada Jowhar, 53200,000
waxaa bixiyay maamulka Gobolka Sh/dhexe, Hal milyanna waxaa bixiyay urur
beero oo ka jira Jowhar, Shirkad lagu magacaabo Farjanana waxay bixisay
waxay bixisay lacag dhan seddax milyan, marka laysku daro lacagahaasi
waa 109,670,000 waxaana haatan baaqi ku ah oo laysku leeyahay 89,302,000
Sh. So, wuxuuna sheegay in haatan loo baahan yahay qalab kale oo isugu
jira dhismo iyo dayactir, balse loo baahan yahay in si deg-deg ah wax
looga qabto.
Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Muqdisho somaliya
MUSLIM AMERICAN SOCIETY:
Ururka Bulshada Muslimiinta Mareykanka waxaa ay ugu bishareyneyaan
dhammaan Muslimiinta degan USA gaar ahaan gobalka Minnesota iyo
nawaaxigiisa in ay u sameyneyso AFUR Dadweynaha Muslimiinta ah
munaasabada bisha Barakeysan ee Ramadaanka Maalinta Sabtida 30 bisha
Sebtember 2006. Waxaana lagu qabanayaa Xarunta weyn ee shirirka iyo
ganacsiga Minneapolis Convention Center ayadoo ay ka soo qaybgelidoonaa
Culumo uu ka mid yahay Sh. Cabdalla Idiris oo caan ka ah Dunida
Muslimiinta. waxaa halkaas lagu tukundoona Salaada Taraawiixda waana
markii ugu horeysay ee Minneapolis Convention Center ay Muslimiintu ku
qabtaan Munaasabad AFUR iyo Salaad Taraawiix ah taas oo muujineysa
kubaca iyo xoogeysiga dadka Muslimiinta ah ee ku nool Cariga Mareykanka.
Ciwaanka Xarunta waa: Minneapolis Convention Center 1301 2nd Avenue
South Minneapolis. Waxii faahfaahin ah kala soo xidhiidh. Muslim
American Society -
(phone) 651-457-7170 . (fax) 651 457-7190 ama (612) 964-5757,
info@masmn.org
By Mahdi Mujaahid
Mujaahid99@yahoo.com
Furitaanka Buhoodle Airport iyo Daallo
Airline
Waxa gobalka Minnesota lagu soo dhaweeyey wafti ka socdey hay'ada Daallo
Airline oo uu hogaaminaayey gudoomiyaha shirkada Daallo Airline Mr.
Ducaale. In ka badan labo boqol oo qof ayaa soo gelbisey waftigan markii
ay soo gaareen Airporka magaalada Minneapolis ee Minnesota. Waxaana loo
gudbiyey hotel heer sare ah oo loogu talagaley in ay waftigan ku
nastaan.



Intii ay joogeen waftigan ayaa waxa loo diyaariyey xaflad weyn oo ay
kula hadlaan Somalida degan gobolka Minnesota iyo ajnabiga raaca
diyaarada Daallo Airline. Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay
masuuliyiin, culaamaa'udiin, hooyooyin, aqoon yahano, macalimiin,
fanaaniin, shirkadaha iibiya tikidhadhada Daallo Airline iyo dad ajnabi
ah oo badan.
Ujeeddada waftigan ayaa waxa ay ahayd sidii diyaarada Daallo Airline loo
soo gaarsiin lahaa waqooyiga Ameerika, maadaama ay hadda ka shaqeyso
Yurub, Asia, iyo Africa.
Waxa kale oo waftigan la horgeeyey hindiso ay soo diyaariyeen, Abdimalik
Askar iyo Abdi Aar oo lagu furayo Airporka Gobolka Ceyn ee Soomaaliya.
Hindisahaas oo uu gudoomiyuhu yiri waa rajada qudha ee gobolkaas kula
xidhmi karo caalamka, anaga ayaana ugu horeyneyna cida garab istaagta oo
noqda duulimaadka ugu horeeya.
Reported by Somali Media, Abdimalik Askar
aabdimalik@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 19, 2006
Wararkii Isniintii Sept 18, 2006
Qaraxyo aad u waaweyn oo
lala beegsaday madaxweyne C/laahi Yuusuf oo ka dhacay xaruntii
baarlamaanka uu ku shirayay
Sept 18, 2006: Qarax
gilgilay dhamaan daafaha magaalada Baydhabo ayaa waxa uu ka dhacay
irirdka hore ee Baarlamaanka magaalada Baydhabo kaasoo lala beegsaday
Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed xili uu kasoo baxay shir ay lahaayeen
Mudaneyaasha Baarlamaanka federaalka ah oo la doonayey in loogu codeeyo
in kalsooni la siiyo xukuumadda cusub ee ra'iisul wasaare Cali Max'ed
Geeddi iyo qorshe howleedkiisa lixda bilood ee soo socota.
Madaxweynaha Somalia ayaa
ka qeyb galay kulan looga hadlayey sidii xukuumada federaalka Soomaaliya
cod loo siin lahaa isagoo qudbad gaaban oo dardaaran iyo waano ah
halkaasi ka jeediyey, isagoo intaa kaddibna u dhaqaaqay dhinaca iyo
xarunta madaxtooyada balse marka uu ka sii baxayay afaafka hore ee halka
uu shirka ka socdo ayaa waxaa mar kaliya halkaasi ka dhacay qarax weyn
oo lagu soo qariyay gaari qooqan ah oo nus saac ka hor bartaas la soo
dhigay, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac iyo
weliba gaadiid gaaraya ilaa toban oo halkaasi ku bas beelay.
Qaraxan ayaa sababay inay
dhintaan in ka badan toban ruux oo uu ku jiro Col. Jigle Yuusuf Axmed oo
ay walaalo yihiin madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed iyo qaar ka mid
ilaaladiisii iyo darawalkiisii.
Madaxweynaha ayaa ka
badbaaday Qaraxaan iyadoo aanan la xaqiijin sababta dhabta ah ee ka
danbaysa Qaraxaasi.
Dhinaca kale dadkii ku dhaawacmay
qaraxaasi ayaa durbadiiba loola cararay magaalada Nairobi ee dalka
Kenya, iyadoo halkaasi diyaarad looga qaaday.
Waa markii ugu horreysay ee qarax noocan
oo kale ah uu ka dhaco magaalada Baydhabo tan iyo intii ay soo degtay
dowladda Federalka ee Soomaaliya, waxaana haatan halkaasi ka jira cabsi
aad u xooggan.
Muuse maxamuud jiisow
musejisow@hotmail.com
muqdisho somaliya
002521576666/002521653623
Muqdisho somaliya
Qaraxii Baydhabo iyo Shirkii Jaraa'id ee
Buubaa ee Nairbi....
