SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Gal-Mudug Maxaad ka taqaanaa?

Alle ayaa mahad leh, Rasuulkiisa ayaa gutay ammaanadii Alle ku soo dhiibay (NNKH). Akhristow haddaan maqaalkeyga halkaan ku falanqeeyo Dowlad Gobaleedka Gal-Mudug maxaad ka taqaana?, waa dowlad gobaleed ka dhalatay Magaalada Gaalkacyo Koonfurteeda, waxaana dhistay dadka deegaankaas degan, markii ay arkeen in ay leeyihiin Dhul, Bad, Xoolo iyo Dekad, kuna fekeray in ay Dowlad gobaleed dhistaan, Waxayna magac ugu doorteen (Dowladda Gabaleedka Gal-Mudug State), axayna doorteen Madaxweyne iyo ku xigeen, waxayna dhisteen Baarlamaan, waxaa lagu dhawaaqay Wasiiro, haddaba akhristaha sharafta lahow waxaa Koonfurta Gaalkacyo ka furan labo idaacadood oo kala ah Idaacadda Hobyo iyo Idaacadda Codka Mudug, magaalada oo aad u dhismeysa dhanka Koonfureed, haddaba Kharistow ruuxna maamul la’an iyo nidaam la’aan hadduu ku nool yahay wax un baa k maqan, Diinteeda Islaamka ayaa na amreysa in haddii ay saddex qof safraan qofkood amiir u noqdo, marka akhristow waa wax fool xun bulsho nool oo aan nidaam ka jirin.

Koonfurta Gaalkacyo, ama Gaalkacyo idilkeed kama jiraan wax isbaaro ah, xiligii aad doonto ayaad baxeysaa ama aad imaaneysa adiga oo wata wixii lacag ah iyo Moobeylkaaga, dahabka dariiqyadaa loogu Laafyoodaa, basle waxaa loo baahan yahay Ilo dhaqaale iyo goobo caafimaad, waliba goobo waxbarasho iyo wax soo saar, waayo dadka deegaankasi degan waxay leeyihiin Dekedda Hobyo oo hadday dhistaan oo ay maalgelin ku sameeyaan wax weyn ka tari karta arimaahas aan soo sheegnay, ruux kasta haddii uu deegaankiisa dhisto waa u sharaf, dadkana kalana waxay ka heli karan shaqo iyo nolol raacdeysi.

Mar aan Magaalada Gaalkacyo booqday, wax yaabihii iigu yaabka badnaa waxay ahaayeen iyadoo qofku sito wax walba, sida Dahabka iyo Taleefanada Gacanta, isla markaana aysan wax cabsi ah jirin, Maleeshiyada qoryaha wadatana ak marayaan, arrintaaasi oo aad u farax gelineysa qof kasta oo damiir u saaxiibaa, waayo waxaana ka tagay Xamar oo markii aan baxayey ku sugneyd xaalad argagax leh, ileen maalin walba dad aan waxba galabsan ayaa la dilayey, Alle ayaa mahad leh, waxaan ka soo degay Garoonka Caalamiga ah ee Muqdisho waxayna taasi igu noqotay arrin kale oo I farax geliyay.

Akhristaha sharafta lahow waxaa mudan in la xuso nabadgelyada xamar ka dilaacday, Garoonkii ayaa la furay, Dekeddii oo shaqeyneysa, Masjidkii Isbahaysiga oo Salaad loo tagayo, Xamar oo aftiisa gees la isaga kala gooshayo iyo kuwo kale oo soo goobi Karin iyadoo aan cabsi jirin, Alle ayaaa looga mahadceliyaa kaas oo nagu hagajiyey dabeeshaan caafimaad.

Akhristow haddaan ku noqdo Dowlad Gobaleedka Gal-Mudug, waxaa aad iyo aad iyo Aad dadka degan deegaankaasi oo dhistay, balse sidii ay ku hirgeli lahayd iyaga laga rabo, ileen canuga markuu dhaso horey kama is taago, waxa uuse soo mara marxalado kala duwan, Dhismo maamul ama Dowladeedna waa sidaa oo kale oo shaqo adag ayuu u baahan yahay, waxaa raba Akhristaha Sharafta lahow in aan halkaan ku xuso Gabadha degan Koonfurta Gaalkacyo oo aad iyo aad u raba dowladnimo una huray Waqtigoodii iyo maalkoodii in ay dhisaan dowlad gobaleedka Gal-Mudug, waxa kaloo xusid mudan gabdhaha ka soo hayaamay iyagoo ku nool nolo raaxo badan iyo mid Gaalkacyo si ay uga qayb-qaataan dhismaha la doonayo in la dardargeliyo ee Gaalkacyo ka bilowday, waxayna u hureen maal iyo waqti, waana wax ay taariikhdu xusi doonto, haddii ay dhabowdo Riyadoodu.

Haddaba Akhristow haddii Dowlad Gobaleedka Gal-Mudug ay shareecadda Alle ku dhaqmaan way guuleysanayan, Dastuurka ay sameysteen waxaa ku qornaa in wax Alle wixii Diinta Islaamka ka hor imaanaya ay yihiin Baadil, Dowlad gabaleedka Gal-Mudugow ka dhabeeya waxaad ku heshiiseen ood saxiixdeen, oo ah in Dastuurkiinu yahay Kitaabka Alle iyo Sunnadda Nabiga (NNK), Allana aad talo saarataan, waxaad gaareysaan Guul Wacan.

Guntii iyo Gabagabadii waxaan jeclahay in aan ku soo gunaado sidaan.:

Geesiyaashiiyoow, Goolka dhaliseenoo.

Garabkiina baan nahay, Marna gaabin meyno.

Gal-Muduug, Gal-Muduug.

Geeya Ceelka, Geeya Ceelka.

Dawada laga cabiyo, Guriga Caafimaadka.

Gal-Muduug Gal-Muduug.

W/D: Xaliimo Jaamac Cilmi (Xaliimo Qarad).

E-Mail: qarad22@hotmail.com

AFeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 18, 2006

»Kahortagga Khilaafka (Bilowga Ramadaanka)
»
GABAY: Gabaygii waxbaa salagleh | Xiirane

»SOOMALIYA OO U BAAHAN IN IGAD LAGA XOREEYA | Yusuf
»Imisa dabaq ayaa laga dhisayaa goobitii Twin Towers (pdf) | Yaxye
»
Cadde Gaabow Nin ay Dayaceen kuwii xilka uu dhiibey | Xariiri
»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD