{Indho
indheyn wixii caalamka ka dhacay maalintaas kadib}
Waxaa diyaarisay; Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Waxaa adag waqtigan xaadirka ah in si
dhab ah loo qeexo cida loola jeedo waxa loogu yeeray argagaxisada balse
xaqiiqta dhabta ahina hadaan la istirey indhaha waa wax cad dadka magacaas
lugu shaabadeeyey.
Maanta oo kale shan sanno ka hor waxey aheyd maalin
caalamka nabad galyadeedii halis ku timid kadib markii diyaarado lugu
sheegay iney ahaayeen kuwo lugu doonayey in lugu bur buriyo awooda dhaqaale
iyo mid meleteri ee dalka sheegtay awooda dunnida ku dul qarxeen oo qasaaro
xoog leh geystay. Hadaba maalintaasi wixii ka dambeeyey marxalado kala duwan
ayey dunida la gashay, waxaana meesha ka baxay nabada yar ee la heystay. Iyadoo
maalintaasi kadib la iclaamiyey dagaal ka dhan ah waxa loogu yeeray
argagaxisada caalamiga ah.
Islaamka iyo dadkiisa oo toos loo abaaray
Iyadoo sida la sheegay dadkii
weeraradaasi geystay ay ahaayeen muslimiin u dhashay dalalka carabta ayaa
hadana dagaalka lugu qaaday argagaxisada waxaa madfacii ugu horeeyey ku
dhacay magaalada Kabul ee xarrunta u ah Afgaanistaan sidoo kalena hoy u
aheyd urrurka Al Qaacida ee Usaama Bin Laadin hogaamiyo. Intaas oo keliya
maahan dagaalka ka dhanka ah waxaa Mareykanku caalamka ku amray iney kala
doortaan labo arrimood waa tan hore ee iney isaga raacaan kuna taageeraan
dagaalkaasi iyo iney argagaxisada garabkooda ahaadaan taasina caalamka oo
dhan ay ku garab is taageen dagaalka aan u jeedadiisa la fahmin .
Durba Ciraaq ayaa loo yeelay iin lugu doonayey in
xukunka looga tuuro Saddaam Xuseen waxaa caalamka laga dhaa dhacsiiyey in 45
daqiiqo gudahood hub wax gumaada uu ku sameysan karro hadaan laga hortegin,
Caalamka oo markii hore si aan ka fiirsasho laheyn u taageeray ayaa hada dib
u gurasho duulaanka Ciraaq ka muujiyey.
Muran ba'an ayaa ka dhashay arritaasi ilaa ay gaartay
heer xoghayahihii hore ee arrimaha Dibada Colin Powell uu isagu shaqsiyan
yiraahdo anigaa arkay qatarta Saddaam Xuseen hubkiisa leeyahay ugu
dambeyntiina keentay in Mareykan isagoon ogolaansho ka heysan Gollaha loo
dhanyahay qaaday duulaan xukunka looga tuuray Saddaam Xuseen kumanaan kun oo
reer Ciraaq ahina lugu dilay hubkii qiilka laga dhigtay in Saddaam Xuseen ku
howlan yahay sameysasheeda ayaa la isweydiinaya meesheey yaalaan.
Sidoo kale dalka Sacuudiga oo kamid ah dalalka ugu horeeya ee saxiibka la ah
Mareykanka ayaa qaraxyo isdaba joog ahi kooxaha taageersan Alqaacida ku
hafiyeen. Amaankii guud ee gobolkana waxa uu galay halis. Waxaa sii dheer
Israa'iil oo amar buuxa loo siiyey iney duqeyso muddo bil ah koonfurta
Lubnaan iyadoo qiil ka dhigatay iney soo furaneyso askar laga af duubtay.
Iiraan oo haatan loo raadinayo qorshe lugu weeraro ayaa iyadana ah hadafka
Washington ee ka dhanka ah argagaxisada.
Safarada oo aad loogu adkeeyey dadka
Muslimiinta ah
Magacaagu
haddu yahay Muslin sida Muxamed iskadaba daa in luguugu yeero BIN FULAAN
waxaad tahay mushabah xirriir la leh kooxaha argagaxisada ah ama ugu yaraan
waxaad tahay nin taageera. Hadaadan taageerina waxaa si xayo darro ah
luguugu cadaadinaya garoonada reer galbeedka laga dhoofo meeshaad doonto
caalamka u soco e. Adeegyada guud ee bulshada ayaa sidaasi si lamid ah
cadaadis kaa saaran yahay, taasi macnaheedu maahan inaad tahay argagaxiso ee
waxaad tahay tahay Muslin muslinkoo dhamina waa wada argagaxiso.
Xorriyada oo iyagoo dhan laga xayuubiyey sidey doonaan uma dhaq dhaqaaqi
karaan sidey doonaan uma hadli karaan.Goobaha
lugu cibaadeysto ee masaajidada ayaa lugu dhejiyey
qalab lugu dhageysto waxa ay ka hadlayaan dadka muslimiinta ah.
Ihaano ka dhan ah Islaamka iyo
Muslimiintaba
Aflagaadooyinka bareerka ah ee
ummaddaha Islaamka lugula kaco ayaa ah kuwo joogto ah iyagoo magacii
islaamka ee Illaahey ka nasaqay wixii xumaato ah oo dhan ay ku sheegeen sida
"islaamiyiinta mintid-ka ah, asal raaca muslinka ah, kuwa mayalka adag ee
islaamka ah" ereyadaasi iyo kuwo kale oo kasii xun waa aflagaado ka dhan ah
Islaamka aan sida qotada dheer loo darsin ee ay tahay naceyb ku saleysan
xadaarad, diin iyo dhaqan soo jireen ah oo aan hada bilow aheyn. Xasuuso
hadalkii ugu dambeeyey ee Bush ku hadlay markii islaamka ku tilmaamay
"Fashiiste" taasoo cid ka dhiidhisa aan jirin ee dadyowga islaamka sheegta
ay qalbi furan ku soo dhaweeyaan kolka uu booqasho ku tago dalalkooda.
Sidoo kale taariikhda dib u raac Demark iyo aflagaadadeedi ka dhanka ahaa
Islaamka iyo muslimiinta ayaa gaaray heerkii ugu xumaa ee taariikhda
ummaddan Islaamka ku abtirsata soo wajahda. Koley wargeys xag jir ahi uu
sawiray kartoono fool xun oo ku sheegay iney yihiin Nabi Muxamed NNKH,
iyadana waxaa la ogaa caawib xumaddii ka dhalatay. Ugu dambeyntii iyadoo aan
qoraal lugu soo koobi karrin waxyaabaha ay reebeen dhacdooyinkii 11
septermber ayaa hadana jirin cid weli xaqiiqda wajahda oo ka hadasha dhibkan
isku badalay mid xadaaradeed iyo mid diimeed si uun loo xalin karaa.
11 Sepber iyo saameynta ay ku yeelatay
Soomaaliya
Mahadhadii 11 september ma ahan oo
keliya iney xag dhaqaale ku yeelatay Soomaaliya iyo xanibaadhii lugu soo
rogay shirkadii xawaalada Albarakaat ee waa mid si bareer ah ee ay ku
dhaqaaqeen calmaaniyiinta soomaalida sheegata ee gaalada caqliga xaday
kuwaasoo dilal ka dhan ah culimada Islaamka geystay. Hogaamiyeyaashii
dagaalka ayaa u kala baratamay sidey Mareykanka iyo laantiisa sirdoonka ee
CIA-da lacago uga qaadan lahaayeen dhoofinta culimada Soomaaliyeed,
aakhirkiina waxey la baxeen urrur ka dhan ah Argagaxisada, urrurkaasoo la
oran karro waxa uu ahaa mid soo dedejiyey kala dhantaalidoo awooda ay
ummadda ku dhibaateyn jireen 16 sanno.
Dowlada maqaar saarka ah ee aan Beydhaba ka bixin lafteeda waxey u tafo
xeydatay sidey u fulin laheyd shirqoolada qorsheysan ee ay wataan itoobiya
iyo Mareykanka, warbixintii ugu dambeysay ee amuurtana waxaa shaaca ka
qaaday wargeyska The Observer oo cadadkiisi shalay soo baxay ku daabacay.
Isku soo wada duuboo dhacdooyinkaasi iyo kuwo kale oo aan hadal iyo qoraal
toona lugu xusi karrin ayaa caalamka soo wajahday kadib weeraradii 11
september shan sanno ka hor lugu qaaday dalkaasi Mareykanka. Balse mida
hubaanti ah ayaa waxey tahay in siyaasada Ameerikaanka ee awood sheegada ah
iney abuurtay wax la yiraahdo Anti American oo naceyb iyo karaahiyo loo hayo
dhamaan wixii sheegta magaca dowladaas.
Inkastoo hadafka dagaalka ka dhanka ah argagaxisada uu ahaa siddii loo cirib
tiri lahaa Bin Laadin iyo urrurkiisa hadana waxaa cad in urrurka taageero ka
badan intii hore helay sidaasana aan awoodoodi lugu dhimin. Su'aasha ilaa
iyo iminka shan sanno kadib la isweydiinayo ayaa ah maadama maamulka Bush uu
dhaqaalo xoog leh oo aan caqliga galey uga baxay qorshaha dagaalkaasi GUUL
miyuu ka gaaray argagaxisada mise dhab ahaan waa ku FASHILMAY?
Afgaanistaan oo 200 Taalibaan lugu
laayey
Shan sanno kadib markii maamulka laga tuuray Taalibaan
ee ay halkaasi cagaha dhulka dhigteen ciidamada xulufada ah ayaa warar laga
helay meleteriga Nato ee halkaasi ku sugan sheegeen in ugu yaraan 200 oo
taalibaaniyiin ah ku dileen magaalada Kandahaar kadib marki weeraro culus ay
ku qaadeen goobaha ay ku sugan yihiin. Hadal kasoo baxay Taalibaan ayaa lugu
sheegay in dadka la laayey ay yihiin ay tahay dadka degan tuulooyinka
gobolkaasi balse meysan sheegin qasaaraha soo gaaray.
Tan iyo bishii meey ee sanadkan ayaa waxaa halkaasi ka
jiray iska horimaadyo u dhaxeeyey ciidamada Nato iyo Taalibaan. Jeneraalka
hogaaminaya Nato ayaa awooda iska caabinta ah waxa uu ku tilmaamay kuwo
aysan filaneyn marnaba una baahan in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah
Taalibaan.Waxaa diyaarisay; Ikraam
Cali-kaar
Gothenburg- Sweden
ikraam@journalis.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga
ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 12, 2006