SOMALITALK.COM
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - AFRIKA

Shirkii Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Rabat ee dalka Morocco iyo Suxufiyiinta Qaarada Afrika oo isku Raacay in ay Midoobaan

Waxaa lagu soo gabagabeeyay magaalada madaxda dalka Morooko ee Rabat shirkii suxufiyiinta ee Qaarada Africa oo ay si wada jir ah usoo wada qaban qaabiyeen Ururka Suuxfiyiinta Adduunka ee magaciisa loosoo gaabiyo IFJ iyo Ururka Qaranka Suxufiyiinta Moroko.

Shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee qaarada Africa suxufiyiintooda ay isugu yimaadaan, kaasoo isla markaa ka dhaca meel ka mid ah qaarada afrika ayaa Soomaaliya waxaa uga qeyb galay Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ oo xubin buuxda ka Ururka Suxufiyiinta Adduunka ee IFJ.

Kulanka Rabat oo bilowday maalintii sabtida aheyd ayaa waxaa looga hadlaayay arrimo dhowr ah oo la xiriiro xoriyadda saxaafadda ee Qaarada Afrika, xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta qaarada, dhisida urur suxufiyiinta oo ku hadla magaca suxufiyiinta afrika iyo xiriirka ka dhexeeya ururada kasoo qeyb galay iyo ururka suxufiyiinta ee adduunka ee IFJ.

Maalintii sabtida aheyd ayaa shirka si rasmi ah uu u furmay, waxaana halkaasi hadalo kasoo jeediyay Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyiinta Maroko Younis M'jaahid oo kusoo dhaweeyay ergada shirka dalka Marooko iyo gaar ahaan magaalada Rabat. Younis waxaa uu sheegay in shirka uu yahay mid afrika ay leedahay, afrika arrimaheeda looga hadlayo, lana doonayo in afrika codkeeda ku muujiso si wada jir ah. "Waxaan u baahan nahay in afrikaan ahaan aan noqono dad mideysan, waxa kaliya ee aan doonayno haddii aan nahay Moroko waa intaa" ayuu yiri Younis

Furitaankii Shirka ayaa waxaa ka hadlay Xoghayaha Guud ee IFJ Mr. Aidan White oo sheegay in IFJ ay ku faraxsan tahay in ay maanta kala qeyb gasho suxufiyiinta Africa sidii ay codkooda oo mideysan u muujin lahaayeen. Aidan White waxaa uu cadeeyay in ay IFJ siyaasad ahaan ay dagsatay in ay difaacdo ayna hormariso ururada suxufiyiinta ee ku ad adag fulinta waajibaadkooda. "Waxaa naga go'an in aan gabar istaagno saaxibadeyn ee ku shaqeeya xaaladaha qalafsan, kuligeenana waa in aan gacmaha is qabsano si aan si wada jir ah ugu wajahno xaalada bulsho, dhaqaale, siyaasadeed iyo isku furfuranta adduunka (globalization)" ayuu cadeeyay Aidan White.  

Warbixin dheer oo uu halkaas ka aqriyay agaasimaha xafiiska Africa ee IFJ Mr. Gabriel Ayitte Baglo ayuu tilmaamay in Qaarada afrika ay ka qabteen shaqo aad u culus oo kala duwan marka la eego baaxadda iyo gobol hoosaadyada ay ka shaqeeyeen ee galbeedka afrika, bariga afrika, afrikada koofureed, bartamaha afrika iyo waqooyiga afrika. Gabriel waxaa uu ku sheegay warbixintiisa in galbeedka Africa ururadooda ay la xarbinayaan sidii ay u heli lahaayeen heshiis wada jir ah oo ku saabsan xaaladaha shaqo ee suxufiyiinta ka howl gala 16ka dal ee gobol hoosaadkan kaasoo loo gudbiyo urur goboleedka ay ku mideysan yihiin dalalkaas ee la yiraahdo ECOWAS si ay madaxda dalalkaas u ansaxiyaan oo markaa wixii ka dambeeya lagu saleeyo heshiisyada shaqo ee dalalkaas.

Mar uu Gabriel ka hadlayay bariga afrika ayuu tilmaamay in Ururka Suxufiyiinta Uganda uu helay aqoonsigii uu ku shaqeyn lahaa si sharci ah, kadib sanado dheer oo ay sugayeen.  Dalka Kenyana waxaa uu sheegay agaasimaha afrika in uu kasoo kabtay qalalaasihii dhinaca hogaanka ee heystay ururka bishii March ee sanadkan. "Waxaan  noo farxad ah in uu shirka maanta nagala qeyb galayo Mr. Eric Orino oo ah Xoghayaha Guud ee ururka suxufiyinta Kenya" ayuu ku daray Gabriel hadalkiisa.

Gabriel Baglo waxaa uu sidoo kale sheegay in Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu shaqo adag ka hayo dalka gudhiisa ayadoo uu dalku ku jiro xaalado aad isu bad-badalayo siyaasad ahaan iyo nabadgelyo ahaan. "IFJ iyo NUSOJ intii ay wada shaqeynayeen, Soomaaliya wax badan ayaan ka qabanay oo aan ka baranay" ayuu yiri Baglo. "Waxaan ku faraxsanahay in aan idin sheego in ururka suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ uu ka mid yahay ururada ugu firfircood ee qaarada waana tusaale fiican in Soomaaliya oo fowdo ay ka jirto uu ururkiisana si xoog leh u shaqeynayo". Waxaa uu sheegay in Soomaaliya xoogga la saarayo difaacitaanka xoriyada saxaafadda iyo nabadgelyda suxufiyiinta oo ah mid aad khatar ku jirta.

Xoghayaha Guud ee NUSOJ Cumar Faaruuq Cismaan ayaa shirka uga warbixiyay xaalada ay ku sugan yihiin suxufiyiinta Soomaaliyeed iyo sida NUSOJ ay u wajahayso xaaladaha kala duwan ee dalka ka jira. Cumar Faaruuq waxaa uu tusaaleeyay in meelo badan la isaga dayayo in xoriyadda saxaafadda laga caburiyo laakiin ay ka go'an tahay in ay difaacaan.

Shirka oo lasoo gabagabeeyay maalintii Isniinta aheyd ayaa waxaa ay isku raaceen in la dhiso urur ay leeyihiin suxufiyiinta qaarada afrika kaasoo si rasmi ah uga hadla suxufiyiinta Qaarada, waxaana loo saaray guddi arrintaas kasoo baaran daga oo dib uga soo laaban doono ururadii afrikaanka ahaa. Waxaa loo jeediyay in IFJ ay kordhiso dadaalkeeda ku aadan dhisida iyo xoojinta ururada suxufiyiinta. Sidoo kale waxaa la isku raacay in ol ole loo qaado sidi loo sii deyn lahaa suxufiyiinta waqtigan xiran oo ay ka mid yihiin suxufiyiinta ku xiran Ethiopia iyo Eritrea.






Waxaa soo tebiyey:
C/Risaaq Koronto
Garoowe

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2006

 

»Damiir Xumada Somalida iyo Damaashaadka  Xabashida | M.X.Cilmi
»Shan sanno kadib Dagaalkii Argagaxisada Guulo malaga Gaaray?
»
Yaa ku dhibtooday yaase ku diirsday isbeddelka Muqdisho? | Wallays
»Calankeenii maxaa dheeliyey oo hoos udhigay??? | Kaneec
»Ma Dhabbaa, In Ayan Soomaalidu Wax Wadaqabsiga Ku... | Jooje
»OGEYSIIS: WARAABAHA HILIBKIISA WAA SUN IYO CUDUR | Qurux
»
Baydhabo: Guri ay Martidiisu Gubeyso! | Taysiir
»Baydhabo: Dagaal ma Fadaannaw... | A. M. Yusuf
»IGAD: Musiibo loo soo diray Soomaaliya! | Diiriye
»Geeridii naxdinta lahayd ee sarihii mataanaha ahaa
»
IGAD MA WAXAY NOOGU YABOOHAYSAA (ARMY & AIDS)? FAALO
»DONOQI QUFACDAY MEEL LAGA RAACAYNA MA OGEE HORTA XAGEE
»Maxaa sababay in uu hoos u dhaco dhegeysiga Puntland ee...
»WARAABAHA HILIBKIISA OO LA SHEEGAY IN LA ISKU DAWEEYO
»Muxuu ku salaysnaa shir-madaxeedkii IGAD ee Magaalada Nairobi?
»Baaq-qaylo dhaameed  (Golaha Wadatashiga & Iskaashiga...)
»
Wiil Soomaaliyeed oo mudo 16-sano ku dhibaataysan Baydhabo
»Adigoo jiran haygu soo noqonin!!! | M. Macallin 
»Warsaxaafad: Cambaarayn  dawlada Kenya
Eng. Idiris
»Warsaxaafad: SOO DHOWEYN HESHIISKII KHARTOUM | Eng. Yarisow
»IRAN WAA CADAW ARXAN-DARAN OO SUNIGU LEYAHAY | Khalid
»AFXUMADA AFQURAC RER LAASCAANOD MA KA DHIIDHIN WAYEEN
»Waa Kuma Qofka Gabay Kaalintiisi, Aabe Mise Hooyo? | Jooje
»
Soomalida  iyo Xabsiga da,a yarta ee London (dhambaal argagax leh!)
»
MAQAALADA KALE EE MAANTA::: KA AKHRI HALKAN... GUJI..


Fuustooyinka Sunta ee ku Duugan Jidka Garoowe-Bosaso
TV-ga Rai ee Talyaaniga ayaa soo bandhigay baaritan cusub oo cadayn u ah sunta halista ah ee ku duugan Soomaaliya, baaritaankaas oo afar qaybood ah oo af Talyaani ah ka daawo halkan: Qaybta 1 | Qaybta 2 | Qaybta 3 | Qaybta 4
Video-ga si aad u daawatid soo rogo barnaamijka windows media player
Akhri: Cilmi Baaristii Sunta ku Duugan Soomaaliya | 2000 | Dr. Bashir


MINNEAPOLIS::: ARDAY QALIN JEBISEY:::::::: GUJI [WARAR HORE]


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com




HTML CD