Wararkii: Sept 16, 2006
- Wajigii labaad ee dhismaha Runway-ga
Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo furmay.
- Dadweynaha Magaalada
Baydhabo oo muujiyey …
- Jinni Boqor ”Dowladdu
haka joogto ciidamo…”
- Gen. Cadde Muuse oo looga digay inuu
gaaro Magaalada..
- Maamulka Gobalka Bay oo sheegay in aan
la qaban karin..
- Gen: Cade Muuse Anagu Nabad baan Rabnaa
Waana isdaafici karnaa..
- Dadwayne badan oo ciidammada gumaysigu
xidhxidheen iyo kuwo ay dileen
Wajigii
labaad ee dhismaha Runway-ga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho oo furmay.

Maalintii shalaya ahayd ayaa waxa dib u furmay
wajigii labaad ee Dayactirka Garoonka Diyaaradaha Muqdisho gaar ahaan Wadada ay
ku cararaan Diyaaradaha ee Runway-ga, kaas oo ay dhibaato ka soo gaartay
Dagaaladii sokeeye ee mudada 16-ka sano ah ka jiray Dalka.
Shirkadda gacan ka gaysaneysa dhismahaasi oo
lagu magacaabo Midowga Shirkadaha Qalabka Culus ayaa mar uu warbixin siinayey
Guddoomiyaha Shirkaddaasi Muxiyadiin Max’ed Cali ayaa waxa uu sheegay in Wajigii
koowaad ee dayactirka Wadada Garoonka la soo gebagabeeyay, maanta uu dib u
furmay wajigii labaad, isagoo sheegay in waqti dhow la soo gebagabeyn doono
wajigaasi.
Muxiyadiin Waxa uu sheegay in Runway-ga ay
dhibaato ka soo gaartay Mowjadaha Badda iyo waliba iyadoo laga bixiyey Caro
Kaabo oo boholo waaweyn ay halkaasi ka qodmeen, waxa uuna sheegay in ay duugista
godadkaasi caro iyo shamiito xoogan iyo waliba dhagxaan si ay uga difaacaan
Mowjadaha Badda, waxaa kalloo uu sheegay labada dhinac ee Runway-ga ay iyana
dayactir ku sameynayaan.
Waxaa arkeysaa Gawaari fara badan iyo
Baldoosaro ka shaqaynaya Garoonka, kuwaas oo is dib-dhaafayey, sidoo kale waxa
ka hawlgalayey shaqaale fara badan oo isugu jiray Rag iyo Dumar, waxa kalle oo
Garoonka dib loo dayactirayaa xafiisyadii uu garoonku lahaan jiray, kuwaas oo ku
burburay dagaaladii sokeeye, waxaana ka qayb-qaadanaya Shirkadaha Diyaaradaha ee
ka soo dega Garoonkaasi.

Garoonka oo aad u mashquulsanaa ayaa waxaa
maalintii ka soo dega 7-8 diyaaradood, waxaana markaad u socotid garoonka aad
mareysaa labo Koontarool oo labadaba si aad ah laguugu baarayo, waxaana haatan
agagaarkiisa ka socda dhaqdhaqaaqyo iyo ganacsi aad u baaxad weyn, waxaana la
filayaa in waqtiyada dhow ay dib u soo laabato bilicsamidii garoonka Diyaaradaha
ee Magaalada Muqdisho.
Dadweynaha Magaalada Baydhabo
oo muujiyey …
Maalintii shalay ahayd markii
salaaddii Jimcaha laga soo baxay ayaa waxaa dariiqyada waaweyn ee Magalada
Baydhabo isugu soo baxay dadweyne aad u fara badan oo ay horkacayeen
Culuma’udiinka gobalkaasi kuwaas oo si aad ah uga soo horjeeday in Soomaaliya la
keeno ciidamo Shisheeye, gaar ahaan Magaalada Baydhabo.
Dadweynaha Magaalada Baydhabo
ayaa waxa ay ku dhawaaqayeen ereyo ay ka mid ahaayeen ”Dooni meyno ciidamo
shisheeye”, ”Dowlddu waa inay ka digtoonaadaan in la keeno ciidamo shisheeye”
iyo ereyo la mid ah.
