SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOOMALIYA OO U BAAHAN IN IGAD LAGA XOREEYA
Waxaa soo diyaariyay:
YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF

Waxaa doonayaa in aan ka war bixiyo arimo badan oo la isku qaldaayo oo ka taagan soomaliya waqtiga aan hada joogno.

Dhamaanteen waa aynu ka wada dharagsan nahay dhibatada uu wadankeenu ku sugan yahay laga soo bilaabo horaantii 1990 naadki ilaa maantadan aan joogno.
hadaba dagaalo sokeeye oo aad u xun oo na soo maray iyo mar xaalado kala duwanaa oo waqtiyo kala duwan dhacay iyo isbadalo badan ,arimahaas oo idil waynu ka wada dharagsan nahay.
 
waxaan rabaa inaa sharaxaad ka bixiyo ururka ( IGAD )iyo inta ku midoowday
ururka IGAD waxaa aasaastay wadamada ku yaal bariga AFRIKA sida :
ERITERIA                  ETHOPIA
SOMALIA                  KENYA
SUDAN                      UGANDA
JABUUTI
Tan marki la aasasay urur gobaleedka IGAD horta sideedaba wax wayn oo u ku soo kordhiyay gobalka maba jirto.
Wadamada ku bahoobayna dhamaantood waa wadamo iska soo horjeeda oo leh isbaheysiyo lidi isku wada ah,tusaale ahaan
Wadamada Sudan,Ethopia,Yemen waxay qabaan isbaheysi la yiraahdo isbaheysiga sanca oo dhamaantood waxay  ka soo horjedaan wadanka Eriteria.
Kenya & Ethopia waxaa ka dhaxeeya heshiis ay gareen mudo laga joogo 40 sano,heshiiskaas oo dhigaayo in Kenya & Ethopia  iska kashadan arimaha Somalia  ,madama Somalia ay ka heystaan dhul & dad nool.
Uganda & Sudan waxa iyagana ka dhaxeeya colaad oo waxay isku adeegsadan jabhado midba midka kale uu rabo inuu ku wiiqo awoodiisa.
Jabuuti waa wadan qunyar socod ah balse la walaal ah Somalia ,sidaa daradeed aan heysan garab.
Ereteria &Ethopia colaad wayn baa ka dhaxeysa oo ciidan  caalami baa kala dhax fadhiya.
Somalia awood iyo talo toona kuma laha geeska AFRIKA ,waana wadan tiisa heysato la ildaran dagaalo sokeeye iyo  gaajo iyo cudur.
IGAD madama u loolan ka dhaxeeyo dhaxdeeda waxaase jira in wadan walbo dagaalo sokeeya ay ka jiraan gudiihisa,
Sudan mushkilad galbeedka wado baa ku furan oo arinka DARFUR  baa taagan oo iyada la rabaa ciidan calami loo diro dalkeeda.
Uganda waxa wada hadal u socdaa jabhad hubeysan oo dagaal kala dhaxeeyo.
Kenya waxay la ildaran tahay musuqmaasuq iyo burcadnimo baahan.
Ethopia waxaa faro kulul ku hayo kacdoon ka dhan tigreeyga  sida OROMADA, SOOMALIDA (ONLF),AMHARADA .
Somalia mashaakil wayn baa ka jira oo iyadii baa is heysata tan iyo marki la soo dhisay.
Hadaba hadaan faalo kooban ka bixiyo arimaha  ugu dambeyay ee SOMALIA .
Waxaa dhacay isbadal wayn oo ka dhacay koonfurta  oo awoodi qabqablayaasha dagaalka waa la wiiqay oo wax Ethopia u galay oo carara iyo qaar Baydhabo u baxsado bay noqdeen
Magaalo madaxdi iyo gobalo kale waxaa gacanta ku haya MAXKAMADO SOOMAALIYEED oo islaami ah ,dekadi iyo gegidii diyaradaha waa la furay amnigi  waa la soo celiyay ,xamar na waa nabad dagaalki qabiilka iyo qabqablayaashi waa laga soo gudbay.
Dowladii & maxkamadihina 2 goor bay kulmeen wayna is af garteen ,bil kadibna way balansan yihiin ,oo waxay ku balameen in ay ugudbaan awood qaybsi.
Dowlada iyo Maxkamadaha way is ictiraafeen heshiisna qalin ka ku dugeen.
Dagaalo ka dhaxeeyana ma jirto.
 
