Bayaan ku wajahan xaaladda soomaaliya oo
kasoo baxay xarunta xoriyo.
Xarunta Xoriyo iyadoo afkaarteeda iyo mabaadi’deeda ku Saleynaysa
Axdiga Qaramada midoobay, Baaqa Caalamiga ah ee Dhowrista Xuquuqda
Aadanaha ,Axdiga Carabta ee ilaalinta xuquuqda Aadanaha , kan Afrika
iyo kuwa kale ee lamidka ah.
Iyadoo xaruntu ka shidaal qaadanaysa
heshiiska caalamiga ah ee khuseeya Xuquuqda Dhaqaalaha ,Bulshada iyo
Dhaqanka kaasoo qodobka 1aad faqradiisa 1aad caddeynayso in shucuubtu
xaq u leeyihiin Aaya ka talinta arrimaheeda , isla mar ahaantaana ay
xor u tahay yagleelida hannaanka iyo qaabka xukun ee iyaga raali
gelinaya taasoo la saanqaadi karta duruufaha dhaqan/dhaqaale iyo bulsho
ee Umadaas. Qoraalka oo dhan akhri... (pdf)
Dowlada Fadaraalka Ee Kmg Ah Ayaa
Lagu Eedeeyey In Ay Ku Xadudbeyso Heshiiskii Lagu Kala Saxiixday
Kharduum Wareegii Labaad Ee Wada Xaajoodka Ku Dhaxmarey Xukuumada Iyo
Midowga Maxaakiimta Shareecada Islamka ;
Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@Hotmail.Com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623
Prof Maxamed Cali Abuukar Oo Ah Ku
Xigeenka Madaxa Xiriirka Dibada Ee Golaha Midowga Maxaakiimta Islaamiga
Ah Ayaa Ku Eedeeyey Dolwlada Fadaraalka Kmg Ee Somaliyeed In Ay Ku
Xadgudbeyso Heshiiskii Bilowgii Bishaan Lagu Soo Kala Saxiixday
Magaalada Kharduum Ee Dalka Suudaan ,
Isaga Oona Xusay In Dolwlada Fadaraalka
Kmg Ee Somaliya Dhegaha Ay Ka Fureysaneyso Qodobkii Tiir Dhexaadka U
Ahaa Heshiiskaa Mas.Uulkaas Oo Wareysi Gara Siiyey Wargeyska Shaqil
Owsad Ee Ka Soo Baxa Magaalada London Ee Dalka England Waxaana Uu
Tilmaamay In Ay Ku Durdurineyso Heshiiskii Labada Dhinac Ay Ka Gaareen
In Ayan Dowladaha Deriska Ah Siyaasad Ahaa Iyo Milateri Ahaan U Soo
Gelin Arimaha Somaliya ,
Mas.Uulkasi Oo U Hadlay Golaha
Maxkamadaha Islaamiga Waxaa U Tilmaamay In Ciidamo Kasto Oo Ajnabi Ah Oo
Loo Soo Diro Dalka Somaliya In Ay Xaalada Uu Ka Dhigi Doonaan Mud
Murugsan , Dhinaca Kale Madaxa Warfaafinta Ee Golaha Midowga Maxaakiimta
Islaamka Sh: Cabdiraxiin Cali Muuday Ayaa Isna Sheegay In Ay Dagaal Kala
Hortagi Donaan Ciidamada Afrikaanka Ah Ee Lagu Wado In Loo Soo Diri
Doono Gudaha Dalka Somaliya ,
Sh: Cabdiraxiin Cali Muuday Ayaa
Hadalkiisa Ku Sheegay Wareysi Uu Siiyey Wargeyska Sharqil Owsad Ee Ka
Soo Baxo Dalka England Isaga Oo Xusay Qorshaha Dowladaha Igad Ciidamada
Ay U Soo Dirayaan Dangara Laga Leeyahay , Mas.Uulkaasi Waxaa Kale Oo Uu
Tilmaamay In Dowladaha Igad Wax Miisaaniyad Ah Aysan U Heynin Ciidamada
La Sheegayo In Loo Soo Dirayo Dalka Somaliya Isaga Oo Tilmaamay In
Dowladuhu Aysan Wada Heynin Qarashka Ku Baxayo Ciidamada Oo Dhan
35.000.000 Doolarka Mareykanka Ah
Golaha Maxkamadaha Islaamiga Ayaa