Banaabaxaan oo markii dambe
isku bedelay mid rabshad wata ayaa waxaa dadkii banaabaxayay kala eryay ciidanka
Booliiska oo banaan-baxayaashii qaarkood xabsiga u taxaabay, hase yeeshee Qaar
ka mid ah Culuma’udiinka oo dadweynaha la hadlay waxa ay sheegeen in ay ku
jihaadi doonaan ciidamo shisheeye oo la keeno dalka, gaar ahaan Magaalada
Baydhabo, iyagoo sheegay in banaanbaxaani uu yahay fariin ku socota Dowladda
Federaalka.
Jinni Boqor ”Dowladdu haka
joogto ciidamo…”
Xildhibaan Cabdi Cabdule Siciid
(Jinni Boqor) oo ah Xildhibaan si aad ah uga soo horjeeda in dalka la keeno
ciidamo shisheeye ayaa waxa uu sheegay in xiligaan aysan shacabka Soomaaliyeed u
baahneyn wax ciidamo shisheeye ah.
”Markii hore Baarla-maanku waxa
uu u coddeeyay in dalka la keeno ciidamo shisheeye, waxaana xiligaasi jiray
duruufo loogu baahnaa ciidamo, balse maanta dalku waa nabad wax ciidamo
shisheeye ah oo loo baahan yahay ma jiraan” ayuu yiri Xildhibaan Jinni Boqor oo
sheegay in Dowladda Federaalka ay dooneyso in ay burburiso heshiiskii Khartuum,
waxa uuna si gaar ah farta ugu fiiqay mas’uuliyiinta sar sare ee Dowladda
Fedeaalka oo iyagu u xusul duubaya in Dalka la keeno Ciidamo Shisheeye, waxa
uuna mas’uuliyiintaasi uga digay inay ka haraan keenista ciidamadaasi Shisheeye.
Gen. Cadde Muuse oo looga digay inuu gaaro
Magaalada..
Inaali Laahi Wa Inaa Ileyhi
Raajicuun
Tacsi: Faarax Cabdi (Faarax-dheere)
oo ku geeriyooday London.
Annagoo ah dadka magacyadoodu hoos ku taxan yihiin, waxaannu halkan
tacsi uga diraynaa saaxiibaddayo Ciise Faarax, Maxamed Faarax, Muuse
Faarax iyo Cabdilaahi Faarax iyo dhammaan tafiirta reer Faarax Cabdi,
eheladooda iyo
qaraabaddooda. Waxaannu uga tacsidaynaynaa aabbahood Faarax Cabdi (Faarax-dheere)
oo galabnimadii shalay (14 Sep 2006) ku geeriyooday Royal Hospital oo ku
yaal magaallada London.
Ma dhinte waa Ilaahay, adduunyadana cidi ku waarimayso. “Kulli nafsin
daa’iqatul mowt (naf kastaaba geerida way dhadhaminaysaa, yacnii way
dhimanaysaa)”
Waxaannu Ilaahay uga baryeynaa Faarax Cabdi inuu Jannadii Fardowsa geeyo,
innaga iyo eheladdiisiina samir iyo iimaan inaga siiyo. Aamiin, Aamiin,
Aamiin
Yaasiin Jaamac Nuux (Suldaan)
Caydiid Cilmi Cali
Cabdi Xasan Axmed
Cismaan Nuur
Cabdi Xaaji Saleebaan
Xasan Jaamac Axmed (Shuqube)
Cabdilaahi Jaamac (Gabyaaye)
Cabdiraxmaan Maxamed Aadan
Maxamed Aadan (M-dheere)
Maxamuud Saleebaan (Digix)
Cabdi Xariir
Jaamac Abokor Dubbed
Abokor Ibraahim Xasan (Ina-qoorgaab)
Cabdicabdilaahi Xasan Mataan
Cismaan Abokor
Fahad Cabdalle Jaamac Cawaale
Maxamuud Saleebaan Jaamac
Yaasiin Jaamac Cali
Maxamed Yuusuf Liibaan
Cabdiraxmaan Axmed Cawl
Maxamuud Guuleed
Maxamed Baashe X Xasan
Axmed Mire Waqaf
Maxamuud Bakistaani
Cabdi-gaadh
Maxamed Axmed (Maayar)
Cabdiqaadir Kuutiye
Cabdicasiis Xasan Jaamac
Maxamed Xuseen Rooble
Cabdirisaaq Xaaji Xuseen
Cabdirashiid Baaxeer
Cabdiraxmaan Cali Cabdi
Cabdiqaadir Maxamed Guudcadde
Saleebaan Maxamuud Aadam
Faysal Cilmi Cali
Muuse Idigaa
Cabdikariim Max’ud Dalmar
Abokor Saleebaan Tuudhe
Yuusuf Ismaaciil Xasan Mataan
Faarax Ibraahim
Yusuuf Ismaaciil Cali
dhammaadWaxaa soo tebiyey:
Yaasiin-
Suldaan aftahanc@hotmail.com
|
Wararka naga soo gaaraya Magaalada Laascaanood
ee Gobalka Sool, waxay sheegayaan in Gen. Cadde Muuse oo ah Madaxweynaha maamul
Gobaleedka Puntland looga digay in uu tago Magaalada Buu-Hoodle oo ka tirsan
Gobalka Togdheer.
Digniintaan oo ay soo saareen Isimada Deegaanka
Buu-Hoodle ayaa waxay ku sheegeen digniintoodaas in haddii uu yimaado Cadde
Muuse Magaaladasi ay dhici karto isku dhac dhex mara maamulada Puntland iyo
Somaliland.
Gen. Cadde Muuse ayaa waxa uu sheegay in ay ka
go’an tahay in uu tago Magaalada Buu-Hoodle oo uu sheegay inay ka tirsan tahay
maamulka Puntalnd.
“Aniga iska tagi maayo ee waxaan ku tagayaa
rabitaanka shacabka ku nool Buu-Hoodle” ayuu yiri Cadde Muuse oo sheegay in
haddii uu weerar kaga yimaado dhinaca Somaliland ay iska difaaci doonaan.
Cadde Muuse oo maalmahan ku sugnaa Magaalada
Laas-Caanood ayaa intii uu ku sugnaa waxaa madaafiic is weydaarsaday dhinacyada
isku haya deegaana ee Somaliland iyo Puntland (Hoos ka akhri hadaladii Cadde
Muuse ka jeediyey Laascaanood].
Maamulka Gobalka Bay oo sheegay in aan la qaban
karin..
Iyadoo maalintii shalay ahayd banaanbax uu ka
dhacay Magaalada Baydhabo kaas oo lagu diidanaa ciidamo shisheeye oo dalka la
keeno ayaa hadda waxaa arrinaani digniin ka soo saaray maamulka ka taliya
Baydhabo oo sheegay in aan wax banaanbax la qaban Karin oo aan fasax looga
haysan maamulka Gobalka Bay.
Maamulku waxa uu sheegay in ciddii
qaban-qaabineysa banaanbax oo aan fasax ka haysan maamulka xabsiga loo taxaabi
doono, hase yeeshee Culuma’udiinka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in
ay sii wadi doonaan banaanbaxyada ay kaga soo horjeedaan in dalka la keeno
Ciidamo Shisheeye, waxayna Dowladda uga digeen in ay faraha la soo gasho
rabitaanka shacabka ku nool Gobalada Bay iyo Bakool.
W/D Amiin Yuusuf Khasaaro
E-Mail:
amiinkhasaaro@hotmail.com
Laascaanood:Gen:
Cade Muuse Anagu Nabad baan Rabnaa Waana isdaafici karnaa Hadii Nalasoo Weeraro.
Madaxwayanaha DGPL Gen: Cade Muuse oo Jimcadii
ka hadlayay gudaha magaalada laascaanood ayaa shaaca ka qaaday in xukuumadiisu
ay mar walba xoorinayso Nabada, Jiritaanka Puntland iyo somaliland, Dariswanaaga,
Hormarka, isaga oo intaa ku daray in aan loo dulqaadan doonin mar la arko kooxa
yar ee wada fadqalalooyinka oo doonaya in ay puntland laba u kala qaybiyiin
taasi oo aan dhici karin.
Madaxwayne General: Cade Muuse ayaa wacad ku
maray in ay mar walba ka shaqaynayaan Nabada iyo Hormarka, Jiritaanka xukuumada
Puntland iyo kala danbaynta gudaha puntland iyo sidii loo sii wadi lahaa
baahinta xukunka puntland.
Gen: Cade muuse ayaa sheegay in Puntland ay
nabad rabto balse ay is difaacayso hadii la soo weeraro oo aysan gacnaha ka
laaban doonin cida isku dayda in ay nabada iyo jiritaanka puntland carqalad
galiso.
Madaxwayne Cade muuse intii uu ku guda jiray booqashadiisa gobalka Sool waxa uu
booqashooyin ku tagay tuulooyin oo ay ka mid ahaayeen Kalabeyr, Dabataag,
Dharkengey iyo deegano kale.
Wuxuuna sheegay in wadahadal ay diyaar u yihiin
inay dhinac kasta la sameeyaan si hormar looga garo daris kuwada noolaanshaha
nabadana sare loogu qaadi lahaa dhanwalba.
Hadalka Gen: Cadde Muuse ayaa ku soo aaday xili uu madaxweynaha Puntland
qorshaynayo inuu socdaal ku tago degmada Buhoodle ee gobolka Cayn, oo si wayn
looga diyaar garoobay in uu halkaasi yimaado madaxwaynuhu si looga wada hadlo
xaaladaha amaan iyo tan nabad galyo iyo hormarineed ee deegaanka Buuhoodle ee Gobalka
Sool, iyadoo SomaliLand aysan ku faraxsanayn booqashada madaxweyne Cadde Muuse
taasi oo niyad jab ku ah maamulka Daahir Riyale ee Hargaysa Fadhiya oo aan
awooda badan ku lahayn deegaanada Bariga ee fadhiidka ah.
A/rizak koronto
Laascaaood Puntland
Barnaamijkii Radio
Xoriyo
15 September 2006
Dadwayne badan oo
ciidammada gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay dileen
Petronas iyo
Itoobiya oo isku khilaafsan shidaalka Ogaadeenya
Dublumaasi uu
dhalay hooggaamiyaha Canfarta oo Itoobiya ka fakaday
======================
Dadwayne badan oo
ciidammada gumaysigu xidhxidheen iyo kuwo ay dileen
Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa si wayn u
kordhiyay cadaadiskii ay ku hayen dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya,
waxayna maalmihii u denbeeyay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku
xidhxidheen dad rayad ah oo aad u badan, sidaas waxaa noo soo sheegay
wariyaha RX uga soo warrama dalka Ogaadeenya.
Ciidammada gumaysigu waxay magaalada Jigjiga
ku xidhxidheen dadka kala ah;
1 Maxamuud Xasan
2 Anwar Maxamed Ugaas Mahad iyo
3 Cabdi Xasan Cabdi
Tuulada Heela-Dheere, oo ka tirsan degmada
Garbo, waxay ciidamada gumaysigu jidhdil ba’an ugu gaysteen dadka kala ah;
1 Shaadali Macalin Cabdi
2 Xabib Nuuriye Cabdi
3 C/llaahi Mahdi Xasan
4 Xuseen Sh Cabdi Shugri
5 Dayr Bile Maxamuud
6 Maxamed Ibraahim Rayad
7
Sahro Bile Maxamud iyo
8
Xabiiba Aaden
Karin-Cagaar, oo ka tirsan
degmada Garbo, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen o waliba jidhdil
ba’an u gaysteen dadka kala ah;
1 Faadumo Cabdi Xasan
2 Nimco Macalin Xasan
3 Farxiyo Maxamed Cali
4 C/llaahi Maxamed Xuseen
5 Maxamed Axmed Cabdi Xasan
6 Maxamed Maxamuud Cumar Siraad
7 C/rashiid Sh Maxamuud iyo
8 Maxamed Maxamud Muxumed
Tuulada Caado, oo ka tirsan gobolka Doollo,
waxay ciidammada gumaysiga Itoobiya ku dileen Alla ha u naxariistee labada
nine e kala ah;
1 Faarax Sh Ibraahim iyo
2 Bashiir Jiiqaale Geelle
Magaalada Fiiq gudeheeda waxay sidoo kale
ciidamada gumaysigu ku dileen Alla ha u naxariistee C/llaahi Cismaan.
Dhinaca kale waxay cidammada gumaysiga
Itoobiya hanti kaga dhaceen tuulada Heela-Dheere, oo Garbo ka tirsan,
dadwayne rayad ah. Waxayna dadkaasi kala yihiin;
1 Wali Geedi Oday, ooy ka dhaceen 3500
oo Bir
2 Xuseen Sh Cabdi Shugri, oy ka dhaceen
200 oo Bir
3 C/llaahi Halable Afdhuub ooy ka
dhaceen 230 Bir
Waxay sidoo Balli-Abaad, oo Garbo ka tirsan,
jidhdil ugu gaysteen oo waliba 100 Birna ka dhaceen ninka lagu magacaabo
Axmed Sayid C/llaahi Xasan.
Petronas iyo
Itoobiya oo isku khilaafsan shidaalka Ogaadeenya
Sharikada shidaalka qodda ee Petronas oo laga
leeyaha dalka Malleesiya ayaa sheegtay inay ka biya-diiday qaabka ay
xukuumadda Itoobiya u doonayso in loo hirgaliyo heshiiska ku saabsan shidaal
laga so saaro dalka Ogaadeenya.
