Wararkii: Sept 18, 2006
- Warar ku saabsan dilkii Sooradii
Talyaaniga ahayd..
- Cabdi Qaybdiid oo shalay soo gaaray
Magaalada Baydhabo…
- Xuseen Miikaal “Magaceyga waa lagu been
Abuurtey kamana qaybgelin…
- Dowladda Federaalka oo xarun u fureysa
Maxkamadda sare…
- Gaalkacyo: xaflad lagu furayey qayb ka
mid ah jamacada bariga afrika
- Qaxooti Somaaliyeed oo ku soo
qulqulaaya Kenya
Warar ku
saabsan dilkii Sooradii Talyaaniga ahayd..
Waxaa Maalintii shalay ahayd Iridka hore ee Isbitaalka SOS ee Magaalada Muqdisho
lagu dilay Haweenay Dakhtar ka ahayd isbitalkasi oo lagu magacaabo Sooro
Analeyli, waxaana dilkeeda gaystay niman dabley oo ah rasaas ku furay, intii ay
naftu ku jirtay ayaa dhakhaatiirkii ka howlgasay isbitaalkaasi ayaa waxay
damceen in ay la tacaalaan hase yeeshe dhawicii ayay u geeryootay. Dilka Soorada
yaaa waaa si weyn uga xumaaday dadweynaha Soomaaliyeed ee ku nool Magaalada
Muqdisho gaar ahaan kuwii adeega caafimaad u doonan jiray. Dilkaan waxaa
cambaareeyay Golaha Maxaakiimta islaamiga ah oo sheegay in ay gacanta ku soo
dhigeen labo nin oo lagu tuhunsan yahay Dilka Haweenaydaasi, waxaana sidoo kale
Camaareyay culuma’udiinka gobalka Banaadir, gaar ahaan Dalladda Culumada
Soomaaliyeed oo dilkaasi ku tilmaamay mid ka baxsan Diinta Islaamka. Waxaa
kalloo cambaareeyay qaybaha bulshada rayidka oo maxaakiimta u soo jeediyey in ay
Maxkamad soo taagaan raggii ka dambeeyay dilkaasi.
Haweeneyda oo uu la dhintay nin ilaalo u ahaa
ayaa waxaa ka hadlay Dowlada Talyaaniga oo soo jeedisay in cadaaladda la hor
keeno ciddii ka dambeysay dilka Haweeneydaasi. Maalintii shalaya ahayd ayaa
Maydka Sooradaasi waxaa qaaday diyaar qaas ah oo loo soo diray, sidoo kale waxaa
horey u sii raacay Haweenkii kale ee Soorooyinka ahaa ee Isbitaalkaasi ka
shaqeyn jiray, waxaana daba socday ardaydii ay wax bari jirtay, waxaana loo
qaaday Magaalada Nayroobi, kaddibna waxaa loo sii qaadi doonaa Dalka Talyaaniga.
Dilka Sooradan waxa uu ku soo beegmay xili Dunimada Muslka ay aad uga caroodeen
hadal ka soo yeeray Boobka ugu sareeya Diinta Kirishtaanka kaddib markii uu
aflagaadeeyay Nabi Muxumad (NNKH).
Sheekh Yuusuf Indha-Cadde oo ah Madaxa ammaanka
ee Maxaakiimta Islaamiga ah oo booqday Isbitaalka ayaa kulan la yeeshay
Mas’uuliyiina Isbitaalka, waxa uuna u sheegay in Maxaakiimtu ay aad uga xun
yihiin dilka sooradaasi. Sooradaan oo ka shaqeyneysya Isbitaalkaasi Mudo 5 sano
ah, waxayna 1940 ku dhalatay Magaalada Pianceza ee Dalka Talyaaniga. Waa dilkii
labaad oo dad ajnabi ah loo gaysto tan iyo markii ay la wareegeen Maxaakiimta
Islaamiga ah oo ka dhacay Muqdisho, waxaana hore dilay nin Weriye ah oo ku
dhashay Dalka Sweden.