Sheegay Sidii Ay Xiri Lahaayeen Xuduuda U Dhaxeyso Wadamada Keynya Iyo
Somaliya Si Looga Hortago Ciidamada Nabad Ilaalinta Ee Wadamada Igad Ee
Lahadal Haayo In Ay Xuduudaasi Ka Soo Talaabi Doonaan
Iyada Oo Uu Cirka Isku Si Shareerayo
Khilafkii U Dhaxeeyey Dolwlada Fadaraalka Kmg Ee Somaliyeed Iyo Golaha
Midowga Maxaakiimta Shareecada Islaamka Ee Ku Aadan Qorsha Ciidamada
Loogu Soo Dirayo Dalka Somaliya Ayaa Waxaa Isa Soo Tarayo Hadal Heynta
La Xiriirta In Ciidamo Maxkamadaha Ay Qorsheynayaan In Ay Xirayaan
Xuduuda Ay Ka Soo Gudbi Doonaan Ciidamada Afrikaanka Ah ,Mas.Uul Ka
Tirsan Golaha Maxaaiimta Islaamka Ayaa Xaqiijiyey In Ay Ciidamo U
Dirayaan Xuduuka Dalka Keynya Si Loo Xiro Xuduuda Isla Markaana Loo
Diido In Ay Ciidamo Ajnabi Ah Ka Soo Talaabaan Dhinaca Dalka Somaliya ,
Mas.Uulkaan Ayaa Sheegay Isaga Oo Wareysi Siinayey Wargeyska Sharqi
Owsad Ee Ka So Baxo Dalka England Ayaa Ku Nuuxnuuxsaday In Aysan Marnaba
Ogolandoonin In Iidamaasi Ka So Gudbaan Xuduudka Ay Somaliya La Wadaagto
Dalka Kenya .
Wargeyska Ayaa Sheegay In Talaabadaani
Ay Ku So Beegmeyso Iyada Oo Mid Ka Mid Ah Taliyauyaasha Ciidamada
Midowga Maxaakiimta Islaamku Oo Lagu Magacaabo Sh: Xasan Cabdulahi Xeri
( Turki ) Uu Ku Si Wajahan Yahay Magaalooyinka Xuduuda La Leh Wadanka
Kenya Isaga Oo Ay La Socdaan Ciidamo Gaarayo Ilaa 1000 Kun Askeri Oo Ku
Hubeysan Ilaa 100 Gaarida Dagaalka Ah Ee Tiknikada Loo Yaqaano Si Ay U
Xiraan Xuduuda Labada Dal Ee Somaliya Iyo Kenya Talaabadaan Ayaa Ku So
Begantay Iyada Oo Dowladaha Urur Goboleed Ka Igad Bishii Hore
Go.Aansaday In Dufcada Koowaad Ee Ciidanka Igad Som Ee Lo Soo Dirayo
Dalka Somaliya La Iskuugu Geeyo Magaalada Garisa Ee Dalka Kenya Una Dhow
Xuduuda Ay Labada Dal Wadaagaan ,
Golaha Maxkamadaha Islaamka Waxey
Horey U Sheegeen In Ay Dagaal Jihad La Geli Doonaan Ciidamadaasi
Shisheeye Meelkasta Oo Ay Ka Soo Galaan Dalka Somaliya
Ciidamada Ilaalada Gudoomiyahay
Barlamanka Shariif Xasan Sh: Adan Ayaa Kala Ceriyey shalay Dad Ku
Banaanbaxayey Magaalada Baydhao Kuwaasi Oo Ka Soo Horjeeday Keenista
Ciidamada Africaanka Ee Lagu Wado In Dalka La Keeno
Dadkaan Oo Ka Kala Yimid Xaafada
Magaalada Baydho Ayaa Waxey Ku Dhawaaqayeen Eroyo Ay Kaga Soo Horjeedan
Keenista Ciidamada Wadamada Africa Ee Lagu Wado In Bishaan Dhamaadkeeda
La Keeno Dalka , Iyo Dilkii Wasiirkii Dastuurka Cabdale Deerow Isaaq Iyo
Dhacdooyinkii Ka Dhacay Magalada Baydhabo Inti Dowladu Ay Fadhiday ,
Dahcdadii 4tii Bishaan Oo Ay Ku
Geeriyoodeen Ilaa Lixruux 6 Ayaa Sababta Ugu Weyni Ahayd ,
Banaanbaxaan Ayaa Waxaa Soo Qaban
Qaabiyey Culumada Gobolka Bey Iyo Dadweynaha Deeganka Waxaana Ugu Weynaa
Oo Hogaaminayey Sh: Cabdulahi Garweyne Dhamaan
Waxaana Mudaahiraadkaan Uu Ka Danbeyey
Markii Labadi Maamool Ee La Soo Dhaafay Mas.Uuliyin Kala Gedisan Heer