Afhayeen u hadlay Sharikada Petronas ayaa
sheegay in xukuumadda Itoobiya ayna wali gaadhin go'aan kama danbays ah oo
ay heshiiska shidaal qodista ku siinayso Sharikada Petronas. Afhayeenkani
wuxuu hadalkan soo saaray, ka dib markii ay soo baxeen warar tilmaamay in
Sharikada Petronas ay soo saarista shidaalka Ogaadeenya u qoondaysay adduun
gaadhaya 1,9 bilyan oo doollarka Maraykanka ah.
Wararka rasmiga ah ee arrintan ka soo baxay
ayaa tilmaamaya in wakiillo ka socda Sharikada Petronas ay toddobaadkii hore
magaalada Addis Ababa kulan kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan xukuumadda
Meles Zenawi, iyadoo kulankaas Sharikada Petronas loogu soo bandhigay
nuxurka heshiiska ay xukuumadda Itoobiya doonayso inay la gasho Sharikada
Petronas.
Hase yeeshee qaabka uu heshiisku u qoran yahay
waxaa ku qanci waayay masuuliyiinta Sharikada Petronas oo sheegay inay aad u
badan yihiin lacagaha ay xukuumadda Itoobiya ka doobnayso inay marka ugu
horraysa ka qaado sharikada iyo canshuurta hadhow laga qaadi doono.
In kastoo ay Sharikada Petronas ku qanci
wayday nuxurka heshiiska haddana waxay labada dhinac ku heshiiyeen inay
kulan kale isugu yimaadaan daba-yaaqada bishan Sebtember.
Dublumaasi uu
dhalay hooggaamiyaha Canfarta oo Itoobiya ka fakaday
Diblumaasi uu dhalay hooggaamiyaha ruuxiga ah
ee qowmiyada Canfarta Suldaan Cali Mirix ayaa goostay oo dalka Maraykanka
magangelyo siyaasadeed ka codsaday, iyadoo diblumaasiyiinta xukuumadda
Itoobiy ka goostay bilihii u denbeeyay ay gaadhayaan 63 diblumaasi oo ka
shaqaynayay safaarado kala duwan.
Diblumaasigan, oo lagu magacaabo Hanfare Cali
Mirix, wuxuu u qabsanaha arrimaha millatariga ka ahaa safaarada ay
xukuumadda Itoobiya ku leedahay dalka Kuwait. Waxaa sidoo kale isaguna hadda
ku gudajira qorshihii uu magangelyo kaga codsan lahaa dalka Maraykanka
xoghayihii kowaad ee safaarada ay xukuumadda Itoobiya ku leedahay magaalada
Brussels ee dalka Beljam, oo lagu magacaabo Mesfin Mideksa.
Waxaa kaloo iyaguna baxsaday oo Maraykanka
magnagelyo siyaasadeed ka codsaday labo nin oo xilal sarsare ka hayay
safaarada xukuumadda Itoobiya ee magaalada Paris ee dalka Faransiiska. Waxaa
kaloo isaguna goostay nin xoghaye ka ahaa safaarada Itoobiya ee dalka Indiya.
Seddexdii bilood ee u denbeeyay waxaa ka
goostay safaaradaha ay xukuumadda Itoobiya ku leedahay dalalka adduunka 63
diblumaasi oo xilalkoodii, taasoo oo calaamad u ah in xukuumadda Meles oo
gabbalkeedii
15 September
2006.
Axmed
Gaal-Eri
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 25 MB ee dhererkeedu yahay
11865 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com
Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2006
Gabar
Soomaali oo iyadoo Xambaarsan 76 kiilo oo Qaad ah lagu Qabtay....
Wargeys kasoo baxa
Gothenburg ayaa qoray in..
Akhri
Sept 15
Shirkii Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay
dalka Morocco
iyo Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo
isku Raacay in ay Midoobaan...
Akhri... Sept 15
Mas’uuliyiin ka socday Maxaakiimta Islaamiga ah iyo Haweenka
Bulshada Rayidka oo kulan wada yeeshay
»Arday ka qalin jebisey kuuliyadda
culuumta caafimaadka..
»Madaxweynaha Puntland oo Gaaray kalabaydhka.
»Buuhoodle
iyo Soo dhoweynta Cadde Muuse...
Wararka oo dhan ka akhri... Sept 15
|