IGAD  maxay u dooneysaa in ay SOMALIA gasho  ?
Igad hada waxa awooda leh oo goaan ka leh waa 6 marka laga reebo SOMALIA oo ah kan loo tashanaayo.
Wadamada SUDAN ,JABUUTI,ERETARIA waxay goan ku gaareen in ciidan loo dirin SOMALIA ,shirka QARTUM  laga warsugo sida xaal u noqdo oo arinta la waalin
Wadamada ETHOPIA,KENYA, UGANDA waxay qaateen goaan ku eg 3 dooda oo ah in ciidan  SOMALIA loo diro si loo caawiyo dowlada.
Dad badan oo SOMALIYEED arinkaas waxay u arkaan arimo  ay ka dambeeyaan wadamo dano ka leh SOMALIA oo aan wax dan iyo heelo ka laheyn dadka iyo dalkaba.
Maxkamadaha islaamka & inta badan shacabka SOOMALIYEED arinkaas way ka soo horjeedan ,marka laga rebo inyar waxbo garaneynin oo aaminsan reer hebel & dano shaqsiyadeed  in dalkeena ay galaan wadamada ETHOPIA.KENYA & UGANDA ,waayo sababo ay u galaan ma jirto ,dano qaas ahna way naga leeyihin.
 
 
URURKA MIDOWGA AFRIKA ee xaruuntisu tahay ADDIS ABABA ETHOPIA goankisa ah in si dagdag ah cidamo loogu diro SOMALIA mudo bil gudaheed ah,waa arin aan loo dhameyn oo ay wataan wadamo SOMALIA aan u rabin dowladnimo iyo madaxbanaani taam ah,balse waxaa yaab ah in UNITED NATION aysan wali SOMALIA ka qaadin cunaqabateynta hubka ee saaran dalkeena,sidaa daradeed sharci ma ahan in arinkaas fulo waayo SOMALIA waa dal madax banaan xubin  a ka ah  (UN).
 
Waxaa xusid mudan oo aan rabaa in aan idin xusuusiyo in ETHOPIA marnaba raali ka noqoneynin in la helo dowlad SOOMALIYEED oo xor ah lamid ah wadamada bariga AFRIKA ka dhisan.tusaale :
ETHOPIA iyada gacanteeda ku soo dhistay dowladan baydhabo ku rafadsan & iyadan kala qaybisay hadana isla dowlada.
Ethopia iyada ka dambeysay isbaheysigi burburey  ee laga adkaaday ,hadana iyada wali soo hubeyneysa  ( warlords  naxariista darnaa ee laga reystay )
ETHOPIA iyadoo dumisay dowladi ka horeysay tan ee lagu soo dhisay wadanka JABUUTI  oo u hogaminayay madaxwayne CABDIQASIM SALAD HASAN .
ETHOPIA waxay si sharci daro ah ugu jirtaa dalkeena gaar ahaan: BAY,BAKOOL,GEDO,HIIRAN .GALGADUUD ,GALKACYO,WAQOOYIGA SOOMALIA
Ethopia iyada madaxa isku galisay dowlada mpagathi mana dooneyso in ay baydhabo dhaafto dowladan xataa waayo waxaa burcad SOMALIA ka jira iyada taageerta ,burcadana dhaxdooda heshiis ma ahan.
Waxaa yaab badan in  wasiirka gashandhiga SOMALIA COL: BARE HIIRAALE u cadeeyay in usan ogaleyn in  ciidamo IGAD ah SOMALIA cag soo dhigi karin,halka safiir isku sheeg SOOMALIYEED ( LAQANYO)oo london qaxooti ku ahaan jiray u ka dalbaday shir lagu shirqolayay danta dalka & dadka SOOMALIYEED u ka dalbaday wadamada cadawga ku ah dalkeena in ciidamo  U soo diraan SOMALIA.
Waxaa wax lala yaabo ah in dowlada kuwa sheganayaan ay dalbaden cidamo ajanabi ah oo ka difaaca  dadkeeda, yaab badnaa ( dowlad dadkeeda laga difaacayo)
 
Hadaba ummada SOOMALIYEED maxaa la gudboon?
 