Cabdi Qaybdiid oo shalay soo gaaray Magaalada
Baydhabo…
Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) oo ka mid ahaa qabqablayaashii looga adkaaday
dagaalkii u dhexeeyay Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Isbahaysigii la dagaalanka
Argagixisada ayaa shalay soo gaaray Magaalada Baydhabo oo xarun ku meel gaar u
ah Dowladda Federaalka.
Ilaa iyo hadda lama garanayo sababaha uu Cabdi Qaybdii du yimid, iyadoo
heshiiskii dhex maray Maxaakiimta iyo Dowladda Federaalka qodob ka mid ah uu
dhigayey in aan wax taaguleyn ah iyo soo dhaweyn ah loo sameynin kooxihii ka
tirsanaa Isbahaysiga la dagaalanka argagixisada.
Cabdi Qaybdiid ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho madaxda ugu sareysa
Dowladda oo ugu horeeyo Madaxweyne C//llaahi Yuusuf Axmed.
Xuseen Miikaal “Magaceyga waa lagu been
Abuurtey kamana qaybgelin…
Nabadoon Xuseen Faarax Miikaal oo ka mid ah Nabadoonada beesha Reer Xaaji
Suleymaan ayaa si kulul u beeniyay war ay sii daayeen qaar ka mid ah warbaahinta
Magaalada Muqdisho kaas oo lagu sheegay in uu ka qaybgalay kulan ka dhacay
guriga Xildhibaan Max’ed Jaamac Furux.
“Anigu kama qaybgelin shirkaasi, magaceygana waa lagu been abuurtay” ayuu yiri
Xuseen Miikaal oo sheegay inay horey ula kulmeen Maxaakiimta Islaamiga ah isla
markaana ay meel wax dhigteen. Sidoo kale waxa uu beeniyey in uu ka mid yahay
guddigii lagu saaray gurigaasi oo ka soo xaajoonaya Dekedda Weyn ee Magaalada
Muqdisho.
Dhawaan ayaa waxaa Guriga Xildhibaan Furux kulan ku yeeshay Odoyal iyo Waxgarad
ka tirsan Beesha Reer Xaaji Suleymaan kaas oo looga hadlayay arrimo la xiriira
Dekedda.
Dowladda Federaalka oo maanta xarun u
fureysa Maxkamadda sare…
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Baydhabo waxay sheegayaan in maanta Magaalada
Baydhabo ay Dowladda Federaalka ka fureyso xarun ay yeelaneyso Maxkamadda sare,
waxana xafladda furitaanka ka qaybgali doona saddexda mas’uul ee ugu sareysa
Dowladda, sidoo kale waxaa furitaanka xaruntaa ku lamaansan siminaar loo furayo
25 garsoore oo laga kala keenay gobalada dalka, kuwaas oo cashiro la xiriira
garsoorka ku qaadan doona xarunta cusub ee ay yeelaneyso Maxkamaddu.
Waa markii ugu horeysay oo Dowladda Federaalka xarun u furto mid ka mid ah
hay’adaha ugu sareeya Dowladda Federaalka.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com
|
DAILY.NEWS
|
WORLD.NEWS
|
TAARIIKH
Waxaa magaalad Gaalkacyo ka dhacaday xaflad
lagu furayey qayb ka mid ah jamacada bariga afrika(East Africa University).
Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ka dhacaday xaflad lagu
furayey farac ka mid ah Jaamacada Bariga Afrika,(East Africa University) oo
xarunta ugu wayn ay ku taal magalada Boosaaso ee gobolka Bari
Waxaa ka soo qayb galay xaflada furitaanka jaamacada Bariga Afrika dad badab oo
isugu jiray Culumaa'udiin Aqoon yahano Siyaasiyiin Maamulka Gobolka Mudug
waxaana ka mid ahaa gudoomiyaha gobalka C/rashiid Cali Xashi (Dhubane),
gudoomiya kuxigayna ka duqa dagma xXsan Hiraabe, Isimada waxaa kaloo xaflada ka
soo qayb galay wafti ka socday jaamacada bariga afrika xarunteeda magalada
Bososo Sida oo SomaliTalk u soo tabiyay wariye madax banaan oo ku sugan Galkacyo
oo la yiraahdo Axmed C/laahi Cusman.
Xaflada oo ku bilaabatay jawi dagan ayaa ugu horayn waxaa lagu furay aayado
quraanka kariimka ah intaas kadib wax hadalka furay Maamulaha jaamacada qayta
Galkacayo Sheikh .Adan Maxamed Cigal isoo si wayn oga sheekeeyay taarikhda
jaamacada iyo qiimada ay uleedahay gobalka Mudug, sidoo kale wax uu shegay
jaamacada lagu baran doono ugu horan Maamulka iyo Maareenta ,Computers Sayniska
iyo Macad Caafimaad oo u kala qaybsamo shiibarka iyo Galkaaliye nimada .
Maamulka jaamacada Shiekh Aadan Maxamad Cigaal mar uu hadlayey waxaa ka mid ahaa
hadaladiisa ''in badan baa Ardayda wax ka barada Gobalka Mudug ay u raadsadaan
wax barasho meel dheer ee maanta waxay oogu timid gurigooda ee waxaa looga
fadhiyaa in ay ka faa'iidaystaan''
Waxaa kaloo asagana hadalo kooban ka soo jeediyey goobta nin lagu magacaabo
Maxamed Sayid C/le Xasan kana mid noqon doona macaliminta jaamacada wax ka dhigi
doonna kana yimid dalka dibadiisa halka markii ay dadku maqleen magacaa ay hal
mar indhaha wada taageen oo qaarkod ay is taageenba intay layaabeen ayadoo
dadkii dhaman mesha fadhiyey ay la fajaceen magacaa halka dadka qaar ay is
dhaheen ma sayidkii baa soo noolaaday muxuu yahya magacaan iyagoo soo xasuutay
halgankii Sayidka ninkaana ay isku magac yihiin.
Waxaa kaloo asagana ka hadlay goobtaa DR Axmed sheikh oo isagu maamule ka ah
jaamacada Bariga Afrika qaybta Bosaaso waxna ka dhiga wuxuu dadka ooga sheekeyey
taariikhda jaamacada bariga afrika ay leedahay iyo tayadeeda
Ugu danbeentii wax kal kaas ka hadlay gudoomiyah gobalka c/rashiid cali
xaashi(dhubane) wax uu shagay in maamulka puntland ay garab istagayaan jaamacada
wax uu na ku baarujiray dad wayn nah golka mudug in ay ka qayb qaataan jaamacada.
Si kasta ahaatee waxaad aad iyo aad u soo dhaweyey jamaacadan furitaankeeda
shacabweynaha ku dhaqan gobolka mudug iyo waliba ardaydii ka baxday schoolka
sare ee cumar samatar oo ayu aan wali helin wax jaamacad ah oo ku taala wadanka
gudigiisa
Axmed C/laahi Cusmaan
dhagaweyne21@hotmail.com
Somali Talk Galkacyo Puntland Somalia
Qaxooti Somaaliyeed ayaa is isba joog ah ugu
soo qulqulaaya Wadanka Kenya Gobolka Waqooyi Bari 22,000 ay soo galeen sanadkaan
bilawgiisii
Warar ka imaanaya xuduuda wadamada Kenya oo la wadaago Somalia waaxa dhawrkii
maalmood ee aan soo dhaafnay ay halkaasi soo gaareen qaxooti Somali ah oo ka soo
barakacay koonfurta dalka somalia kuwaasi oo doonaya in ay nabad galyo ka helaan
dalka kelya iyadoo ay iminka dalka somalia intiisa badan gacanta ku dhigeen
maxaakinta islaamiga ah ee somaliyeed.
Deegaanka loo yaqaan Libooya ayaa waxaa wararka ugu danbeeyay ay sheegayaan in
300 oo qof ay ka sa soo tilaaben xadka labada dal haayada UNHCR ayaa waxay
sheegtay 22,000 Somali ah ay soo galeen kenya tan iyo intii ay dalka somalia
sanadkaan bilawgiisa ay ka dhaceen dagaaladii u dhexeeyay maxaakinta iyo waliba
qabqablayaashii laga taagta roondaaday
Dalka kenya ayaa laga soo bilaabo 1991 markii ciida afka loo daray dawladii
Maxamed Siyyad Barre waxaa ku suganaa xeraha gobolka Waqooyi bare ee kenya
134,000 oo somali ah kuwaasi oo diiwaan gashan balse waxaa jira kuwa badan oo
aan intaasi ka yareen hadii aysan ka badnayn oo ku sugan magaalooyinka waawayn
sida Caasimada Nairobi, Mombasa Garisa Wajir Mandera iyo meelo kale iyadoo
Nairobi dadka Qaxootiga ah ay dawlada Maraynka ka qaato kuwa ay soo dalbadaan
qoysaskooda ku nool Waqooyiga America .
halkaan ka Akhiri warka oo Dhamaystiran oo ay qortay Reuters
Maxamed Cabdi Maxamed Bootaan
SomaliTalk Nairobi kenya
Botaan1@hotmail.com
Ivory Coas: Xukuumada cusub ee Ivory coast oo
lamagacaabay.
Ra’iisal wasaaraha waddanka Ivory Coast, Charles Konan Banny ayaa magacaabay
xukuumadiisa kadib markii ay 10kamid ah golihiisa wasiiradu ay iska casileen
jagooyinkii ay hayeen taasi oo ka timid kadib markii lagu eedeeyay 2 kamid ah
golaha wasiiradu in ay ku lug leeyihiin fadeexad, sun loogu daadiyay qaybo ka
mid ah wadanka.
Ra'iisal wasaaraha ayaa shaqadii ka eryey wasiirradii gaadiidka iyo deegaanka,
isla markaasna
ku beddeley kuwo cusub kadib markii 10 casho ka hor ay soo baxeen fadeexadu ay
mas’uuliyiintaasi ku lug yeesheen oo ku saabsanayd sun lagu daadiyey magaalada
Abidjan ee caasimadda waddankaas.
Maalintii jimcihii dad ku mudaharaadayay wasiirakii gaadiidka ayaa isugu soo
baxay wadoyinka magaalada caasimada ah kuwaasi oo dhagaxaan ku tuuray wasiirka
oogaari sitay marayayna mid ka mid ah wadooyinka ay dadku isugu soo baxeen
halkaasi oo ay wax yeelo u gaysteen wasiirka gaadiidka ee haatan xilkii laga
qaaday Mr:Anaky Kobenan. isla markaan ay jareen wadooyinka caasimada ee Abidjan.
Ra’iisal wasaare Charles Konan Banny, ayaa haatan dawlad cusub dhisay, kadib
markii ay shacabku si weyn u kaceen isla markaasna la ogaadey in ugu yaraan 11
goobood oo ku yaal magaalda Abidjan lagu daadiyey sun khatar ah.
Dhismaha inta harsan ayaa waxaa la rajaynayaa in aysan si wayn isu badalin iyada
oo sida la rajayanayana ay ku jiri doonaan siyasiyiin si wayn u taagera
Madaxwaynaha wadankaasi Laurent Gbagbo
Ra’iisal wasaaraha ayaa xukuumaddiisa cusub ku soo kordhiyey afar wasaaradood oo
aan horay u jirin waxana ay tirada wasaaradaha tani ka dhigaysaa 36 wasaaradood.
7 qof ayaa ku geeriyootey suntaas lagu daadiyay dalka Ivory coast iyadoo 30,000
oo qofna ladhigay ispitaalada dalkaasi si looga daweeyo khatarta xunta lagu
daadiyay dalka.
A/rizak koronto
Garowe puntland
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2006
Bayaan ku wajahan xaaladda
soomaaliya oo kasoo baxay xarunta xoriyo.
Xarunta Xoriyo iyadoo afkaarteeda iyo
mabaadi’deeda ku Saleynaysa Axdiga Qaramada midoobay, Baaqa Caalamiga ah ee
Dhowrista Xuquuqda Aadanaha ,Axdiga Carabta ee ilaalinta xuquuqda Aadanaha ,
kan Afrika iyo kuwa kale ee lamidka ah.
Iyadoo xaruntu ka shidaal qaadanaysa heshiiska
caalamiga ah ee khuseeya Xuquuqda Dhaqaalaha ,Bulshada iyo Dhaqanka kaasoo
qodobka 1aad faqradiisa 1aad caddeynayso in shucuubtu xaq u leeyihiin Aaya ka
talinta arrimaheeda , isla mar ahaantaana ay xor u tahay yagleelida hannaanka
iyo qaabka xukun ee iyaga raali gelinaya taasoo la saanqaadi karta duruufaha
dhaqan/dhaqaale iyo bulsho ee Umadaas.
Qoraalka oo dhan
akhri... (pdf)
Wajigii
labaad ee dhismaha Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo furmay.
W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com

Maalintii shalaya ahayd ayaa waxa dib u furmay
wajigii labaad ee Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Wadada ay
ku cararaan Diyaaradaha ee Runway-ga, kaas oo ay dhibaato ka soo gaartay
Dagaaladii sokeeye ee mudada 16-ka sano ah ka jiray Dalka.
Shirkadda gacan ka gaysaneysa dhismahaasi oo
lagu magacaabo Midowga Shirkadaha Qalabka Culus ayaa mar uu warbixin siinayey
Guddoomiyaha Shirkaddaasi Muxiyadiin Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in Wajigii
koowaad ee dayactirka Wadada Garoonka la soo gebagabeeyay, maanta uu dib u
furmay wajigii labaad, isagoo sheegay in waqti dhow la soo gebagabeyn doono
wajigaasi.
Muxiyadiin Waxa uu sheegay in Runway-ga ay
dhibaato ka soo gaartay Mowjadaha Badda iyo waliba iyadoo laga bixiyey Caro
Kaabo oo boholo waaweyn ay halkaasi ka qodmeen, waxa uuna sheegay in ay duugista
godadkaasi caro iyo shamiito xoogan iyo waliba dhagxaan si ay uga difaacaan
Mowjadaha Badda, waxaa kalloo uu sheegay labada dhinac ee Runway-ga ay iyana
dayactir ku sameynayaan.
Waxaa arkeysaa Gawaari fara badan iyo
Baldoosaro ka shaqaynaya Garoonka, kuwaas oo is dib-dhaafayey, sidoo kale waxa
ka hawlgalayey shaqaale fara badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar, waxa kalle oo
Garoonka dib loo dayactirayaa xafiisyadii uu garoonku lahaan jiray, kuwaas oo ku
burburay dagaaladii sokeeye, waxaana ka qayb-qaadanaya Shirkadaha Diyaaradaha ee
ka soo dega Garoonkaasi.

Garoonka oo aad u mashquulsanaa ayaa waxaa
maalintii ka soo dega 7-8 diyaaradood, waxaana markaad u socotid garoonka aad
mareysaa labo Koontarool oo labadaba si aad ah laguugu baarayo, waxaana haatan
agagaarkiisa ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo ganacsi aad u baaxad weyn, waxaana la
filayaa in waqtiyada dhow ay dib u soo laabato bilicsamidii garoonka Diyaaradaha
ee Magaalada Muqdisho.
Gabar
Soomaali oo iyadoo Xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....
Wargeys kasoo baxa
Gothenburg ayaa qoray in..
Akhri
Sept 15
Shirkii Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay
dalka Morocco
iyo Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo
isku Raacay in ay Midoobaan...
Akhri... Sept 15
Mas’uuliyiin ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Haweenka
Bulshada Rayidka oo kulan wada yeeshay
»Arday ka qalin jebisey kuuliyadda
culuumta caafimaadka..
»Madaxweynaha Puntland oo Gaaray kalabaydhka.
»Buuhoodle
iyo Soo dhoweynta Cadde Muuse...
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 15
|