Gobol Iyo Heer Degmo Iyo Kuwo Wasiiro Iyo Xildhinbano Isug Jira Kana
Tirsan Dolwlada Fadaraalka Kmg Ee Somaliya Oo Beelaha Digil Iyo Mirifle
Ah Ay Iyagu Sheegayeen In Ay Si Aad Ah Uga Xunyihiin Falalkii Ka Dhacay
Magaalada Beydhabo Gaar Ahaangaroonka Diyaaradaha Ay Ka Haadaan Kan Soo
Degaan Ee Magaalada Baydho Iyo Weliba Hadaladii La Sheegayey In Ciidamo
Malleshiyo Beeleedyo Lagu Tilmaamay In Ay Yihiin Ciidamada Dowlada Ay
Isaga Guuraan Magaalada Baydhabo Taas Oo Markaasi Dadka Reer Baydhabo
Sahcuurtooda Aad U Kicisay Ayaa Si Wadajir Ah Waxey Uga Warameen In Ay
Iyaguna Si Wadajir Ah Uga Faaiidaystaan Bulshada Oo Isla Mar Ahaantaa Ay
Ugu Baaqaan Ciidamada Shisheeye Ee Loo Soo Wado Dalka Somaliya In Ay Ka
Soo Horjeedaan ,
Dibad Baxaan Oo Laga Soo Bilaabay
Salaadi Jimcaha Ka Dib Masaajidada Waxaana La Soconayey Ilaa
Isbartiibada Weyn Ee Magaalada Baydhabo Waana Mid Wada Saameeyey
Magaalada Guud Ahaanba Waxaana La Arkayey Qeybaha Kala Duwan Ee Bulshada
In Ay Ka Qeyb Qaadanayeen Ganacsigiina Waa La Wada Xirey Ujeedada
Banaanbaxa Ayaan Dad Badani Ogeyn Waxa Uu Ku Saabsan Yahay Balse Ay
Ahaayeen Kuwa Ka Qabqaadanayey Waxaan Qiyaasay In Ay Ka Qeyb Ahaayeen
Ilaa 800 Oo Qof In Ay Ahaayeen Dadka Isu Soo Baxay ,
Garoonka Kubad Acagta Ee Dr Ayuub Ee
Magaalada Baydhabo Ayaa Waxaa Yiid Oo Dadkii Lkala Ceriyey Qaar Ka
Tirsan Ilaalada Gudoomiyahay Golaha Baarlamanka Sh: Xasan Sh: Aden
Iyo Kuwii Maamulka Dagmada Iyo Saldhiga
Boliska Oo Isbaheystey Ayaa Waxey Abuureen In Ay Markaasi Dadkii
Argagax Geliyaan Si Ay U Kala Cararaan Dadkii Mudaaharaadayey Oo Ay
Culumadu U Weyneyd ,
Culumada Masaajidada Magaalada Beydhabo
Ayaa Si Wada Jir Ah Uga Qeyb Qaadanayey .
Waxey Socod Dheer Ka So Bilaabeen
Afarirdoodka Lamiga Dheer Ayey Soo Mareen Ilaa Wadada Aada Muqdisho
Waxaa Kale Oo Ay So Hor Mareen Aqalak Uu Ka Degan Gudoomiyaha
Baarlamaanka Hortiisa Markaa Oo Ay Ilaalada Sahriif Ka Ay Xabado Ooda
Uga Soo Qaadeen Banaanbaxayaashii ,Waxaana La Xirey Afar Ka Md Ah
Culumadii Soo Abaabushay ,
Adan Maxamed Yarrow ( Afweyne ) Oo Ah
Taliyaha Naabd Sugida Shariif Xasan Sh: Adan Ayaa Sheegay In Uu Isagu U
Maleynayey In Loo Dan Leeyahay Gudoomiyahay Baarlamanka Balse Uu Ka War
Helay Mardanbe In Arntu Aysan Sidaa Aheyn Wuxuuna Ku Sii Darey
Hadalkiisa In Uu San Raali Ka Noqon Doonin Muadaahiraad Aan La Ogeyn
Cida Ka Danbeysa Mana Jirto Cid Nagu So Wer Gelisay ,
Fal Dil Ah Oo Ka Dhacay Dekeda Weyn
Ee Magaalada Muqdisho Ka Dib Markii Nin Dhalin Yaro Ah Uu Qori La
Qabsaday Mid Ka Mid Ah Ilaalada Dekeda
Shilkaan Oo Dhacay 10 Kii Subax Nimo Ee
Maanta Ayaa Warku Intaasi Ku Darayaa In U Ku Dhintey Wiil 18n Jir Ah Oo
Halkaasi Joogay Halka Uu Dhaawacna Ka Soo Gaarey Mid Kale .
Shilkaan Ayaa Yimid Xili Uu Muran Soo
Kala Dhex Galay Qaar Ka Mid Ah Dadkii Halkaasi Isku Qabsaday Oo U Ka Mid
Ahaa Marxuumka La Dilay Manta Oo Ka Mid Ahaa Dadka Ku Hor Ganacsada
Albaabka Hore Ee Dekeda Muqdisho Iyo Weliba Mid Ka Mid Ah Ilaalada Oo
Diidanaa In Halkaasi Wax Lagu Gato ,
Marxuumkaasi Ayaa Warku Intaasi Ku
Darayaa In La Dilay Ka Dib Markii Uu Qoriga La Qabsaday Nin Ilaalo Ah
Waxaana Ay Tahay Dil Ay Geysteen Ciidamo Kale Oo La Joogay Midka Qoriga
Lala Qabsaday Ninkasi Oo Ka Mid Ahaa Ciidamada Ilaalada Ah Ee Halkaasi
Ka Howgala Meydkii Iyo Ninkii Dhaawca Ahaa Goobtii Uu Ka Dhacay
Shilkaasi Laga Waxaa Ka Qaaday Ciidmo Ka Tirsan Ilaalada Dekeda Weyn Ee
Muqdisho Waana Markii Ugu Horeysay Ee Falnoocan Ah Uu Ka Dhaco Dekeda
Weyn Ee Magaalada Muqdisho Oo Furan Mudo Bil Ka Badan Maalmahaan Danbe
Ayaa Waxaa Qeybo Ka Mid Ah Magalada Muqdisho Waxaa Ku So Badanayey Dilal
Ay Geysanayeen Kooxo Hubeysan Iyo Dhawacyo Inkasta Oo Ciidamada
Maxkamadaha Islaamiguna Ay Wadaan Howgalo Xoogan Oo Xaga Amaanka Ah Ay
Si Weyn Ugu Sugeen
Maamul U Sameynta Gobolak Banadir Oo
Laga Fiirsanayo
Maamulka Midowga Maxaakiimta Islaamka
Ayaa Sheegay In Ay Ka Fiirsanayaa Ku Dhawaqista Maamul U Sameynta
Gobolka Banaadir Gudoomiye Ku Xigeenka Dhinaca Golaha Fulinta Ee
Maxaakiimta Sh: Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax ( Janaqow ) Ayaa Sheegay In
Ay Socdaan Dadaalo Wax Ku Ool Ah Oo La Doonayo In Si Calaada Ah Loogu
Dhiso Maamulka Gobolka Banadir ,
Sh: Janaqow Ayaa Waxaa Uu Tilmaamay In
Ay Socdaan Howlo Ay Uga Baaraan Degayaan Qaabkii Loo Dhisi Ahaa Gobolka
Banadir
Sh: Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax (
Janaqow ) ayaa sheegay in muqdisho oo maamul loo sameeyo ay ka dhib
badan tahay in dalka oo dhan loo sameeyo maamul sida daraadeedna ay
iyagu noqonayaan kuwa aan soo degdegin oo ka fiirsasho badan ku dhawaaqa
wax dadku ay raali isaga yihiin ,
Isaga oo intaasi ku soo darey Sh:
Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax ( Janaqow ) in ay ogyihiin dad iyagu
doonayo in la soo dedejiyo oo dan gara wato wuxuuna sheegay kuwaasi in
ay wax turuntureynayaan oona lala socdo ,
�runtii culeyska maamul u sameynta
gobolku uu leeyahay waa ognaha baahida loo qabana waa ognahay maamul in
loo dhiso somaliya iyo in muqdisho oo ah gobolka banadir maamul loo
dhiso hadaana tan mudisho dhib badneyn waxaan isleeyahay weyska agdhow
yihiin in aad loogu fiirsado ayey u baahan tahay mar hadanan isku
khilaafsanayn maamulkii in la dhiso ay waajib tahay oo aanan isku
khilaafsanayn in aan dhisnana rabno waxaan filaayaa in la arki doono wax
wanaagsan oo aan hortiina keeno ,waxaanse ognahay oo kale dadka gobolka
banadir maamul ha loo dhiso leh in badan oo ka mid ah wxey doonayaan in
ay na taraatureeyaan oo anaga oo aan ka fiirsan oo wax badan ka fikirin
in ay nagu riixaan si hadhow ay qalad kii aan galnay ka faaiidaystaan
marka waa ka foojigan nahay tas aad baan rabnaa in aan u fiirsano wax
badan oo dhici kara aan ka fiirsano taasina waxey u baahnaan doontaa in
aan waqti qadano waxaan kaloon ognahay dad badan oo dano qs ah ka leh
maamulka gobolka banadir hadaan la dhisin wax idiima qabankarno naleh ay
leeihiin hay.adaha qaarkood iyaguna jeclaan lahaayeen in wax la qabto oo
ay dhaqso wax dhismaan waxaan ognahay iyane laakiin anaga waxaa noo
mudan khabla kuli sheey in oo aad noogu dan ah dalka iyo dadka anfaca oo
sal leh laakiin qof xabag meel uga dhegan tahay ka gooysta doonayo isaga
si gooni ah ugu hiili meyno ayuu yiri Sh: Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax (
Janaqow ) isaga oo ku sii darey kan na turaantureynayana ka yeelimeyno o
waxaan leenayahy war noo kaadi waa ka firsaneynaaye wixii dhulka lagu
dubto ayaa garabka la saartaa ,degdegsiinyo doorma dhasho ayaa la
yiraahdaa wuxuu ku so gabagabeeyey waxbadan oo quraan iyo axaadiis ah
hadaan isku darno in aan gar heleyno ayaan filayaa wax dadka ka qosliya
oo anfaca ayaan dhisaynaa oo aad idiin raali geliya ,
Sh: Cabdiraxmaan Maxamuud Faarax (
Janaqow ) inkasta oo u tilmamay kuwo ay ka fiijigan yihiin oo iyagu dano
gaara wato arinta maamulka gobolka banadir hadane waxaa dadkani
isweydiinayaan oo hal xiraale ku noqotey cida uu ula jeedo in ay danaha
gaarka ah ka leeyihiin dhismaha maamulka gobolak anbanadir
wafdigii maxkamadaha islaamiga ah oo
maamahaan booqanayey wadamada geeska Africa oo haatan gaarey wadanka
ereteriya
wafdigii uu hogaaminayey gudoomiyaha
gudiga fulinta ee midowga maxaakiimta islaamka sh: Shariif sh: Axmed
ayna weheliyeen gudoomiyaha golaha shuurada sh : Xasan Dahir Aweys iyo
xubno kale ayaa lagu waramayaa in ay haatan gaareen wadanka criteria
halkaasna ay kulan wada xaajood ah kula leeyihiin madaxda wadanka
ereteria ,
wafdigaan ayaa la sheegayaa in ay
shalay galab ka duuleen garoonka diyaaradaha ee dalka Djabuuti oo ay
maalmo ka hor soo gaareen ka dib markii ay ka soo qeyb galeen kulankii
ka dhacay magaalada sirti ee dalka liibiya , Djabuti intii ay joogeena
ay wada hadleen dowlada uu hogaamiyo ismaaciil cumar geele oo kula
taliyey in ay aqbalaan heshiiskii khartum ee ay dowlada la galeen ,
wafdigan ayaa dowladaha ay booqanayaa
ujeedada ugu weyn ee ay kala hadlayaan waxey tahay in la baajiyo in aan
wax ciidamo ah dalka la keenin ,
sida wararku ay sheegayaan waxaa lagu
wadaa wafdigaan maxaakiimta in ay booqdan dalal kale oo ay ka mid yihiin
suudaan iyo yamen iyaga oo diirada saarayo in ay wax gacan ah ka helaan
ololahooda ku aadan in la baajiyo ciidamo shisheeye oo dalka la keeno oo
ay cabsi weyn ka qabaan maxkamadaha gacanta ku haaya muqdisha ,
Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@Hotmail.Com
Muqdisho Somalia
002521576666/002521653623