Ummada SOOMALIYEED waxaa la gudboon  in ay dalkooda iyo diintooda & dadkooda ka difacaan ETHOPIA,KENYA&UGANDA
 
In ay midoobaan garabna siiyaan dadka raba in SOOMALIYA noqoto wadan xor ka ah IGAD & gumeysi amxaaro.
Hadii ay soo galaan ciidamo ETHOPIAN & ETC waa in lala jihaado hubkana la qataa si isku mid ahna loo layaa cadawga gudaha & kan dibada ha ahaado haduu rabo  ehelkada.
Waxaa xusid mudan in maantay la maraayo waqtigi goobanimo doonka oo kale waa in la la xisabtamaa dadka qaaimiinta ah ee wadankooda ku soo hogaminaayo ETHIOPIAN & qurunka kale.
Waan in la qoraa oo book lagu qoraa dadka caadeystay in ay gumeysiga  difacaan si looga jaaseeya waqti ga ugu horeeya ee laga adkaado ETHIOPA .
Waa in wadamada saaxibka nahay la waydiista  gargaar hadii IGAD amar la an soo galaan SOMALIA si looga hortago.
Shacabka SOOMALIYEED ee xalaasha ah waa inay u diyaar garooban difaaca dalkooda & dadkooda
Mudanayaasha baarlamaanka ee wadaniyiinta ah waxaa laga codsanayaa inay muujiyaan inaysan raali ka aheyn in dalkeena soo galaan amar la aan IGAD,hadii kale waxaa la mid noqon doontaa kuwa ay madax martay ETHOPIA ee aan garan karin hagar daamooyinka ay ku heyso dadka & dalka SOOMALIYEED.
Waxaa hubaa hadii ETHOPIA faraha kala baxdo SOOMALIYA in la heli doono DOWLAD & DAL XOR AH .balse inta ETHOPIA  hub iskugu dhibeyso walina colaado cusub ka hurineyso SOMALIA in SOMALIA saan ku jiri doonaan waayo waxaan marmar maqlaa SOOMALI NIN MUUQA KA AH UURKA KA AH ADOON GUMEYSI U AH CABIID inu ku hadlo ETHOPIA waa saaxibaden waa darisken danta reerkena ayay wadataa.danta reerkada  ma waxa weeye warlords dhan madaxa isku galinaa adna aniga i tahay dameer.
Maqaalkeyga waxaan kusoo gunanadayaa halo diyaar garoobo iska xoreyn
shiisheye u adeege iyo maato isbareeste
IGAD MA DONEYNO SOOMAALIYA SOOMAALI BAA LEH,AYAHEEDANA IYADAA LEH
Waxaa soo diyaariyay:
YUSUF MOHAMED ABDI YUSUF
mrsomalia@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2006


Wajigii labaad ee dhismaha Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo furmay.

W/D; Amiin Yuusuf Khasaaro

E-Mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

Maalintii shalaya ahayd ayaa waxa dib u furmay wajigii labaad ee Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Wadada ay ku cararaan Diyaaradaha ee Runway-ga, kaas oo ay dhibaato ka soo gaartay Dagaaladii sokeeye ee mudada 16-ka sano ah ka jiray Dalka.

Shirkadda gacan ka gaysaneysa dhismahaasi oo lagu magacaabo Midowga Shirkadaha Qalabka Culus ayaa mar uu warbixin siinayey Guddoomiyaha Shirkaddaasi Muxiyadiin Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in Wajigii koowaad ee dayactirka Wadada Garoonka la soo gebagabeeyay, maanta uu dib u furmay wajigii labaad, isagoo sheegay in waqti dhow la soo gebagabeyn doono wajigaasi.

Muxiyadiin Waxa uu sheegay in Runway-ga ay dhibaato ka soo gaartay Mowjadaha Badda iyo waliba iyadoo laga bixiyey Caro Kaabo oo boholo waaweyn ay halkaasi ka qodmeen, waxa uuna sheegay in ay duugista godadkaasi caro iyo shamiito xoogan iyo waliba dhagxaan si ay uga difaacaan Mowjadaha Badda, waxaa kalloo uu sheegay labada dhinac ee Runway-ga ay iyana dayactir ku sameynayaan.

Waxaa arkeysaa Gawaari fara badan iyo Baldoosaro ka shaqaynaya Garoonka, kuwaas oo is dib-dhaafayey, sidoo kale waxa ka hawlgalayey shaqaale fara badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar, waxa kalle oo Garoonka dib loo dayactirayaa xafiisyadii uu garoonku lahaan jiray, kuwaas oo ku burburay dagaaladii sokeeye, waxaana ka qayb-qaadanaya Shirkadaha Diyaaradaha ee ka soo dega Garoonkaasi.

Garoonka oo aad u mashquulsanaa ayaa waxaa maalintii ka soo dega 7-8 diyaaradood, waxaana markaad u socotid garoonka aad mareysaa labo Koontarool oo labadaba si aad ah laguugu baarayo, waxaana haatan agagaarkiisa ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo ganacsi aad u baaxad weyn, waxaana la filayaa in waqtiyada dhow ay dib u soo laabato bilicsamidii garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho.


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD